“1-1 waa natiijo noo fiicnayd” – Wenger oo ka hadlay barbarihii Manchester United

0
317

waaxa qorey yaasir br

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay barbarihii kooxdiisu ay galabta lagashay kooxda Man United oo ay marti u ahaayeen.

Wenger ayaa sheegay in natiijada 1-1 ay ahayd mid u wanaagsan kooxdiisa maadama hogaanka looga haayay hal gool ilaa daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta.

Arsene ayaa intaa ku daray in kooxdiisu aysan sifiican u ciyaarin 20-kii daqiiqo ee ugu horaysay qaybtii dambe, wuxuuna qiray in United ay u qalmeen inay qabtaan hogaanka.

“Natiijada 1-1 waa mid u wanaagsan dhankeena waayo gool ayaa nalooga hogaaminayay ciyaarta ilaa daqiiqadihii u danbeeyay” ayuu yiri Wenger.

“Aad ayaan u dhibtoonay 20-kii daqiiqo ee ugu horeeyay qaybtii dambe, wayna u qalmeen inay hogaanka u qabtaan ciyaarta”.

“In ciyaartu ay ku soo idlaato barbaro xili nalooga hogaaminayay hal gool, waxay kaa dhigaysaa mid faraxsan haba yaraatee”.