Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL, Gaashaanle sare Axmed Cali Maygaag waxa uu tacsi u dirayaa Guud ahaan shacbiga Somaliland iyo Ehelkii uu ka baxay Xaaji Daahir

0
1291

JAMHUURIYADA SOMALILAND
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

TACSI

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL, Gaashaanle sare Axmed Cali Maygaag oo ku hadlaaya afkiisa ka Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenada, Aliflayda, dablayda, iyo guud ahaan ciidanka illaalada madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii Ehelkii, Asxaabii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Aw Ducaale oo ku geeriyooday Boorama 30/08/2015.
Taliyuhu waxa uu marxuumka alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo, suaasha qabrigana u fudaydiyo marxuumka una denbi dhaafo Qoyskii, Qaraabadii Ehelkii, Asxaabii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

TALIYAHA CIIDANKA ILAALADA MADAXTOOYADA JSL
GAASHAANLE SARE AXMED CALI MAYGAAG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here