10ka Xiddig Ee Maaliyadooda Loogu Iibsasho Badan Yahay Premier League Oo La Shaaciyay & Rooney Oo Ka Maqan

0
401

Horyaalka Premier League waxaa ka buuxa xiddigo magac weyn leh, xilli ciyaareedkana kama duwana. Iyadoo ay xagaagan ay yimaadeen horyaalka xiddigaha sida Zlatan Ibrahimovic, Paul Pogba, Shkodran Mustafi iyo David Luiz taageerayaasha ayaa ah kuwa ku faraxsan xiddigahooda cusub.

Dabcan lacagta badan ee lagu qarashgareeyay saxiixyada, waxa ay sidoo kale keeneysaa in taageerayaasha ay iyagana lacago badan ku qarashgareeyeen inay iibsadaan maaliyada xiddiga ay ugu jecel yihiin.

Laakiin waa kuwee ciyaartoyda Premier League ee maaliyadooda loogu iibsasho badan yahay? Wargeyska The Sun ayaa kala sheekeysatay Sports Direct 10ka xiddig ee maaliyadooda loogu iibsasho badan yahay Premier League.

10 – Marcus Rashford – Manchester United

Waxaa loo arkaa rajada weyn ee xigta ee xulka England iyo kooxdas Red Devils, Rashford ayaa si weyn u soo jiitay taageerayaasha inkastoo uu kulamo tirsamaya u ciyaaraya United.

9 – Eden Hazard – Chelsea

Hazard ayaan sidii hore caan uga dhex aheyn taageerayaasha Chelsea, laakiin weli waxa uu ka mid yahay xiddigaha waa weyn ee Blues ee maaliyadooda sida weyn loo iibsanayo.

8 – Dimitri Payet – West Ham

Cidna ma aysan filaneynin in Payet uu noqdo mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Premier League markii uu ka imaanayay France bilowgii xilli ciyaareedkii hore. Inuu kaalinta 8aad kaga jiro xiddigaha maaliyadooda loogu iibsiga badan yahay ayaana ka dhigeysa xiddig weyn oo ka dhex muuqda horyaalka.

7 – Sadio Mane – Liverpool

Sadio Mane ayaa wacdarro u dhigaya Liverpool tan iyo markii uu 30 milyan ginni uga soo wareegay Southampton. Waxa uu durbaba boos ka xaqiijistay shaxda Liverpool waana xiddig ay jeclaadeen Jurgen Klopp iyo taageerayaasha Reds.

6 – David De Gea – Manchester United

Kaalinta lixaad ayuu kaga jiraan liiskaan waana goolhaye taasoo ka tusineysa sida xiddigaan looga jecel yahay Manchester United, waana goolhaye si weyn u heysta taageerada jamaahiirta kooxda.

5 – Philippe Coutinho – Liverpool

Waa xiddiga labaad ee Liverpool oo ku jira liiskaas, awoodiisa gooldhalin iyo guulaha uu kooxda u keenay ayaana ka dhigtay inay jeclaadaan jamaahiirta Liverpool. Waana mid ka mid ah xiddigaha ugu kubada qurxoon ee ka ciyaara Premier League.

4 – Mesut Ozil – Arsenal

Ninka caawin kara cid walba ayaa kaalinta 3aad ka soo galay dhanka maaliyad iibsashada.Xiddiga Jarmalka ayaana ka mid ah xiddigaha loogu jecel yahay kooxda Gunners.

3 – Alexis Sanchez – Arsenal

Xaqiiqda ah in Sanchez uu maaliyad bedeshay oo uu xirtay maaliyada No. 7 xilli ciyaareedkan ayaa la micno ah in taageerayaasha Gunners inay iyagana u soo raaceen lambarkiisa cusub xiddiga reer Chile. Waxa uu weli yahay xiddiga maaliyadiisa loogu iibsasho badan tahay kooxda Arsenal.

2 – Zlatan Ibrahimovic – Manchester United

Isagoo si xor ah ku yimid xagaagii, waxaa jiray walaac laga qabay in Zlatan uusan ku haboonaan doonin Premier League. Afar gool uu horyaalka ka dhaliyay ka dib waxa uu meesha ka saaray shakigii laga qabay tayadiisa iyo da’diisa.

1 – Paul Pogba – Manchester United

Ma cid kale ayaa noqon kartay No. 1? Marka ay kooxdaada ku jabiso rikoorka suuqa kala iibsiga, waa qasab inaad lacagtaas inteeda badan ku soo celiso maaliyadaha aad suuqgeyneyso. United ayaana rajeyneysa in Pogba uu kaalinta koowaad ku sii jiro muddo dheer.