12 sanno iyo dib u dhac doorasho oon waxba laga baran ! W/Q C/casiis cali cadaani

0
510

12 sanno iyo dib u dhac doorasho oon waxba laga baran ! W/Q C/casiis cali cadaani

Qormadani waxay bilow u noqon dontaa qoraalo koob kooban oo aynu dib ugu milicsan doono taariikhdii dhawayd ee Somaliland , Muranadii doorashooyinka , sidii loo maareeyey , iyo sida aynaan waxba uga baran khalad walba oo dhacay 15kii sanno ee u dambeeyey

April 2003 Somaliland waxay ku guulaystay in ay qabsato doorashadii madaxtooyada taasi oo ahayd markii u horeysay taariikhda Somaliland laga agaasimo tartan shacabku ku dooranayaan hogaanka dalka ugu sareeya Taasi oo hal talaabo u jirsiisay dhamaystirka nidaamka dimquradiyada .

Ka dib doorashadii madaxtooyada, talaabada kaliya ee Somaliland uga hadhsanayd in ay dhamaystirto hanaanka dimquradiyadeed waxay ahayd in la helo gole sharci dajineed oo ku imaada codka shacabka , arintaasi oo noqotay bartilmaameedka kaliya ee shacabka iyo dawlada somalilandba leeyihiin madama ay si xarago leh uga soo gudbeen aftidii dastuurka , asaasitaanki hanaanka xisbiyada badan , doorashadii golaha degaanka iyo doorashadii madaxtooyada .

Sidaasoy tahay Dadaalka ay somaliland ugu jirto in ay dhisto dimquraadiyad dhamaystiran waxa si is-daba joog ah uga hor imanayeye haliso soo baxayeye labadii sano ee ku xigay doorashada madaxtooyda 2003, taasi oo ay ugu waynayd qabsoomida Doorashada gollaha wakiilada oo markii hore ballantu ahayd in la qabto badhtamihii 2003dii oo dib loogu dhigay ilaa horaantii 2005 wallow wakhtigii doorashada la kordhiyay haddana may cadayn xalka rasmiga ah ee laga gudbayo carqaladaha doorashada ka hor taagan in ay wakhtigeeda ku qabsoonto

Carqaladaha ugu wawayn ee doorashada golaha wakiladu u qabsoomi wayday 2003dii waxay ahayd 1) dhamaystir la,aanta qanuunka doorashada 2) muranka saami qaybsiga kuraasta 3)tirakoob rasmi ah oo aan lagu hayn tiradada dadka ku nool gobolada Somaliland iyo 4) diwaangalin codbixiyeyaal oo aan jirin . Dhamaantood oo isbiirsaday waxay noqdeen caqabad adag oo hor taala qabsoomida doorashada golaha wakiilada Somaliland .

Gudi hoosaadkii barlaamkii hore u xilsaaray xal u helida qanuunka doorashadu wax natiijo ah ma soo kordhin wakhtigii doorashada loo qoondeeyeyna maalinba maalinta ka dambaysa waa isa soo tarayey.

August 2004 ayuu madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale ku mudeeyey taariikhda doorashada golaha wakiiladu in ay noqoto 27 march 2005 mudadaas oo u muuqatay in ay ahayd mid ku filan xal u helida dhamaan caqabadaha jira , Hase yeeshee gudomihii golaha wakiilada ee wakhtigaasi Axmed Aadan Qaybe (AHN) oo ay u muqatay in golaha wakiiladu anay xal u heli Karin dhibatooyinka ku gadaaman ayaa waxa uu codsi u gudbiyey Akaadamiga Nabada iyo horumarinta si ay uga caawiyaan soo samaynta qaynuun doorasho oo lagu qanci karo , Nasiib wanaag Akadmiyadu iyagoo ka faidaysanaya lacago tageero ah oo ay ka heleen safaarada ingiriiska ee itoobiya waxa ay soo shukaamiyeen oo ay dalka keeneen khabiir ku takhasuusay qorista qanuunka doorashooyinka oo magaciisa la idhaa Rubin Zamora una dhashay dalka Salvador . Zamora wuxuu dalka imid Novermber 2004 waxaanu hore ka bilaabay hawsha qorista qanuunka doorashada barlamaanka isaga oo la tashanaya dhinacyada ay khusayso arintaasi .

27 December 2004 ayuu Mr Zamora qoraal qanuun dorasheed oo hordhac ah u soo gudbiyey golaha wakiilada si ay u naaqishaan Hasa yeeshee qoraal qanuuneedkaasi wuxuu markiiba isku rogay furin dagaal waxaana ganafka ku dhuftay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada waxaanay hor seeday in goluhu laba garab u kale qaybsamo taasoo sii kordhisay muranadii hore golaha uga aloosnaa.

Si kastoo xaal ahaadaba January 2005 ayuu madaxwayne Daahir rayaale hadal ka jeediyey golaha wakiilada isagoo ku canaantay dib u dhaca qanuunka doorashada Iyo muranka golaha hadheeyey Waxaanu ka codsaday in ay todobaad gudihii qanuunka doorashada ku soo ansixiyaan si ay suurto gal u noqoto qabsoomida doorashada golaha wakiilada mudadii logu talo galay oo ahayd 27 march 2005.

Golaha wakiiladu iyaga oo ka jawaabaya codsigaas madaxwaynaha ayaa waxay ay ansixiyeen qanuunkii doorashada iyaga oo raaciyey lifaaqyo yaab iyo amakaag ku noqday dadwaynaha , xukumada iyo komishankii dorashooyinka Lifaaqyadaasi waxay dhigayeen in dhamaan dadka somaliland ku nool tirakoob rasmi ah lagu sameeyo iyo in la qabto diwaangalinta codbixiyeyasha ka hor intaan doorashada baarlamaaka la qaban arintaasi oo ka dhigaysay mid aan surto gal ahayn in doorashada lagu qabto taariikhdii loo balamay oo ahayd 27 march 2005 . Arintani waxay cirka ku sii shareertay xaaladii siyasadeed ee wakhtigaasi waxaanay mugdi galisay rajadii ahayd in dorasho wakhtigeeda lagu qabto , dadwaynaha iyo warbaahinta ayaa aragtiyo kale duwan ka muujiyey go,aanka golalaha wakiilada waxaana ku dhacday shaambad doorasho diid ah iyo in aanay rabin in ay kuraasta baneyaan , waxaana diirada la wada saaray golaha guuritida iyo siday arintan u wajahaan.

wuxuu xaalku sidaas ahaadaba 5 febaury 2005 ayey golaha guurtidu si lama filaan ah iyaguna qalinka ugu dugeen oo ay ansixiyeen qanuunki muranka dhaliyey ee golaha wakiladu u soo gudbiyeen , yaab iyo af kale qaad kale ayey ku noqotay shacbigii arintani waxaanay si rasmi ah u xaqiijisay in dooraasho anay dhici doonin wakhtigii loo qondeeyey

wakhtiga muranadaasi dhacayaan waa bil ka hor mudadii ay ku dhamaanaysay 2dii sano ee loo kordhiyey golaha wakiilada , waa 2dii sano ee logu talo galay in caqab walba lagu xaliyo , in caqabad xal laga gaadho iska dayee waxa abuurmay boqolaal caqabadood oo kale waxaana si rasmi ah meesha uga baxday in doorasho la qabto 27 march 2005 labaddii sanno ee loo kordhiyeyna waxay ku dhamadeen muran iyo is qabqabsi iyada oo aan hal xeer xitaa la ansixin

Aynu u soo noqono tan iyo maanta ee (2015) 12 sanno ka dib wali waxa ina hor taagan caqabdii 2003dii doorashada dib u dhigtay , 2003 waxa cabanayey xildhibaanada ka soo jeeda beelaha darafyada , isla 12 sanno ka dibna cabashadii wali waa tagan tahay . 2003 waxa la lahaa tirakoob iyo diwan galin ma jirto isla 12 sanno ka dib xaalku waa sidii cidna lama tiro kobin , cidna lama diwan galin sow taas micnaheedu maaha 12 sanno oo khasaare ah ayeynu ka soo gudubnay !

Qormooyinka soo socda waxaynu ku soo qaadan donaa , siduu ku abuurmay qaanunkii dorashadii 2005 lagu galay , kordhintii saddexaad ee golaha wakiilada , doorkii madaxwayne daahir rayaale iyo ifafaalaha muuqda ee 2017 iyo 2005 ay isaga midka yihiiin.

Cabdicasiis cali cadaani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here