13 Bisha November 2017 Somaliland Waxay U Dareertay Sidii Ay U Calman Lahaayeen,Madaxweyne Cusub Oo Sinaan Iyo Cadaalad Ku Hogaamiya Bulsha Weynta Somaliland,Maadama Oo Gadhwadeenkii Barakaysana Ee M,Axmed Siilaanyo Xilkiisi Ka Dhamaaday

0
603

13 Bisha November 2017 Somaliland Waxay U Dareertay Sidii Ay U Calman Lahaayeen,Madaxweyne Cusub Oo Sinaan Iyo Cadaalad Ku Hogaamiya Bulsha Weynta Somaliland,Maadama Oo Gadhwadeenkii Barakaysana Ee M,Axmed Siilaanyo Xilkiisi Ka Dhamaaday

Ugu Horayn Waxaan Doonaya Inaynu Isla Fahano Maxaynu Doorashada U Gelayna,Waa Inuu Qofku Yeesha Hadaf Goan,Oo Ah Inuu Hello Cidii Uga Dhabayn Lahayd Himiladiisa,Iyo Hiigsigiisa,Dalkiisuna Gaadho Bash,bash Iyo Barwaaqo,Balse Shacabka Somaliland,Way Khalad Fahmeen,Qof Waliba Ololaha Kohor Waxaa U Sii Calaamdsana,Cida Uu Codkiisa Siinaayo,Haku Raaco Qabiil,Ama Danwadaag Kale,

Dhalinyaradii Qofba Meel Ayaa Lagu Xidhay,Mid Walba Wuxuu U Jibooday Qof Aanu Garanayn,Labadii Jaamacada Wada Dhiganayey Ayaa Is Nacay,Wejiga Isama Siin Karaan,Qof walba Dagaalbu Galay,Lana Garanmaayo Ciday Is,hayaan,Mid Waliba Waxuu Qalbigiisa Gashtay Guul,AMA Dhimashaan Ka Xiga,

Nasiib Daro 6 Qof Oo Dan Leh Ayaa Dadweynaha Midba Geed Ku Laalay,Isagu Kursibuu Doonaya,Balse Codeeyuhu Muxuu Doonaya,
Maxaa Sabab U Ah In Caqligii Iyo Aqoontii 6 Milyan Oo Qof Ay Maamulaan 6 Qof Oo Dan Gaara Leh,Oo Sida Geamka Maskaxdeena Ku Cayaaran,Ma Inaga Waalan Mise Cadanba Laga Heesaya,,

Hadii Qofka La Weydiiyo Ninkan Aad Taageersan Tahay Maxaad Ka Helaysa,Garan Maayo,Wax Caqli Gala Oo Uu Ku Sifeeyo,Taasi Waxay Makhraati Ka Tahay Inaanay Somaliland Gaadhin Wakhti Doorasho Iyo Olole Gasho, Horta Waa In Dadka La Diyaariyaa Si Ay U Bartaan Qaabka Wax Loo Xusho,

Naftaada Canaano
Mid Waxaan Leeyahay,Filkay,Waxaynu Burburinay,Gaadid Dawladeed,Xafiis Laynoogu Adeego,Maal Nin Leeyahay,Berri Ka Maalin Laga Yaaba Xafiiskaad Khasaaraha U Geysatay Inaad Hoos Fadhiisato Oo Aad Ka Shaqayso,Isweydii,Yaa Leh Waxan Aad Burburinayso,

Dhalintii Gar Iyo Gardaraba Ku Dhimanay,Nimaan Inoo Furi Doonin Yaanu Inoo Rarin,Cashar Hayno Noqoto Curadadii Aynu Sabab La,aanta Ku Weynay,Cidi Inooma Ogsoona Inay Qaar Inaga Dhinteen,

Talo Ku Socota Madaxda Dawlada

Mudanayaal Iyo Marwooyin,Waxaanu Garawsanahay Inaad Dalka Horumariseen,Nabada Salka U Dhigeen,Adeegyadii Bulshada Noo Dhamaystirteen,Hadana Waxaa Jira In Kabadan Waxaad Noo Qabateen Oo Hagar,Daamo Ah Taas Oo Aad U Geysateen Bulshada

Mudane Madaxweyne Waxaan Kugula Talinaya Inaad Samayso,Gudi Ka Shaqaysa Sidii Bulshada Loo Bari Lahaa,Qaabka Madaxda Loo Xusho,Iyo Waddaniyada Way Tiro Yartahay Inta Kugu Dooratay Barnaamij Siyaasadeedkaaga Balse Inta Kale Jibo,Ayey Kugu Doorteen,Talaabada 1aad Ee Aad Qaado Hanoqoto Sidii Bulshada Loo Dareensiin Lahaa Inay Siyaasiga Iskaga Dhow Yihiin,Waayo Iyaga Is Xaal Og,

Mahadsanid,
WQ, Abdirahmaan Tiriike

Somaliland
Burco
252 4300826/252 9324073