13 naadi oo EPL ka dhisan ayaa laacibiin uga maqan yihiin Koobka Qaramada Afrika (Waa kuwee waase imisa kooxdiiba?)

0
298

Waxaa shalay oodda laga rogey Koobka Qaramada Afrika dufcaddiisa 2017 oo sanadkan markale lagu qabanayo dalka yar ee saliidda leh ee Gabon.

Yeelkeede, waxaan koobkan ku farxi doonin kooxo badan oo reer Yurub iyo meelo kalaba ka dhisan oo laacibiin muhim ah ku waynaya tartanka laba-sanadlaha ah.

Tusaale ahaan dhanka EPL ilaa 13 kooxood ayaa laacibiin ku waayaya tartankan, iyadoo kooxaha ugu darani ay yihiin Stoke, Sunderland iyo Leicester oo min 3 ay kaga maqan yihiin.

Haddaba, hoos ka eeg laacibiinta ay kooxaha EPL u dirayaan KQA 2017:

Arsenal: Mohamed Elneny, Egypt.
Bournemouth: Max Gradel. Ivory Coast.
Crystal Palace: Bakary Sako, Mali, Wilfried Zaha, Ivory Coast.
Everton: Idrissa Gueye, Senegal.
Hull: Ahmed Elmohamady, Egypt, Dieumerci mbokani, Congo.
Leicester: Daniel Amartey, Ghana, Riyad Mahrez, Algeria, Islam Slimani, Algeria.
Liverpool: Sadio Mane, Senegal.
Manchester United: Eric Bailly, Ivory Coast.
Southampton: Sofiane Boufal, Morocco.
Stoke: Wilfried Bony, Ivory Coast, Mame Biram Diouf, Senegal, Ramadan Sobhi, Egypt.
Sunderland: Wahbi Khazri, Tunisia, Lamine Kone, Ivory Coast, Didier Ndong, Gabon
Watford: Nordin Amrabat, Morocco, Adlène Guedioura, Algeria.
West Ham: Andre Ayew, Ghana, Cheikhou Kouyate, Senegal.