20/11/2015, Maalinta Caruurta Aduunka… Caruur Ciiday iyo Kuwa Ciilan!

0
876

20/11/2015, Maalinta Caruurta Aduunka… Caruur Ciiday iyo Kuwa Ciilan!

– Maalintaas oo kale 61 Sano kahor “1954” oo ku beegnayd 2 cisho kahor waxaa la isla gartay in 20 Nov ay noqoto maalin loo aqoonsado maalinta caruurta Aduunka

– Da’da caruurnimada ayaa inta badan la isku raacsan yahay in ay tahay wixii kayar 18 Sano

– Xuquuqda Caruurta ayaa lagu sheegaa in ay kamid tahay in ay helaan Daryeel caafimaad, Waxbarasho, Biyo nadiif ah , Goobo Cayaareed, iyo in aan lagu faquuqin, “midab, isir, diin iyo naafo-nimo”

– Diinteena Suuban ayaa sidoo kale xaqa ilmuhu kugu leeyahay ku sheegtay in aad u doorto Hooyo/Aabo wanaagsan, in aad u bixiso magac bilan iyo in aad diinta barto.

– Sidaas oy tahay walaw dunidu afgobaadsi ka dhigatay in Xuquuqda caruurta la ilaaliyo hadana waxaan daah saarnayn sida ubadka qaarqood daafaha dunida ula darseen dar xumo, diif iyo dalanbaabi

– Waxaan shaki ku jirin in caruurta qaarkood ciil iyo ciirsi la’aan la jiifaan halka qaarna dherag la dheeldheelinayaan

– Ma waayaha dabray ma dalka ay ku noolyihiin baa dilay mise ayaamaha uurxumo ku ababshay?

– Cod dheer baan kaga cabanaya caruuraha Ciiday iyo kuwa Ciilan ee hadana Caalamka ku wada Cawaynaya!