Maxaad kala socotaa isbedelka maamul iyo shaqo ee ku yimid Dawlada Hoose ee Hargaysa intii uu joogay xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose .

0
387

Maxaad kala socotaa isbedelka maamul iyo shaqo ee ku yimid Dawlada Hoose ee Hargaysa intii uu joogay xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose .

Ibraahim Axmed Raabi  Waa Xoghayaha cusub Dawlada Hoose ee Hargaysa waxaa la magacaabay bishii March,  2015. sanadkan sii dhamaanaya , waa aqoonyahan ku xeeldheer maamulka iyo socodsiinta hawlaha shaqo xaafiiska u masulka ka yahay , waa nin u dhashay karti , aqoon, daacadnimo, iyo walibahufaan shaqo .

Intii  uu joogay Dawlada Doose ee Hargeysa waxaa ka dhashay isbedel la taabankaro sid dhinacyada Saacadaha shaqada, socodsiinta hawlmaalmeedka shaqo xafiiskiisa iyo xafiisyada agaasimayasha waaxyaha Dawlada Hoose  iyo laamaha Degmooyinka  Hargaysa, taasoo laga helikaro xafiiskiisa Ilaa  2:00 (pm) duhurnimo. taas oo ah mid waafaqsan sharciga shaqaalaha Dawlada iyo ku haayadaha madaxabanaan  oo ah tusaale fiican oo lagaga dayankaro wadanka oo dhan , waxaa la dareemi karaa korodhka miisiyada Dawalada Doose soo gatay ama soo iibsaday  dhawaan qalab casri ah oo ku kacay qiiimo aad u badan taasoo fudaydin doonta shaqada ay bulshada u hayso Dawlada Hoose ee Hargeysa.

Sidoo kale Dawlada Hoose ayaa noqotay mid si degdega u bixisa kharashaadka Haayada Dawlada iyo kuwa madaxa banan ee wada shaqaynta leeyihiin mudadii yarayd ee joogay xoghayaha cusub  ee Dawlda Hoose ee Hargeysa si ka dhakhso badan sidii hore .

Dhinaca kale waxaa si sahlan loo fudadiyey faylasha Guryaha cusub iyo jeexista taaso awalhore wastobadan geli jirtay qofka aan aqoonta u lahayn waqti badani kaga lumi jiray dabacodka faylkiisa halka imika qofkasto si sharciya u socda uu dhamaysankaro hawshiis si bilaa laaluush ah oo sharciga

waafaqsan oo degdeg ah taasoo ah calaamad muujinaysa hufnaanta shaqo iyo maamul ee DawladaHoose Hargeysa.Ururinta cashuuraha Dawlada Hoose oo ka  firficoon sidii hore loogu yaqaaanay oo dadwaynaha la siiyey wacyigalin ku filan taasoo sababtay in si buuxda dadku u bixiyaan cashuuraha ku waajibay.iyadoo maalmahan ay socdaan hawlo jidadka lagu banaynaayey oo la furay wadooyin xidhnaa iyo kuwa ladegayba.

Sidoo kale shaqaalaha dawlada hoose ayay shaqadadoodu iyo niyadsamaantoodu  kor u kacday kadib markii ay arkeen nimaadka iyo kala danbaynta iyo awoodsiinta qofwalba shaqada uu hayo Dawlada Hoose ee Hargaysa.

Sidoo kale waxaa ka muuqda hogaanka  Dawlada Hoose dhamaan sida Maayirka iyo M/xigeenka. Xoghayaha , Shaqaalaha ,iyo dhamaan Golaha Deegaanka oo runtii aad moodo in bilihii u danbeeyey waa cusubi u beryay marka la eego sida firficoon ee ay shaqada u wadaan taasoo soo celinkarta kalsoonida shacabka ku qabo Dawlada Hoose ee Hargeysa.

Taasi hadii ay sii socoto waxaa dhalankartaa in Dawlad Hoose noqonkarto meel lagaga daydo maamul wanaaga iyo horumarka  (Good governance, leadership and development ) isla markaana dadwaynaha gaadhsiin kara dhamaan adeegyada faraha badan ee bulshada Hargaysa uga fadhido Dawlada Hoose.

.W/Q: Mahad CIISE Xirsi (Boss).

sulub@hotmail.com.Tell: *4479513*