Wafti Uu Hogaaminaayey Ururka Horumarinta Deeganada Cadaadlay iyo Sabawanaag Ee Khayre 21 Oo Soo Kormeeray Mashaariic Horumarineed Oo Laga Waday Degmada Sabawanaag

0
739

Wafti Uu Hogaaminaayey Ururka Horumarinta Deeganada Cadaadlay iyo Sabawanaag Ee Khayre 21 Oo Soo Kormeeray Mashaariic Horumarineed Oo Laga Waday Degmada Sabawanaag

Hargeysa(warsugannews)-Wafti balaadhan oo ay hogaaminaayeen Masuuliyiinta sare ee Ururka horumarinta Deegaanka Cadaadlay iyo Sabawanaag ee Khayre 21 ayaa kormeer ku gaadhay mashaariic horumarineed oo laga waday meelo kamida degmada Sabawanaag

Waftiga oo ay weheliyeen Suldaanka guud Beesha Bariga Hargeysa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey , Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaahi iyo xubno kale oo kamida haldoorka iyo aqoonyahanka deegaanka Cadaadlay iyo Sabawanaag ayaa waxa ay arooryadii hore ka jarmaadeen Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyagoo isla markaasina kormeerkooda ka bilaabay dugsiga boodhinka ah ee Qoton iyagoo isla markaasina halkaasi ay si weyn ugy soo dhaweeyeen Maamulka iyo Macalimiinta Boodhinka Qoton iyo Madaxda sare ee Ururka Tabantaabo oo isagu gacanta ku haya Dugsigan.

Waftigan oo u kuurgalaayey sida ay u socoto hawlaha waxbarasho ee dugsigan ayaa intii ay ku sugnaayeen dugsiga waxa warbixin kooban kasooyey Maamulka iyo macalimiinta Dugsiga iyo Masuuliyiinta Ururka tabantaabo oo isagu gacanta ku haya hawlaha Dugsigan Boodhinka ah ee qoton iyagoo isla markaasina uga waramay sida ay u socoto hawlaha Dugsigani iyo sidoo kale waxyaabaha muhiimka ah ee dugsigani u baahan yahay in lagu soo kodhiyo.

Waftiga ayaa iyana dhinacooda balanqaaday in ay Ururka Khayre 21 ahmiyad weyn sii doono sidii uu wax ula qaban lahaa ardayda waxku barata dugsigan, iyagoo isla markaasina hore kasii waday kormeerkoodii
Waftiga ayaa sidoo kale arooryadii hore ee saaka booqday Tuulada Bali Kaliil iyagoo isla markaasina soo kormeeray. Dugsiga Boodhinka ah ee Dalaayad School oo ah dugsiga ugu weyn uguna ardayda badan ee kuyaala degmada Sabawanaag iyagoo isla markaasina ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Maamulka iyo Macalimiinta dugsiga iyo hogaanka sare ee Ururka Sooryo oo ah ururka isagu gacanta ku haya hawlaha horumarineed ee dugsigan Dalaayad .

Warbixin dheer oo Waftigu ka dhagaystay Maamulka Dugsiga iyo Masuuliyiinta Sare ee Ururka Sooryo kadib waxa Waftiga lagu sooryeeyey Casuumad balaadhan oo Quraac Sharafeed ah oo ay Ururka Sooryo iyo Dadweynaha deegaankani kaga dareen celiyeen booqashada iyo u kuurgalka Waftigani dadaalka ugu jiraan baahiyaha dewgaanka Sabawanaag.Kadib markii ay Waftiga soo dhamaysteen kormeerkii iyo casuumadii deegaanka Bali Kaliil waxa ay usii dhaafeen xarunta degmada Sabawanaag iyadoo isla markaasina si weyn loogu soo dhaweyey Waftiga

Waftiga ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Maxamed Axmed ee xarunta Degmada Sabawanaag waxa ay kormeer ku gaadheen goobta laga wado Cusbitaalka guud ee Degmada Sabawanaag oo uu dhawaanta dhagax dhigay Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Hargeysa Iska markaasina ah Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray

12592494_1011206165619405_8619522158068943032_n

12631333_1011206245619397_3377426569867603052_n

12642677_1011206362286052_7716615970027175769_n

12647206_1011206505619371_5809618378582227100_n

12659699_10208682080598207_1828281676_n

12660309_10208682080678209_263873390_n

12669453_1011205915619430_5058589537663174929_n

12669500_1011205272286161_524541578208867214_n

12670263_1011205562286132_2459106721449344382_n

12687822_1011207058952649_6656729003598897978_n

12687995_1011205515619470_8828238393724204780_n