36 GUURADA DILKII KORNEYL CABDILLAAHI XAAJI SACIID 27 JANUARY 1982: DHINBIISHII HURISAY HALGANKII HUBEYSNAA EE SNM January 24, 2018 – Written by Berbera Today

0
1110

36 GUURADA DILKII KORNEYL CABDILLAAHI XAAJI SACIID 27 JANUARY 1982: DHINBIISHII HURISAY HALGANKII HUBEYSNAA EE SNM

Maalin Arbaca ahayd 27kii Bishii Jenweri 1982kii waxaa si waxashnimo ahayd uu General Maxamed xaashi Gaanni oo dad qalkii Maxamed siyaad Barre ay isku reer Ahaayeen uu ugu Dilay Meesha la yidhaahdo Dharkayn-geenyo oo ka Tirsan Gobolka Sool Koroneyl Cabdillaahi Xaaji Saciid Cabdi oo ka mid ahaa Saraakiishii ugu Aqoonta Roonaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Yusuf Cabdi Xasan {yusuf Weyne} wuxuu ahaa laba Xiddigle Ka tirsanaa Guutadii uu Cabdillahi Taliyaha u ahaa ee Degeneyd Dharkayn-geenyo , wuxuuna Yusuf Weyne goob joog u ahaa Dilkaasi wuxuuna Yidhi isagoo Xusuusta uu Xusuustay Falkaasi ay Tiiraanyo ka muuqatay ;” Korneyl Cabillaahi Xaaji Saciid Cabdi oo Burco u Yimid Arooska walaalkii Garsoore Sare/ Maxamed Xaaji Saciid Cabdi ayaa Generall Gaanni Taliyihii Qaybta 26aad uu Amar ku soo bixiyay in Cabdillaahi Tago Dharkayn-geenyo , markii uu tegeyna iyadoon wax Denbi ahi jirin ayuu Amray Generaal Gaanni in Saraakiil uu soo diray oo maxkamad lagu sheegay ay Maxkamad ku saaraan Cabdillaahi Goobtaasi . Markii ay Maxkamad ku-sheegu socotay dhawr Maalmood ee wax denbi ah sheegeen inaanay ku hayn Cabdillaahi ayuu Generaal Gaanni soo Fadhiistay Foonyaha Guutada wuxuuna Bixiyay Amarkan oo Askarigii Isgaadhsiintu ka qoray : Waaryaa Korneyl Cismaan Xasan Maraaya {waa Sarkaalkii guddoominaayay maxkamad ku sheeggii Ciidanka} Kii ugu madaxa weynaa {waa korneyl Cabdillaahi Xaaji saciid} iyo kii aan idhi gadhka Xiir {waa Kabtan/Daahir Maxamed} Fasax Dheer Siiya, Wallaahi Haddii kale idinkaa fasax dheer geli doona . Cismaan Xasan Maraaya intuu goobtii ku soo noqday ayuu amray in maxkamaddu Xidhantahay isla markaana Koofiyad castii Gaanni oo uu wateyna ku amray inay Gawaadhid Fuulaan oo soo qaadaan Cabdillaahi Xaaji Saciid Iyo Daahir Maxamed . Markay Xeradii guutada kala fogaadeen ayay geed ku xidheen oo toogteen Korneyl Cabdillaahi Xaaji Saciid Cabdi iyo Kabtan Daahir Maxamed . Aniga oo Yusuf Weyne ah ayaa Yimid goobtii oo ay ka yaaceen Koofiyad castii iyo Kuwii maxkamadda Sheeganaayay , kadibna Cabdillaahi Xaaji Saciid oo geedkii lagu toogtay ku xidhan ayaan xadhigii ka furay oo saacaddiisiina ka furay isaga iyo Daahir . Arrinku wuxuu ahaa Dil qorsheysan oo siyaasad ahaa oo badheedh uu u fulinaayay general Gacan Ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaanni oo wax alla wax denbi ah oo lagu soo Oogay oo lagu helay Aanay jirin Saraakiishaasi . waxaa jiray qorshe Rejiimkii Siyaad Barre doonaayay inuu ku laayo saraakiisha ugu geesisan ee Somaliland u dhashay laakiin dilkaasi Cabdillaahi Xaaji Saciid Cabdi wuxuu keenay inuu Digniin u noqdo Saraakiishii kale. Afar Maalmood ka dib Dilkaasi waxaa Ethiopia u tallaabay Saddexdii sarkaal ee ugu horreeyay SNM oo kala Ahaa Alla Ha u naxariistee Mujaahid Korneyl Adam Shiine iyo Korneyl Axmed Dhagax iyo Mujaahid Kornyl maxamed kaahin Axmed oo isagu Nool. Waxaa ku xigay Kornel Muuse Nadiif iyo Mujaahid Madax-Diin , iyo Korneyl Adam Saleemaan oo Saddexduba Shahiideen . waxaa ku soo xigay alla ha u naxariistee Korneyl Mujaahid Gacmadheere iyo anigoo Yuusuf Weyne ah. Halkaasi ayay Garabkii hubysnaa ee SNM ka abuurantay oo saraakiihii kalena soo tallaabeen sida: korneyl/ Axmed Mire,Korneyl/ Cabdiramaan Aw Cali Faarax, Korneyl/ Maxamed Xaashi Lixle, Korneyl /Ciise Curaagte, Korneyl /Xasan Yoonis Habbane, korneyl/Jaamac Cali Jaamac, Kornyl/ Muuse Biixi, Korneyl/ Cbdillaahi Askar, Korneyl/Ibraahim Dhegaweyne, Kornyl/ Dyib Guray , Korneyl/ Cabdisalaam Turki, korneyl/Axmed weysa Cadde ,Korneyl/ Cabdillaahi Dareewal, Koneyl Cbdillaahi Cuddo, Kornyl/ Adam Dhamac , Kornyl, Maxamed cilmi Gallan ..iyo saraakiil fara badan oo Milliteri iyo shicibba

Lahaa oo aan la soo koobi kareyn .”..ayuu Yuusuf Weyne ku soo koobay Hadalkiisii .
Yuusuf Geerash oo isaguna ahaa Maalintaasi Toogashada Saraakiishii Goob joogga U ahayd ayaa Xaqiijiyay in Dilkaasi Aanay Maxkamadi Ku shuqul Lahayn ee uu Amray Generaal Gaani oo Dabcan ka Amar Haystay Inadeerkii Maxamed Siyaad Barre.

dilkaasi Cabillaahi Xaaji Saciid wuxuu ahaa Dhinbiishii Hurisay Dabkii Halgankii Hubeysnaa ee SNM ee lagu tuuray Heeryadii Dad-qalkii Daaquudka ahaa ee Rejiimkii Maxamed Siyaad Barre kadib markii Kumanaan geesi U shahiideen Xorriyaddan Somaliland ee maanta aan ku raaxaysaneyno .
Korneyl cabdillaahi Xaaji Saciid wuxuu ku yidhi askartii tooganeysay intuu laba rakcadood tukaday weedhahan oo dhaxal-gal noqday :{dadkeyga nolosheydu wax aanay u tarteen ayuu hadda dilkeygu u tarayaa, anigoo ogsoon raga iga danbeeya}..

Cbdillaahi Xaaji Saciid Wuxuu ku Dhashay Burco 1947kii, wuxuuna Malcaamadda quraanka kadib galay Mac-hadka Caanka ahaa ee Azhar ee ku yaallay Burco ee Masar Dhistay isagoo ka mid ahaa Ardeydii ugu horreysay ee lagu Furay 1960kii.

1965kii ayaa masar loogu diray waxbarashada Dugsiga Sare . wuxuu ku soo laabtay Muqdisho markii uu soo dhameystay 1968kii isagoo imtixaan u galay Xiddigle Milleteri oo ka dibna loo diray Akaadeemiyada Milleteriga Kamaandooska ee Masar.

Wuxuu ku soo laabtay Dalka 1971kii isagoo kolba dallacaayay oo ahaa sarkaal Dhisan oo ciidankii Xoogga dalka aad ugu caan ahaa gaar ahaan Kamaandooska ilaa uu ka gaadhay derajada gaashaanle sare {korneyl}. Dulmigii Rajiimkii Siyaad barre ee eexda ku shaqeynaayay ayaa keenay in Maxamed Xaashi Gaanni uu Generaal noqdo, Cabdillaahi Xaaji Saciid oo ka aqoon badnaana uu ka sareeyo, taasoo soo dedejisay burburkii taliskii Faqash .

DHAMMAAD