telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

40 Askari Oo Ka Soo Goostay Jabhadda Uu Hoggaamiyo Kornayl Caarre Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Gobolka Sanaag

January 02, 2018 (BRA-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay Deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag maanta ku soo dhaweeyay tiro ka badan 40 Askari oo ka soo goostay Jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Siciid Cawil Caarre, ee fadhigeedu yahay Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo saraakiil ka tirsan ciidammada millateriga Somaliland ayaa soo dhaweeyay askarta.

Dhawaan ayay ahayd markii uu ka soo goostay taliye Gamaal Baaxad oo ka tirsan Jabhadda uu hoggaaminayo kornayl Caarre isaga oo sheegay in uu Madaxweynaha Somaliland waydiisanayo in la cafiyo.

187 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins