Wasiirka Qorshaynta Oo Ka Warbixiyey Socdaalka Wefti Uu Hogaaminayo Oo Ku Sugan Magaalada London

0
658

Weftiga ka socday xukuumadda Somaliland oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalka Bahrain ayaa gaadhay wadanka boqortooyadda Ingiriiska, weftiga ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka qorshaynta Mudane, Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire).

Wasiirka qorshaynta oo saxaafadda kula hadlay madaarka Heathrow airport ayaa ka war bixiyey socdaalkooda, isla markaana u mahad naqaya masuuliyiinta soo dhaweeyey. Wasiirka oo ka hadlayey socdaalkooda ayaa yidhi “Waxa aan halkan aad iyo aad uga mahad naqayaa madaxda sharafta leh ee halkan noo taagna inay nagu soo dhaweeyaan haday tahay gudoomiyaha iyo guddida KULMIYE, haday tahay safiir ku xigeenka iyo haday tahay madaxda kale ee la socotay waxaanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa   soo dhaweyntooda iyo sida ay noo qaabileen. Hadaan safarkaygii idiinak waramo waxa aan odhan karaa boqolkiiba sagaashan waan ku guulaysanay, waxa aan soo marnay wadamada khaliijka oo ay ugu horayso wadanka imaaraadka, waxa aanu ku xigsiinay wadanka Qatar caasimadiisa Doha iyo wadanka Bahrain saddexdaa dal ayaanu soo marnay”

Wasiir Maxamed Ibraahim Aadan ayaa intaas ku daray in ujeedada socdaalkoodu ahaa sidii suuq loogu raadin lahaa dhoofka xoolaha nool ee Somaliland, isla markaana loo dhoofin lahaa wadamada khaliijka maadama oo sucuudigu joojiyey dhoofka xoolaha Soomaalida guud ahaan “xidhiidh fiican ayaanu soo samaynay waxa aan filayaa meelaha qaarkood in ruqsadii nala siiyo oo adhigeena dib ugu soo dhoofino khaliijka, meelaha kalena waxaa noo socda wada hadal”

Wasiirka qorshaynta ayaa intaas ku daray in socdaalkoodu ahaa mid dadaalo ayey ugu raadinayeen sidii xal loogu heli lahaa abaarta jiitantay ee Somaliland ka jirta, waxaanu xusay in balan qaadyo dhawr ah ay ka haleen wadamadii ay soo mareen. Waxaanay xooga saareen sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha khayriga.

Dhawaan magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska waxa la filayaa inuu ka qabsoomo shir balaadhan oo dhaqaale uruurin loogu samaynayo dadka abaaruhu sameeyeen ee ku sugan gobolada Somaliland.