7 Qodob ee Ugu Muhiimsan heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland. Amb Rashid Nur Garuf

0
464

7 Qodob ee Ugu Muhiimsan heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland

Waxtarka Dhismaha Qaranka iyo Aqoonsiga Caalamiga ah:

1 – Heshiiska waddanka Imaaraadka iyo Somaliland waa heshiis caalami ah, waa mid mujinaya inay Somaliland xor u tahay maamulka dhulkeeda iyo qarankeeda. Caalamkana tusaya inay la xaajoon karaan Somaliland. Arrintani waxay wax tar wayn u leedahay ictiraafkii iyo in caalamku ogolaado wax la qaybsiga Somaliland. Heshiiskanu waa mid dawlada Imaaraadka maalgashigeedii Somaliland kor u sii qaadaya, taasoo macnaheedu tahay Imaaraadku maanta Somaliland dan wayn iyo maalgashi wayn ayaa kaga jira oo lexejeclo ayaa Somaliland ka haysa.

Waxtarka Dhaqaalaha iyo Dhismaha Arrimaha Bulshada

2 – Somaliland waxay Imaaraadka ka kiraysay Airportka Berbera 25 sannadood, waxaynu dhaafsanay mashaariic kor u dhaafay one billion dollar, oo waxa aynu ka tagnay inaynu kiro $40 million ah qaadano sannadkiiba. Maanta qarankeendu dhisme ayuu u baahan yahay ee kiro shillimaad ah uma baahna.

3 – Mashaariicda waxa ugu waawayn ee one billion noqonaysaa waxa weeye;; wadada Berbera iyo Wajaale, Cargo Airport cusub oo laga dhisayo Berbera, Dhamam waawayn oo cusub oo laga dhisayo Somaliland, mashaariic biyaha, laydhka, caafimaadka iyo waxbarashada oo laga hirgelinayo Somaliland.

Waxtarka Shaqo Abuurka Dhalinteena:

4 – Dawlada Imaaraadku waxay balanqaaday inay shicibkeena iyo ganacsatadeena u furtay suuqooda, oo aynu u shaqo tegi karno, ganacsatadoodu maalgashadaan Somaliland, iyo ganacsatadeenu wax u iib gayn karto Imaaraadka sida xoolaha nool.
5 – Heshiiska Imaaraadku wuxu dhigayaa in dhamaan shaqaalaha ka shaqaynaya military baseka laga qorto Somaliland, in inta badan shaqaalaha masharaacda cusub ka shaqaynaya noqdaan Somaliland, in mudnaanta la siiyo ganacsatada Somaliland marka mashruucdaya la bixinayo. Heshiisku wuxu mamnuucayaa in shaqaale jaban waddan kale laga keeno oo ay ka shaqeeyaan Airportka Berbera.
Wartarka Nabadgelyada Qaranka:

6 – Dawalada Imaaraadka waxay Somaliland siisay balanqaad buuxa ka bixisay in cadawga dibeda ee nabadgelyada iyo dhulka Somaliland soo fara geliya ay inay inaga difaacayso bad iyo beriba. Heshiisku wuxu dhigayaa in dawlad kale Imaaraadka mooyaane aanay ciidankeeda aanay keeni karin Airportka Berbera; iyada oo aan fasax buuxa laga helin dawlada iyo qaranka Somaliland.

7 – Heshiisku wuxu dhigayaa inay dawlada Imaaraadku siinayso ciidankeena bada iyo berigaba tababar iyo qalabayn oo tayadooda kor ugu soo qaadayso, si ay kor ugu qaado awooda ciidanka Somaliland ku difaacayo qaranka Somaliland. Maanta Imaaraadku nabadgelyadeena iyo nabadgelyada maalgashigooda ayaa isku xidhan, sidaa darteed ayay u danaynayaan nabadgelyadeena.

Heshiiskanu waa guul u soo hoyatay Somaliland, qofka maanta muran ka keenaya mashaariic gaadhaysa hal billion dollar oo qof ujeedo siyaasadeed leh, ee aan lexojeclada qarankan siinaynin mudnaanta. Illaahay waxan ka baryayaa inuu inooga dhigo heshiiskan mid khayr leh oo guul iyo barwaaqo u horseeda Qaranka Somaliland. Somaliland ha noolaato.

Regards,
Rashid Nur