82kii Gaashaan-Qaad Waxa Ay Noqdeen Loogga Hadh Aan Lagu Diirsan. Waa Kadar Oo Dibbi-Dhal Sacii Dhiin Dahab. W/Q Hamze Hassan Gurre(Hgurre)

0
633

82kii Gaashaan-Qaad Waxa Ay Noqdeen Loogga Hadh Aan Lagu Diirsan. Waa Kadar Oo Dibbi-Dhal Sacii Dhiin Dahab. W/Q Hamze Hassan Gurre(Hgurre)

Waa maalin iyo gelinkeed oo wakhtigu waa is beddelaa Beeshu waa beel salbalaadhan deegaan iyo dadba wey buuxaan oo alle mahaddii weeye.Cariga ay deegaanta ku yihiin una dhasheen waa dhul baldhiidha oo leh,Bur caleena iyo baad dareemo ugbaadleh xoolluhu naq iyo dooq afka ku goostaan.Dhibicda roobku kama qaado gabalkii dhaca iyo waagii dilaacaba raxmadda alle circa ka shubaa u irmaan oo da’aysaa.Noolluhu ladnaanta ma xejiyee caanaha karuur geel iyo dhey lo’aadba boholaha baliyadaa lagu qubaa laguna daadiyaa daniba looma yeesho.

Masaalka waa tabtii lax dhukani abaar moog.Wadhaa mahayaan oo kama qasnaba.Jilaal dheeraan doonaya iyo kalliiliba in ay iman doonto saadashooda kuma jirto. Waa maalin iyo gelinkeed oo wakhtigu waa is beddelaa waana gu’ iyo abbaar. Intii qoomka beesha u madaxyuubnayd ayaa

talo rogrogay oo meel isla dhigay. Balse howshoodda hoosta ayey ka wataan.Go’aanku waxa uu ahaa waar dadkan dhoohanta ah ee aan diraac iyo xagaabba kala ogeyn aan korka ka jiro kana ilaalino.

Doqonba isheedda lagu dhabaa ayey tidhaahda soomaaliye duulka waa loo tashaday looma taline. Xooollo waxii u daaqaba maalinba kaddin awr koromo dhufaanan ah ayaa seylada lasoo tubaa. Waa awr iib-gal ahee gacantaa laysu dhiibtaa oo giniyaad lacageedna la kala shubtaa. Addiga,geella kiisa caatadda ah,lo’da iwm,iib-gal fiican maaho iyaga waa iska xaraash iyo xoolla bacadyaalla. Bulshadii sirran waxa ay laasimeen amakaag iyo yaab! xaalkooduna waa dhabana-hays.

Dad nool tallo kama dhaamaatee arrin ayey yabyabeen. Waxa ay iska dhex xusheen 82 doob gaamur oo madax siman ah.Waxa ay dan mooddeen in ay bal inuun noqdaan difaac xoollaha umadda u ilaaliya,kana waabiya oo ka hor istaagga geeshkan xaraashka utaagan ee xoolihii ka idleeyey. 82ka waxa loo xulay in ay ahaaddaan gaashaan bir ah oon laga maquunin xoollaha umadda. Waxa laga rajo qabaa in ay noqdaan qaar lagu reeyo oo lagu liibaanno. LABA IYO SIDEETAN/82kii GAASHAAN-QAAD OO LAGA INAABSADAY.

Aheey ah tallo isuma kaa sheegto illeen? 82kii Gaashaan-qaad waxa ay noqdeen loogga hadh aan lagu diirsan. Waa kadar oo dibbi-dhal sacii dhiin dahab. Ragii lamoodayey in ay yur ka yidhaahdan xoollaha daldalayaasha. Iyagaabba u hor malafsanaaya oo duulkan u daldalaaya.

Qudhooddii ayaabba u dillaala oo gacanta illeen dhiibanaaya. Waa cidlo-ciirsi moodayaal bulshaddu gebi ahaanba. Waxa ay ku soo doorteen oo ay u soo xusheen una door-bideen 82ka lama oga lamana garanaayo. Weli waxa aanay bulshadaydu is weydiin qaabka ay wax ku xushaan hal-doorkana ku soo doorta? Taladooddii waxa ay isugu soo biyo shubataa calaamatul Su’aal goor walba taagan.

Contact Inform

Email:
hgurre.madaale@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here