War Degdeg Ah Laacibkii gobolada Togdheer iyo Sool Cali Malgaash oo rag iyo ruux la raadinaayey 24 sano oo laga helay dalka jabuuti.

0
1377

War Degdeg Ah Laacibkii gobolada Togdheer iyo Sool Cali Malgaash oo rag iyo ruux la raadinaayey 24 sano oo laga helay dalka jabuuti.

Burco: (Warsugannews)War Degdeg Ah Laacibkii 80’s ee gobolada Togdheer, iyo Sool Cali Malgaash oo laga helay dalka Djibouti ka dib 24 sano oo la la’aa rag iyo ruux.
IMG_445A3A-E6981E-D29FCC-457785-43A409-9EF252
Cali Malgaash oo kamid ahaa ciyaartooydii hore ee u ciyaari jiray goboladii Waqooyi ee Galbeed ee Dawladii Somaliya Gaar Ahaana Togdheer Iyo Sool ayaa la waayay mudo 24sano ka hor ah waqtigaasi oo Reerkoodi u aqoonsadeen inuu dhintay balse dhawaan laga helay isagoo nool Jabuuti.
-home-batalaal-public_html-uploads-gallery-galleries-calimalgaash-IMG_07F00B-0E12D8-67F2E3-6F056B-0C775F-B207CF
Cali malgaash oo ah nin u dhashay Somaliland ayaa ku noolaa waqtiyadii hore dalka jabuuti waxaana soo wajahday waqtigaasi duruufo caafimaad daro taas oo sababtay in noloshiisa la waayo, dadkooduna u aqoonsadeen inuu xanuunkii hayay u dhintay,
Balse dhawaan ayaa qaarka mida ciyaartoydii uu waagii hore la ciyaari jiray ay arkeen cali malgaash oo meherad dawaarle ah ku haysta meel ka fog magaalada jabuuti ee wadankaasi jabuuti, waxaana waraysi badan oo ay la yeesheen kadib la rumaystay in cali malgaash uu yahay ninkani ku nool jabuuti
Sikastaba ha ahaatee cali malgaash oo iminka ku nool jabuuti ayaa leh xaas iyo caruur kuna nool jabuuti oo uu noloshiisii hore ka dib samaystay Waxaana Dawarle Yar Ku Haystaa Meel Magaalada Ka Baxsan.

Xigasho Batalaalenews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here