BREAKING NEWS
Search
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Abaaraha Inugu Habsadey Waa Arin La’aan Iyo Adeecid La’aan. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Abaaraha Inugu Habsadey Waa Arin La’aan Iyo Adeecid La’aan. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Hordhac: Nabad-qab akhriste, Waxaan qoraalkan u kala qaadi doonaa saddex qaybood. Qaybta 1aad: Abaaraha mar kasta inugusoo noqnoqda iyo waxa sababay. Qaybta 2aad: Fariin iyo talo kusocota gudida abaaraha iyo cid kasta oo taakulaynta ka qayb qaadanaysa. Qaybta 3aad: Sidii xal loogu heli lahaa in la’ yareeyo Abaaraha iyo biyo la’aanta aynu ku baraarugno oo keliya marka ay taaganyihiin.

Abaaraha kusoo noqnoqnaaya deegaanadda dalkeenu waa mid runtii sanadba sanadka ka dambeeya, bilba bisha ka dambeysa iyo xitaa maalin walba maalinta ka dambeysa kasii xumaanaya, isla markaana nafaqo daradda soo food saartay bulshadeena gaar ahaan kuwii xoolo dhaqatada iyo beeralayda ahaa ee kunoolaa meelaha miyiga ah ayaa marka aad tilifishanadda ka aragtid ama si toos ah indhahaaga u saartid ku dareensiinaya xaaladda amakaag iyo fajac ku noqonaya qalbi kasta oo qoyan, oo dareen naxariiseed leh.
Runtii waa imtaxaan iyo amuuro culus oo Eebe uu ku imtaxaamayo umaddiisa, maanta oo keliya maaha ee Ilaa wakhtigii Nabiyadda way dhici jireen abaaruhu, biyo la’aantuna waxay u ahayd imtaxaan sida ay maanta inaga inoogu tahay wax ku qaadasho.

Hadaba akhriste su’aasha is weydiinta muddan ayaa ah Abaaraha inugu dhacayaa ma yihiin kuwo inaga dhaxdeena ina baraarujiya oo ina dareensiiya in aynu gef iyo dembi ku dhacnay, ha noqodo dambi aynu Allaha (sw) ka galnay ama ha noqodo mid aynu dhaxdeena iska galnay, Jawaabtu waa maya, oo hadii aynu Eebe weyne dambi ka galnay marar badan oo aynu salaado roob-doono ah tukaney, ducooyin badana ku ducaysaney weli sidii ayeynu kusii jirnaa, taas macnaheedu waxay tahay in dembigii aynu Allah(sw) ka galnay ay weli halkiisii uu kasiisocodo, qur’aanka kariimka ahna waxa uu Allaha(sw) inoogu sheegayaa Aayaddo macnahoodu yahay “Imtaxaan kasta oo aad martaan waa wax aad gacmihiina ku kasbateen”, dhanka kale inaga dhaxdeena dulmiga iyo dembiyadda aynu kala galnaa maaha kuwo Eebe weyne ka qarsoon, gudaha maxkamadaheena waad arki kartaa dhibatooyinka ka jira ee aad marba marka ka dambeysa aad la yaabaysid, si kasta ha ahaadeene hadii aynu isla ogolnahay in abaaraha iyo imtaxaanka aynu maraynaa yihiin kuwo aynu gacanteena ku keensanay, xal iyo xalin ayaa inaga la inaga rabaa, Allah(sw) wuxuu quraanka ku yidhi “ Illahay qofna ma dooriyo ilaa uu isagu is dooriyo”, taas macnaheedu waxay tahay in roobka iyo abaaruhuba yihiin kuwo gacanteena ku jira.

Sida oo kale aniga oo weli ku jira waxa inugu sababa abaarah gayigeena kusoo noqnoqonaaya, waxaan kuu sheegi karaa in aynaan lahayn weel ama meel aynu ku kaydsano biyaha roobka ee sanad kasta bilaha gu’ga sida dhakhsaha ah inugu dhaafa, Weelka aan ka hadlayaa waa biyo qabatino, ceelal iyo wixii lamid ah, taas oo meesha kamaqan awgeed ayaa kamid ah sababaha inugu keeni kara abaaraha soo noqonoqada.

Hadii aan eego qodob labaad oo ah fariin iyo talo aan u diraayo gudida Abaaraha ee heer Qaran, runtii gudidu sharaf iyo qadarin ayey agtayda ka mudanyihiin madaama oo ay hayaan arin bin-aadamnimo oo lagama maarmaan ah, yihiina kuwii Madaxweynaha qaranku u magacaabay samota bixinta dadka abaaruhu sida ba’an u saameyeen, Laakiin waxaa iga dhaliil ah in gudida abaaraha ee heer qaran ay yihiin kuwo magacooda iyo waxqabadkooda aan aadka u tayada badnayn la dareemo xiliyadda abaarahu jiraan oo keliya, waxaa ayaan daro ah saddexdii sano ee ugu dambeeyey oo ay gudidan shaqayneysay in magacooda iyo waxa ay qabtaan uun la dareemo xiliyadda abaaraha iyo biyo la’aantu jiraan, runtii abaaruhu waa masiibo qaran, Allah mooyaane cid wax ka qaban kartaana ma jirto, laakiin ta aynaan mooganeyn ayaa ah in gudida abaaruhu ay xiliyadda abaaraha uruuriyaan lacago gaadhaya malayiin doolar iyo malaayiin lacagta dalka ee Shilinka ah, waa sax oo cidii ay gaadhsiin karaan ee u baahan ha gaadhsiiyaan lacagtaas iyo deeqahaas aadka u badan, in kastoo dadka baahani ay ka tiro badanyihiin markasta, mid aan weli su’aasha loo hayn ayaa ah, gudida abaaruhu ma waxay shaqeeyaan oo keliya xiliga abaaruhu jiraan?, Maxay u shaqayn waayeen xiliyadda gu’ga iyo dayrta ee biyuhu ay togoga iyo dooxyada intay buux dhaafiyaan si toos ah ugu shubmayaan baddaha?, Lacagaha malaayiinta ah ee abaaraha ay uruurinayaan maxay u uruurin waayeen xiliyada roobabowga ah si ay biyo xidheeno iyo ceelal ugu qodaan?, si looga maarmo xiliga abaarta ama loo yareeyo baahida biyo la’aaneed, Maxay gudidu xiliyadda guga u sameyn waayeen meelo xoolo daaqeen ah oo si loooga faa’idaysto maalinta maanta oo kale ah ee aadka loogu baahanyahay.

Waxaan fariin u dirayaa cid kastoo taakulaynta abaaraha ka qayb qaadanaysa, sidoo kale waxaan farta ku fiiqayaa gudida abaaraha iyo cid kastoo hawshan isku xil qaantay , illahay ajar iyo xasanaad saa’id ah ha idinka siiyee, hawsha aad bulshada u qabanaysaan weli wax badan ayaa ka qabyo ah, fadlan samaysta xeerar iyo qodobo aad waxqabadkiina ku hagtaan, oo qorshaha ku darsada in aad shaqaysaan xiliyadda aan dadku abaareysnayn ee ay barwaaqada ku jiraan, si hawshu idiinka yaraato xiliyada abaaraha.

Hadii aan u soo daadego qodobka saddexaad oo ah sidii wax looga qaban lahaa ama loo yareyn lahaa abaaraha inugusoo noqonoqonaya, waxaan kusoo koobayaa marka hore waxaa inoo keenay waa cadho eebe inooga timi ee aynu eebe u noqono, toobadda iyo dembi dhaaf weydiisashaduna mar kasta iyo saacad way inoo furantahay, mida kale ee aynu wax kaga qaban karno ayaa ah in xiliyada barwaaqada aynu ka fikirno bilaha abaaraha ah ee inugusoo socoda, weelka aynu xiliga gu’ga tolano, waxaynu ku bedbaadaynaa xiliga abaarahu jiraan, halka xiliyada abaaraha lacagaha iyo deeqaha lugu yaboohaayo waxaa ka fiican oo ka taariikh wanaagsan in xiliyada gu’ga ee roobabku jiraan lugu yabooho oo dadka iyo dalka wax loogu qabto, si looga faaidaysto biyaha iyo nimcada eebe ee inaga oo ka gaajoonayna sida dhakhsaha ah inugu dhaafaysa, taas ayaa ah waxqabad lataaban karo.

Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
E-mail: Xamse18@gmail.com
www.wiyeeryare.blogspot.com
www.facebook.com/wiyeeer
Hargeysa -Somaliland

441 total views, 1 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins