Abwaan Cali Sugule Oo Ku Xanuunsanaya Dalka Imaaraadka Carabta, Iyo Safiir Baashe Cawil Oo Booqday

0
388

Abwaan Cali Sugule Oo Ku Xanuunsanaya Dalka Imaaraadka Carabta, Iyo Safiir Baashe Cawil Oo Booqday

Dubai (Warsugannews)- Abwaanka weyn ee Cali Sugule Dun Carbeed oo kamid ah midhadhka ka sii nool tiirarkii sugaanta Soomaalida, sidoo kale kamid ah Abwaanada ku suntan halganadii kala duwanaa ee Qaranka Somaliland soo galay illaa xoriyad ka qaadashadii Maxmiyada Ingiriiska, ayaa ku xanuun sanaaya dalka isutaga Imaaraadka Carabta. Abwaan Cali Sugule oo muddo u jiifay xanuunka da’duna u raacday waxaa si joogto ah uga war haya Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay saaxiib dhaw ahayeen waayadii hore siday sheegeen Qoyska Abwaanku.

Madaxweyne Silaanyo ayaa hore siyaaro khaasa ugu diray Wasiirkiisa Warfaafinga iyo dhaqanka Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) sidoo kale waxaa shalay safar soo booqasho iyo ka war doonidba isugu jira ugu tagay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Mud. Baashe Cawil Xaji Cumar. Geesta kale Hoggaamiyaasha Xisbiyada Mucaaridka oo marar kala duwan booqasho ku tagay dalka Isutaga Imaaraadka oo Abwaanku ku xanuun sanaayo ayaan habayaraate ka ag wareegin (Bariidaduna Waa Sade).

“Walal abwaan Cali Sugule wuxuu u baahan yahay maanta duco, dadka rer Somaliland haw soo duceeyaan aadbu Xajigu u jilicsanyahay hadda. Waxaanu si weyn qoys ahaan ugu mahad naqaynaa Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo oo ay saxiib dhaw ahayeen Abwaan Cali Sugule waayo badan. Si joogto ah ayuu uga war hayaa. Maantana (shalay) waxaa noo yimi waliba wakhti ku munaasib ah Safiirka Somaliland u fadhiya dalkan Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Xaji Cumar. Marka aad baanu ugu mahad naqaynaa qoys ahaan Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa. “. Sidaa waxaa yidhi Khadar Abwaan Cali Sugule

Mar aanu waydiinay Khadar Cali Sugule Su’aal ahayd inay xitaa Bariido ugu yimadeen hoggaamiyaasha Xisbiyada Mucaaridku Abwaanka maadaama oo ay dhawr jeer oo kala duwan socdaal ku yimaadeen dalkaas wuxuu yidhi. “Maya walal maanan arkin runtii wax is taridu muhiim maha ee Bariidada iyo booqashada ayaa muhiim ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here