Afhayeenka Salaadiinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Xiiray Oo Ka Hadlay Wasiirada Is Casilay Fariimana Diray Bulshada Somaliland Iyo Madaxweyne Silaany

0
333

Afhayeenka Salaadiinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Xiiray Oo Ka Hadlay Wasiirada Is Casilay Fariimana Diray Bulshada Somaliland Iyo Madaxweyne Silaanyo

Hargeysa(Warsugannews):-Afhayeenka salaadiinta dhaqanka somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud (Xiiray) ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Af-hayeenka salaadiinta dhaqanka somaliland Suldaan Xiiray waxa uu shacabka somaliland u soo jeediyey inay ilaashadaan amaanka qaranka, waxaanu faah faahin ka bixiyey xubnaha iska casilay xukuumada iyo saamaynta ay yeelan doonaan.

Suldaan Xiiray oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Anigu bulshada somaliland oo dhan ayaan suldaan u ahay, mid siyaasiya iyo mid wadaad ahba, waxaan fariin u dirayaa shacabka somaliland oo aan leeyahay shacabow waa inaad ilaashataan nabadiina iyo qaranimadiina, waayo waxa danteenu ku jirtaa nabad galyadaas aynu ku shaqaysanayno.” Ayuu yidhi Suldaan Xiiray.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay garabyada iska soo hor jeeda ee ku tartamaya xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye waxaanu yidhi “Dadku way idin doorteen, Madaxdii shalay xukumaysay ayaanad tihiin, waxaanan idiin soo jeedinayaa inaad miiska wada hadalka iskugu timaadaan oo qolo walba tanaasul samayso, Anaguna waxaanu jecelnahay inaad miiska wada hadalka iskugu timaadaan oo aad heshiisaan, taas oo umada reer somaliland dani ugu jirto”

Ugu danbayntiina Suldaan Xiiray waxa uu fariin gaadhsiiyey madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaanu yidhi “Madaxweynaha Qaranka Waxan Leeyahay adigu Aabe Ayaad u wada tahay labada dhinac iyo Guud ahaan Somaliland waayo waxaad tahay odaygoodii waxaad tahay Madaxweynahoodii, Waxaanan Madaxweyne ku leeyahay Adigu Odaynimo muuji oo dhexdhexaadnimo muuji dadkani waa dadkii aad odayga u wada ahayd anagu Suldaan ayaan u wada nahay Labada Dhinacba”.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here