Agaasimaha Fulinta Ee Ciidanka Dab-damiska Somaliland Oo Ka Warbixiyey Khasaare Ka Dhashay Dab Maanta Ka Kacay Hargeysa iyo Deeq Biyo Ah Oo Ay Gaadhsiiyeen Martida Tirada Badan Ee Iskugu Timid Kulanka Islaamka Ee Hargeysa

0
655

Agaasimaha Fulinta Ee Ciidanka Dab-damiska Somaliland Oo Ka Warbixiyey Khasaare Ka Dhashay Dab Maanta Ka Kacay Hargeysa iyo Deeq Biyo Ah Oo Ay Gaadhsiiyeen Martida Tirada Badan Ee Iskugu Timid Kulanka Islaamka Ee Hargeysa

Hargeysa(Warsugannews)-Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Somaliland Md.Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa ka war bixiyey khasaaraha Dab maanta ka kacay Guri kuyaala Xaafada Geerash Aw Aadan ee Degmada Gacan Libaax iyo Sidoo kale Deeq biyo ah oo Ciidaanka Dab-damisku gaadhsiiyey Martida tirada badan ee iskugu Timid kulanka Islaamka ee magaalada Hargeysa

Agaasime Cabdiqaadir oo arimaha ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi “waxa maanta ka dhacay xaafada Geerash Aw Aadan ee degmada Gacan Libaax Shil dab oo uu sababay kadib markii nin Maskaxda ka xanuunsanayaa gubay guri nooca loo yaqaan Cariishka ama buulka oo uu waqtigaas kula sugnaa Aabihii oo da ah kaas oo markuu uu guriga gubay ninka xanuunsanaya oo guriga ku dhex xidhnaa uu qabsaday Aabihiina isla markaasina dabkii aad ugu holcay halkii ay guriga ka sugnaayeen taas oo sababtay in uu halkaas ku nafwaayo ninkii Xanuunsanaayey ee la sheegay inuu guriga gubay halka Ciidanka Dab-dabdamisku ay dirqi kaga soo badbaadiyeen odaygii dhalay Wiilka xanuunsanaayey eeguriga ku dhex xidhnaa iyo qaybihui kale ee guriga oo ka koobnaa aqalo sandaqado ah oo ay ku noolaayeen reerka intiisa kale iyo naf iyo maal wixi kale ee reerkan joogay”

Agaasimaha ayaa isaga oo ka waramaaya dhalinyaro buuq iyo rabshad ka sameeyey intii Ciidanku ku guda jiree daminta dabkan ayaa waxa uu yidhi”intii Ciidanku ku gudo jiray daminta dabkan waxa rabshad iyo buuq kala hor yimi qaar kamida dadweynihii halkaas kusoo ururay kuwaas oo waxyeelo gaadhsiiyey Gaadiidkii Dab-damiska ee dabka baqtiinaayey kuwaas oo Ciidanka Boolisku hada Gacanta ku hayo sharcigana la horkeeni doono si looga abaalmariyey hadidaada iyo dhibaatadaa ay u gaysteen naftood hurayaashaa Qarankooda ugu banbaxay sidii ay uga badbaadin lahaayeen Masiibada Dabka

Dhinaca kale Agaasimah Dabdamisku waxa uu bulshada ka codsaday inay Ixtiraamaan oo ay buuqa iyo rabshada ka daayaan Ciidanka Dab-damiska ee u heegank ah si ay bulshada u badbaadin lahaayeen

Gabagabadiinayaa waxa uu ka hadlay Deeq biyo ah oo Ciidankiisu gaadhsiiyeen Martida tirada badan ee ku sugan magaalada Hargeysa isla markaasina u yimid Kulanka Islaamka ee ka dhaacaya magaalada Hargeysa
Isagoo arimahaas ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi” dhinaca kale waxa iyadana halkan uga faaidaysanayaa in Ciidanka Dab-damisku Deeq biyo ah gaadhsiiyey walaaheena Martida ku ah magaalada Hargeysa ee iskugu yimid Kulanka Islaamka ee ka dhacaaya Hargeysa, Kaas oo ciidanku si joogta ah u gaadhsiin doono maalin walba inta kulankani socdo”
Waanan ku amaanayaa Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeysa sida hufan ee xilkaska leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee ay Qaranka u hayaan