Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Kulan Is Barasho Ah La Qaatay Shaqaalaha Wasaarada

0
347

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Kulan Is Barasho Ah La Qaatay Shaqaalaha Wasaarada

Hargaysa(WSN)- Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur ayaa saaka kulan Is Barasho ah La Qaatay Shaqaale Weynaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.

Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Ee Gobolada, Degmooyinka Iyo Dawladaha Hoose Ee Dalka Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur Oo Laba Cisho Laga Joogo markii uu Xilka Kala Wareegay Agaasimihii Uga horeeyey Wasaarada ayaa shaqaalaha saaka u jeediyey Kudbada Diiri Galin Iyo Dardaaran ah Isaga oo Dhanka Kalana Shaqaalaha Wasaarada Ugu Bushaareeyey Inaanu kala xigtaysan doonin isla markaana qof walba uu ku tix galin doono shaqadiisa iyo sida uu uga soo baxo.

Agaasime Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur oo arimaasi ka hadlayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa

“waxaad iga filataan inaanaan idiin kala eexan idina soo kala dhaweysan isla markaana aanaan qofna qof u maqli doonin qof walbana aan ku qiimaynayo shaqadiisa iyo sida uu uga soo baxo”.

Jamal Abdi Muhomed
Spokesman Somaliland Ministry Of Interior,