Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Soo Xidhay Shirkii Sanadlaha ah Ee Gudiyada Nabadgalyada Degmooyinka Dalka

0
380

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Soo Xidhay Shirkii Sanadlaha ah Ee Gudiyada Nabadgalyada Degmooyinka Dalka.

===========================================================================

Hargaysa(Warsugannews)- Agaasimana Guud Ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed ayaa maanta duhurnimadii si rasmiya usoo xidhay shirkii sanadlaha ahaa ee gudiyada nabadgalyada degmooyinka dalka oo muddo sadex cisho ah ka socday hotel Safari.

Shirkani oo furmay 02/02/2016 ayaa gudiyada nabadgalyada degmooyinka dalku kaga faa’iidaysteen waxyaalo badan kaasi oo todobor la xidhiidha shaqada ay qaranka u hayaan iyo sidii ay ula shaqayn lahaayeen dawladaha hoose lagu siiyey mudadii uu shirku socday.

Agaasimaha Waaxda Maamulka Gobolada iyo degmooyinka ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Cali daalin oo halkaasi ka hadlay ayaa gudiyada uga mahad celiyey mudadii koobnayd ee ay wakhtigooda usoo hureen sidii ay u qaadan lahaayeen tobobarkan waxaana hadaladiisii kamid ahaa ‘’sadexdii cisho ee aad joogteen halkan runtii waydinaa sheegay inaad wax weyn ka korodhsateen oo gaar ahaan xilka idinsaaran ka bulsho ahaan idinka oo folantiyer ku shaqaynaaya ta ugu muhiimsanina waxay ahayd inaynu aragtida isku mid ka noqono oo aynu garano idinku inaad is xilqaanteen dadka aan la shaqaynaysaana kuwii aad doorateen inay yihiin waanaynu isla garanay waxbadan ka dib waxa kaloon isla garanay sidii aad u wada shaqayn lahaydeen”

Shirka ayaa inta badan ku qotomay tababar masuuliyiinta degmooyinka loogu iftiiminayo doorka ay ku leeyihiin maamulka iyo wada shaqaynta dawladaha hoose ay la leeyihiin.

Ugu danbayntii Agaasime Cabdifataax Siciid Axmed oo shirkaasi soo xidhay ayaa gudiyada degmooyinka uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay uga faa’iidayteen hanaanka iyo kor u qaadida maamulka doorkooda ay ku leeyihiin taaso waxban uga baxay mudadii yarayd ee uu tobabarku u socday waxaa hadaladiisii kamid ahaa “waxaan jecelahay inaad ka faa’iidaysaten sadexdaa cisho waxyaalo badan dadkii iyo bulshadii aad ka timaadeena aad gaadhsiindoontaa isha allaah ana isha allaahu waxaad idin balan qaadayaan in golayaasha deegaanku idinla shaqeeyaan wixii cabasho ahna dibbaanu u egi doonaa mar walbana waynu is xog waraysan doonaa isha allaahu tacaala safar salaama khayrbaan idiin rajaynayaa”.

Jamaal Cabdi Muxumed

Afayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha