Agaasimaha Madaxtooyada JSL Oo Shahaado Guddoonsiisay Hay’ada HANDICAP Oo Gacanta Ku Haysa Ururka Naafadda Somaliland

0
424

Agaasimaha Madaxtooyada JSL Oo Shahaado Guddoonsiisay Hay’ada HANDICAP Oo Gacanta Ku Haysa Ururka Naafadda Somaliland

Hargeysa(WSN)kulan xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X Gaydh” iyo Ururka Naafada Somaliland oo ay wakiil ka ahayd Marwo Nuura Maxamuud Nuur ayey shahaado ku gudoonsiiyeen masuuliyiinta Hay’ada HANDICAP oo iyagu door muhiima ku leh taakulada dadka naafada ah.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadashay Marwo Khadra X Geydh waxaanay tidhi”Halkan waxaanu ku gudoonsiinayey Shahaado Sharaf, Dallada Qaranka ee Ururka Naafada SLDF ay Nuuri masuul ka tahay usoo sameeyeen Shahaado Sharaf ay ku maamuusayaan Hay’adda HANDICAP International wada shaqaynta wanaagsan ee ay la shaqeynayeen, sidaasi awgeed ayaan aniguna aad iyo aad ugu bogaadinayno kunasoo dhaweynayno.

waxaanan leenahay aad baad ugu mahadsan tihiin Ururkii soo sameeyey shahaadana waxaan leenahay waxqabkiina halkaa kasii wada annaguna hareerahaanu marwalba taaganahay annagoo balanqaadyadii Madaxweynaha fulinayna, wax badana dallada loo qabtay oo Sannad walba imika loogu daro 50 qof oo naafo ah sanadkiiba loogu daro arrintaasina ay fushay”
Gudoomiyaha Dallada Naafada Qaranka Somaliland Nuura Maxamuud Nuur oo iyana halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Marka hore waxaan u mahad celinayaa Ilaahay (SWT) marka Labaadna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan Xukuumadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo run ahaantii dumarnimana igula shaqaysa si wanaagsan oo mug iyo miisan leh wax noola qabata, run ahaantiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxyaabo fara badan uu ka qabtay dhinaca naafada guud ahaan haday tahay shaqaalaysiinta, haday tahay Miisaaniyadda qaranka oo ay ku jirto dalladu, Wiil jeero iyo Baaskeelado sanad walba maalinta Naafada aduunka ay Madaxtooyaddu gudoon siiso dadka Naafada ah taasoo dhawrkii sannadood ee lasoo dhaafay tiro aan ka yarayn 500 oo qof oo dhulka jiitamayey loo sameeyey Gadiidkaa caawinaya u sahlaya dhaq dhaqaaqa socodka.

Waxaan odhan karaa intii Xukuumadaha Somaliland jireen waa Xukuumaddii ugu dhegaha luglayd dadka naafada ah iyo waxqabadkeeda runtii aad baan ugu mahad celinayaa Hay’yadda Handicap International oo iyaguna ah haayadda keliya ee nooga soo baxday haayaddihii kale haday UN yihiin iyo International yihiin ba ee gacan siiya Naafada reer Somaliland muddo aad iyo aad u dheerna nala shaqaynayey imikana halkii kasii wada aan rajeynayana inay wada shaqayntayadu sii jiri doonto, inta Handicap International jirto iyo inta Naafada reer Somaliland jirtaba”

Xamse Cabdilaahi Yoonis oo ku hadlayey afka Hay’adda HANDICAP INTERNATIOAN ayaa yidhi “Anoo ku hadlaya guud ahaan afka Haayadda handicap international runtii Agaasimaha aad baan ugu mahad naqaynaa inay halkan nagu qaabisho xafiiskeeda, runtii shahaadaani annaga waxay noo tahay farxad aad u weyn inaanu ku helno hawshii aan annagu qabanaynay shahaadadaa dhiirigelinta ah, handicap international waa Haayaddihii ugu horeeyey ee dalka yimi 1992-kii markii aan dalka kusoo noqonay ilaa imika waa shaqaynaysaa arrimaha Naafada arrimahaa aanu ka shaqeynayna waxaa kasoo baxay wax badan oo dhanka wanaagsan ah oo dadka Naafadda ahi ku faani karaan, Dalladana aad baan ugu mahad naqaynaa iyadoo wax badan ka qabatay Mashaariicdaa aanu siino sidii aanu rabnay u fulisay runtii Dawadduna wax baday arrimaha Naafada ka qabatay haday noqoto siyaasadii imika ay golaha Wasiiradu ansixiyeen oo ay u hadhsan tahay uun in Madaxweynuhu ansixiyo, Waxaanuna ballan qaadaynaa inaanu sii wadi doono ka shaqaynta arrimaha Naafada”

dsc_0000

dsc_0001

dsc_0003

dsc_0027

dsc_0031

dsc_0035

dsc_0045

dsc_0049

dsc_0053

dsc_0056
Allaa mahad leh
Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL