Agaasimaha Nabad-galyada iyo Badbaadada Caasimada Md.C/qaadir Cumar Xaashi Oo Maayarka Caasimada Ku Hambalyeeyey Dadaalka Uu Ugu Horumarinta Caasimada

0
444

Agaasimaha Nabad-galyada iyo Badbaadada Caasimada Md.C/qaadir Cumar Xaashi Oo Maayarka Caasimada Ku Hambalyeeyey Dadaalka Uu Ugu Horumarinta Caasimada

 

Hargeysa(Warsugannews)-Agaasimaha Nabad-galyada iyo Badbaadada Caasimada Md.C/qaadir Cumar Xaashi ayaa Maayarka Caasimada ku hambalyeeyey wax-qabadka uu ka hirgaliyey magaalada Hargeysa isagoo isla markaasina xusay in Maayarka Caasimada Hargeysa yahay Maayarkii ugu da’da yaraa ee abid qabta xilka maayarnimada Caasimada isla markaasina uu yahay Maayarkii ugu waxqabadka iyo horumarka badnaa

Agaasimaha Waaxda Nabad-galyada iyo Badbaadada Caasimada Md.C/qaadir Cumar Xaashi oo arimahan kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku daabacay bogiisa gaar ka ah ee uu ku leeyahay  bar kulanka Facebook-ga , Waxaanu u dhignaa sidan:-

Waxey aheyd  28-12-2015 markii siweyn loo soo dhaweeeyay Duqa Caasimada Hargeisa oo safar shaqo kaga soo laabtey dalka dibadiisa iyado uu baryahan danbe isbadal weyn o dhinaca horumarka ah ka socdo magaalada hargeisa. Hadaba xurmada iyo maamuuska masuuliyiinta xilka u haya Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waa dhiirigalin iyo mahadnaq si ay usii laba laabaan dadaalka horumarinta, dhinaca kale waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahey in shacabka ku dhaqan Caasimada Hargeysa ay isku soo dhawaanayaan maamulka Caasimada Hargeisa isla markaana ay kor usii kacdey wada shaqeynta iyo isku so dhawaanshaha bulshada iyo maamulka uu hogaaminayo Mayor C/raxmaan maxamuud Ceydiid,

Waxan halkan Hambalyo mug-weyn uga dirayaa Maayarka Caasimadan Hargeysa Mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid anigoo  ku hambalyeynaaya wax-qabadka uu ka hirgaliyey magaalada Hargeysa maxaayeelay waa  Maayarkii ugu da’da yaraa ee abid qabta xilka maayarnimada Caasimada isla markaasina waa Maayarkii ugu waxqabadka iyo horumarka badnaa ee soo mara Caasimada,waxaanan leeyahay sii kordhi dadaalka aad ugu jirto dalkaaga iyo dadkaaga

 

Alla Mahad Leh

 

Agaasimaha Waaxda Nabad-galyada iyo Badbaadada Caasimada

Md.C/qaadir Cumar Xaashi