Agaasime Ugu Baaqay Siyaasiyiinta Inay Ku Daydaan Madaxweyne Siilaanyo

0
360

Agaasime Ugu Baaqay Siyaasiyiinta Inay Ku Daydaan Madaxweyne Siilaanyo

Hargeys(Warsugannews)Agaasimaha guud ee Wasaarada qorshaynta Cabdirashiid SumalBoorama(Somaliland.Org):-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Cabdirashiid Axmed,ayaa ku hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo dariiqa cusub ee uu u jeexay siyaasadda Somaliland iyo sida deeqsinimad leh ee uu ugu tanaasulay musharax Muuse Biixi.

Waxaa kale oo uu kal taliyay siyaasiyiinta kale ee reer Somaliland in ay wax ka bartaan hoggaaminta iyo deesinimada mansab ee Madaxweyne Siilaanyo,isagoo hambalyona u diray musharixiinta u tartamay mansabyada musharixiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee KULMIYE oo ay ku guulaysteen Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici isla markaana uu ku hadhay Dr Saleebaan Xaglotoosiye oo la tartamayay Saylici.

“Madaxwaynuhu waa odaygii xisbiga Kulmiye ee xukuumadan maanta hormarka dhashay hogaanka u hayay, waxa aan qabaa in uu dhexdhexaad ka ahaa doorashadii ka dhacday shirwaynihii Kulmiye, taa cidna la waydiin maayo oo TV-yada ayaa lagala socday, khudbaddii uu halkaa ka jeediyay Madaxwaynuhuna waxa ay ahayd mid u taagnayd tanaasul, maamul daadejin iyo tusaale lagu soo hirto oo ka turjumaya sida uu Madaxwayne Siilaanyo jiilka soo koraya ugu banneeyay wadada, loona baahan yahay in halkaa laga sii amba qaado hormarkii uu jideeyay.”

Waxaanu hambalyeeyay sadexda musharax ee tartamay labada soo baxay iyo ka ku hadhayba waxaanu sheegay in dimuquraadiyaduba ay tahay tartan la wada galo iyo in marka la kala guulaysto la isu hambalyeeyo oo aan lagu kala tegin.

“Muuse Biixi iyo Cabdiraxamaan Saylici waxa ay u tartameen si saraaxad ah oo ay kalsooniyi ku jirto, may qarsan dareenkooda ku aadan inay diyaar u yihiin inay tartamaan, manay diidin in lala tartamo, cidna kamay horjoogsan madashii uu tartanku ka socday, waxase banka is keentay ciddii kalsooni isku qabtay, waanay guulaysteen, waanan hambalyaynaynaa, waxanay yihiin masuuliyiin ku habboon oo maalintii ku habboonayd musharaxnimo loo doortay.Waxaa kale oo aan hambalyaynayaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglotoosiye, oo aan leeyahay waxa uu muujiyay dedaal iyo karti dheeraad ah oo la arkayay sidii uu u tartamay iyo sidii uu dimuquraadiyada xisbiga Kulmiye ka dhex jirta uga run sheegay.

Waxa kale oo aan ku hambalyaynayaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleebaan sidii uu u qabalay natiijadii ka soo baxday tartanka, taasina waxa ay muujinaysay bisayl siyaasadeed iyo kalsooni,”ayuu yidhi Agaasimuhu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here