Ahlusunna Oo Qaadacday Heshiiskii Lagu Gaadhay Cadaado

0
389

Ahlusunna Oo Qaadacday Heshiiskii Lagu Gaadhay Cadaado

Hargeysa (warsugannews) Maamulka Ahlu-sunnah ee xaruntiisu tahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in hehsiiskii la sheegay in ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlu-sunnah uu ahaa mid riwaayad ah oo adduunka lagu marin habaabinaayo.

Shiikh Maxamed Shaakir oo Dhuuamareeb loogu caleema saarey Madaxweynaha Gobolada Dhexe ayaa sheegay in kuwa heshiiska wada saxiixdey markii horeba wada shaqeyneyeen oo ay ahaayeen dad wada jooga hal meel, waxa ay sameyeena uu yahay mid ay ku marin habaabinayaan caalamka.

Shiikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in Ahlu-sunnah iyo dadka degan gobolada dhexe ay tashadeen oo maamul samaysteen isla markaana ay ku qanacsan yihiin maamulkooda.

Maalintii shalay ayaa Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen iyo Shiikh Ibraahim Guureeye oo sheeganaya Guddoomiyaha Ahlu-sunnah heshiis ku kala saxiixdeen Cadaado.

Ururka ahlu-sunnah aya gacanta ku haya inta badan magaalooyinka gobolka Galguduud, waxaana maamulkii Cadaado lagu dhisey uu kaga sugan yahay Galguduud degmadii lagu dhisay ee Cadaado, sidoo kale waxaan weli la dhisin dhamaan hay’adihii dawliga ahaa ee maamulkaas.

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here