Ajaanibka Wakhtigii Loo Qabtay Waa Dhamaaday (Balan Daro Waa Diin Daro) Qalinkii Mustafe Cabdi‏

0
408

Saaka is badal badan ayaa laga dareemay goobaha waaweyn ee magaaladda Hargeysa, waana la soo wada dhaweeyey go’aanka ay Somaliland ka qaadatay saaritaanka dadka Ajaanibka ah, gaar ahaan oromada oo maalmahan fari ku godnayd.

Go’aankan lagu saarayo Ajaanibka waa mid taariikhi ah, Somaliland saaka waxay muujisay bisayl iyo go’aan dawladnimo, in halkaa laga sii wado oo aan Hargeysa lagu dayn ayaa loo baahan yahay, wax kasta waa go’aan iyo ku dhiirasho.

Xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo malaayiin jeer hamblayo go’aanka aad saaka fuliseen, waa go’aan la wada sugaayey oo taariikhda hogaamineed ee madaxweynaha kaalin muuqata ka gali doona Insha Allah.

Baraha bulshada ee (Facebook iyo Twitter) waxaa buux dhaafiyey hambalyooyin loo diraayo xukuumada Somaliland, dadkuna dareenkooda markaad aragto siday faalooyinka iyo qoraalada u soo dhigayaan jidhidhico ayaa ku qabanaysa. Somaliland guul guul.

Ormada iyo Ajaanibka dalka jooga waa inay ogaadaan inay marti yihiin, waa inay ogaadaan inay joogaan dawlada calan iyo ciid leh, waa inay ogaadaan inay joogaan dhul dawladi ka taliso, waa inay hurdada ka kacaan oo ay baraarugaan. Cidii sifo sharci ku joogta waa halkeeda, laakiin dhex marayaashu joogi maayaan.

Dadka Somaliland markay wadamada jaarka ah tagayaan, gaar ahaan Jabuuti iyo Itoobiya sharci la’aan kuma galaan, kumana joogaan, Somaliland-na kuwaas oo kale ayey noqonaysaa, ninba waa markiisee mus ma kula koray ayey maanta maraysaa.

Laamaha amaanka iyo guud ahaan ciidanka maanta hawshaa fuliyey waxaan u dirayaa hambalyo gaar ah, waayo mar aan suuqa ku arkay sida ay ula dhaqamayeen dadka la qab qabanaayey waxaa ka muuqaatay asluub iyo ixtiraam badan, waanay ku amaanan yihiin. Kun jeer hambalyo ayaan leeyahay ciidanka sharafta mudan.

Qalinkii: Mustafe Cabdi

Cmustafe99@gmail.com