Akhirso: Wararka Wargeyska Warsugan Media Group ee Cadadkii Maanta oo Arbaca ah ka Soo Baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa

0
844

Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadaladdii Ka Soo Yeedhay Masuuliyiinta Xisbiga

“ Ragga Imika Somaliland-Ta Doobyaya, Halkee Bay Joogeen Markii Beelaha Ilaa Sanaag Bari, Sool, Awdal Iyo Selel Shir Isu-Imanayeen..”Wasiir Maxamed Kaahin

Hargeysa, Somaliland 02 Oktoober, 2019 (Warsugan)-Wasiiradda Wasaaradaha Xannaanadda Xoolaha Iyo Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi,  ayaa si kulul uga hadlay qodobada qaar lagaga hadlay shirkii golaha dhexe xisbiga mucaaridka Waddani oo eedo culus uga jeediyay xukuumada shirkaasi, ayaa sheegay in hadalada ka soo yeedhay madaxda Waddani ay dhabar jab ku tahay xisbinimadooda. Islamarkaanna waxay hadladdood ku tilmaameen kuwo kala fogaynayaa bulshadda Somaliland.

 

 

Wasiiraddu waxay sidda ku sheegeen sannad guuraddii 24 ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, waxayna tilmaameen in aannu xisbiga Waddani ka waxba kala socon xaalka dalka “Waxan maqlayay hadalo ayaan dhowayto shirkii golaha dhexe xisbiga Wadani hadalo ka baxayay oo aad moodo inay qaranka dhabar jab ku yihiin, oo muujinayay calool xumo iyo niyad xumo oo muujinayay halku dhega meesha ay ku qorteen iyo waxa meesha laga lahaa inay aad u kala fogaayeen, dal mida iyo dad mida maahayne qodax,  qucundho iyo caraancar baa la qaybiyay.

 

 

Aad iyo aad baan uga naxay wax ididiilo ah oo meesha ka muuqday ma jirin, waxa ka mid ah waxyabaha la yaabka leh waxa la yidhi xukuumada siyaasadeeda arrimaha dibadu waa fadhiid, waa ma dhalays safaro madhalays ah oo aan waxba tarin ayaa lagu baxay.

 

 

Waxaan la yaabsanahay xagay ku maqnaayeen marka safarada qaarkood dawlado dhami xidhiidhka isugu gaynayeen ma waxaynu odhan karaa waa ma dhalays mise waa safari midho dhal ah.

 

 

Waxaan ka mid ahaa waftigii madaxweynaha ee Jabuuti tagay, Jabuuti waa dal aynu jaar nahay, waa dad dal iyo dadba inaga dhexeeyo, waajib waxa ah in macaamil   wanaagsan iyo dhaqan wanaagsan iyo iskaashi  yeelano.

Dugsiyadii gaarka loo lahaa waa loo diiday, dugsiyadii dawlada ayaa la siiyay koorasyadii, waynu ognayay inteena kari karta inay iskuul fii bixiso ayaa caruuurtooda iskuulada gaarka ah gaysa, waayo macalimiintii wanaagsanayd iskuuladii dawlada waxa ka kaxaystay iskuulada gaarka loo leeyahay , waxa ku hadhay ardaydii saboolka ahayd, ardaydii ciidanku ay dhaleen, waardiyayaashu dhaleen.

 

 

 

Miyaanay xaq ahayn in dadka la isa soo gaadhsiiyo darawalka, askariga iyo waashmaanka ardaydiisa loo daayo wixii koorasa ee la helo. Waxay yidhaadeen Waddani waxaanu ka baqaynaa Rabiical carab, waar inagu taa 88-kii, 89-kii iyo 90-kii baynu soo marnay ee waxaynu nahay ka soo doog, lama mid nihin, dawladnimadeenuna waa madaxweyne doorasho ku yimaada doorashana ku taga, inta kursiga u fadhiyaana tahay xilli cayiman”

 

 

Sidoo kale waxa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxaanu “Raga imika Somaliland-ta doobyaya, goomay yimaadeen, halkee bay joogeen markii beelaha ilaa Sanaag bari, Sool, Awdal iyo Selel ay shirarka isugu imanayeen Berbera oo aynu maata joogno shirkii u horeeyay bishii February 1991kii ragaaasi xagee bay joogeen.

 

 

Masiibooyin aan inoo-ba dhowayn bay inoo saadinayeen, in jabhado ls noqdo in qabaa’il la kala noqdo in gobolo la kala noqdo in Somaliland burburto, tolow iyagu xagay ku noolaanayaan, haday sidii barigii reero noqto isagu xagu ku noolaanaya ninkan madaxweyaha u sharaxani, ninka madaxweyne ku xigeenka u sharaxani, madaxda xisbiga Waddani xagay ku noolaanaysa, ilayn waxaynu ku noolnay inaynu dalkan leenahay, isku wada xidhanahay, nabadgalyo jirto laakiin waxa laga yaaba inay tabashooyin jiraan”  ayuu yidhi Maxamed Kaahin

 

“Ma Jirto Adduunka Caafimaad Bilaash Ah, Dawladdunna Ma Awoodo Caafimaad Bilaash Ah…….”Agaasime Maxamed Cabdi Xergeeye

 

Hargeysa, Somaliland 02 Oktoober, 2019 (Warsugan) – Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay sheegay in aanay dunnida ka jirin dawooyin bilaash ahi, islamarkaanna aan dadka oo dhan la siin karrin dawooyin bilaash ah. Islamarkaanna dawooyinka cusbitaalka dawladda yaalla innagu filan yahay sannadka soo socdaa oo aanay jirin dawooyin la’aan innagu dhacaysa.

 

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay  kormeerayay kaydka lagu kaydiyo dawooyinka Somaliland, wuxuunna sheegay aynnu haysanno dawooyin badan oo qarran ahaan innagu filan.“Maanta (Shalay), waxaannu soo marnay kaydka wayn ee dawooyinka qarranka, annagoo eegaynaa habsi u socodka kala duwan ee kaydka dawooyinka ee jamhuuriyadda Somaliland ee wasaaradda caafimaadku maamusho. Sidaad wadda arkayseen kaydadku way badan yihiin oo is-toodho badan baa meesha ku yaallaa oo dawooyin badan baa meesha yaalla. Marka wuxuu ahaa kormeer aannu ku qiimanaynay iyo sidda ay u socoto hawshu iyo sidda uu yahay kaydku, waxa kale oo aannu eegaynay kaydadka kale ee tallaalka iyo sidda ay qaboojiyayaashu u shaqaynayaan.”Ayuu yidhi Dr Xargeeye.

 

 

Sidoo kale, Agaasimaha wasaaradda caafimaadku wuxuu tilmaamay aanay adduunka ka jirin dawooyin bilaash ahi ama dawladdu bixiso ama dadku nimaadka caymiska ku shaqeeyaan“Immika dawooyinka innoo yaalla waa dawooyin innagu filan bilaha soo socda iyo sannadka soo socda oo waxa jira dawooyin innoo soo socdaa oo kama cabsanayno in wax dawo la’aan ahi inaggu dhacdo. Aduunyadda caafimaad bilaash ahi ma jiro ama dawladda ayaa bixisa ama dadka ayaa nidaamka caymiska ayuu ku shaqeeyaa oo adduunyadda meel uu caafimaad bilaash ahi yaallaa ma jirto, innagu waxaynnu nahay waddan soo koraysaa oo dhaqaalihiisu yaryahay ma awooddo dawladdu in dadka oo dhan caafimaad bilaash ah gaadhsiiso.”Sidaa ayuu yidhi Dr Xergeeye

 

 

Xukuumadda Jabuuti Oo Sidda Fiinta Uga Qaylisay Hadal

Ka Soo Yeedhay Faysal Cali Waraabe, Xukuumaddanna Farriin U Dirtay

 

 

“Xukuumadda Jabuuti U Dulqaadan Mayso Aflagaadada Faysal Cali Waraabe, Shacabkanna Ma Kala Dili Karro…..”Wakiilka Jabuuti

 

Hargeysa, Somaliland 02 Oktoobe, 2019 (Warsugan) – Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sidda fiinta uga qaylida hadal shalay Faysal Cali Waraabe ku genay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu ku tilmaamay mid aan dhex ka ahayn waddahadaladda Somaliland Iyo Soomaaliya.

 

 

Wakiilka Jabuuti u joogga Jamhuuriyadda Somaliland Amb Xuseen Cumar Kawaliye ayaa hadal anshax ka baxsan ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Eng Faysal Cali Waraabe. Islamarkaanna wuxuu sheegay inuu yahay shaqsi wadda isu-dirka ummadda Somaliland iyo Jabuuti, waxaannu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in jawaab laga bixiyo hadalka ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe.

 

 

Wakiil Kawaliye, wuxuu sidoo kale tilmaamay in aan xisbiga Ucid meelna uga bannaanay xidhiidhka ka dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland, “Waxaan idiinku yeedhay inaan ka jawaabbo hadalo anshax xun oo ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe, annagu waxaannu nahay dawladda Jabuuti, dawladda Jabuutinna waxay la shaqaysaa oo ay wax ka dhaxeeyaan Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadda Somaliland ayay wax ka dhaxeeyaan. Waxaanna ka dhexeeya walaaltinnimo qoto dheer iyo xidhiidh qoto dheer, haddii ay noqoto ganacsiga, isu-socodka, wadda-tashigga iyo ka wadda-shaqaynta Argagixisadda.” Ayuu yidhi Kawaliye.

 

 

Sidoo kale, Wakiilka Jabuuti u joogga Jamhuuriyadda Somaliland Amb Xuseen Cumar Kawaliye, wuxuuna sheegay in xukuumadda Jabuuti la sheekaysan Xisbi, islamarkaanna aan loo dulqaadan karrin aflagaadada Faysal Cali Waraabe “Aflagaadada iyo af-xumadda ninkaasi ku hadlayo, waxaannu ka leenahay annagu   xisbi lamma sheekaysanno oo annaga xisbi wax naga dhexeeyaa ma jirto, oo xukuumad iyo Madaxweyne ayay wax naga dhexeeyaan. Sheekadda Jabuuti iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland meel uu ka soo gallo ugama bannaannaa,  oo Faysal aflagaadadiisa umma dulqaadanayno oo jawaabta waxaannu ka sugaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa.”

 

 

Dhinaca kale, waxa uu gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu fidmo kula jiro labadda shacab,isla markaana uu kala dilayo shacabka Jabuuti iyo shacabka Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inuu caadaystay cayda jabuuti “Shacabka jabuuti iyo shacabka reer Somaliland ma kala dilli kartid oo xumaan kuma dhex-beeri kartid oo war-xummo tashiilnimmo lamma dhex-joogaysid.”Sidaa ayuu yidhi Kawaliye.

 

 

Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweynaha Jabuuti ku eedeeyey inuu doonayo inuu wada hadalsiiyo Somaliland iyo Soomaaliya, waxaaanu ku eedeeyey madaxweyne Geelle in aanu dhex ka ahayn oo uu la jiro Soomaaliya, sidaas darteed qof aan dhex dhexaad ahayni aanu wada hadalkaasi labadda dhinac lagu aamini Karin.

 

 

Xukuumadda Farmaajo Oo Godkeedda Biyo Ugu Soo Galeen Iyo Isbahaysiga Xisbiyo Lagaga Dhawaaqay Muqdisho

 

Muqdisho, Somalia 02 Oktoober, 2019 (Warsugan) – Xisbiyadda ugu waaweyn dalka Soomaaliya, ayaa shalay ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo lagag hortagi doonno xukuumadda tamarta iyo taag-darradda la daala dhacaysa ee uu hoggaamiyo Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre.

 

Isbahaysigan wuxuu rajo iyo jiritaan ummadeed ku amuuray dadka u ololeeya siddii meesha looga saari lahaa xukuumadda Soomaaliya ee cadowga iyo ciilqabka u ah Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Jiritaanka iyo isbahaysiga Xisbiyadda waxa hoggaaminayaa Madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

 

Isbahaysiga xisbiyadda waxa warbaahinta la waddaagay Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah xildhibaanadda Golaha Shacabka, waxaannu sheegay in midowganni yahay mid wax lagaga qabanayo xukuumadda Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre“Waxaannu Maanta (Shalay), isugu yeedhnay in aannu si kooban uga war-bixinno shirar soo bilaabmay 29 bishan oo maalmahan noogga socday Magaaladda Muqdisho, annaga oo ah xisbiyadda ugu waawayn ee Qarran ee dalka ka jirra.

 

Shirka gaba-gabadiisii waxaannu ku go’aansanay in madal wadda-jir ah loo sameeyo xisbiyadda waaweyn ee Qarranka, madashaas oo magaceedda la yidhaahdo “Madasha Xisbiyadda Qarran”.

 

Ujeedooyinka u waaweyn ee aannu madasha u samaynay waxa weeye in xisbiyadda qarran tallo ka yeeshaan arrimaha taagan ee qaranka saamaynta wayn ku leh, oo lagu saxayo wixii qaloocdaa. Markaa maanta waxaannu halkan kaga dhawaaqnay siddii ay madashaasi u dhismi lahayd, waxaannu go’aansanay in madashaasi yeelato Golle sarre ama hoggaamiye kaste oo xisbi. Xisbiyada ku bahoobay Madashan ayaa waxay kala yihiin Himilo Qaran, UPD, Horusocod, NDP Wadajir, MBDA iyo kuwa kale, waxaana ka dhex muuqda siyaasiyiin, Xildhibaano iyo madax hore.”Ayaa lagu yidhi warsaxafadeedkan.

 

“Madaxweynuhu Wuxuu Sheegay In Xukuumaddiisu Shiidaal Dalka Keenayn…” Ganacsadde Cali Ibraahim 

 

 

Hargeysa, 02 Oct 2019 (Warsugan) – Ganacsade Cali Ibraahin Ciise (Cali Waraabe) oo ka mid ah ganacsatada waawayn ee dalka keenta shidaalka, ayaa sheegay inaanay jirin wax shidaal ah oo xukuumaddu dalka keenayso oo la ogaysiiyay ganacsatada shidaalka soo dejisa, isla markaana wuxuu sheegay inay iyagu shidaalka dalka keenayaan.Islamarkaanna Madaxweynuhu u ballanqaaday in xukuumaddiisu dalka keenayn shidaal gooni ah.

 

 

Ganacsadde Cali Ibraahim oo shalay qaybo ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa ganac sadahan oo maanta qaybo kamida warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa, waxaannu sheegay inuu madaxweynuhu u sheegay in aanay xukuumaddiisu shidaal keenayn dalka “Ganacsato  waawayn oo shidaalka dalka keenta ayaannu nahay nallama.

 

ogaysiin wax shidaal ah, oo xukuumaddu dalka keenayso, warbaahinta ayuun baannu ka maqalnay wararkaa, madaxwaynaha waannu la kulanay annagoo dhawr iyo toban ganacsato oo shidaalka keenta ah waanu la kaftanay oo wxaanu ku nidhi Madaxwayne haddii dawladdu meesha imanayso dee nagga qabo, markaa waxaan idiin sheegayaa warkaa suuqa-yaalaa waa war been ah, oo xitaa xisbiyaddii mucaaradka ahaa ay faa’ido ka dhigtay, waxaan arkayay xitaa suldaanno ka hadlaya.

 

laakiin war been ah ayay ka hadleen, waxa loo baahan yahay in warka xaqiiqda rasmiga ah laga helo. Madaxwaynaha markii aannu u tagnay warkii rasmiga ahaa ayuu na siiyay waanan isu-raacnay  oo wuxuu yidhi Madaxwaynuhu nimanyahow intaanu intiinaa meesha ka saarno oo cidkale ku bedelno ama dawladu keento maaha mana qaadanayo dawladinna keeni-mayso shidaal.”Ayuu yidhi Cali ibraahin

 

Qarreeno Cabasho Ka Muujiyay Shaqo Joojin Lagu Sameeyey

 

Hargeysa, Somaliland 2 Oktoober, 2019 (Warsugan) – Muddoyinki uu dambeyee waxa soo noqnoqonaye cabaashoyin ka dhan ah bahda garsoorka islamarkaana eedayn uu jeediyeen gudomiyaha maxkamada sare jamhuuriyadda Somaliland, Aadan Xaji Cali Axmed oo ay shegeen in uu balmaray qawaaniinti sharciyada iyo xeerarki xagayee maxkamadaha.

 

 

Shir jaraid ay maalinti shalay ku qabteen magalada hargeysa ee jamhuriyadda Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in gudomiyaha maxkamada raacfaanka Somaliland kadib markii ay dhowaan warbaahinta maxaliga ah ee dalka ka hadleen islamarkaana ay sheegen in codsi shaaqo ka jooojin ah loo gudbiyee gudomiyaha maxkamada racfaanka jamhuriyadda Somaliland, taas oo ay ku timameen in uu talaabada uu qaaday ay bal-marsan tahay sharciyada dalka uu yaala.

 

 

 

“Annaga oo qarreenno ah, waxaannu ka hadalnay caqabaddaha Maxkamadaha ka jiraa, dhibaatooyinka Maxkamadahanna ciddii sabab u ahna waannu sheegaynay oo waa Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre oo intii uu xilka hayay arrimmo badan oo aan xeerka waafaqsanayn ama aan sharciga ku dhisnayn Garsoorka ku soo kordhiyay ayaannu ka hadlay maadaama aannu nahay Qareennaddii Jamhuuriyadda Somaliland, ma nihiin annagu siyaasiyiin, laakiin sharci yaqaanno ayaannu nahay ummadda u qaabilsan halka xeerka.

 

 

Marka waxaannu sheegnay caqabaddo ka jira maxkamadaha oo aannu walaac ka muujinay iyagoo qareenno horre waddanka ka baxeen qaar kalenna shaqadda joojiyeen.Taa waxa keenay in Gudoomiyihii Maxkamaddu si aan xeerka waafaqsanayn oo sharcigu u oggolayn uu yidhaahdo qarreennadaasi shaqadii baan ka joojiyay, taas oo ah mid xeerka ka hor imanaysaa, sababtuna oo ah annagu waxaannu nahay qarreenno xeer Baarlammaan ku aas-aasan, cidda ruqsadda in siisaynaa waa iyagga.

 

 

Warqaddaasi waa qayrul-sharci waanna ku xadgudub bay ku tahay shuruucda waddanka. Marka la eeggo qareennadda yaa maamula yay hoostaggaan waa su’aasha is-waydiinta muddan. Qareennadda waxa ruqsadda siiyaa guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta, sidda uu dhigayo xeerka qareennaddu, guddidaas baa xaq u leh inay ruqsadda siiso ama ka qaado.” Sidana waxa yidhi mid kamid ah qarreennada oo maalinti shalay shir jaraid ku qabtay magalada Hargeysa ee jamhuuriyada Somaliland.

 

 

 

Dhinaca kale, xidhiidh aannu la samaynay Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Aadan Xaaji Cali ayay noo suurtageli wayday, si aannu eedaymaha qarreenadda wax uga waydiinno, annaga oo isu-dayo badan la samaynay dhinaca Telefoonka.

 

Hay’ad Caalami Ah Oo Maraykan Ku Eedaysay Duqayo Uu Ku Dilay Dad Rayid Ah

 

Muqdisho, 02 Oct 2019 (Warsugan)-Hay’adda Amnesty International ee Xuquuqda Aadanaha, ayaa Maraykanka ku eedaysay in duqaymaha uu inta badan ka fuliyo deegaanno ka mid ah Soomaaliya ay waxyeelo ka soo gaadho dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

War ay soo saartay Hay’adda ayaa lagu sheegay in baadhitaano ay sameeyeen lagu ogaaday in saddex qof oo rayid ah lagu dilay weerarradii 18-kii March ka dhacay Koonfurta Soomaaliya inay ahaayeen kuwo aan dambi lahayn, inkasta oo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay sheegeen in raggaasi ahaayeen xag-jiriin ka tirsan Al-Shabaab.

 

 

Mareykanka ayaa kor u qaaday weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan “Drones” ka ka fuliyaan Soomaaliya sannadka 2019-ka, kuwaas oo ka dhan ah waxa uu ku sheegay inay yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo xidhiidh la leh Al-Qaacida, iyo Daacish oo ku sugan Soomaaliya.

 

 

Laakiin Amnesty waxay sheegtay in dadka rayidka ahi ay ka mid ahaayeen dadka dhintay, iyaga oo sheegtey in ay diiwaan galisay in ka badan dhowr iyo toban kiis oo dad aan waxba galabsan lagu dilay weerarada cirka ee Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya.

 

 

Kooxda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ayaa sheegtay in AFRICOM aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo qiimeyntooda saddexda nin ee lagu dilay duqeyntii Mareykanka ka fuliyay 18-kii March koonfurta Soomaaliya inay ahaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

 

 

Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa sidoo kale lagu sheegay in Cabdullaahi Xasan oo ah cilmi-baadhe Soomaaliya u qaabilsan Amnesty uu sheegay in Mareykanka uu u muuqdo mid aan ogeyn cidda duqeymaha cirka ah ka geysata Soomaaliya.

 

 

Ugu dambeyn Amnesty waxay sheegtay inay wareysi la yeelatay 11 qof oo goobjoog ka ahaa weerarkii 18-kii March, oo ay ku jiraan kuwa la shaqeeya iyo qoyska ragga la dilay markii gaadhigooda lagu dhuftay gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay u cadeeyeen in Eheladooda aysan xidhiidh la laheyn Al-Shabaab.

 

 

Warkan ka soo yeedhay Hay’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ee lagu eedeeyey duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Mareykanka duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya uu ku sheego in uu ku dilo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Imaam Naxashiisa Qaadeen 40,000 Oo Qof, Xilli Uu Cunsuriyad U Geeriyooday

Hargeysa, 02 Oct 2019 (Warsugan)-Qaraabada iyo asxaabta imaam la dilay 50 sano ka hor, xilli uu ka hortagayay cunsuriyadda South Afrika, waxay weli la murugsan yihiin geeridiisa.

 

 

Laba arrin oo muhiim ah ayaa ka dhacay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, 29-kii bishii September 1969-kii.

Mid waa aaska ballaadhan ee illaa 40,000 oo qof ay qaadeen naxashka maydkii Imaam Cabdullaahi, oo lagu aasay qubuuraha Muslimiinta ee Nowbray.

 

 

Dad badan oo labada dhacdo u joogay waxay si aan caadi ahayn u aaminsanaayeen in xidhiidh uu ka dhexeeyay arrimahaas, waxay sheegeen in dilka Imaamka oo 45-sanno jir uu ahaa mid xannuun badan oo laga argagaxo.

Imaam Haron wuxuu ku dhex dhintay saldhig boolis, 27-kii September, ka dib 123 maalmood oo keligii lagu xidhay qol laguna hayay imtaxaan adag oo baadhitaan ah oo la xidhiidhay sidii uu ugu lug lahaa halgankii ka dhanka ahaa cunsurayiddii midab kala sooca.

 

 

Maamulkaas wuxuu soo afjarmay 1994-kii, ka dib markii Nelson Mandela uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ee Koonfur Afrika.

 

 

Imaam Haron wuxuu ahaa wadaadkii ugu horeeyay ee diimaha oo dhan ee ku dhintay xabsi ay lahaayeen maamulkii midab takoorka. Geeridiisa waxay sababtay in xitaa ragga Alle u adeegayay aanay ka badbaadayn caddaadiskii sii kordhayay ee maamulku aaminsannaa sarreynta Caddaanka.

 

 

Geeridiisa waxaa ka dhashay cadho caalami ah, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee tacsi loogu qabtay kaniisadda caanka ah ee London ee St Paul’s Cathedral.

 

 

Ciidamaddii booliska ee uu u xidhnaa waxay sheegeen inuu dhintay ka dib markii uu ka dhacay jaranjaro.

Waxay sheegeen in labada feer ee jabtay iyo 27 dhaawac oo ku yaallay jidhka imaamka aysan iyagu shaqo ku lahayn, inkastoo caan ay ku ahaayeen in tacaddi iyo jidhdil ay adeegsadaan.

 

 

Qoyska Imaamka waxay sheegeen in aan la aqbali karrin beentaas waxayna dalbanayaan baadhitaan cusub oo la xidhiidha geeridiisa oo lagu maamuuso 50 sanno ka dib.

 

Gabadh Soomaali Ah Oo Ka Tirsanayd Shaqaalaha BBC-Da Oo Geeriyootay

Hargeysa, 02 Oct 2019 (Warsugan)-Weriyaha BBC-da, Hanna Yuusuf oo shaqadeeda muddooyinkii dambe ay ahayd baaritaan la xiriira xaaladda ay ku shaqeyaan shaqaalaha ka shaqeeya bakhaarka shirkadda qaxwada ee Costa ayaa geeriyootay iyadoo 27 jir ah.

 

 

Madaxa wararka ee BBC-da Fran Unsworth, ayaa sheegtay in Hanna ay ahayd gabar yar oo weriye oo heybad uu Alle siiyay, hammi badanna laheyd, waxayna intaa racisay in geerideda ay tahay war aad u naxdin badan.Qoyska Hanna waxaa ay shegeen inay aad uga naxeen, qalbi jabna ay ku noqotay, waxayna intaa raaciyeen in waxqabadkeedi uu dadka u noqon doona dhiiragelin.Hanna waxay la shaqeyn jirtay qeybta wararka lagu qoro bogga wararka ee website-ka, luuqada Ingiriiska iyo telefishenka luuqada Ingilishka oo ay soo saare ka ahayd.

Hanna waxay ku hadli jirtay lix luuqadood oo ay kamid yihiin Soomaali iyo Carabi, waxaana ay horay uga shaqeysay warar la xidhiidha dhibanayaasha dembiyada culus.

 

 

Warbixintii ay Hanna ka qortay shirkadda Costa, waxay daaha ka rogtay dacwadaha iyo eedeymaha loo jeedinayo madaxda shirkadda, kuwaas oo diiday inay shaqaalaha siiyaan marka ay jiradaan iyo fasaxa sanndlaha.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay inay sameyeen baadhitaan madax-bannan, iyagoo ka duulaya eedeymaha loo jeediyay madaxda shirkadda.

 

 

Qoyska Hanna ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saareen dhimashada gabdhooda waxay shegeen in dhimashada Hanna ay argagax ku noqotay”Dad badan waxay Hanna ku yaqaaneen shaqadii wanaagsaneyd ee ay ku soo kordhisay saxaafadda iyo shaqadeedi BBC-da”.

 

 

Weriyaha BBC-da, Cabdiraxmaa Bidhaan oo ay Hanna ka wada shaqeyeen xarunta BBC-da ee London ayaa ka shakeeyay waxyaabaha uu ku xusuusto”Waxaan ku xasuustaa gabadh jecel dhaqankeeda iyadoo haddana qurbaha ku kortay, “ayuu yidhi Bidhaan.

 

 

Hanna Yusuf waxay ahayd saxafiyad dhallinyaro ah oo hibo leh, BBC oo dhanna aad looga jeclaa, waxaana tacsi u diraynaa qoyskeedii iyo asxaabteedii. Waan tebi doonnaa Hanna”Waxaan weynay saaxib aad u ad-adag, iyo awood dhanka runta u adeegta, iyo iftiin gaadhayey meel ka shisheysa mihnadeeda saxaafadda oo ay ku hiranayeen dad badan oo isugu jira kuwo BBC ka shaqeeya iyo kuwo aan ka shaqayn.Waxaan xaqiijin doonnaa in dhaxalkeeda dhanka jacaylka tebinta sheekooyinka uu noqdo mid aad loo maqlo wakhtiyada soo socda, aad ayaanan u tebi doonnaa”.

 

ARRIMAHA DIBADDA

 

Madaxweyne Trump oo Raysal Wasaraha Dalka Australia Weeydiisytay in baadhitaan lagu sameeyo ninkii isaga baadhayay

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taleefoon ku wacay Ra’isulwasaaraha Australia, Scott Morrison ka dibna wuxuu ka codsaday in uu baadhitan ku sameeyo asaasaha dacwadda uu gacanta ku hayo baadhaha gaarka ah ee Robert Mauller oo baadhitaan ku sameeyay Donald Trump.

Saraakiisha dowladda Australia ayaa xaqiiyay dalabka Trump ee ah in baadhitankan lagu sameeyo ninka isaga dabagalka ku sameeyay. Arrintan ayaa imanaysa xilli Trump uu wajahayo mooshin xilka xayuubin ah oo timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu xog xasaasi ah la wadaagay hoggaamiye dal kale.

Diiwaanka laga sameeyay wicitaaka taleefoonka ee dhex maray Trump iyo Morrison ayaa la sheegay in si weyn loo qariyay, islamarkaasna ay kaliya galaangal u lahaayeen kaaliyeyaal kooban oo kuwa madaxweynaha ah.

Baadhitankii garyaaqaan Robert Mueller waxaa lagu eegayay xidhidhka uu dhaxeyaa madaxweyne Trump iyo dalka Ruushka, xilligii lagu jiray ololaha doorashada 2016-kii. Inkasta oo baadhitanka aan lagu caddayn fal dambiyeed uu ku kacay madaxweyne Trump, haddanse meesha lagama saarin suurtagalnimada in wada shaqayn hoose jirtay. Arrintan ayaa aad uga cadhaysiisay mudane Trump, si joogto ah ayuuna u dhaleeceeyay.

Bishii May ayuu Trump sheegay in xeer illaaliyaha guud, William Barr, uu dib u eegis ku samayn doono sida markii horeba uu baaritaanka ku bilowday.

Su’aalo ayaa la’iska weeydiiyay ku lug lahaanshaha Barr ee badhitanka, maadaama uu isaga xitaa uu aad ugu dhowaa Donald Trump.

Ra’isulwasaaraha Australia ayaa ka mid ah madaxda ay aadka isugu dhowyihiin madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump. Haddaba waxaa la isweeydiin karaa waxa iska quseeya Australia iyo baaritaanka Mueller?

Arrintan ayaa timid ka dib markii safiirkii Australia u fadhiyay UK Alexander uu sheegay in nin horey Trump kaaliye ugu ahaa oo lagu magacaabo George Papadopoulos, uu u sheegay in xukuumadda Moscow ay hayso siro qarsoon oo sumcad dilli kara Hillary Clinton oo markaas loollan madaxtinimo kula jirtay Donald Trump.

Balse Mr Papadopoulos ayaa beeniyay in uu safiirka kala hadlay waxyaabo caynkaas ah. Muddo laba toddobaad ah ayuu ninkan xabsi galay ka dib markii uu qirtay in uu been u sheegay FBI-da.

 

Boolis rasaas u adeegsaday arday seef ku weerary Iskuul

Hal qof ayaa lagu dilay halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Seef oo lagu qaaday iskuul loo dalxiis tago oo ku yaalla magaalada Kuopio ee dalka Finland, sida ay boolisku sheegeen.

Qof goob jooge ah ayaa warbaahinta maxalliga ah ee Finland u sheegay in arday Seef wata uu galay iskuulka oo lagu magacaabo Savo college, ka dibna uu billaabay inuu dadka la dhaco seefta. Hase yeeshee booliska ayaa sheegay inuu qofka weerarka geystay ku hubeysnaa “bir af leh” iyo qori ay rasaas ku jirto.

Waxay saraakiisha ciidanka sheegeen in askarta booliska ee halkaas u gurmaday ay adeegsadeen rasaas markii ay soo xirayeen ninka weeraray iskuulka oo qeyb ka ah xarun ganacsi oo ku taalla koonfurta magaalada Kuopio. Qof kale oo dhacdadaas goob joog u ahaa ayaa sheegay in booliska hubeysan ay si toos ah u wajaheen ninka falka geysanayay, oo halkaas tagay galinkii dhexe ee maanta oo Talaado ah, 1 Octpber, 2019.

“Gabar ayuu seef uga dhuftay qoorta, calooshana wuu uga duray”, ayuu yidhi qof goob joogaha ah.

Ninka weerarka geystay, oo boolisku ay sheegeen inuu yahay muwaadin u dhashay isla dalkaas Finland, ayaa qudhiisa ka mid ah dadka ku dhaawacmay dhacdadan. Labo ka mid ah dhaawacyada ayaa lagu soo warramay inay xaaladdooda aad u liidato.

“Hal qof oo dhintay meydkiisa ayaa laga helay Iskuulka ku yaalla xarunta Kuopio Herman”, ayey sheegen boolisku. Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalka Jaamacadda Kuopio, halkaasoo looga dhawaaqay inay ka jirto musiibo weyn.

Ardayda ‘oo kuraas ku tuurayay’ ninka weerarka geystay

Iskuulka la weeraray waxaa dhigta qiyaastii 600 oo arday, wuxuuna leeyahay 40 shaqaale, laakiin taliska boolisku ayaa sheegay in ilaa hadda aysan caddeyn tirada ku sugneyd goobta marka uu weerarku dhacayay. Haweeney ayaa u sheegtay warbaahinta Finland sida ay u caawisay macallimad uu dhaawac halis ah kasoo gaaray gacanta ka dib markii uu weeraray ardayda seefta watay.

“Markii aan caawinayay macallimadda, waxaan maqlayay dad kale oo u qeylo dhaaminaya in loo gurmado, arday badan ayaa cararayay.” haweenay uu waramayse Telefishin laga leeyahay Finland oo lagu magacaabo MTV.

Ninka falka fuliyay ayaa fasal gudaha u galay wuxuuna boorsadii uu watay kala soo baxay seef, macallimadda ayuuna ku billaabay, sida uu tabiyay website-ka wararka baahiya ee Iltahlehti. Markii ay damacday inay ka cararto, ardaydii kale ayaa kuraas ku tuurayay ninka weerarka sameynayay, si ay uga cararaan, qaarkoodna way dhaawacmeen.

Si rasmi ah uma kala cadda in ninka weerarka geystay uu arday ka ahaa isla iskuulka, booliskuna wali ma aysan shaacinin sababta uu falkaas u geystay. Ra’iisul Wasaaraha Finland Antti Rinne ayaa sheegay in qalalaasaha ka dhacay Iskuulka uu ahaa “mid argagax leh oo aan gabi ahaanba la aqbali karin”, Halka haweeneyda ah wasiirka waxbarashada, oo lagu magacaabo Li Andersson, ay sheegtay in qof walba oo dhalinyaro ah uu xaq u leeyahay inuu si nabad ah wax u barto, isagoo aan ka cabsaneynin qalalaase.

Finland ayaa loo aqoonsan yahay inay tahay waddan aad u nabdoon, sanadkii 2017-kana waxaa ka dhacay isku darka 73 dil. Laakiin shacabka waddankaas ayaa si weyn u heysta hubka. Sanadkii 2008-dii, nin hubeysan oo 22 jir ah ayaa toogasho ku dilay 10 ruux, ka dib markii uu weerar ku qaaday Iskuul ku yaalla magaalada Kauhajoki, ka hor inta uusan isagana toogasho isku dilin.

 

Wargeyska Warsugan Media Group

 

Hargeysa/Somaliland