Akhri Magacyada iyo Hantida Sedeeda Qof Ee Ka Taajirsan Kala Badh Dadka Dunida+Sawiro

0
384

Hay’addu waxay sheegtay in farqiga u dhexeeya saboolka iyo tujaarta uu ka waynyahay sidii markii hore loo haystay.
Sideeda qof ee ugu taajirsan dunida ayaa haysta dhaqaale la mid ah midka ay haystaan 3.6 bilyan oo qof oo ah kala bar dadka ugu saboolsan dunida, sida lagu sheegay warbixin ay shaacisay hay’adda Oxfam.
Nin derbi jiif ahaan jiray oo noqday taajir
Wiilka yar ee ninka tujaarka ah u eg
Hay’addu waxay sheegtay in farqiga u dhexeeya saboolka iyo tujaarta uu ka waynyahay sidii markii hore loo haystay.
Oxfam warbixinteeda waxay ku soo aadisay shir ku saabsan dhaqaalaha caalamka oo maanta ka billaabanaya magaalada Davos ee dalka Switzerland. Waxaa kullankan isugu imaanaya hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo ganacisga dunida.

1.Bill Gates(Mareykanka): aasaasaha shirkadda Microsoft ( $75bn)SIDEEDA QOF EE UGU TAAJIRSAN DUNIDA
2.Amancio Ortega(Spain): aasaasaha Zara iyo milkiilaha Inditex ($67bn)
3.Warren Buffett(Mareykanka): wuxuu leehay saamiga ugu badan ee shirkadda Berkshire Hathaway ( $60.8bn)
4.Carlos Slim Helu(Mexico): milkiilaha Grupo Carso ($50bn)
5.Jeff Bezos(Mareykanka): Aaasasaha shirkadda Amazon ($45.2bn)
6.Mark Zuckerberg(Mareykanka): Aasaasaha shirkadda Facebook ($44.6bn)
7.Larry Ellison(Mareykanka): Madaxa shirkadda Oracle ($43.6bn)
8.Michael Bloomberg(Mareykanka): Milkiilaha Bloomberg LP ($40bn)
Xigahso: Forbes, March 2016
Oxfam ayaa soo saartay warbixino tan la mid ah afartii sano ee la soo dhaafay. Sanaddii 2016, hay’addu waxay sheegtay in 62-da qof ee ugu taajirsan dunida ay haystaan dhaqaale la mid ah kan ay haystaan kalabar dadka saboolka ah.
Dadka maalqabeenka ah ee dunida oo tiro ahaan u dhigma 1% ah ayaa ka dhaqaale badan dadka kale ee dunida ku nool, sida ay Oxfom sheegtay