Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 171-aad Ee Maanta Oo Axad ah ka soo baxay Caasimada Hargeysa

0
575

“Noqon Mayno Kuwo Mucaawimo Suga, Ee Inagaa Dhexdeena Guntanayna Oo Gacmaha Isu-Qabsan Doona” Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay Jidka Kala Baydh iyo Dila

 Dila (Warsugan) Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xadhiga ka jaray wado dharerkeedu yahay 21km oo u dhaxaysa Dila iyo Kala-baydh. Madaxweynaha ayaa sheegay in laga maarmi karo gacmo shisheeya oo dhaqaale laga sugo, waxanu mahad gaara u soo jeediyey sanduuqa SDF ee horumarinta Somaliland.

Madaxtooyadda ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay socdaalka madaxweynaha ee Dila, waxana ay kaga hadashay ahmiyada ay leeyhiin jidadka oo la dhisaa, waxana war-saxaafadeedkaa ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) iyada oo lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xadhiga ka jaray waddo dhererkeedu dhan yahay 21Km taas oo isku xidha Kala-baydh iyo Dila ee gobolada Awdal iyo Gabiley. Madaxweynuhu intii uu ku sii jiray jidka waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyey, Arabsiyo, Abaarso, Gabiley iyo Kala-baydh, oo ay isugu soo baxeen shacbiga ku dhaqani wadooyinka dhinacyadooda, kuwaasoo ay ka dhex muuqdeen ardayda dugsiyada oo ku labbisan dirayskooda”

“Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay geedaha ay caanka ku tahay Dila, ayaa waxa isugu yimid masuuliyiinta qaranka oo uu hogaaminaayo madaxweynuhu oo uu weheliyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiiro, xildhibaano, taliyeyaasha ciidamada qaarkood, iyo  masuuliyiiin kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa gobolada Awdal iyo Gabiley, madaxdhaqameed iyo Dadweynaha degmada Dila. Masuuliyiinta degmada Dila iyo kuwa gobolka Awdal oo uu horkacayo duqa degmadaasi, Xildhibaanada, siyaasiyiinta, Madaxdhaqameedka, ee degmada iyo gobolka, ayaa halkaasi ka jeediyey khudbado ay ku soo dhawaynayaan weftiga Madaxweynaha ee xadhiga ka jaray waddada, waxaanay iskala afnoqdeen in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadiisuba ay taariikhda ku galeen wax qabad la majeerto, mugleh ee ay dalka ka fuliyeen”

“Masuuliyiinta meesha ka hadashay waxay madaxweynaha ku bogaadiyeen jidka uu furay oo ay ku sifeeyeen inuu ahaa mid dhib badan lagala kulmo oo wakhti badan lumin jiray marka isu-socadka la eegayo, isla markaana ay hanti badani ku dayacmi jirtay. Waxa kale oo ay madaxweynaha ku ammaaneen jidadka kale ee ay dhismayaashoodu ka socdaan dalka, gaar ahaan jidka Ceerigaabo ee uu ku dhiiraday madaxweynuhu, hirgelintiisa, iyadoo lagu bixinayo hantida dadka Somaliland oo qudha, taasina ay beenisay in jidadka sidaa u dhaadheer, sida ka Ceerigaabo, ay dawladaha muruqa dhaqaale leh uuni ka bixi karaan, ama cid ay dawladahaasi caawiyaan, waxaanay ku boorriyeen madaxweynaha inuu halkaa ka sii wado dedaalka dhismaha jidadka dalka, iyagoo Ilaahayna uga baryey inuu la qabto hawlahaa qaranimada, waddaniyada iyo samafalka leh ee ka socda dalka intii uu hogaankiisa hayey”

“Waxa iyaguna halkaa ka hadlay dhinacooda Masuuliyiinta Madaxweynaha weheliyey kana mid ahaayeen Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka, Wasiirka Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Maareeyaha hay’ada wadooyinka, iyo Gudoomiyaha ahna murashaxa Xisbiga Kulmiye. Waxanay masuuliyiintaasi sheegeen in horumarinta wadooyinka iyo guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxqabadka kale ee dalkuba yihiin waxa ay ku taamayso xukuumadda uu hogaaminaayo Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, halkaana laga sii wadi doono horumarinta iyo dib u dhiska dalka, isla markaana ahayd qorshihii xisbiga Kulmiye, ku soo galay saaxada maamulka dalka”

“Mr. Michael oo ku hadlayey magaca sanduuqa horumarinta Somaliland oo ah sanduuq ay wada jir u maalgeliyaan dawladaha Norway, Denmark, Holland iyo Boqortooyada Ingiriiska isla markaana maalgelinta jidkan, ku wehelinayey dawlada Somaliland,  ayaa sheegay qiimaha dhaqaale iyo wakhti ee uu jidkani soo kordhinaayo, iyo sida uu jidkani u yahay mid halbeeg ah (Standard), waxanu ka mahadnaqay wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF iyo xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Silaanyo. Madaxweynaha oo gunaanadkii xaflada ka hadlay ayaa ugu horaynba u mahadnaqay masuuliyiinta iyo shacbigii ku soo dhaweeyey halkaasi, isagoo raaciyey intaa in wadooyinku ay yihiin halbowle  dhaqaale, isla markaana ay qayb weyn ka qaataan isku xidhka dadka iyo maalkaba, ahmiyad gaarana u leeyihiin dadka maraya jidadka, iyadoo taa laga duulayana kuwa la dhisay uun maahee kuwo kalena la dhisi doono, kuwa socdana la dhamaystiri doono. Madaxweynaha waxa ka mid ahaa hadaladiisa “waxaynu dhisanaynaa dhulkeena waynu qabyo tiraynaa jidadkeena, waan isku tashanaynaa ciidii inagu gacan siisana waan uga mahadnaqaynaa, gaar ahaan, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo dawlahada inagu taageeraba”. Hase ahaatee noqon mayno kuwo mucaawimo uun suga, ee inagaa dhexdeena guntanayna oo gacmaha isu-qabsan doona si aynu horumr la taaban karo u gaadhno”

 ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Wasiir Warancade Oo Si Adag Ugu Jawaabay Soomaaliya Oo Dab Qori Leh La Daba Socota Heshiiska DP World Ee Baarlamaanka Somaliland Ansixiyey

Berbera iyo arrimaha Somaliland “unuka ayaa iska leh” Waar ilaahay ayaa naleh ee idinku iskama kaayo lihidin”

Hargeysa (Warsugan) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane, Cali Maxamed Warancade ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ansixinta mashruuca dekeda iyo weerarka Soomaaliya ay ku soo qaaday horumarinta dekeda Berbera.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag uga hadlay doolalada Soomaaliya ee ay ku xajiimaynayso heshiiska imaaraadku, gaar ahaana shirkadda DP World ayaa yidhi “maalmo dhawayto waxa aan maqlayey buuq fara badan oo khaas ahaan laga hadlayey dekeda Berbera wax badan ayaan is-waydiiyey waxa la yidhi Saca aan Lo’da ka tirsanayni marka uu ku jiro Lo’daasi ma af-dhigto ayaa la yidhi habeenkiina xerada kuma jirto waxa aan la yaabana waar geeskan Somaliland ku dhex jira ee gifta ku haya shacabkii ee kaga dhawaajinaya xaguu ka yimi? Maxaa idin soo galay? Xalay waxa aan maqlayey waaberigii maamulka Soomaaliya markii ay ogaadeen in la ansixiyey mashruucii dekeda oo awal gees ayey inagula dhex jireen ay inaga hindhisinayeene inay saaka masraxa isa soo taageen oo ay leeyihiin ma ogolaanayno mana aqbalayno in la horumariyo dekeda Berbera iyo arrimaha Somaliland “unuka ayaa iska leh” Waar ilaahay ayaa naleh ee idinku iskama kaayo lihidin”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxa ay yidhaahdeen dacwad ayaanu dacwaynaynaa dawladda Imaaraadka caalamka ayaanu ka dacwaynaynaa, weriyihii waydiinayey ayaa yidhi oo idinku maba xukuntaan oo nimankaasi waa dawlad gaar ahe maxaa dekedahooda iyo horumarkood idinku saliday? Waa xasad, waa cadaawad iyada oo waxa aad ogtihiin aynu ka soo marnay ayaan wali laynaga hadhin, haddii aynu inagu maalin walba isku qabsano bac iyo lax la dhibaynayo cadawgeenina halkaa uu ka fikirayo geeskiisuna habeenkii ina soo gaadhayo anigu sida aynu wax iskaga celinayno garan maayo, sidaa awgeed waxa aan leeyahay wax yaabaha yar yar ee dhexdeena fudayd-sada, bacaha fudayd-sada, adhiga la dhibaynayo fudayd-sada ilayn wax kale iskuma haysaane, bacaha ka wada caba iskaba laaba oo carradda cuna wax ale waxa aad ku heshiis tihiin ayaanu anana fulinaynaa”

Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyay Siyaasiyiinta Dawladda Xamar U Xilal Doontay

 Hargeysa(Warsugan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cafis rasmi ah u fidiyay siyaasiyiinta iyo xubnaha madax dhaqameedka sheegta ee Somalia ku sugan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray in loo fidiyo wixii taakulo dhinaca gaadiidka iyo socdaalka ah ee cid kasta oo doonaysa inay ka soo laabato mabda’a ay ku joogeen Somalia, kuna soo guryo noqdaan dalkooda hooyo ee Somaliland.

Cafiska madaxweynaha ayaa imanaya kadib markii siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda iyo madaxda dhaqanka ee xusho ee Somalia xilalka ka haya ama ka soo qabtay dhawaan sheegeen inay ku hungoobeen mabda’oodii ahaa in Somaliland iyo Somalia mar kale isku soo noqdaan. Arrintaasi waxay ku sababeeyeen kadib markii la maroorsaday kuraastii ay halkaasi ku lahaayeen lana muujiyay inaan Somaliland laga rabin Muqdisho, lagana mid dhigay maamullada Somalia u kala jajabtay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani, ayaa iclaamiyay go’aanka madaxweynuhu cafiska ugu fidiyay bulshada dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka cawday habka loogula dhaqmay Muqdisho, islamarkaana ku calaacalay inay ku laabanayaan deggaannadooda iyo dalkooda Somaliland.

“Walaalahayaga reer Somaliland ee ku sugan Somalia waxay maanta garteen, wixii rag reer Somaliland ahi hore u garteen, naftoodana u hureen, dadk boqol kun ka badana u naf waayeen. Waxay garteen in haddaad tahay nin ama gabadh reer Somaliland ah aanay jirin wax kuu yaalla Somalia. Waxaanu adduun weynaha u sheegaynaa oo siyaasiyiinta Somaliland ee Xamar jooga u sheegaynaa Mustaqbalku wuxuu ku jiraa Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta.

Afhayeenka xukumadda ayaa sidoo kale tilmaamay go’aanta madaxweynuhu qaatay “ Siyaasiyiinta Xamar jooga ee maanta gartay inaanay Somalia waxba u oolin, wuxuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u fidinayaa cafis balaadhan oo bilaa shuruud ah. waxa dawladda uu madaxweynuhu gadh wadeenka ka yahay u fidinaysaa siyaasiyiinta doonaya inay soo noqdaan wixii gaadiid ah hadday baabuur tahay iyo hadday diyaarad tahayba,” ayuu yidhi Wasiirku.

Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee xilalka ka haya Muqdisho ee ka tirsan xukumadda iyo baarlamaanka oo ay weheliyaan madaxdooda dhaqanka ayaa dhawaan shir ay qabteen waxay ku sheegeen in lagu duudsiyay xaqoodii islamarkaana kuraastoodii badh la siiyay maamulka Puntand. Waxay dawladda Somalia ka codsadeen inay ku caawiso gaadiid ku celiya Somaliland maadaama aanay rajo uga muuqan Muqdisho, hase ahaatee go’aanta ka madaxweynaha ayaa u muuqda mid siyaasadeed oo muhiimad weyn u leh Somalilad, maadaama markii u horaysay siyaasiyiintaasi quus ka joogaan wixii Somalia ugu carrab laalaadin jirtay.

Murrashaxa KULMIYE Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Qorshaha Soomaaliya Doorashadeeda Ugu Dartay Somaliland

 Hargeysa (Warsugan) Hoggaamiyaha xisbiga xaakimka Kulmiye, ahna musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa meesha ka saaray midnimo dambe oo dhexmarta Somaliland iyo Somalia.Waxa uu kula taliyay madaxda Somalia inaanay wakhti dambe iskaga lumen Somaliland, balse ay dhistaan dalkooda kana saaraan mushkiladaha la dariska ah iyo ammaan darrada asiibtay.

Musharaxa oo shalay ka hadlayay madal madaxweynaha Somaliland xadhiga kaga jarayay dhismaha wadada isku xidha Dila iyo Kalabaydh ee gobolka Gabiley ayaa sheegay in midnimada ay sii fogaysay waxqabad la’aantii xilligii Somalia ee dhulka Somaliland “Maalmahan waxaynu maqlaynay qolada Muqdisho oo gardarooyin aan geedna loogu gaban Somaliland ula badheedhayay.waxaynu maqlaynay shir wada tashi ah oo Xamar lagu qabtay oo lagu soo qaaday in Somaliland qayb la siinayo, waxaanu leenahay dadku waa inay ku dhaqmaan wacyiga taagan,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Haddii Somaliland iyo Somalia bari wax wada yeesheen oo isku darsameen, midawgaasi wuu dumay.Waliba si xun oo dhib badan oo raadkiisu aad u xun yahay ayuu ku dumay. Waxaanu leenahay qolada Xamar ku shiraysa waxaa midawga aad daydayaysaan dumiyay oo dilay; taladii 1960-kii lagu galay Muqdisho ee sidaad ogaydeen u qaybiseen, waxa marag ma doon ah oo dilay 30-kii sanno ee aynu dawladda wada ahayn ee aduunka oo dhammi ina caawinayay waxaa kari waydeen inaad dhistaan wadda Kalabaydh iyo Boorama isku xidha, taas iyo meel wal oo la mid ah ayaa raadka ugu adag ah,” ayuu yidhi musharax Muuse.

Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa tilmaamay inay Somaliland wakhtigan horumarka dalkeeda ku mashquulsan tahay “Anagu waxaanu maanta u jeednaa inaanu dalkayaga dhisanno, inaanu cisbitaallada iyo iskuullada dhisanno, wararka ugu badan ee maskaxdayada ku jiraa waa sidee dadkayaga iyo dhalinyarada yada u shaqaalaysiinaa, uma jeedno maanta inaynu is qabqabsano oo isku buuqno, uma jeedno maalin walba inaynu gef ku wada hadalno. Waxaan leeyahay walaaladay Illaahay dhibta ha idinka dulqaado, dalkiina dhista kaayaga ayaanu dhisanaynaaye, dad daris ah oo laba raas oo walaalo ahna aynu ahaano,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Musharaxa Kulmiye wuxuu intaasi raaciyay inuu madaxweynaha Somaliland ka shaqeeyay isu soo dhaweynta quluubta Somaliland, wuxuuna si weyn u soo dhaweeyay wada hadalka kooxda Cali Khaliif iyo Somaliland oo uu tilmaamay inuu yahay wada hadal lagu dhammaynayo khilaaf gudaha Somaliland ah. waxa uu arrintaasi ku tilmaamay guul u soo hoyatay Somaliland. waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday saami qaybsiga kuraasta wakiillada oo uu tilmaamay in markii hore la tixgalinayay cabashada gobolka Awdal balse hadda kol haddii bulshada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle timid la wada tixgalin doono gacantana la wada galin doono iyadoon cidna waxba jiidanayn.

“Dadka Wararka Beenta Bulshada Ku Marin Habaabinaya Waxaan Leeyahay Aakhiradiina U Tudha, Hadaad Aduunyadii Ka Quusateen….” Amb. Baashe Cawil Cumar

Dubai (Warsugan) Amb. Baashe Cawil Cumar, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin  diidmo Soomaaliya ama wadan kale hordhigo oo baajinaya hirgelinta heshiiska maalgashiga dekeda Berbera shirkada DP World, maadama uu ahaa hindise labada dhinac saxartireen.

Mr. Baashe Cawil oo su’aalo la xidhiidha heshiiska maalgashiga dekeda iyo warar warbaahinta qaarkood ku qoreen in shirkada Dp World bilawday qaadashada shaqaalaha cusub uu weriye Maxamuud Walaaleye khadka telefoonka ku weydiiyey isagoo jooga Dubai, ayuu ku bayaamiyey inaanay waxba ka jirin wararkaa, isla markaana yihiin been bulshada loola badheedhay. Waxaanay u dhaceen su’aalahii iyo jawaabahii la weydiiyey sidan:

Safiir Baashe, maadama golaha wakiiladu cod aqlabiyad ku ansixiyeen heshiiska maalgashiga xukuumada iyo shirkada DP World, waa maxay talaabada xigta wakhtigan?

  1. Golaha wakiiladu waajibkii ka saarnaa horumarka dalka iyo dadka Somaliland ayuu gutay, waanan ku hambalyeynayaa, aqlabiyadii ay ugu codeeyeen, intii diiday ama ka aamustayna fikirkooda waa u xor. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan bulshada Somaliland hirgelinta heshiiska maalgashiga dekeda Berbera, Ilaahay mahadii, waana dhaxal ay u aayi doonaan jiilashada dambe, kolay weli heshiisku waxuu marayaa dhamaystirka talaabooyinkii ka horeeyey oo ansixintii golaha Baarlamaanku qeyb ka ahayd, waxa xilligan hadhay waa in Somaliland iyo shirkada DP World si rasmi ah u kala saxeexdaan heshiiska maalgashiga dekeda Berbera, oo boqolkiiba 100% ah nuqulkii la ansixiyey oo faahfaahsan, una ballansan yihiin guddiga Wasiirada iyo madaxda shirkadu dabayaaqada bishan.
  2. Maxaa ka jira warar warbaahinta qaarkood u qorayeen in la bilaabay qorista shaqaale cusub oo shirkada DP World qaadanayso iyo qeybaha ay ka kooban yihiin?
  3. Wararkaasi waa been cad, oo aan sal iyo raadtoona lahayn, waxaan filayaa in qolyaha wararkaa beenta qoraya in caqligoodu gaaban yahay, hadaanay calooshooda la ciyaarayn, ilayn qofkii garaad leh wuu garanayaa inaan heshiis aan weli dhamaan waxba ka horeyne, ta labaad, sida heshiiska DP World & xukuumadu dhigayo muwaadiniinta Somaliland ayaa ka faa’iidaysan doona shaqooyinka iyo mashaariicda dhismaha dekada, oo mudnaanta koowaad leh, hawlahii dadkeenu qaban kari waayaan mooyee? markaa dadka wararka beenta ah bulshada ku marin habaabinaya waxaan leeyahay aakhiradiina u tudha, hadaad aduunyadii ka quusateen.
  4. Shalay nin u hadlay xukuumada Soomaaliya waxuu sheegay in heshiiska DP World iyo Somaliland sharci-daro yahay, sidaad u aragtaa, wax saamayn ah hadalkaasi ama diidmo ka timaada Soomaaliya oo aduunku aqoonsan yahay ma ku yeelan karaa hirgelinta heshiiskan?
  5. Aduunka ma jiro qof meel cidla ah hantidiisa ku tuura, iska daa shirkad caalamka kuwa ugu horeeya sida DP World ahe, waxay heshiiskan ugu soo dhiiradeen markii dhinac walba ay daraasad kaga sameeyeen faa’iido iyo khasaare ama caqabado waxii kaga iman kara, una soo baxday natiijo ay ku qanceen dhinac walba, kuna kalsoonaadeen balanqaadka Madaxweynaha Somaliland ayey saxeexidiisa la galeen xukuumada, ma jiro diidmo Soomaaliya ama wadan kale hordhigo oo baajinaya hirgelinta heshiiska maalgashiga dekeda Berbera shirkada DP World, Insha alaah.

 

War-saxaafadeed: Furitaanka Mashruuca Dib udhiska Waddada Kalabaydh-Dila

13 August 2016. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa xadhiga ka jaray waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dila  oo  dhan 21 km, taasoo lagu sameeyey dib udhis dhamaystiran, waxaana laga maalgaliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Mashruucan oo ku kacay lacag dhan 2.03 milyan ayaa ka koobnaa dhismaha laami cusub iyo biriish jiifto ah oo laga dhisay magaalada Dila. Munaasabadd si rasmiya  loogu furayay waddada oo lagu qabtay magaalada Dila ayay ka soo qayb galeen Madaxwaynaha Jamhuuriaydda Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiil ka socday Waddamada  Qaadhan- bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Tan iyo markii la dhisay waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dila oo ahayd 1980 ayaan laguma samayn waxa dayactir ah oo la taaban karo, taasina waxay keentay in waddadu ay noqoto mid aad u burbursan oo ay ka samaysmeen godod waawayn hareerahan ka soo yaraatay, taasoo keentay in gaadiidku ay gabi ahaanba ka weecdaan iyagoo isticmalaaya inay maraan waddada hareeraheeda.

Dawladda Somaliland waxay hore u dhamaystirtay dayactirka waddada isku xidha Dila iyo Borama laakiin qaybta waddada ee u dhaxaysa Kalabaydh iyo Dila ayaa muudo badan dayacnayd.

Xaaladda waddada oo aad u xumaatay awgeed ayaa keentay in wadaddii burburtay gabi ahaanba la qaado, kadibna la dhigay lakab cusub oo ka kooban caratuul , jay iyo sib isku dhafan hoostana laga soo dhisay. Waxa kale oo loo sameeyey saaqiyado cusub oo ay biyuhuu maraan iyo calaamadaha wada marista ee loogu talagalay badbaadada gaadiidka.

Dib udhiska waddadu waxa uu keenay in uu hoos u dhaco in ka badan 50% nooligii lagu raaci jiray  gaadiidka u kala goosha magaalooyinka Hargaysa iyo Borama iyo in uu yaraado wakhtigii loo kala socon jiray Kalabaydh iyo Dila oo markii hore ahayd 50 daqiiqo hada loo kala socdo 15 daqiiqo. Waxa kale oo dhamaystirka waddadu keenay in darawaliintu ay kalsooni ku qabaan safarka ay galayaan iyagoon ka warwarayn xaaladda cimilada gaar ahaan xilliyada roobka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) oo ka hadlay muhiimadda ay waddudu leedahay ayaa waxa u yihdi “Farxad wayn bay ii tahay inaan maanta ka soo qaybgalo furitaanka waddada Kalbaydh iyo Dila ee laga maalgaliyey mashruuca SDF. Siyaasadda Qaranku waxay muhiimadda siinaysaa inuu waddanku isku xidhmo oo aynu horumarino waddooyinka. Waddadanina aad ayey ahmiyad u leedahay ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu ina la qabto oo aynu halkaa ka sii wadno horumarka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guriyeeynta Mudane, Cali Xasan Maxamed oo isaguna xusay natiijada mashruuca dib udhiska waddada waxaanu yidhi “Waxa sharaf inoo ah in aynu maanta halkan xadhiga kaga jarno mashruuca waddada Kalabaydh-Dila oo 21 km ah oo tayadeedu sareyso lagana maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Waxaan u sheegayaa anigoo uga mahad celinaya dowladdaha inaga caawiyay mashruucan in lacagtii ay bixiyeen ee ay Somaliland ku caawiyeen ay gashay halkii loogu talagalay meel baahi wayn looqabayna lagu daboolay.”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali shoombe)  ayaa isaguna dhankiis uga mahadnaqay qaadhaan-bixiyayaash Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF taageeradda ay siiyaan Somaliland waxa kale oo uu Wasiirku yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka gudida maamusha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (JSC), waxaan halkan ka sheegayaa inuu mashruucan dib udhiska waddada Kalabaydh-Dila yahay mid lagu guulaystay oo midho dhal ah, waddadanina ay muhiimad wayn u leedahay isku xidhka Gobalka Awdal iyo goballadda Kale ee Somaliland.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo Dawladda Somaliland kaas oo soconaya muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo Qorshaha Shanta Sanno ee dhinaca Horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Dawlada Ingiriiksa (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), Dawladaha Norway iyo Boqortooyada Netherlands.

Golaha Guurtida Oo Soo Jeediyay In Wax soosaarka Dalka La Dhiiri Galiyo Lana Horumariyo Ganacsiga

 

Hargeysa(Warsugan) Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa ku taliyay in kor loo qaado waxsoosaarka maxalliga ah ee Beeraha iyo badda. Mudaneyaasha ayaa doodooda ku eekeeyay sida aanay Somaliland uga faa’iidaysan baddeeda iyo barigeeda sidoo kalena aanay ganacsi u dhaafsan dawladda Itoobiya oo qaadka iyo alaabooyin kale u soo dhoofisa Somaliland.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan) oo dooda mudaneyaasha ka qayb qaadanayay ayaa ku taliyay in Somaliland qorshayso sidii dhaqaalaha Itoobiya inagu qabto ganacsi loo dhaafsan lahaa “Itoobiya ayaa lacagtii qaadanaysa, anaguna waxba kuma bedelno; kaluun kuma bedelno, cusbo kuma bedelno wax kalena kuma bedelno, markaa dhaqaale inta cirku inoo jiro ayuu inoo jiraa,” ayuu yidhi xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xoolaha nool oo Somaliland ku tiirsanayd suuq xumo iyo abaaro isaga dambeeyeen “Xoolaha nool ayaynu ku tiirsanayn oo xoolihiina abaarina way ku dhacday, suuq la’aana way ku dhacday.Dhinacna kooto ayay kaga jiraan oo neefta lagaa iibsado lacagtiisu waa kooto, markaa aniga dhaqaale iima muuqdo markaa dee barnaamij ma u samaynaysaa xukumaddu, waxeenu waa iska jaanta rogan,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Maxamed  Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isna soo jeediyay in xukumaddu tayayso wax soo saarka maxalliga ah ee Somaliland “Waxay ahayd in shanta boqol ama kunka laash ee Berbera jooga ee shaqo la’aantu hayso  wasaaradda Kalluumaysigu shaqo galiso. Waxay ahayd inay shidaalka iyo barafka siiso, sidoo kalena haddii wasaaraddu sanadkii miisaaniyadda ku darto inay iibiso shan boqol oo laash, laashkiiba 4 qof ayaa fuula oo shaqo abuur ayay keenaysa iyo in sanad walba dhawr boqol oo qof oo kalluumaysiga wax ka soo saaraa soo kordhaan,” ayuu yidhi mudanuhu.

Sidoo kale wuxuu xildhibaanku talooyin u jeediyay wasaaradda beeraha “ Waa tan dhulkii la wada ootaye haddii wasaaradda beeruhu dadka tidhaa siidhkii iyo qodaalkiiba waanu idiin samayn ee boqolkiiba afartan idinkuna qaata oo wax beera, laguna maamulo wax soo saarka ay u baahan yihiin suuqyada inala jaarka ahi. Haddii sidaas la yeelo waxaan rajayn in lacag dibada inooga baxdaana kaydi lahayd, wax aynu dibada u dhoofinana aynu heli lahayn.Waxaanu ku talinaynaa in wasaaradda kalluumaysiga iyo ta beeruhu lacag galiyaan waxsoosaarka dalka,” ayuu yidhi xildhibaanku.

Mudaneyaasha ayaa sidoo kale tilmaamay in dadkii wax  beeran jiray ee Somaliland ay iska joojiyeen markii suuqyada dibadu ka xoog bateen “ Dadkii dan yarta ahaa ee wax beeran jiray way baaba’een, waayo? Itoobiya ayaa laga keenaa Basashii, Tamaandhadii, Baradhadii, Basbaaskii, Muuskii baa laga keenaa, xattaa Liintii ayaa dibadaha laga keenaa, Markaa beeralaydii waddanku way niyad jabtay,” ayaa ka mid ahaa dooda xildhibaannada.

Mudaneyaasha ayaa soo jeediyay in suuq loo raadiyo khayraadka badda Somaliland ku jira ee Kalluunka iyo Milixdu ka mid tahay sidoo kalena lagu dedaallo sidii loo soo saari lahaa. Sidoo kalena waxay ku taliyeen in cashuuro dheeraad ah la saaro dalagyada dibadda ka imanaya si dadka gudaha wax ka beertaa ugu dhiiradaan beerashada. Waxay si balaadhan u soo jeediyeen in guud ahaan la xoojiyo hay’addaha dawladda, sidoo kalena qorshe laga yeesho wax soo saarka maxalliga ah.

Beelaha Garxajis Oo Shaaciyey Shir Ay Ugu Magac Dareen Tol Wanaaje

Hargeysa (Warsugan) Beelaha garxajis ayaa shaaciyey shir ay ugu magac dareen Tol Wanaaje shirkaas oo ka dhici doona Hotel-ka Maroodi-jeex ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa shirkan beelaha garxajis ee Hargeysa ka furmay gaar ahaana hoteelka maroodi jeex looguna magac daray tol wanaaje kaas oo ay ka soo qeyb galayaan in kabadan 250 ergo oo ka kala yimi gobolada dalka ee beeshu dago furitaankii guudna waxaa hadalka qaatay suldaan Cismaan Suldaan Cali waxaanu ku bilaabay “Aadbaan u salaamayaa dhamaan odayaasha cuqaasha salaadiinta iyo dhalinyarada beelaha gar xajis shirkuna wuu inoo furan yahay wixii danbena gadaal ayaan ka odhan doonaa”

Sidoo kale waxa isna madasha ka hadlay Jiif Caaqil rashiid Jaambiir  waxaanu yidhi “Shirkan beelaha gar,xajis muddo haatan laga joogo sanad iyo lix bilood  ayuu nagu dhashy  bacdina maalin walba mar xalad ayuu soo maraayay maalin kowbuu  ahaa  maalin labuu  ahaa maalinna boqolaal  ayuu noqdayoo fikirku wuu iska soodabo dhacaayay oo dad kuna waxa ay aqbalayeen in ay munaasib tahay in ay beeshu isku timaaddooo  ay shir iskugu timaado si ay aayeheeda iyo danaheedaba uga tashato

“shirkii kowaad  waxa uu dhacay dabayaaqadii sanadkii  aan soo dhafnay ka bacdi qaban qaabadisi iyo barnaamuj kiisi ayaa lasii hir galiyay ka bacdi waxa uu  shirkii  labaad oo  ahaa shir shiirkii hore ka mudo korsan waxa uu  dhacay sideedi bishii  aaan soo  dhafnay ee  July magaaladda Hargaysa ayuu ka dhacay shirkaasi waxa  iskugu yimid culimo aw-diin aqoonyahan oo  ay hogaan dhaqanku ay hogaaminayaan iyo mujdamaca kalo gadisan”

“shirkaasi wada hadal iyo dood dheer waxa la go’aamiyay in la magacaabo toban xubnood  oo kasoo jeeda dhaqanka oo  shirka guud ee belaha garxajis qaban qaabiya maalintaa  ka bacdi waxaka soo wareegtay muddo bil iyo kow iyo toban maal mood  ah gudigaa  qaban qaabadu maraaxin kalo duwayn  ayay soo  mareen qaban qaabada  waxa u dheraa caqabado badan oo  ay  kalo kauleen iyo jaran jarooin badan oo  ay  lakulmeen iyo hor istaan lagu sameeyay qab soomida shir kaasi”Jiif Caaqil Jaabiir

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ku dheeraaday ahmiyada walaaleynta beelaha wada dhashay waxay diintu katidhi “Marka Ugu Horaysa Dhamman Tiin Waxaan Idinkula Dardaarmayaa Alle Ka Cabsi waxaana  farxad wayn Ii  ah Inaan maanta  dad badan Oo ay halkan iskugu yimaadeen oo  uu  shaydaanku kalo kaxeeyay Oo Uu Ku Kala Dhex Jiray,Ilaahaybaa Subxaanahuu Watacaalaa Yidhi Shaydaanku Waxa Uu Faraa Dadka Xumaan,Ilaahaybaa Quraankiisa Inoogu Sheegay Inuu Yahay Cadow,Maantana Waxa Halkan Iskugu Imid Dad Diin Ku Walaalo Ah Dhiigna Ku Walaalo Ah Oo Shaydaan Kala Kexeeyey Oo Taariikhdana Aan La Garanayn Wakhti Ay Isku Yimaadeen Oo Maanta Isku Yimid Markaa Waa Farxad Aad Iyo Aad U Weyn,Ilaahay Ayaa Waxa Uu Yidhi Haddii Dad Walaalo Ahi Islaayaan Heshiisiiya Heshiiska Waxa Ku Jira Khayr”

Boqor Raabi ayaa isna hadalka lagusoo wareejiyay waxaannu xusay sida uu ugu faraxsanayahay shirka iyo imaatinka ergada “Aad Iyo Aad Ayaan Maanta U Farax Sanahay Waxaan Ku Farax Sanahay Ergadan Faraha Badan Ee Kasoo Qayb Gashay Shirweynihii Guud Ee Garxajis Ee Markii Ugu Horaysay Ah Shirku Wuu Inoo Furan Yahay Sidaas Uu Inoogu Furmayna Waan Ku Farax Sanahay Waxa Igu Jabsan Jidhidhico Aada Waxayna Iigu Jabsan Tahay Hadalo Hawadu Inagu Soo Duul Duulinaysay Oo Ahaa Garxajis Ma Shiri Karo Oo Uu Shirayna Garxajis Ayaan Ku Farax Sanahay” boqor raabi yusuf cabdilaahi

“Farxad Ayay Ii Tahay In Labeentii Garxajis Oo U Ban Baxday Inay Waayaheeda Mustaqbal Keeda Danaheeda Ka Tashato,Shir Kani Waa Shir Dhaqan Waa Shir Beelweynta Qarxajis Oo Aan Anigu Amin Sanahay Inay Qaran Yihiin Aan Filayo ay Ayahooda Kaga Tashanayaan,Garxajis Abtirsigiisu Wuu Jiri Doonaa” Boqor Faysal

Geesta kale waxa isna madasha ka hadlay Suldaan maxamed cabdilaahi xaaji aadan Qabiile. Suldaanku Waxa Uu Ku Dheeraaday Muhiimada Ay Leedahay Iskaashiga Iyo In La Wax Lawada Qabsado Ugu Danbayntiina Waxa Uu Ku Soo Gunaaday”Dadka Wixii Wax Garanaya Ayuun Baad Wax Isku Tihiin Ianguna Wixii Wax Garanaya Ayuun Baynu Wax Isku Nahay ” sharkan ayaa ah mid sii socon doona maalinta beriya lagana soo saari doono qodobo horle

 

Warsugan15@gmail.com

Hargeysa/Somaliland/Office