Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 179-aad ee maanta Oo Arbaca ah ka soo baxay Hargeysa

0
477

“Somaliland Rubuc Qarnigii U Dambeeyey Kama Qayb Qaadan Shirarkii Kala Duwanaa Ee Dib U Heshiisiinta Soomaaliya Marnaba” Madaxweyne Siilaanyo

“Somaliland Waa Waddan Isagoo Xor Ah, Waddan Kale Oo Xor Ah Ku Biiray, Maaha Markii Ugu Horreysay Oo Laba Waddan Oo Qaaradda Africa Ka Mid Ahi Isku Darsadeen, Haddana Kala Noqdeen”

DSC_0105

Hargeysa(Warsugan)Madaxeynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta Hotel Maansoor  kaga qayb galay  Munaasibad lagu soo bandhigay qoraal cabasho (Petition Letter) ay Saxeexeen hal milyan iyo Kow iyo Labaatan kun oo qof (1.021.000) oo Shacbiga Somaliland ah, kuwaasoo beesha Caalamka ka dalbanaya inay aqoonsadaan jiritaanka Somaliland.

Qoraalkan Cabashada ah ayaa qaatay  Muddo afar bilood ah, kaasoo bilaabmay 29/042016 – 09/08/2016, saxeexeenna  tirada  aan soo sheegnay oo ku kala  sugan dhammaan gobolada dalka Somaliland min Bari ilaa Galbeed, iyagoo saxeexayaasha marka hore loo akhriyayey, sharaxna laga siinayey macnaha  cabashada (Petition) oo ka mida hababka  dareen muujinta  ee loo raadsado waxa kaa maqan, tanina ay tahay mid loogu cabanayo beesha caalamku inay Ictiraafto Somaliland, lagagana cabanayo siday beesha caalamku uga dib dhacday xaqiijinta rasmi uga mid noqoshada Somaliland ee golayaasha caalamka, uguna horeeyo golaha guud ee qaramada midoobay (UNO)

Cabashadani waxay daba socotay cabashooyin hore oo ay bulshada reer Somaliland siyaabo kala duwan ugu muujiyeen saluuggii ay ka qaadeen midnimadii Soomaaliya ee 1-dii July, 1960-kii kuwaasoo isugu jiray diidmo dastuur, inqilaab samayn, mudaharaadyo dhigid, ilaa laga soo gaadho kacdoonkii dhagaxtuurka, loogana gudbo halgan hubaysan oo shacbi ilaa iyo lasoo noqoshadii iyo dibu-xorayntii dalka ee 1991-kii, taasoo 2001 la raaciyey afti guud oo laga qaaday shacbiga Somaliland, halkaasoo ay caddeeyeen shacbiga Somaliland  inay rabaan 97.7%  lasoo noqoshada madaxbanaanida Somaliand, waxana ugu danbaysay cabashadan maanta ee ay saxeexeen hal milyan iyo kow iyo labaatanka  kun ee qof, (1.021.000) kuwaasoo si cad ugaga cabanaya beesha caalamka inay la raageen aqoonsiga Somaliland, kana dalbanayaan imika inay siiyaan Somalialnd xaqa ay leedahay ee ah Ictiraafka.

Munaasibada maanta ee Maansoor waxaa hadal ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Debeda Dr. Sacad Cali Shire oo Wasaaradiisu ka ahayd gadhwadeen iyo hawl fuliyeba cabashadan dadweynuhu  ay soo qaddimeen. Waxaana wasiirku raaciyey sida loogu baahan yahay in hawl galka ictiraaf raadinta aan waxba lagala hadhin muruq, maal iyo maskax, waxaanu ku daray in qoraalkan cabashada ah ee dadweynuhu aanu ahayn afti (Referendum), balse ay tahay cabasho  (Petition).

Waxaa isaguna halkaa warbixin kasoo jeediyey Gudoomiyaha Hawlwadeenadii soo ururinta cabashada dadweynuhu bixinayeen, ahna agaasimaha habmaamuuska ee Wasaaradda Arimaha Debeda, waxaana uu halkaa ku faahfaahiyey sida daah furnaanta leh (Transparency), islamarkaana xaqiiqada ah (Fact) ee ay uga afgaadheen rabitaanka ummadda miyi  iyo magaalaba taasoo keentay inuu qof waliba oo saxeexayaasha ka mida ahi, isagoo ku qanacsan ujeedada cabashada uu magaciisa, lambarkiisa iyo saxeexiisa ku duugo hadduu wax akhriska iyo waxqorista yaqaano/taqaano, ama suulkiisa/suulkeeda ay saarto  haddii uu yahay qof aan waxna akhriyin waxna qorin.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in heerka xamaasada iyo rabitaanka shacbiga ee Somaliland ay maanta iyo maalintii lala soo noqday madaxbanaanida oo laga joogo rubuc qarni ay isku mid tahay, iyaguna garsoor ahaan ay qeyb ka yihiin ictiraaf raadinta, maadaama ictiraafku yahay wax la wada leeyahay.

Amb. Cawil Cali Ducaale oo kamida gudida heer qaran ee ictiraaf raadinta, ahna siyaasi ruug caddaa ah ayaa  isna sheegay inay khasab tahay in beesha caalamku ictiraafto Somaliland, ha dhawaato ama ha dheeraato’e.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Marwo Adna Aadan Ismaaciil, Prof:  Maxamed Siciid Gees, Xildhibaan Axmed Daahir oo ah gudoomiyaha gudida arrimaha debeda ee golaha guurtida, Siyaasi Maxamed Cabdilaahi (Uurcade) xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Aqoonyahan Axmed Xaddi Sidci, iyo Marwo Canab Cumar Ileeyee gudoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga Kulmiye, gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo dhamaantood halkaa ka hadlay ayaa jeediyey hadallo ay ku hoga tusaalaynayaan, kuna guubaabinayaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba oo ay horkacayso dawladoodu inay wadaan geeddiga ictiraaf raadinta, lana shaqeeyaan gudida ictiraaf raadinta ee heer qaran ee Madaxweynuhu alkumay, loona huro dhaqaalaha ay u baahan tahay raadinta ictiraafku iyo sidii lagu hanan lahaa, aqoonsi buuxa oo somaliland ka hesho dalalka adduunka.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane:  Axmed Maxamed Silaanyo ayaa khudbad taariikhiya oo xambaarsan sooyaalka Somaliland horrayso iyo danbayso, islamarkaana uu ku jiro garnaqsi sida ay xaq u tahay aqbalaada madaxbanaanida Somaliland ee laga rabo beesha caalamka, isla markaana uu ku taageerayo cabashada dadweynuhu qoreen halkaa ka jeediyey. Waxaana ka mid ahaa Khudbaddii Madaxweynaha:

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta kasoo qayb-galo munaasibaddan lagu soo ban-dhigayo dareenka runta ah iyo qoraallada codsiga ah ee laga soo ururiyey qaybo ka mid ah Bulshada ku dhaqan gobollada kala duwan ee Somaliland.

Waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad-celiyo dhammaan muwaadiniinta muujiyey dareenkooda ku aaddan sida ay u aaminsan-yihiin madax-banaanida dalkooda.

 

Mar labaad, waxaan ku bogaadinaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee uu hor-muudka ka yahay Dr. Sacad Cali Shire iyo dhallinyaradii kala shaqaysay barnaamijkan qiimaha badan.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Dareenkan muwaadiniintu wuxuu ka markhaati kacaya rabitaanka runta ah ee Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo uu cadaynayaa, himillada iyo hal adayga ay Ummadda Somaliland u leedahay ka-midho-dhalinta mabaadii’da ay aaminsan-yihiin iyo ilaalinta madax-bannaanida dalkooda hooyo, kuwaasoo aan la yaraysan karin, lana is-diid-siin karin ama dhagaha laga furaysan karin.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxaan u caddaynayaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-

  1.  Somaliland waa waddan leh taariikh dheer oo soo jiray ilaa 1887, isla markaana leh, xuduudo caalamiya oo la aqoonsan yahay, kana mid ahaa maxmiyadihii Ingiriiska.
  2.  Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii July dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.
  3.  Somaliland waa waddan isagoo xor ah, waddan kale oo xor ah ku biiray, maaha markii ugu horreysay oo laba waddan oo Qaaradda Africa ka mid ahi isku darsadeen, haddana kala noqdeen.
  • Masar iyo Suuriya, waxay isku darsadeen 1958, waxay kala noqdeen 1961-kii.
  • French Sudan iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1960-kii, waxay kala noqdeen 1960-kii.
  • Gambia iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1981-kii, waxay kala noqdeen 1989.
  1. Shacbi-waynaha Somaliland waxay si cad %53 ku diideen June, 1961-kii aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.
  2. Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.
  3. Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

  1. Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco, go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
  2. Maaha markii u horreysay ee Dadka Somaliland dareenkooda iyo rabitaankooda muujiyaan, Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97.7 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland  iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.
  3. Somaliland waa dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa wadan madax-bannaan.

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.

 

Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland, waxaanan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan xaqa sharci iyo ka bini’aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan.

 

Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Geeska Africa iyo ka caalamka intaba.

Ugu dambayn, waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ugu baaqayaa gudo iyo dibed meel kasta oo ay joogaan:

  • in ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta qarannimadooda iyo qadiyaddooda.
  • in ay rabitaankooda ku muujiyaan cod dheer iyo cudud midaysan.

Wa Billaahi Tawfiiq…

      Naasir Yuusuf  Daahir

Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

 

 

Wakiilka Ingiriiska U Qaabilsan Qaramada Midoobay Oo Wax Laga Waydiiyay Codsiga Somaliland Citiraafka Ku Dalbanayso

222

Warbaahinta Inner City Press oo fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa safiirka Ingiriiska waydiisay su’aal nuxurkeedu ahaa dalabka ictiraaf dalbashada 

Hargeysa(Warsugan)  Wakiilka

Ingiriiska u qaabilsan

qaramada midoobay Mr Matthew Rycroft, ayaa wax laga waydiiyay codsi ay saxeexeen inka badan hal milyan oo muwaadiniinta Somaliland ah, kaasi oo dunida lagaga codsanayay tixgalinta xuquuqda Somaliland u leedahay aqoonsi caalami ah. wakiilkan Ingiriiska u jooga golaha ammaanka iyo qaramada midoobay ayaa ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo mawqifkooda rabitaanka shacbiga, isagoo ku gaabsaday inay Somaliland la sii shaqayn doonaan.Warbaahinta Inner City Press oo fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa safiirka Ingiriiska waydiisay su’aal nuxurkeedu ahaa  “ golaha ammaanku wuxuu shaqaynayaa wax kasta oo ku saabsan Somalia iyo weeraradii argagixiso ee Puntland dhawaan ka dhacay balse maxaa kala socotaan codsiga halka milyan saxeexeen ee lagu codsanayo citiraafka?Hase ahaatee Ambasador Matthew Rycroft, wuxuu si kooban uga jawaabay su’aashaasi, isagoo sheegay in wixii u dambeeyay ee ay Somalia kala shaqeeyeen ahaa bayaan ku saabsan sida goluhu uga niyad jabsan yahay dib u dhaca doorashada Somalia, islamarkaana ay Somalia iyo Somaliland ba la sii shaqayn doonaan “ Haddaan dib ugu noqdo labada arrimood, waxaanu samaynay bayaan ku saabsan dib u dhaca doorashada madaxtooyada Somalia ee dhawaan go’aanku ka soo baxay, kaas oo ay ku xusnayd sida golaha ammaanku uga niyad jabsan yahay dib u dhaca doorashadu. Talaabadii u dambaysya ee aanu Somalia xaggeeda ka qaadnay taas ayay ahayd, laakiin Qaramada midoobay iyo gole ammaan ahaanba waanu sii wadaynaa la shaqaynta labada dhinacba,” ayuu yidhi Mr Mr Matthew Rycroft.Golaha ammaanka ayaa soo saaray 19-kii bishan bayaan ku saabsan qorshaha doorashada Somalia, kaasi oo ay niyad jab kaga muujiyeen doorashada dib uga dhacday wakhtigeeda, sidoo kalena ku boorriyeen hirgalinta saami qaybsiga dumarka ee 30% ah, beelaha laga tiro badan yahay iyo bulshada Banaadir, hase ahaatee bayaanka laguma soo qaadin Somaliland.Hadalka masuulkan ayaa imanaya iyadoo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire madashii lagu soo bandhigayay natiijada codsiga muwaadiniinta Somaliland saxeexday ku sheegay in caqabadaha citiraafka hor taagan ay ka mid tahay Somaliland oo deggan, balse indhaha caalamku hayaan meelaha mushkiladuhu ka jiraan ee xalka u baahan, balse Somaliland aanay wanaageeda u daadin doonin helista citiraaf iyo indhaha caalamku inay u soo jeestaan.

 

Wasiir Sacad Cali Shire Oo Soo Bandhigay 8 Qodob Oo Caqabad Ku Ah Citiraaf Somaliland Dunida Ka Hesho

3

  1. Caalamka oo aan wali fahansanayn qaddiyadda Somaliland. 2 Somaliland oo aan maalgalin citiraafka

Hargeysa(Warsugan) Dr Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa soo bandhigay arrimo door ah oo caqabad ku ah citiraaf Somaliland ka hesho beesha caalamka. Waxa uu sheegay in cudur daarro aan xaqiiq ku salaysnayn lagu caabiyayo citiraaf la siiyo Somaliland muddo 25 sanno ah.wasiirka ayaa sababahan ku soo bandhigay munaasibad madaxweynaha Somaliland iyo haldoor kale ku sugnaayeen oo shalay lagu soo bandhigayay codsi lagu taageerayo aqoonsi raadiska Somaliland oo ay saxeexeen inka badan hal milyan oo muwaadin.

Caalamka oo aan wali fahansanayn qaddiyadda Somaliland:-

Mudane Sacad Cali Shire wuxuu sheegay inaanay dunidu fahansanayn dooda Somaliland ee gooni isu taagga iyo halka ay ku taxaluqdo“Waxaa wali jira faham la’aan caalamka kaga jirta qaddiyadda Somaliland. Waxaad moodaa caalamku inaanu fahansanayn ama aynaan fahansiin in Somaliland yahay Waddan jira oo xor ah oo iyadoo aanay cidna khasbayn waddan kale ay wax isku darsadeen, imikana iskii  uga noqday. Somaliland maaha gobol waddan kale ka go’aya, mana aha gobol waddan ka tirsan,” ayuu yidhi wasiirku.

Caalamka oo aan fahansanayn Fikirka Bulshada

Wasiirku wuxuu sheegay inaanay caalamku wali fahansanayn sida bulshada Somaliland u rabto inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa “Sababaha waxa ka mid ah caalamka oo aan fahansanayn halka bulshada Somaliland ka taagan tahay qaddiyadda gooni isu taagga. Waxa had iyo jeer la yidhaa in yar oo siyaasiyiin ah ayuun baa ku danaysanaysa oo wadata gooni u goosi, laakiin maaha, waxaana makhraati ah codsiga ay soo saxeexeen halka milyan iyo kow iyo labaatanka kun,”ayuu sheegay wasiirku

Xasilloonida Somaliland

Sidoo kale wuxuu sheegay in ammaanka iyo deggenaanshaha Somaliland sababay in dunidu indhaha ka laliso “Waxa kale oo jirta, caalamku wuxuu had iyo jeer u dheg taagaa oo u dhego nugul yahay meesha mushkiladi ka jirto. Somaliland waa waddan xasilloon, nabdoon oo dawlad iyo nidaam dimuqraadi ah leh oo aanay mushkiladi ka jirin.Dadku inta badan wanaagga ma arkaan oo uma dhego nugla, markaa wanaaggeena ayaa ka mid ah sababaha aynaan wali u helin citiraaf. Wanaaggeena u daadin mayno si aynu dhegta iyo indhaha caalamka u helno,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadu

Somaliland Oo Aan Dal Ku Tiirsanayn

Wasiir Sacad ayaa tilmaamay inaanay Somaliland haysan dal weyn oo difaaca ama u ololeeya qaadiyadda Somaliland, saaxiibo la’aantuna qayb ka tahay habsanka citiraafka ee muddada dheer soo jiitamay “Waddamada sideenan oo kale soo maray waxay haysteen waddan weyn oo ay dhabarka ku hayeen. Inagu waxaynu dhabarka ka doonaynaa caalamka oo dhan ee waddan kaliya oo aynu dhabarka ku haynaa ma jiro,” ayuu yidhi mudane Sacad

Cabsi laga qabo Citiraafka Somaliland

Waxa kale oo uu sheegay in la rumaysan yahay in citiraafida Somaliland horseedayso dadyow kale oo dalbada madax bannaani “Waxa kale oo jirta cabsi odhanaysa haddii Somaliland la citiraafo, armaa waddamo Africa ka mid ahi tusaale ka dhigtaan oo qaar ka mid ahi burburaan laakiin, xaqiiqdu waxa weeye waddan Africa ka jira oo taariikhda Somaliland leh ma jiro. Arrinta Somaliland waa mid gaar ah, waayo? Gobol goayana ma nihin, qoomiyad ku kacday wadan ay ka tirsanaydna ma nihin, waxaynu nahay waddan isagoo xor ah ku darsamay waddan kale, imikana kala soo noqday sida waddamo kale oo Africa ah ka dhacday,” ayuu yidhi wasiirku

Xaaladda Somalia oo adkaanaysa

Sidoo kalena wuxuu sheegay in dadka qaar aaminsan yihiin in citiraafida Somaliland sii kala googaynsayso Somalia “Waxa kale oo jirta arrin odhanaysa , haddii Somaliland la citiraafo xaaladda Somalia in la maareeyaa way adkaanaysaa. Arrinkaas laftiisa waxba kama jiraan. Citiraafka Somaliland wuxuu soo dhaweynayaa degenaanshaha iyo horumarka Somalia.Somaliland 25 sanno oo ay gooni u taagnayd waxaan wanaag ahayn kumay soo biirin caalamka iyo gobolkaba, 25-ka sannaba tusaale wanaagsan ayaynu ahayn.cid inaga cabanaysa iyo kiis Somaliland ka dhan ah oo maxakamad la geeyayna ma jiro, haddii la ina citiraafana wanaageenu intaas wuu ka sii badanayaa,” ayuu yidhi wasiirka khaarajigu

Dalalka oo ka cabsanaya citiraafida Somaliland

Wasiirka ayaa tilmaamay inay jiraan waddamo ka garaabaya xaqa Somaliland u leedahay citiraafka balse ka baqaya in arrintaasi u soo duwdo eedo “Waxaa jira waddamo badan oo inala jecel in la ina citiraafo laakiin, ka baqaya maxaa lagu odhan doonaa? Ma isticmaarkii baad soo celisay baa lagu odhan doonaa? Ma waxaad tahay waddan xoog weyn oo khasab wax ku bixinayaa lagu odhan? Arrimahaas laftigoodu way jiraan laakiin, arrin sal leh maaha. Haddii waddan taageero wax xaq ah, waxaan wanaag ahayn oo laga odhanayaa ma jiraan,” ayuu yidhi Dr Sacad

Somaliland oo aan maalgalin citiraafka

Dhinaca kale wuxuu wasiirku tilmaamay in Somaliland aanay dhaqaale ku bixin citiraaf raadinta, islamarkaana loo baahan yahay miisaaniyad loo qoondeeyo “Waxa kale oo jirta oo xaqiiq ah, inaga lafteenu haddaynu reer Somaliland nahay aqoonsiga iyo citiraafka maynaan maalgashan.Waxaa loo baahan yahay inaynu maalgashanno oo mudnaanta uu leeyahay siinno oo u hurno. Waa maalgashi wanaagsan oo waxa laga helayo ama laga dheefayaana aad u sarayso,” ayuu yidhi wasiir Sacad

Drs Edna Aadan iyo Prof Gees Oo Tilmaamay Kaalinta Bulshadu Ku Leedahay Gooni Isu Taagga Somaliland

4

Hargeysa(Warsugan) Prof Maxamed Siciid Gees, wasiirkii arrimaha dibada ee xilligii dawladdii Marxuum Cigaal iyo Dr Adna Aadan Ismaaciil wasiirkii hore arrimaha dibada xilligii Riyaale ayaa sharaxay aqoonsiga Somaliland siduu ku iman karo iyo kaalinta dadweynuhu ku leeyahay. Waxay tilmaameen inay  qaddiyadda gooni isu taaggu tahay mid ka soo goday dadweynaha, loona baahan yahay in la sii xoojiyo midnimada bulshadu ku raadinayso aqoonsiga, sidoo kalena dawladdu xil weyn iska saarto raadinta aqoonsiga. Xubnahan aqoonta sare u leh xidhiidhka arrimaha dibada ayaa shalay khudbado ka jeediyay munaasibad lagu soo bandhigayay natiijada codsi wasaaradda khaarajigu xog kaga ururisay inka badan hal milyan oo muwaadin oo taageero u muujiyay aqoonsiga Somaliland.

Dr Adna oo munaasibada oo madaxweynaha Somaliland ku sugnaa hadal ka jeedinaysay ayaa tilmaantay in citiraaf raadintu tahay hawl qaybaha bulshada oo dhan u taalla “Madaxweyne, citiraafka Somaliland waa hawl aynu wada leenahay, waxaanse ku faraxsanahay markaynu danteena u garamayno, waxyaabo daliil ah ayaa umadaha lala hor tagaa, qaar hore oo badana waynu samaynay, waxaynu maanta samaynay afti ama codsi mar kale shacabka laga qaado oo hal milyan oo umaddeena ahi saxeexday. Waxay xoojinaysaa daliilkii hore iyo aftidii dadweynaha, waana tallaabo loo baahnaa,” ayay tidhi marwo Adna Aadan

Marwada oo hadalkeeda sii wada ayaa tilmaantay in aqoonsi raadiska Somaliland sharci ku salaysan yahay “Aqoonsigeenu wax sharci darro ah maaha. Wax cid kale leedahay oo aanu aduunka ka baryayno oo aanu leenahay ha nalooga soo qaado maaha. Xuduudaheena waxaa sameeyay dawladdo ku heshiiyay oo saxeexay oo sohdimo u yeelay.Codsigeenu waxa weeye sohdimihii qarankeena lagu sameeyay inaynu ka daba dhaqaaqno oo ka doodno oo si cilmiyaysan oo sharciga waafaqsan aynu uga daba dhaqaaqno,” ayay tidhi marwo Adna.

Dr Adna Aadan Ismaaciil oo ah guddoomiyaha guddida citiraaf raadinta, siiba ka tirsan waaxda Yurub ayaa madaxweynaha u sheegtay inay diyaar u yihiin in geed dheer iyo geed gaaban ba u fuulaan raadinta aqoonsiga iyo wixii Somaliland xaq u leedahay. Waxay sheegtay in loo baahan yahay in Somaliland isaga timaado qorshe guddidu ku shaqayso oo heer qaran ah, iyagoo madaxweynaha u soo jeedisay inuu qoondeeyo kharashaadkii guddidu ku shaqayn lahayd iyo maalgalin citiraafka lagu raadiyo “Umadda Somaliland waxaan u sheegayaa in Somalia ka midaysan tahay la dagaalanka citiraafka Somaliland, sidaas darteedna waxaan idiin soo jeedin inaad ka midawdaan aqoonsi raadiska Somaliland,” ayay tidhi Marwo Adna.

Prof Maxamed Siciid Gees, ayaa isna sheegay in dhidibada aqoonsi raadisku yahay dadweynaha Somaliland oo muujiyay go’aankooda “18-kii May, gooni isu taaga waxaa ka dambeeyay dadweynihii, 2001-dii aftidii dastuurka dadweynaha ayaa ka dambeeyay, codsigan baaqa ah ee hadduna waa kii oo ay mar saddexaad soo cusboonaysiiyee. Cidda shakiga qabtaa waa siyaasiga.Siyaasiga ayaa marna Xamar ku carara marna soo carara, marba meel ku dhuunta laakiin, dadweynuhu halkaas bay iska taagan yihiin oo mawqifkoodu wuu cad yahay,” ayuu yidhi Prof Gees.

Mudane Gees wuxuu tilmaamay in marka arrimaha wada xaajoodka ee Somaliland iyo Somalia soo dhammaadaan, islamarkaana wax kasta oo kale la isku mari waayo kama dambeysta gacanta dadweynaha lagu soo celin doono masiirka aayo ka tashi ee shacabka Somaliland“ Maalinta sheekada oo dhammi soo dhammaato ee wada hadalladu dhammaadaan, wuxuun baa la odhanayaa dadweynaha wax ha la waydiiyo. Dadweynuhuna halkaas buu taagan yahay oo waa hubka inoo qarsoon ee aynu ku dagaal galayno, markaa anigu waxaaban odhan lahaa ha la ina tuhmee aan iska qarsanno hubkaas waayo? Dad baa u haysta in koox yar oo siyaasiyiin ahi wadato gooni isu taaga oo aanay ahayn rabitaan dadweyne, markaa in sida kale laguu tuhmo oo ay khaladkoodaa ku jiraan baaba fiican maanay idinla ahayn oo mar dhaw marka runtu timaado ay kala caddaato, markaa hadalka waxaan ku soo koobi Somaliland ninkii diidi jiray daniba way keeni,” ayuu yidhi mudane Gees.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Soo Bandhigtay Natiijada Codsi Ay Saxeexeen Inka Badan Hal Milyan Qof

DSC_0122

Hargeysa(Warsugan) Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa soo bandhigtay natiijada xog ururin lagu taageerayo madaxbannaanida Somaliland oo muddo afar bilood ah wasaaraddu wadday. Hal milyan iyo koow iyo labaatan kun (1,021,000) muwaadiniinta Somaliland ah ayaa saxeexay qoraal wasaaraddu dadweynaha ku waydiinayso siday u taageersan yihiin qaddiyadda citiraaf raadinta Somaliland, taas ujeedadeedu tahay sidii beesha caalamka loo hor dhigi lahaa rabitaanka bulshada Somaliland ku doonayso ka mid noqoshada qaramada dunida ee la citiraafsan yahay.

Munaasibadda lagu soo bandhigayay waxaa ka qayb galay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, madaxda ugu saraysa wasaaradda arrimaha dibadda, xubno ka mid ah guddida citiraaf raadinta, masuuliyiin saddexda xisbi ka socday iyo waxgarad kale.Waxaa wasaaradda lagu ammaanay hawsha ay qabatay ee lagu soo ururiyay aragtida dadweynaha.

Hawl waddeenno ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa intii u dhexaysay 29-kii bishii Abril iyo 9-kii bishan Ogos waxay soo ururiyeen xogta dadweynaha. Hawl wadeennada oo ka hawl galay gobollada Awdal, Gabiley, Maroodijeex, Saaxil, Sool iyo Sanaag ayaa dadka ku bookhanayay guryaha, hudheellada iyo goobaha la isugu yimaaddo iyagoo ka buuxinayay warqadda ay ku qoran tahay inay ogol yihiin madaxbannaanida Somaliland. saxnaanta xogtan ayay wasaaraddu tilmaantay inay tahay mid la hubiyay oo la isku hallayn karo, qof walba oo ka qayb qaatayna laga qoray magaciisa, Lambarka telefoonkiisa iyo meesha uu degan yahay. Xaqiijinta dheeraadka ah ayay wasaaraddu u adeegsatay inay magacyada ku hubiso adeegga Saadka iyo kaadhka dhalashada ama dhukumentiyada la midka ah.

Wasiirka arrimaha dibada Dr Sacad Cali Shire ayaa sharaxay ujeedada la leeyahay soo ururinta aragtida inka badan hal milyan oo muwaadin “Ujeedada codsigani waxa weeye in dadku shucuurtooda iyo dareenkooda muujiyaan halka ay ka taagan yihiin aqoonsiga Somaliland.Waa farriin dadka Somaliland caalamka u diraayo oo ay leeyihiin, aqoonsiga iyo citiraafka Somaliland maaha wax in yar oo siyaasiyiin ahi wadato ee waa qaddiyad qaran.Ujeedada kale waxa weeye in dadka Somaliland farriin u diraan dawladda Somalia, farriintaas oo ah Somaliland sooma socoto, kala go’eenu waa rasmi, waxaanu doonaynaa inaynu noqono laba waddan oo walaalo ah oo ku jaar ah Geeska Africa, sida waddamada kale” ayuu yidhi wasiir Sacad.

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaanu ugu baaqaynaa caalamka inay tixgaliyaan codsigaa dadka reer Somaliland soo sameeyeen.Aqoonsi la’aantu waxay Somaliland ka qaaday xuquuqo fara badan oo aynu leenahay.Waxaynu nahay dad jira oo Africa ka mid ah. Caalamka waxaanu marti uga nahay xaqaas iyo xaqa aynu ku leenahay. Waxaanu caalamka uga digaynaa inuu dhabarka inoo soo jeediyo, waa inay indhaha inoo soo jeediyaan” ayuu yidhi wasiir Sacad, isagoo intaasi raaciyay in loo baahan yahay in dawlad iyo shacaba natiijada codsigan la gaadhsiiyo dunida oo dhan oo ay ka mid yihiin Ururka IGAD, Midawga Africa, Midawga Yurub, Jaamacadda Carabta, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Marwo Canab Illeeye oo xisbiga Kulmiye ah, wasiirkii hore ee arrimaha dibada haddana ka tirsan guddida citiraaf raadinta Dr Adna Aadan ismaaciil, wasiirkii hore ee khaarajiga Prof. Maxamed Siciid Gees iyo xubno kale ayaa wasaaradda arrimaha dibada ku bogaadiyay hirgalinta codsiga ay saxeexeen inta ka badan hal milyan. Waxay tilmaameen in arrintani muujinayso sida dadka Somaliland ay uga go’an tahay meelmarinta qaddiyadda citiraaf doonka Somaliland, iyagoo tilmaamay inay arrintani qayb ka tahay tallaabooyin horumar oo wasiirka cusub ee khaarajiga iyo hawl waddeennada la shaqeeyaa qaadayeen muddooyinkii u dambeeyay.

Guddoomiyaha maxakamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa isna soo dhaweeyay codsiga wasaaraddu soo bandhigtay.Waxa uu sheegay in waaxda garsoorku diyaar u tahay inay wasaaradda khaarajiga ka taageerto dhinaca shuruucda caalamiga ah iyo fasiraadda shuruucdii Somaliland ee 1960 iyo ka hor la galay.Waxa uu sidoo kale soo jeediyay in Somaliland qorshayso danihii ay ka iibin lahayd dalalka ay citiraafka ka raadinayso, kuwaasi oo dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo istiraatijiyada juquraafiyadda ku salaysan.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirkii Hore

 01

Hargeysa (Warsugan) Muanaasibad balaadhan oo xilka lagula Kala wareegayey Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka ayaa lagu qabtay Royal Hotel ee Magaalada Hargaysa, Munaasimadan ayaa waxaa ka soo qaygalay xubno ka socda Golaha Wasiirada ,Sulaadiin, Cuqaal ,Aqoonyahano, Dadweyane aad u badan iyo Masuuliyiin kale waxaa madashaasi ka hadlay  Wasiirka Cusub ee Wasaarada Ganacsiga Cumar Shacayab,Wasiir Ku Xigeenak Wasaarada Biyaha Mahad Cismaan,Wasiirka Wasaarada Warshadaha  Shacayab,Wasiirka Cadaalada Axmed Faarx (Cadare),Wasiirka beeraha Dr Maxamed Daahir, Wasiiru Dawlaha Duulista Axmed Nuur Faahiye,Wasiirka Xanaanada Xoolaha C/laahi Maxamed Daahir, ,Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport, Maxamed Yuusuf, Maxamed Shukri Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga,  Oday Aadan Xujaale.

Waxa ay Masuuliyiintani ku dheeraden wax qabadka uu muujiyey Wasiirkii hore ee Wasaarada Duulistu Cumar Sh Maxamed oo ay amaan u soo jeediyen, sidoo kale waxa ay xuseen kartida iyo dadaalka Wasiirka cusub ee Wasaarada Duulista Farxaan Aadan oo ay ku tilmaamen mid wax badan ku soo kordhin kara  Wasaaradaasi, waxa ay intaas ku dareen in Wasiir ku Xigeenka cusub ee Duulistu Guuleed Maxamed uu isna yahay shiqsi aqoon u leh shaqada Wasaarada Duulista oo hanan kara.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar C/laahi Aadan oo goobtaasi ka jeediyey hadal uu ku sabootiyaayo Wasiirkii hore, kuna soo dhaweynaayo Wasiirka Cusub aya waxa uu yidhi: “ Waxaan Doonayaa in aan sii sabootino Wasiirkayagii hore ee Wasaarada Duulista Cumar Sh Maxamed Faarax, oo runtii ahaa Wasiir Sal balaadhan Wasiir bulshada Somaliland qiimo ku leh, Taariikh wanaagasan Dalkan ku leh, runtii intii uu nala joogayna si fiican noola shaqeeyay, Wasiirkaa runtii agaasime ahaan wax badana yaa ka bartay oo ay ka mid tahay dulqaadka, oo ay ka mid tahay Dad isku wadka iyo in uu ahaa Wasiir Bulshada Reer Somaliland oo dhami u siman tahay, aad iyo aad ayaan runtii halkan uga bogaadinayaa;”

Agaasime Cumar isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“ mar labaadka waxaan soo dhaweynayaa Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka loo magcaabay Farxaan Aadan Haybe oo ah runtii Nin Dhalin yaro ah, waxaan leeyahay Wasiir soo dhawoow, Wasaaradani waa Wasaarad Dhalin yar u badan, runtii waxaan jecelahay in aad nala jaan qaadi doont,”

Agaasimahu waxa uu u mahad celiyey Dadkii Dhulka Madaarada Hargaysa, Berbera, iyo Burco loo Xayandaabay ka guuray ee ugu deeqay Wasaarada Duulista, isaga oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:“ waxaan aad ugu mahad naqayaa Dadkii lahaa Dhulka Sadexda Garoon ee Burco, Berbera, iyo Hargaysa loo Xayandaabay ee Wasaarada ugu tabarucay Dhulkoodaas, waxaan mahada gaar ah siinayaa Dadkii Reer Hargaysa oo Dhulka ay ka tageen qiimihiisu aad u sareeya ku fadhiyay, Dadkaa Xoog laguma rarin, looma cago juglayan , waxa ay kaga guureen Dhulka Isfahan na dhex maray iyo iyaga oo lexa jeclo kale Dalkan ayay Wasaarada Dhulkaa uga guureen, wixii Hanti ma guurto ah kaga jiray Dhulkaas waa loo celiyey, Dhulkiina Dhul badal ayaa la siiyey, waxa jira dad had iyo jeer doonaya gobonimada Dadkaas Deegaanku ay sameeyen, in ay ka dhigaan Dad la jujuubay oo xoog lagu qasbay, waxaanu leenahay gobonimadaas ay Dadkaasi sameeyeen maaha gobonimo la qarin karayo, waa mid Taariikhda u gashay, waxaanay ku timi Dadka intaa le’eg lama muquunin karee, is fahan iyaga iyo Dawladooda u dhaxeeya, lamana kala cabanayo , Wasaarada Duulista iyo Madaarada ay Xukunto iyo Dadka ag degani in ay yihiin Dad Saaxiib ah, isku dhaw iskaashada Amniga ka wada shaqeeya cidna aanay soo dhex gali karayan.”

Wasiirkii hore ee Duulista  Cumar Sh Maxamed Faarax oo hada ah Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada aya amaan u jeediyey Shaqaleweynaha Wasaarada Duulista, sidoo aklena Wasiir Farxaan ku tilmaamay Nin ka soo bixi kara Xilka uu ku Wareejiyey, waxanu yidhi:-“waxaan aad ugu mahad naqayaa Shaqaalaha Wasaarada Duulista oo hanan kara shaqada ay hayaan, oo runtii si fiican iila shaqeeyay mudadii aan xilka hayey,Wasiir Faraxaana waan ku kalsoonahay in uuka soo baxaayo xilka uu igala wareegay, wanaan la shaqynaya wixii uu iiga baahdo halkii aan doonayey in aan gaadho, waxaan rajaynayaa in uu gaadho.”

Ugu danbayantii Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista Farxaan Aadan Haybe oo Munaasibadan uu Xilka Kula Wareegayey soo gunaanaday ayaa sheegay in uu Xilkaa sifiican u gudan doono, isaga arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:- “ waxaan leeyahay Sharaf weyan ayey ii tahay in aan halkan isa soo taago Maanta waa Maalin Taariikhi ah, aniga oo ah Wasiirka Wasaarada Duulista, runtii waxaan ogahay oo aan garwaaqsanayaa, in waxa na sugayaa aanu hadal ahayane uu yahay shaqo, hami fog, toosin, iyo tayayan adeega ay qabato  Wasaaradu oo u badan Madaarada, waxa aan hubaa inta aqoonta ilahay iga siiyay iyo waayo aragnimadayda, iyo anagoo ilahay la kaashanayna garab galkiisa iyo dabcan wada shaqayanta shaqaalaha iyo Wasiirada iga hooseeya in aanu hubno in aanu gaadhsiin doono meel ka fog halka Ragii naga horeeyay soo gaadhsiiyen.”

Gudoomiyaha Guddga Doorashooyinka Oo Ka War Bixiyey Gobolka Sool Oo Ay Diwaangelintu Ka Socoto

Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka

Laascaanood (Warsugan) Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ka hadlay diwaangelinta codbixyaasha oo ka bilaabmatay gobolka Sool iyo degaanada hoos yimaada.

Gudoomiyaha oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka hadlay bilawga diwaangelinta “Maanta oo ay bishu tahay 23 maalin salaasa ah gobolka Sool waxa ka bilaabmay diwaangelintii codbixiyaasha Somaliland lixdii subaxnimo ayuu bilaabmay si wanaagsan ayuu noogu bilaabmay min gees ilaa gees gobolka Sool. Waxa aanu wargelinaynaa dadweynaha ku nool gobolka Sool waa gobolkii ugu danbeeyey waa gobolkii lixaad maanta ayaad u hesheen jaanis inaad is-diwaangelisaan hal maryey ayey is-diwaangelintu jaanis kugu soo maraysa ka faa’idaysta guud ahaan waa sideed iyo laabtan maalmood haddii aan sii kala saaro 14 maalmood oo isku xiga magaaladda Laascaanood oo ah magaalo madaxda gobolka Sool 14 maalmood oo ka danbayn doona oo ay badh ku hadhi doonaan meelo gaar ah iyo debada Laascaanood”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Guud ahaan dadweynuhu waa inay is-diwaangeliyaan si aad ula tartantaan goboladii kale ee idinka horeeyey gobol kastaa tartanka wuxuu leeyahay gobol hebel ayaan ka badinaya maanta reer Sool waxa aanu leenahay ka badiya gobolada shanta ah ee idinka horeeyey”

Wasiirka arrimaha gudaha ee cusuba ayaa isna ka hadlay madasha waxana uu yidhi “Waxa la doonaya inaad is-diwaangelisaan waxa aan aad ugu mahad naqayaa xubnaha guddiga doorashooyinka oo shaqadoodii si wanaagsan oo habsami leh u wata oo aad u dadaalaya waxa aan u hambalyeynayaa dhamaan inta ka qayb qaadanaysa”

 

Booliska Sweden Oo Soomaalida Aan Sharciga Haysan Qab-qabanaya

Booliska Sweden ayaa laga yaabaa inay qabqabtaan Soomaali sharciyo aan laga siin Sweden. Soomaalidaa ayaa darxumo kula nool Sweden.

Waaxda socdaalka ayaa dalban karta in ay raraan dadkaa Soomaalida ah maadaama aysan heysan meelo si sharci ah ay ugu noolaadaan-Waa guryo.
Wax ka baddalid lagu sameeyay sharciga magangalyo doonka dhawaan ayaa sababaya in wixii magangalyo doon ah ee aan carruur wadan ee si kama dambeys ah loogu diiday sharciga dalkaa ay tahay inaan wax intaa ka badan loo ogolaan guryo iyo ceyr ay ka qaataan dawlada dalkaa!
Haatan wax ka baddal dheeraad ah ayaa dawlada dalkaa ku damacsan tahay in wixii aysan guryo u heyn ay Sweden ka huleelaan oo ay isaga baxaan dalkaa.
Arintaa yaa ah murugo inteeda le eg iyo wax laga naxo. ‘Maanta qiyaas ahaan 2500 ayaa helay go’aan sheegaya inay waayi doonaan xaqa ay u leeyihiin cawimaada’, sidaa waxaa tidhi haweeney dhanka warbaahinta u qaabilsan laanta socdaalka ee dalkaa oo lagu magacaabo Helena Cho Cyorki.
Sharciga cusub ee markii wax laga baddalay lasoo saaray ayaa booliska ruqsad usiinaya inay guryaha ka raraan dadka aan guryaha loo dooneyn wixii loo gaaro 1da bisha 1aad ee sanadka soo socda.

 

Wadamada Italy iyo France Oo Xoojinaya Xidhiidhkooda Iyo Amaanka EU-da

Hogaamiyayaasha dalalka Germany, France iyo Italy ayaa Isniintii shalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Jasiirada Ventotene ee ku taal dalka Talyaaniga, iyagoona ka wadahadlay sidii loo adkeyn lahaa amaanka iyo Iskaashiga Midowga Yurub kadib markii dalka UK isaga baxay EU-da.

 

Kulankan ayaa ka dhacay dusha Markab dagaal oo uu Talyaaniga leeyahay oo ah nooca Xambaara Diyaaradaha dagaalka oo lagu magacaabo Garibaldi, kaasi oo ka qeyb qaadanaya hawlgalada loogu gurmanayo dadka Tahriibta ah ee ka imaanaya qaarada Afrika.

Raysalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi, Haweenayda Hogaamisa Germany Angela Merkel iyo Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in ay xoojin doonaan iskaashiga amniga dalalka EU-da iyo sidii looga hortagi lahaa weeraro uga yimaada dhinaca kooxda Daacish, sidoo kale waxay sheegeen inay bilaabi doonaan mashaariic cusub oo dhaqaale oo shaqo abuuris loogu sameenayo dhalinyarada, walow aysan bixin wax faah faahin ah.

Goobta uu kulankan ka dhacay ee Jasiirada Ventotene ayaa ah goob taariikhi ah oo la sheego inay tahay halkii lagu qoray Manafeestadii ugu horeysay ee looga hadlayo dhismaha Midowga Yurub, waxaana qoray aqoonyahano uu kamid ahaa Altiero Spinelli oo ay dowladii Fashiistaha ee 1940kii ka talin jirtay Talyaaniga ku xirtay jasiiradaasi. Waxayna aqoonyahanadaasi intii ay jasiiradaasi ku xirnaayeen soo saareen qoraalkii loo yaqiinay “Ventotene Manifesto” oo ay uga hadlayeen dhismaha nidaam Federaal ah oo lagu mideeyo dalalka Yurub, si looga hortago dagaalada soo-jireenka ahaa ee u dhaxeeyey wadamada Yurub.

 

Dawladda Turkiga Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Tirtidhi Doontao Kooxaha ISIS iyo YPG

Dowlada Turkiga ayaa shaacisay in ay bilowday hawlgal ay xaduudeeda uga sifeenayso kooxaha Daacish iyo Jamhadaha Kurdida ee ka dagaalama dalka ay jaarka yihiin ee Siiriya. Militariga Turkiga ayaa bilaabay inay

 

madaafiicdooda culus ku garaacaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish iyo Jamhada Kurdida Siiriya ee loo yaqaan YPG.

Turkiga ayaa ku eedeeyey qaraxyadii todobaadkan ka dhacay magaalooyinka koonfureed ee dalkaasi inay ka danbeeyeen kooxdaasi ISIS iyo waliba Jamhada Kurdida PKK oo la sheego inay gabaad ka helayso kooxda YPG ee kurdida Siiriya oo iyagu dhawaan gacanta ku dhigay dhul baaxadleh Waqooyiga Siiriya gaar ahaan dhulka saaran xaduuda Turkiga.

Daacisha ayaa lagu eedeeyey inay geysatay qaraxii Sabtidii lasoo dhaafay lagu qaaday magaalo ku taal koonfurta Turkiga oo ay ku badan yihiin Kurdida, waxaana lagu beegay goob ay ka dhaceysay xaflad aroos oo ay ku dhinteen in ka badan 15 qof oo ay ku jiraan caruur. Waxaa kasii horeeyey sadex qarax oo waaweyn oo todobaadkii tagay lala beegsaday sadex magaalo oo ku yaal koonfur Bari wadanka Turkiga, qaraxyadaasi oo ay dowlada Turkiga ku eedaysay kooxda Kurdida ee PKK.

 

Iran Oo Sheegtay Inay Joojisay Duulimaadyadii Diyaaradaha Milatariga Ruushka

Dawlada IRAN ayaa sheegtay inuu dhamaaday hawlgalkii diyaaradaha Ruushka ee isticmaalayey Airport-kooda militari si ay u duqeeyaan wadanka Siiriya.

Wasaarada Arrimaha Dibada ee IRAN ayaa shaacisay in hada hawlgalkaasi la joojiyey.  Todobaadkii tagay ayaa la shaaciyey in Ruushka uu bilaabay inuu isticmaalo Madaarada dalka IRAN ku yaal si markaasi diyaaradihiisa u dar dar geliyaan duqeynta ay ku wadaan qeybo kamid ah dalka Siiriya. Ruushka oo duqeyn baaxadleh todobaadyadii lasoo dhaafay u geystay magaalooyin dhowr ah oo ku yaal Siiriya ayaa lagu eedeenayaa in duqeyntaasi ay ku dileen dad badan oo rayid ah. Macada in go’aanka IRAN iyo Ruushka uu xidhiidh la leeyahay cambaareynta isa soo tareysay ee uga imaaneysay dhanka Beesha Caalamka.