Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 180aad ee Maanta oo Sabti ah ka soo baxay Hargeysa

0
349

”Ururka Rayislayaasha (Tima-jarayaasha) Somaliland Oo Baaq Culus Kasoo Saaray Dad Ajaanib Ah Oo La Wareegeen Shaqadoodi Iyo Cabasho Ay Udireen Madaxweynaha Iyo Bulshada.

Ganacsiga (Raysale-yaashu) wuxuu ka mid yahay ganacsiga lafdhabarta u ah Somaliland oo ilaa ka ku xiira Mudane Madaxweyne wuxuu ka mid yahay Iskaashatada midnimo.” Guddoomiyaha ururka Rayisleyaasha”.

Hargeysa(Warsugan)-Guddoomiyaha Ururka Rayislayaasha (Tima-jarayaasha) Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa ka hadlay culayska iyo cidhiidhiga ay Tima-jarayaasha Ajaanibka ahi ku hayaan Rayislayaasha waddaniga ah, isagoo sheegay in Shaqadoodii ay la wareegeen, isla markaana Bulshadi u muuqato badankoodu kuwo door-bidaya inay Ajaanibka ka xiirtaan.

Waxaa uu Guddoomiyaha Tima-jarayaasha Somaliland, Baaq u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo iyo Dadweynaha Reer Somaliland, waxaanu sheegay inay cid walba iyagu kaga xaqleeyihiin qabashada shaqadan oo ay Boqollaal sano soo wadeen, qaabka ay Timaha u xiirayaan Raysilayaasha waddaniga ahina tahay qaab waafaqsan Dhaqanka iyo Diinta Islaamka.

Deeq Daahir Faarax, waxa uu sheegay in qiimaha waddaniyaddu yahay wax wayn, isla markaana waxaad qof Muwaaddin ah ka heli karto ama Shaqada uu kuu qaban karo aanay habboonayn inaad Ajaanib u daba-fadhiisato waddan kale ka soo shaqo-tegay oo Dhaqaale-urursi dalka u yimi.

Qodobbadaas iyo kuwo kale oo kala duwan ayuu ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Tima-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, waxaanu soo dhaweeyey go’aan dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, kaasoo ay ku xaddidayso qaababka Timaha loo jaro, isla markaana ku mabnuucayso wixii Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Suubban ka hor-imana oo ah qaabka ay inta badan Dhalinyaradu wakhtigan u xiirato.

Haddaba, Hadalka Guddoomiyaha Ururka Rayislayaasha (Tima-jarayaasha) Somaliland oo Waraysi gaar ah siiyey Telefeshinka Star oo kula kulmay magaalada Hargeysa Khamiitii Maanta, kana warramaya arrimahaa iyo kuwo kale, waxaannu waraysi u dhacay sidan:-

“Marka Ajaanib soo dhex-galo shaqadii ay muwaadiniintu lahayd, dhibaato weyn ayaa ka taagan, kun iyo laba boqol oo Inan (1,200) ayaa caasimada Hargeysa ka hawl-gala Madaxweyne oo Raysale-yaal ah, kuwaasoo caafimaadkooda, waxbarashooda iyo noloshooda ku dabara, haddii maanta intiiba lagu qabsado Madaxweyne maxaad u malayn doontaa. Ganacsigani (Raysale-yaasha) wuxuu ka mid yahay ganacsiga lafdhabarta u ah Somaliland oo ilaa ka ku xiira Madaxweyne wuxuu ka mid yahay Iskaashatada midnimo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha ururka Rayisleyaasha.

Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaashu waxa uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inay Xukuumadd ahaan talaabo ka qadaan dad Ajaanib ah oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin shaqadooda, waxaanu yidhi; “Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa inaad tallaabo ka qaado dadkaas, wareegto aad ku soo saarto in aanay dadkaasi shaqayn karin. Waad ogtahay dhalinyarada Somaliland in aanay shaqo haynin oo marka inagii oo shaqo haynin dusha la inagaga soo dhaco waad garan kartaa Madaxweyne dhibaatadada ay leedahay.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Timajarayaasha Somaliland.

Guddoomiyaha Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir, ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii ka dhanka ahaa masuuliyadooda ay dhawaan soo saaratay Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, waxaanu yidhi; “Madaama oo aanu anagu (Raysle-yaasha) hawshaa bilawnay, go’aankaa Wasiirka waxaanu soo dhaweynaynaa oo arrimaha diinta oo dhana aad baan u taageesanahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Deeq Daahir Faarax.

Deeq Daahir waxa uu Shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay dhaqaalaha ay Timaha kaga xiirtaan dadka Ajaanibka ay xaq uga leeyihiin kuwa Muwadiiniinta ahi, waxaanu yidhi “Farriinta aan u dirayo bulshada Somaliland ee naga xiirta waxa weeyaan, waar ka Awoow ka Awoow anagaa ku soo xiiri jirnay oo Awoowgaagii shanaad baanu u soo xiiri jirnay, maanta haddii aad Inan yar oo Addis-Ababa ka yimi aad doorbid waa kuwo doqonimo. Waar kan Muwaadinta ah ee aad labada kun siinayso Diimi-buu ku dhisayaa, kan kale ee Ajaanibka ah ee aad siinayso Gondar ama Addis-Ababa ayuu la tagayaa, taana waanu ka soo hojeednaa mana ogolaan doono.”

Wasiirka Daakhiliga Oo Beeniyay  Weeraro  Khaatumo Sheegtay Iyo Masuuliyiin  Kormeer Ku Galaa Bixiyay Diwaangalinta Sool

Laascaanood(Warsugan) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa beeniyay dagaallo kooxo ka tirsan Khaatumo ku sheegteen inay la galeen ciidanka Somaliland si ay u carqaladeeyaan diwaangalinta. Wasiir Yaasiin Maxamuud Xiir, ayaa sheegay inay kormeer ku soo mareen deggaanno badan oo diwaangalintu ka socotay, islamarkaana sheegashada kooxdaasi tahay mid aan sal iyo raad lahayn oo ay la wareegayaan been “ Wax allaale wax ka jiraa ma jiraan, waa been dad la warwareegayo, deggaannada aanu kormeeray waxaa noogu yimid dad badan oo baabuur wata oo ka yimid deggaannada Ceegaag, Farjanno iyo meelo kale, maadaama aan meelahooda loogu gayn sanduuqda waxay u yimaadeen inay is diwaangaliyaan,” ayuu yidhi wasiir Faratoon oo saxaafadda la hadlayay.Geesta kalena Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo uu wehelinayo Wasiiru Dawlaha Nabadynta Bariga ayaa saddxedii maalmood ee ugu dambeeyey si joogto ah u kormeerayey goobaha Diiwaangelinta ee Gobolka Sool, gaar ahaana goobaha ku yaala Hawdka degmada Laascaanood.Wefdiga Gudoomiye Baashe Maxamed  ayaa Jimcihii iyo labadii cisho ee ka horeeyeyba kormeerkooda ku soo maray 24 goobood oo hoos yimaada degmooyinka iyo tuulooyinka kala ah Laascaanood, Ceel jeex, Qaydarka, Kalabaydh, Dhummay, Xidhxidh, Dabataag, Qoriley iyo Karin, goobahan oo ay dhammaantood si mug iyo miisaan leh uga socotey diiwaangelintu.Guddoomiye Baashe ayaa dadwynaha degaanadaas kula dardaarmay inay qaataan kaadhka diiwaangelinta si ay codkooda ku meelmariyaan horumarinta degaankooda.Sidoo kale, Guddomiye Baashe iyo xubnaha wefdiga uu hogaaminayey ayaa iska diiwaangeliyey goobaha Hawdka Sool ee ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan iyagoo taasi ay si weyn u soo dhoweeyeen,dhiirigelina  u noqotay shacabkii degaanadaasi.Wasiirka biyaha mudane Baashe Cali Jaamac oo kaalin mugleh ka qaatay dadaallada gobolka Sool diwaangalintu kaga qabsoontay ayaa isna kormeer ku samaynayay degaannada Sool tan iyo markii diwaangalintu bilaamatay, isagoo maalmihii u dambeeyayna deggaannada jiidda Bari ka xiga Laascaanood marayay. Waxa uu sidoo kale bookhday deggaanka Gambadha oo uu halkaasi ku kormeeray mashaariic wasaaraddiisu ka waddo.Bulshada Gobolka Sool ayaa haatan u muuqata mid raali ka ah inay Somaliland inteeda kale wax la qaybsato, islamarkaana doorashada ka qayb gasho. Saamiga weyn ee madaxweynaha Somaliland ka siiyay kuraasta qaranka iyo wada xaajoodka Khaatumo u bilawday ayaa sii wanaajiyay xidhiidhka xukumadda iyo Bulshada reer Sool oo muddo saluug muujinayay.

Wasiirka Ganacsiga Oo Masuuliyiinta Wasaaraddiisa iyo Waxgaradka Gobolka Saaxil Kulamo Kula Qaatay Berbera

Berbera(Warsugan) Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalimiga ah ee Somaliland Dr.Cumar Shucayb Maxamed oo ahwlo shaqo u jooga magaalada berbera oo gobalka saaxil ayaa kormeero ku soo maray xafiisyada ay wasaardu ku leedahay magaalada berbera halkaas oo uu warbixino kaga dhagaysatay  shaqaalaha ka hawl gala gobalka saaxil halkaas oo ay uga warbixyeen habsami usocodka shaqqada ay qabtaan xafiisyada wasaaradu kuleedahay goblka.Midka mid ah masuuliyiinta wasaarada ganacsiga ee gobolka saaxil ayaa waxa uu yidhi: “mudane wasiir waxaan leenahay xafiis weyn oo ay noo qalabeeyay xafiiskan worl bank oo ku dhex yaala xafiiska wasaarad hawlaha guud markaas  shaqaluunbaa jooga oo ma shaqeeyo Madaarkuna wuu xidhanyahay markaas shaqada ugu weyn ee aan qabano waa bixinta juwanada wixii soo galaaya ee ganacsiya iyo wixii ka baxaaya ee ganacsiya iyo kaantrolda liisamada ee soo galida wakiilada iyo kii dajinta iyo rarista markaas wasiir intaas ayaa ka shaqaysa halkan  markaas shaqadaydu waxa weeye bixinta liisamada iyo fasaxaada alaabta”

Dhinnaca kale waxa wasiirku kormeer indho indhayn la xidhiidha habsami U socdka cusbitaalaka uu ku tagay cusbitaalka weyn ee magaalaada berbera ee gobolka saaxil  ayaa waxa uu kulomo la qaatay shaqaalaha ka hawl gala cusbitaalkaasi iyo masuuliyiinta cusbitaalaka maamula waxaanay uga war bixiyeen wasiirka ganacsiga xaalada guud ee uu ku jiro cusbitaalakan weyn ee magaalada berbera iyo waxyaabaha uu u baahanyahay cusbitaalku waxaanay fariimo ugu dhiibeen wasiirka wasaarada caafimaadka somalilnd. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Maxamuud oo ah maamulaha cisbitaalka berbera waxaana uu yidhi: “mudane wasiir hadaanu kaaga war bixino xaalada guud ee cusbitaalka weyn ee magaalada berbera cusbitaalkani  malaha gaadhi ablace ah oo lagu qaado bukaanka deg dega ah , mudane wasiir waxakale oo aan ubaahanahay gaadhi mini bus ah oo lagu qaado shaqaalaha cusbitaalaka waayo waxa uu ku yaala cusbitaalku meel xeeb ah oo kulul markaas wasiir gaadhigana waan ubaahanahay wasiir, waaxa kale oo aan ubaahanahay  oksajiin oo aad dawlada ugu sheegto ,waxa kale oo aan ubaahanay otocalaf oo wasiir adigu waad garanysaan oo waxaad tahay fiilka caafimaadaka waxa kale oo aan wasiir ubaahanahay in nalaga gar gaaro daawooyinkii dhimirka oo aad noo keentay adigoon aan wasiir ahayn markaas wasiir waanan kaaga mahad celinynaa” Wasiirka wasaarada gancsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland mudane Dr.Cumar Shucayb Maxamed ayaa waxa uu ubalan qaaday in uu ka caawin doono wasiir ahaan wixii karaankiisa ah ee uu ubaahanyahay cusbitaalaka weyni waxaanu sheegay in uu gaadhsiin doono Tabashadaasi  wasaaradahiiay khusaysay baahiyahan ee uu u baahanayay cusbitaalku sida wasaarada caafimaadka oo kale,waxaanu wasiirku sheegay in uu mar walba utaaganayahay caawinta iyo taakulaynta dadka u baahan in wax looqabto

Dr:Cumar Shucayb Maxamed Wasiirka Ganacsiga Oo arimahaasi Ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “runtii aad iyo aad ayaan iidinka mahad celinyaa warbixinta fiican ee aad ka soo gudbisaan cusbitaalakan oo aan anigu rantii aan ahay nin fiilka caafimaadka ku jiray aqoona uleh waanan garanyaa oo waan garan karaa raga meesha jooga in ay yihiin ragii laf dhabarta u ahaa cusbitaalaka waanan ogahay in ay meeshu tahay meel xeeb ah baahiyuhuna ka dawanyiin baahiyaha kale ee ka jira gobalada maka loo eego cusbitaala ahaan cusbitaalkuna waa cisbitaal ubaahan in si dhow gacanta loogu hayo fariintaasina waan gaadhsiin doonaa wasaarada caafimaadaka iyo cid wal oo inaga caawin kartaba “ Sidoo kale  waxa uu wasiirku  uu kalamo is daba jooga la qaatay odyaaasha, wax garadaka,dhalinyarada  iyo gabnacsatada gobalkaasi waxaanay ka wada hadaleen sidii uu iskugu xidhmi lahaayeen wasaarada uu masuulka ka yahay iyo xukumada somaalind.

Badhasaabka Togdheer  Oo Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Gashay Imtixaanadkii  Ugu Bushaareeyay Waxbarasho Bilaash Ah

Burco(Warsugan) Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maxamed Aadan qabo, ayaa si weyn ugu bogay gobolkiisa oo sanadkan kaalin wax ku ool ah ka galay kaalmaha ugu sarreeya ee dugsiyada 8-aad iyo kuwa sare ee sanad dugsiyeedkan. Waxa uu sheegay inay wax weyn tahay 29 kaalmood oo ardayda Togdheer gashay kaalmaha 10-ka arday ee ugu sareeya marka la isu geeyo dawliga iyo dugsiyada gaarka ah iyo waliba wiilasha iyo hablaha ugu sareeyay.Badhasaabka oo ka hadlayay munaasibad loo qabtay ardayda kaalmaha sare galay ee Togdheer wuxuu sheegay inuu oofinayo balanqaad ahaa in ardayda kaalmaha hore gasha uu u raadinayo waxbarasho sare oo bilaash ah “Illaahay baa iskugu kay hagaajiyaye markii ay soo dhawaayeen imitaxaanaadku, waxa ii yimid dhalinyaro macalimiin ah oo aan Xasan Foormula iyo Xasan Galaydh ka xasuusto, waxay igu yidhaahdeen waxaanu samaynaynaa buug aanu ka soo ururino meelaha aanu isleenahay imtixaanaadku wuu ka imanaya, waan la garab galay oo buuggii waanu samaynay, aniga ayayna iigu magac dareen oo markaa Qabyo tire la ima odhan jirine Qabo ayay dusha kaga qoreen, sidaas baanay galabtii Ardayda ugu dhigi jireen, inuu guusha ka badh yahayna waan u malaynayaa,” ayuu yidhi Badhasaab Qabo.Isagoo sii hadlaya wuxuu yidhi “ Markaa ididiilo ayaa I gashay oo waxaan idhi ardayda 10-ka u sareeya gasha waxbarasho bilaash ah ayaan u helayaa, ismaan lahayn 29 arday ayay noqonayaan ee waxaan islahaa kolay 5 ilaa 8 ayay noqonayaan laakiin 29-kiiba waxaan ugu bushaaraynayaa inaan waxbarasho bilaash ah u hayo,” ayuu yidhi Badhasaabku.Waxa uu waxbarashada bilaashka ah uga mahadceliyay jaamacaddaha magaalada Burco ku yaalla oo ardaydaasi qaadanaya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Jaamacadda Burco, Jaamacadda Golis, Jaamacadda weyn ee Al Najax, Jaamacadda Addis Ababa iyo Alpha.

 Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Iyo Wasiir Xigeenka Gaashaandhiga Oo Bogaadiyay Kaalmaha  Gobolka Togdheer Ka Galay Imtixaanka Shahaadiga ah

“Hargeysi Waxay Qaadaysey Tacliintii Baxsatoo Burcoy Qabatay Facebook Ma Ku Baadi Doona “Gudoomiyaha Imtixaandka Qaranka

 Hargeysa(Warsugan)  Daa’uud Axmed Faarax, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka ayaa sharaxaad ka bixiyay dareen bulshada Reer Togdheer ka qabtay xafiiskiisa oo ku aadan in la qariyay kaalmihii dugsiga Sheekh Ibraahim ee Burco ka galay kaalmaha sare ee fasaladda 8-aad iyo dugsiga sare Waxa uu sheegay in sanadkan Burco la wareegtay kaalmaha ugu sareeya ee waxbarashada, islamarkaana taasi dhacdeen haddii xafiiskiisu wax is daba marinayo.Maalintii lagu dhawaaqayay Imtixaanaadka shahaadiga ah ayaan la yeedhin 9 arday oo dugsiga Sheekh Ibraahim ku lahaa ardayda Kaalmaha sare ka galay sanad dugsiyeedkan. Burco ayaa sanadkan 29 arday ku lahayd kaalmaha ugu sareeya ee imtixaanka shahaadiga ah ee dalka, balse Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in warqadooda ooh ore loo arki waayay saxaafaddu ka tagtay intii la baadhayay.Guddoomiye Daa’uud oo ka qayb galay munaasibad ardaydii ugu saraysay kaalmaha ee Burco loo dhigay ayaa sidan u sharaxay sababtaasi.“Kaalmaha iskuulka Sheekh Ibraahim, markii la yeedhin lahaa intii aanu warqadda doon doonaynay ayay saxaafaddu naga dareertay, waxyaabaha aanu xafladdan u nimid ayay ka mid tahay inaanu iskuulkaas  hambalyayno, wuxuu ka mid yahay iskuullada ugu waaweyn ee dawliga ah, uguna ardayda badan, waan u hambalyaynayaa, ardayda iskuulka Sheekh Ibraahim waxay ka xumaadeen in markii aanu Hargeysa ku yeedhinaynay imtixaanka aanan yeedhin oo warqadooda oo aanu hore u arki waynay ayay saxaafadduna naga dareertay markii wasiirku kacay,” ayuu yidhi Mr Daa’uudWaxa uu intaasi raaciyay in xafiiskiiisu leeyahay nidaam adag oo caddaaladeed, islamarkaana aanay dhici Karin in wax la is daba mariyo, haddii wax la qarinayana aanay dhacdeen in Burco hesho kaalmaha tirada badan. Waxa uu bogaadiyay dugsiyada, waalidka iyo ardayda, isagoo ku booriyay inay halkaasi ka sii wadaan dadaalka waxbarasho si aan looga cidhiidhsan kaalmahaasi sanadada dambe.Sidoo kalena wasiir xigeenka Wasaaradda gaashaan-dhigga Somaliland Md.Maxamuud Warsame Jaamac, oo hadal ka jeediyay munaasibada Burco loogu qabtay ardayda kaalmaha sare galay ayaa tilmaamay in Burco xaqiijinayso doorkii ay waxbarashada ku lahayd maadaama Alle ha u naxariistee aabihii tacliinta ee Maxamuud Axmed Cali ahaa reer Burco.Waxa uu sheegay in kaalmaha Burco gashay makhraati ka yihiin balanqaadkii xisbiga Kulmiye, maadaama buugiisa ay ku xusnayd kor u qaadista waxbarashada, haddana la rajaynayo in la sii horumariyo oo nidaamka musharax Muuse Biixi Cabdi halkaasi ka sii qaado taariikhda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dhigay “Aabihii waxbarashadu Maxamuud Axmed Cali ayuu ahaa, nin reer Burco ah ayuu ahaa, halkan mar hore ayaa la idinka eegayaye haddaa maanta soo gaadheen waanu idinku hamlayayn. Burco waxay ahayd hooyadii Somaliland, hooyadii waxbarashadana inaa ku darsateen ayaa u eeg tihiin,” ayaa ka mid ahaa hadalka wasiir xigeenka.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Ka Warbixiyey Dhismaha Jidka Ceerigaabo Bulshada Reer Sanaagna Ugu Baaqay  Bixinta  Qaadhaaankii Ay Balan Qaadeen

Ceerigaabo(Warsugan) Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md: Axmed Cabdi Jaamac Fly ayaa ka warbixiyey halka ay marayso dhismaha jidka wada ceerigaabo maadaama uu yahyay gudoomiyaah gobolka sanaag waxaana uu sheegay inay wadadu meel wanagsan marayso islamarkaana dheeri gelinteeda uu leeyahay Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo  waxaana uu yidhi gudoomiyahu ” Wadada isku xidha Gobolka Sanaag iyo Gobolka Togdheer un ahaantii meeshii ugu wanaagsanayd bay maraysaa abid maalin walba waa laga shaqeeyaa laba maalmood markaad joogto maalin saddexaada waxad arkaysaa inay dardar fiican ku socoto, Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md: Axmed Maxamed Silaanyo oo goostay inuu wadadaa sameeyo kuna guuleystay ilaahay miisaanka xasanaadka hawgu daro,  reer sanaag  run ahaantii gaar ahaan reer ceerigaabo xoolihii ay ku balan qaadeen badi lama bixin waanan ugu baaqayaa runtii”Badhasaabka oo hadalkiisa sii wata ayaa shacabka reer sanaag ugu baaqay inay bixiyaan qaadhaankii ay ku baaqeen oo uu sheegay inaan badankiisa la bixin loona baahyan yaahy in qaadahankaasi la bixiyo iyadoo la eegayo ahmiyada ay wadadu leedhay waxaana hadaladiisii ka mida ahaa ” qofku markuu wax balan qaado inuu bixiyaa waa lama maarmaan runtii wixii bixiyey way bixiyeen kuwa aan bixin ee balan qaadayna ee hadalka iska yidhina inay bixiyaan waad aragteen faaidada ay wadadu leedahay, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiid kuna aad baan runtii ugu mahad celinayaa dardarta iyo juhdiga uu geliyey iyo sida joogtada ah ee ay hawshu u socoto aad baan runtii ugu mahad celinayaa ”  ayuu yidhi Axmed Cabdi Fly .Si Kastaba ha ahaatee Dhismaah jidka Wadada ceerigaabo ayaa muhiimad weyn ugu fadhiya Gobolka sanaag oo go’odoon kaga jira Gobolada Somaliand waxaana ay wadadaasi fududayn doontaa inay gobolada somaliland hesho kheyraad badan oo gobolkaasi ku duugan.

Boorama: Beesha Dharaar Yoonis  Oo Suldaan Cusub Dooratay iyo Dardaaranka Odayaasha

Boorama(Warsugan) Waxaa magaalada Boorama lagu shaaciyay Suldaan Maxamuud Faarax Abraar oo ka mid noqon doona hoggaanka dhaqanka ee gobolka Awdal. Waxgaradka beeshiisa ayaa sheegay inay isku raaceen in suldaanka oo aabihii iyo awoowgiiba Suldaan ahaayeen uu yahay hoggaankooda dhaqanka, iyagoo xukumadda iyo bulshada kaleba la socodsiiyay xilka cusub ee loo doortay.Odayaasha ayaa kulan ay ku qabteen bariga Boorama waxay ku sheegeen in muddo ay u fadhiyeen doorashada suldaanka, haddana la isla wada qaatay.Suldaan Maxamuud, ayaa lagu dardaaray la shaqaynta dawladda, madaxda dhaqanka iyo dhinacyada Bulshada, iyadoo arrimaha lagu doortay ay ka mid yihiin aqoontiisa iyo waayo aragnimo shaqo oo uu leeyahay dawladda iyo hay’addo kala duwan oo uu la soo shaqeeyay, isagoo aqoonta dhaqankana ka dhisan maadaama qoys dhaqan uu ka soo jeedo.“waxaanu dooranay Suldaan Maxamuud Suldaan Faarax Suldaan Abraar, waxaanu dooranay anagoo ah beelaha Dharaar Yoonis, waxaanu ka rajayn inuu noqdo mid dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisaba anfaca. Anagoo muddo fadhinay, waxaanu halkan ka shaacinaynaa oo beelaha ogaysiinaynaa iyo suldaannada inaanu Suldanka dooranay,” ayaa ka mid ahaa hadalka madaxda.“Waxaanu Suldaanka ku dooranay isaga oo Aabihii iyo Awoowgiiba Suldaan ahaayeen, isagoo ah nin aqoon yahan ah, isagoo muddooyin badan ka soo shaqayn jiray hay’addaha iyo dawladdaha, waxaanu ku dardaaraynaa inuu dawladda Somaliland la shaqeeyo oo uu isku xidho beesha iyo beelaha Somaliland.waxaanu leenahay dawladda iyo dadkaaga isku xidh, maadaama aad aqoon yahan tahay hawlaha aanu kuu dooranay inaad si cadcad uga soo baxdo ayaanu rajayn,” ayaa ka mid aha hadalka Odayaasha.

 

Dawladda Wadanka Canada Oo Meelmarisay  Xidhashada Xijaabka Ogolaatayna  In Haweenka  Muslimiintu  Ku Biiri Karaan Ciidanka  Booliska

Ottowa(Warsugan) Dawladda Wadanka Canada ayaa ogolaatay ismarkaana meel marisay xidhashada Xijaabka  Dumarka Muslimiinta ah, talaabada ogolaashahan ayaa imanaysa xili qaar kamida magaalooyinka caanka ah ee dalkaasi ay si buuxda u dhaqan geliyeen nimaadanka lagu ogolaanayo xidhasahda xijaabka.

Ogolaashahan ayaa  waxaa qalinka ku duugay qaar kamida Magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi iyagoo si cad u sheegay inay xor u yihiin Haweenka Muslimiinta ah xidhashada iyo qaadashada xijaabka, diinta isalaamka ayaa waajib haweenka muslimiinta  kaga dhigtay inay xidhaan Xijaabka balse waxay qaarkood caqabado kala kulmaan wadada ay ku noolyihiin oo fikrado khaldan laga aamin san yaahy xijaabka.

Sidoo kalen Dawaldda Canada waxa ay fasaxday inay in haweenka Islaamka ahi ay geli karaan Ciidanka Booliska si ay uga qeyb qaataan hanaanka nabad sugitaanka nabad gelyada wadankaasi balse waxa ay intaasi ku dareeen inay ka fiirsanayaan nashqadaynta nooca xijaabka ay dumarkaasi xodhan doonaan iyagoo shaki muujiyey in Booliska lagu bakhtiin karo xijaabka balse hada ay wadaan nashqad xijaab ah oo aan booliska waxyeelo ku ahayn.

Dawladda Canada waxay ka mid tahay Dawladdaha reer galbeedka  islamarkaana aan danayn dhaqanada diinta islamaanka, waxaana ay hore dhibweyne u haystay dumarka Muslimiinta ah ee  ku nool dalkaasi marka ay xidhaan xijaabka iyagoo inta badan mararka qaar kala kulma dhibaatooyin dhanka booliska ah.

Arrintan ayaa dhabaha u xaadhaysa inay dumarka muslimaadka ahi ka raystaan caqabadaasi sidoo kalena la helo haween Boolis ah kuwaasi oo guta waajibaadka shaqo iyo nabad gelyo ee dalkaasi, waxaana la filayaa hadii la dhaqan geliyo in haweenka islaamku ay ka mid noqdaan booliska dalkaasi  wax weyn ka tari doonto is fahanka bulshada muslimiinta ah iyo booliska fikrada khaldan ka aamisan Xijaabka.

Maxkamadda Sare Ee Dalka France Oo Fasaxday Xidhashada Dharka Asturan Ee  Dabaasha

Maxkamadda ugu saraysa dalkaasi  Faransiiska ayaa laashay mamnuucitaankii dharka asturan ee lagu dabaasho ee haweenku muslimiintu xidhaan xiliyada ay  dabaalayaan

Maxkamaddu ayaa si rasmiya ugu dhawaaqday go’aanka ay ku laalayso mooshin maal miihi u danbeeyey  dalkaasi laga waday  ” si wayn oo cad wax ugu dhimay xoriyadda aas aasiga ah ee dadku u leeyihiin diinta iyo dhaqdhaqaaqa”

Go’aankasi ayaa laga yaabaa in uu tusaale u noqdo soddon magaalo oo kale oo mamnuucay dharka asturan ee lagu dabaasho., Maxkamadda ayaa gadaal ka gaari doonta go’aanka kama dambaysta ah ee sharci ahaansha mamnuucitaanadaas.

Qaryaqaan taagnaa maxkamadda horteeda ayaa sheegay in dadkii lagu ganaaxay in ay dhar asturan qaateen ay dalbadaan in lacagtii ganaaxa loo soo celiyo, Arrintan waxaa maxkamadda keenay dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa iyo dad ka soo horjeeda Islaam nacaybka.

Mamnuucitaanka dharkan asruran ee lagu dabaasho ayaa dood kulul ka dhaliyay Faransiiska iyo caalamkaba, Ra’yi aruurin la sameeyay ayaa muujinaya in dadka Faransiiska intooda badan ay taageersanaayeen mamnuucitaanka, iyada oo madaxda magaalooyinkaas ay sheegeen in ay dhawrayaan kala dambaynta iyo cilmaaniyadda.

Qarax Ka Dhacay Turkiga  Oo Ay 11Qof  Boolis Ahi ku Geeriyoodeen

Gaadhi waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay ayaa lagu weeraray saldhigga booliiska ee magaalada Cizre ee dalka Turkiga waxaana ku geeriyooday 11 ruux oo booliis ah waxaana ku dhaawacmay 78 ruux.

Ra’iisalwasaare Bin Cali Yildirim ayaa weerarkaas ku eedeeyay ururka la mamnuucay ee PKK, wuxuuna wacad ku maray in uu bixin doono jawaabta ay u qalmaan.

Magaalada Cizre ayaa dhawr jeer oo hore loogu soo rogay xukunno dagdag ah bilihii u dambeeyay iyada oo dawladda Turkigu ay la dagaalamaysay ururka PKK.

Ururada xuquuqda aadanaha u dooda ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baadhitaan lagu sameeyo eedaymaha sheegaya in in kabadan boqol ruux la gubay iyaga oo gabaad ka dhiganaya dhisme dhulka ka hooseeya oo ku yaalla magaalada Cizre, magaaladaas ayaa u dhaw xadka uu Turkigu la wadaago Suuriya.

Daraya Ee Dalka Suuriya Oo Laga Daad Gureeyey Dadkii Ugu Horeeyey Ka Dib Go’odoomin 4-Sanno Ah

Dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada fallaagada ayaa billaabay in ay isaga baxaan magaalada Daraya ee dalka Suuriya kaddib heshiis lagu gaadhay in la soo afjaro go’doomin ay ciidammada dowladda ku hayeen magaaladaasi muddo afar sano ah.

Basaskii ugu horreeyay oo sida dadka ka baxaya magaaladaasi ayaa ka ambabaxay meel u dhow magaalada Dimishiq, waxaana galbinayay baabuurta gurmadka iyo kuwo kale oo ay leedahay hay’adda bisha cas.

Dagaalyahannada fallaagada ayaa u dhaqaaqi doona dhanka magaalada Idlib oo ay maamulaan fallaagadu, halka dadka rayidka ah ay aadayaan xeryaha ay dowladda maamusho ee ku yaala gudaha dalkaasi.

Ciidammada millatariga dalka Suuriya ayaa magaaladaasi Daraya isku hareereeyay sanadkii 2012.

Warbaahinta dalka ee Suuriya ayaa sheegtay in 700 oo ka tirsan fallaagada hubeysan iyo ilaa 4000 oo qof oo rayid ah in laga daad gureyn doono magaaladaasi, sida ku xusan heshiiska.

 Banaan Bax Lagaga Soo Horjeedo Madaxweyne  Mugabe Oo Ka Dhacay Zimbabwe

Booliiska Dalka Zimbabwe ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa iyo biyo diiran ku ganay taageerayaasha mucaaradka oo isugu soo baxay mudaaharaad ay ka dhigayeen bartamaha caasimadda dalkaasi ee Harare.

Sidoo kale waxay garaacen dad xidhnaa funaanado guduudan, midabkaas oo ah calaamadda xisbiga dhaqdhaqaaqa isbadalka dimuqraadiyadda ee loo soo gaabiyo MDC, dadka dibad baxaya waxay dalbanayaan in isbadal lagu sameeyo guddiga doorashada ka hor doorashada dalkaasi ka dhici doonta sanadka 2018-ka.

Madaxwayne Robert Mugabe oo 92 jir ah ayaa sheegay in uu wali doonayo in uu doorashada ka qayb galo, hogaamiyeyaasha 18 xisbi oo mucaarad ah ayaa dadka reer Zimbabwe ugu baaqay in ay mudaaharaad ka dhigaan maanta magaalada Harare, kaas oo ay ugu magac dareen “mudaaharaadka wayn”

Maxkamadda sare ayaa subaxnimadii hore ee Jimcihii amartay in mucaaradku ay qabsan karaan mudaharaadka ay qorshaysteen, maalin uun kaddib markii booliisku ay ka digeen in aan loo dulqaadan doonin mudaaharaadyo aan la fasaxin.

Mudaaharaadyada shacabka oo nadir ku ahaa dalka Zimbabwe waxaa sare u qaaday dhaqaalaha dalkaasi ee aadka u liita.

 

UNHCR Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Xeryaha Qaxoontiga Ee Dhadhaab

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa walaac ka muujisay hanjabaadyo dadka qaxootiga ah ay kala kulmayaan sarakiisha a,maanka dalka Kenya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii sarkaalka amaanka ugu sareeya gobalkaasi uu dhawaan tagay xeryaha qaxootiga kuna amray qaxootiga inay ka baxaan xerada ka hor inta aan bisha November ee soo socota albaabada la isugu dhufan xerada.

UNHCR ayaa ku tilmaantay hadallada noocaasi ah ee saraakiisha Kenya kuwo xad gudub ku ah xaquuqda xaqootiga, jabinayana heshiiskii sadax geesoodka ahaa ee dowladda Somaliya , Kenya iyo UNHCR.