Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 184aad kana Soo baxay Hargeysa Maanta oo Khamiis ah

0
391

Muuse Biixi “Dadweynuhu Haku Iimaan Qabeen Inay Xuduuda Goboladu Tahay Kuwii Lixdankii Distoorkuna Sheegay”

“Gobolada Galbeedku Inay Ducadii Inoo Soo Celiyaan Iyo Cibaadadii Oo Ay Inaga Daayaan Hanjabaada Layskula Soo Fadhiisanyo TV-ga”

Gabiley (Warsugan) Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay goobaha lixda ah ee aanay ilaa hada ka qabsoon diwaangelinta codbixiyaasha Somaliland. Gudoomiyaha Kulmiye ahna murrashaxa xisbiga ayaa murankaasi ku sifeeyey mid lagu xalin karo distuurka iyo xuduudihii uu dhigay Ingiriisku oo la raaco.

Sidoo kale Muuse Biixi Cabdi waxa uu u soo jeediyey siyaasiyiinta iyo salaadiinta inay buunbuuninta ka daayaan xuduudaha gobolada oo uu sheegay inay tahay arrin iska cad. Muuse Biixi oo arrimahaas ka hadlayey waxa uu yidhi “Maalmahan saxaafadda waxaa aad loo hadal haya lix goobood, waxa aan doonaya inaan cadeeyo marka hore sida dastuurkeenu qorayo sida xeerka 27 ee dawladaha hoose iyo maamulku qorayo xuduudaha goboladu waxa weeye kuwii ingiriisku ka tagay gobolna gobolka kale uma dhaafi karo, degmana degmo uma dhaafi karto”

Muuse Biixi oo hadalka sii wata ayaa intaas raaciyey “Xuduudka degamadii Hargeysa ee 1960-kii iyo degmadii la odhan jiray Boorama khadkooda waxa qoray oo jeexay Ingiriiska waana la yaqaana wax ale iyo wax xadkaa laga badalaya ama lagu daraa ma jiro, dadweynuhu haku iimaan qabeen inay xuduuda goboladu tahay kuwii lixdankii distoorkuna sheegay xeerka dawladaha hoosena sheegay”

Gudoomiye Muuse ayaa gobolada galbeedka ugu baaqay inay joojiyaan waxa uu ugu yeedhay hanjabaad ay warbaahinta soo mariyeen, waxana uu yidhi “Haddii dadku wax qoonsadaan in loo wada hadlo sidii arrintaa loo sixi lahaa oo laysku fahmi lahaa ee aan waliba dadka mudakarka ah haduu siyaasi yahay iyo haduu madax dhaqameed yahayba aanu eryo dhib leh oo aan haboonayn warbaahinta aan layskaga gudbinin waliba qolooyinka galbeedku taa may aqoonine gobolada galbeedku inay ducadii inoo soo celiyaan iyo cibaadadii oo ay inaga daayaan hanjabaada layskula soo fadhiisanyo Tv-ga”

Garaadka Guud Ee Beelaha Dhulbahante Iyo Salaadiinta Somaliland Oo Isku Waafaqay In La Taageero Wada Hadalka Somaliland iyo Khaatumo

“Si Fiican Oo Tolnimo, Xigtanimo, Seedi iyo Sodognimo Leh Ayaanu Isku Fahannay,” Garaad Jaamac Garaad Cali

Saaxdheer(Warsugan) Garaadka guud ee beelaha Dhulbahante, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Salaadiin ka mid ah golaha dhaqanka Somaliland gaar ahaana, kuwa Burco ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo uga socday magaalada Saaxdheer ee Koonfurta gobolka Sool waxay ku gaadheen heshiis wax ku ool ah oo lagu soo afjarayo ammaanka gobollada Bari. Hoggaan dhaqameedka ayaa isla gartay in beelaha dariska ah la dhex dhigo nabad, sidoo kalena la barbar istaago wada hadalka Somaliland iyo Khaatumo.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo fadhigiisu yahay magaalada Saaxdheer waa mishiinka iyo awooda ka dambeysa kooxda Khaatumo, waana madaxa golaha dhaqanka Khaatumo, waxaanu door muhiim ah ku leeyahay go’aammada kooxda Cali Khaliif, maadaama uu yahay hoggaanka dhinaca dhaqanka ee beelaha Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo. Mawqifkiisan ayaa soo afjaraya aragti ahayd inaanay bulshada degaannadaasi ku qanacsanayn wada hadalka Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif ee bulshadaasi metesha.

Garaadka iyo salaadiinta Somaliland ayaa wada jir saxaafadda ula hadlay wuxuuna ugu horayn sheegay in la isla gartay nabada bulshada wada degta,  waxaana qodobka labaad ah taageerida wada hadalka “Qodobka labaad ee isna nabad galyada uun hoos imanaya ee aanu isla garanay waxa weeye inaanu wada hadalka u bilaamay maamulka Khaatumo iyo Somaliland inaanu marka hore dhiiri galinayno, inaanu taageerayno, inaanu garab taaganahay oo masuuliyiinta hawshaa wadda ee madaxda u ah ku dhiirinayno, ku garab galayno, u ballanqaadayno sidii dhibkii jiray loo soo afjari lahaa aanu ku barbar taaganahay, meeshii kasta ee ay ka adkaatana aanu la dhiraan-dhirinayno oo isu soo jiidayno oo inaanay hawshaasi qabyo yeelan aanu ugu balansanahay inaanu dhinacyada ka taagnaano,” ayuu yidhi Garaadku.

Waxa uu Garaadku sharaxay muhiimada ay leedahay soo afjarida khilaafaadkii u dhexeeyay reer Khaatumo iyo Somaliland inteeda kale “Hareeraha ayaanu ka taagnaanaynaa, maxaa yeelay dadkayaga ayay nololi ugu jirtaa, dani ugu jirtaa, dadkayaga ayaa intii ay is dili lahaayeen inay heshiis iyo nabadgelyo  iyo daris wanaag kuwada noolaadaan dani noogu jirtaa. Arrintaas waanu isla dhaabadaynay, Soomaaliduna waxay tidhaa si xun wax u sheeg sixir wuu ka daran yahay ee waxaanu shirka jaraa’id u qabanay inaanu caddayno inaanu nabad gelyo isugu nimid, nabad gelyo kuwada joogno, inshaa Allahna Salaadiintu guryahoodii nabad gelyo ugu noqon doonaan,” ayuu yidhi Suldaanku.

Garaadku wuxuu sheegay in si tolnimo iyo isjacayl leh ay isugu yimaadeen “Illaahay mahaddii si fiican baanu isu afgaranay, si fiican oo tolnimo leh oo isu soo marxabood leh oo wada dhalasho leh oo xigto iyo xigaal leh oo seedi iyo sodognimo leh, markaa Illaahay mahaddii si wacan buu noogu dhacay kulanku,” ayuu yidhi Garaadku.

Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo ah salaadiinta metelayay Somaliland ayaa sheegay in dabarka laga furay isu calool furnaanta madaxda dhaqanka ee labada bulsho, waxaanay adkeeyeen qodobada la isla gartay ee ammaanka iyo wada xaajoodka khuseeya, waxaana weehahooda ka mid ahaa“ Waxaanu isla qaadanay inay aad iyo aad u mudan tahay in la soo dhaweeyo oo la taageero nabada iyo heshiiska wada hadal ee u bilawday Somaliland iyo Khaatumo labadaas dhinac. Markaa labada qodob ee aanu ka wada hadalnay waa nabad galyada iyo shirarka socda in la taageero.Haddii ay jirtay kala qoqobnaan iyo kala maqnaansho madaxdhaqameedka deriska ah way dhammaatay.”

Mawqifka Garaadka guud ee beelaha Dhulbahante ayaa horseed u ah madnimada Somaliland, maadaama isaga iyo kooxda Cali Khaliif hoggaamiyo ka soo horjeedeen Somaliland balse hadda ay isku raacsan yihiin wax la qaybsiga Somaliland iyo soo gabogabaynta khilaafka Jabhadaynta ahaa. Cali Khaliif ayaa isna tilmaamay inaan Jabhadayn waxba lagu gaadhi doonin, sidaasi darteedna wada hadalka Somaliland yahay geed ka go’an. Gogol balaadhan ayaa 25-ka bisha October la isugu iman doonaa magaalada Burco.Dhinacyada Khaatumo iyo Somaliland ayaa socda, waxaanay labada dhinac rajo fiican ka muujiyeen sidii horumar looga gaadhi lahaa khilaafaadka bulshada reer Sool iyo Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Loo Sameyey Dufcadii 4aad Ee Ka Qalin Jabisay Jaamacada Tima-cade Ee Gabiley

 Madaxweynuhu waxa uu soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan Abaarso, Caabudla. Arabsiyo iyo Gabiley oo Soo buux dhaafiyey Jidadka iyagoo madaxweynaha weedho kala duwan ku qaabiley

Hargeysa(Warsugan) Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa shalay ka qayb galay munaasibad qalin jabin ah oo loo sameeyey arday ka baxday jaamacada Tima-cade ee gobolka Gabiley.

Madaxtooyadda ayaa ka hadashay safarka madaxweynaha ee Gobolka Gabiley iyo ka qayb galka munaasibada qalin jabinta ardayda jaamacada Tima-cade. Qoraalka ka soo baxay madaxtooyadda ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo Wafti Balaadhan uu Hogaaminayo oo maanta 31/08/2016, safar ku tegay gobolka Gabiley ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Caabudla. Arabsiyo iyo Gabiley, safarka madaxweynaha iyo waftiga ayaa u jeedkiisu ahaa ka qayb galka qalanjabinta dufcadii 4-aad ee ka baxda Jaamacada Timacade gabiley.

Madaxweynaha oo uu weheliyo Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay qalinjabinta Ardayda Jaamacadda Timacadde ka baxay maanta, waxa kaloo ku wehelinayey socdaalkaasi wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda iyo madax kala duwan oo isugu jira Xildhibaano, guurti, waxgarad iyo waayeel, kana qaybgalay xaflad qurux badan oo loo sameeyey dufcadda afraad ee ardayda ka qallinjabisay shahaadooyinka Degree-ga iyo Diploma-da ee Jaamacaddaasi bixiso taasoo lagu qabtay isla xarunta Jaamacaddaasi ku leedahay magaalada Gabiley.

Weftiga Madaxweynaha waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada Gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalooyinka Abaarso, Caabudla’, Arabsiyo iyo Gabiley, kuwaasoo boqolaal dadweynaha ku dhaqani ay isugu soo baxeen jidadka iyagoo lulayey caleemo-qoyan iyo calanka Qaranka Somaliland oo ay ku qaabilayeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha Qaranka Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka wershadaha, gudoomiyaha gobolka gabiley, maayarka magaalada gabiley, gudoomiyaha Jaamacada Timacade, iyo Madaxdhaqameedka gobolka ayaa khudbado kala duwan halkaasi uga jeediyey Ardaydii qalinjebisay iyo waalidiintii ka soo qaybgalay munaasibadaas, iyagoo dhamaantoodna iska daba maray hambalyada iyo bogaadinta Ardayda maanta dhamaysay waxbarashadoodii ay mudada soo wadeen.

Madaxweynaha Qaranka Somalilanda Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa yidhi “Aad iyo aad ayey farxad weyn igu tahay inaan idinkala soo qaybgalo maanta xaflada weyn ee qiimaha iyo qaayaha leh ee aynu ugu dabaaldegayno qalinjebinta ardayda ka soo baxday Jaamacada Timacade, waa taariikh weyn waa maalin xusuus mudan, waa maalin qiimo leh, Ilaahay waxan ka baryayaa in ardayda halkan ka qalinjebisay, macalimiintooda iyo kulligoodba inay wax wanaagsan iyo khayr ay la kulmaan, waxanan u rajaynayaa in Alle sidii khayrku ku jiro uu waafajiyo. Farxad weyn ayey ii tahay inaan xafladan ka soo qaybgalo, waxan leeyahay kuwii guulaysta noqda, kuwii dalkooda iyo dadkooda anfaca noqda, Insha Allaahu tacaala, sanadkan iyo sanadka dambeba Alle ha inagu gaadhsiiyo farxad iyo barwaaqo aynu hore ugu talaabsano dal ahaan iyo dad ahaanba. Asalaamu calaykum”

Ugu dambayntii Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa loo gelbiyey guriga martida ee gobolka gabiley kaasoo loogu sameeyey hadhimo sharafeed, waxaanay u soo amba-baxeen dhinaca caasimada hargeysa.

Wa-bilaahi Tawfiiq

 Ceel-afweyn:Laba Beelood Oo Mar Kale Ku Dagaalamay Degaanka Dogoble

Ceel-afweyn (Warsugan) Khasaare nafeed ayaa ka dhashay dagaal laba meelood ku dhex maray degaanka Dogoble oo ka tirsan degmada Ceel-afweyne ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa ka bilaabmay aano qaabiil, iyada oo hore degaankaasi ay uga dhaceen dilal aargoosi ah oo ka dhexeeya laba beelood oo wada dega degaanka Dogoble.

Wararka aanu ka helnay ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac, in kasta oo aanan helin tirada rasmiga ah. xukuumadda ayaa dhawaan damisay shaqaaqoyin degaano ka tirsan gobolada bariga ku dhex maray beelo walaalo ah oo wada dega, iyada oo tan iyo wixii ka danbeeyey xalintaas aanay dhicin shaqooyin kale ayaa hadana xalay mar kale degaanka Dogoble colaad laga dareemay.

Xogo kale ayaa intaas ku daray in xiliga dagaalku dhacay goob kaliya lagu wada sugnaa, hase ahaate markii danbe xaaladu faraha ka baxday oo duurka la isla galay.

 “Haddii Kulmiye Keeno In Maalinta Qaran Ee 18-ka May Loo Bedelo 26-ka June Waan Iskaga Tagayaa,” Jaamac Biin

Hargeysa(Warsugan) Jaamac Cabdillaahi Biin, wasiir kuxigeenka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in haddii ay rumowdo hadal haynta ah in maalinta qaran ee Somaliland laga dhigo 26-ka Juun uu iskaga bixi doono xisbi xaakimka Kulmiye. 26-ka June, 1960 ayaa ah maalintii Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, balse markii dambe midawgii Somalia lagu shiikhiyay qiimihii maalintaasi lahayd.

Hase ahaatee dhawaan ayay soo baxday dood uu dhaliyay Prof Axmed Ismaaciil Samatar, taas oo ku saabsan in maalinta Qaranka Somaliland ee 18-ka May oo ku beegan maalintii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taagga 1991-kii ay tahay midaan ka dhaxayn bulshada Somaliland kuna kooban beesha dhexe oo halgankii SNM gashay. Prof Samatar ayaa hadda ah hoggaanka guddida dib u habaynta ku samaynaysa barmaamijka doorashada xisbiga Kulmiye, waxaana soo baxday hadal hayn ah in Kulmiye qorshaynayo sidii 18 May loogu bedeli lahaa 26-ka June.

Mudane Biin oo shalay saxaafadda kula hadlayay Hargeysa ayaa la waydiiyay aragtidiisa arrintan ku aadan wuxuuna ku jawaabay “Haddii uu keeno anagaaba iskaga tagi doona. 18-ka May umaddaa leh ee ma xisbiga Kulmiye ayaa leh? Mise Waddani baa leh? Maxaa laga tashadaa ma maalin qaran oo dad samaystay,” ayuu yidhi mudane Jaamac Cabdillaahi Biin.

Waxa uu Mudane Biin faahfaahin ka bixiyay sida ay ku timid maalinta qaran ee ku suntan madaxbannaanida Somaliland, isagoo sheegay inay ku timid talo umadeed, islamarkaana uu ku dhawaaqay nin ka soo jeeda degaanka Laasqoray ee Xeebta Sanaag Bari “ Maalintani horta maaha maalintay moodayaan, haddaan anigu idiin saxo maalintan, maalintani maalintii SNM-na maaha, maalintii qoladan Beesha dhexena maaha, ee inta la isku wada yimid ayaa waxaa ku dhawaaqay oo ninkii u horeeyay ee ku dhawaaqay ahaa ninka ugu shisheeya ee Axmed Saalax la yidhaa, waa Laasqoray oo ah halka u shishaysa Somaliland,” ayuu yidhi Mudane Jaamac Biin.

Waxa uu sheegay in madashii 18 May 1991 lagaga dhawaaqay Soamaliland ay fadhiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland “ Waxaa fadhiyay Laascaanood, Boorama, waxaa fadhiyay Saylac, meeshii lagu gooyay Somaliland ee ay ku goosatay ee madaxbannaanida ku qaadatay intaas baa fadhiday. 18 May maalintaas ayay ahayd, Burco ayayna ahayd ee ma ahayn dibada,” ayuu yidhi Jaamac Cabdillaahi Biin oo u muuqday mid si kulul uga jawaabayay dooda ah in laga guuro 18 May loona guuro maalinta 26 June.

Xukumadda Kulmiye ayaa kadib dooda Axmed Ismaaciil Samatar waxay 26-kii June ee 2016-ka u xustay si ka duwan sidii hore, waxaana lagu soo qaaday meeqaamka maalintaasi shir Khamiiseed golaha wasiiradu lahaayeen, taas oo warmurtiyeed ka soo baxay lagu sheegay in kor loo qaado meeqaamka maalintaasi leedahay.

Badhasaab Qabo  Oo Sheegay In Gobolkiisu Sameeyay Horumar Dhanka Tacliinta iyo Ganacsiga Ah

Hargeysa(Warsugan) Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Aadan (Qabyo-tire) ayaa sheegay in sanadkan gaar ahaana bilahani yihiin kuwo gobolkiisu wanaagsanaa, islamarkaana midnimo iyo horumar laga dareemayay. Waxa uu sheegay in gobolku horumar ka gaadhay dhinaca tacliinta, sidoo kalena kor u kac dhaqaale laga dareemayay bilahan kadib markii dhoofka xooluhu kor u kacay, arrintaasi oo ay kaalin ka qaadatay Sayladda xoolaha Burco oo ah mid baaxad leh.Waxa uu sidoo kale sheegay inay ku hawlan yihiin barnaamijyo dhalinyarada lagu nagaynayo si ay tahriib dibadeed iyo mid dalka gudihiisa ahba uga baaqsadaan.

Mudane Qabyo-tire oo shalay Hargeysa ugu waramayay telefishanka Bulsho waxa uu sheegay in dhaqdhaqaaq xooggan oo xagga ganacsiga xoolaha ahi ka socday magaalada Burco “Xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera boqolkiiba sideetan (80%) waxay ka yimaadaan Burco, waa xarunta sayladaha xoolaha ee Somaliland, waxaa lagu iibiyaa maalintii lixdan kun ilaa todobaadan kun oo nee foo adhi ah, markaa xilliga Arrafada xoolaha ugu badan oo ilaa dhawr milyan ah ayaanu dhoofinaa oo Burco ayaa laga soo iibsadaa, dhaqdhaqaaq fiican baa ka socda oo dhaqaalaha gobolku wuu wanaagsan yahay,” ayuu yidhi Mr Qabyo-tire.

Geesta kale wuxuu sheegay in isla bishan arrin kale oo muhiim ahi u soo raacday dhaqdhaqaaqa ganacsiga, taas oo ah in ardayda gobolku guul ka gaadhay imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland.wuxuu sheegay in 40-ka arday ee ugu sareeyay dalka oo dhan 29 ahaayeen gobolka Togdheer, taas oo ah guul gobolku ka gaadhay dhinaca waxbarashada.

Dhinaca kalena wuxuu sheegay in gobolka uu masuulka ka yahay ay ka jirto tahriib dhinaca dhalinyarada ah, kuwaas oo magaalada Hargeysa u soo shaqo doonta, halka qaarna Boorama u dhaafaan “Dadkayagu waxay u soo tahriibaan magaalada Hargeysa iyo Boorama oo ay si dadban u yimaadaan ama tacliin ha u yimaadaan ama shaqo e. hadda waxaanu wadnaa sidii aanu dhalinyarada u hayn lahayn, waanu dhiiri galinaa, waxaanu doonaynaa inaanu shaqo abuur u samayno,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Badhasaabka oo muddo kooban xilka gobolkaasi hayay ayaa bulshada reer Togdheer aad u majeerteen wax qabadkiisa iyo hammigiisa ku aadan midaynta iyo horumarinta gobolka Togdheer, waxaana arrintaasi marag ka ah naanaystiisii ahayd Qabo oo ay u bedeleen Qabyo-tire.

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Tijaabisay Qalabkii Loogu Talo Galay Dhismaha Wadooyinka Caasimadda

Hargeysa (Warsugan) Dhawaan ayey markii ay dawlada hoose ee Hargesa ay dalka keentay qalab loogu talo galay in wax lagaga qabto wadooyinka burbursan ee ku yaala magaalada hargeysa, waxaaana qalabnkaasi ka mida Wershad Kalakshar ah taasi oo buburin doonta Jayga islamarkaana kamida muhiimada dhismaha wadooyinka, wefti uu hogaaminaayey Maayirka Caasimadda Solteco kana mid yihiin Xildhibaano iyo Agaasimayaasha waaxyaha Dawlada hoose ee hargeysa ayaa  shalay kormeer ku tagay halka laga hirgeliyey wershadadaasi oo ah galbeedka caasimada waxaana ay tijaabo ku  sameeyeen wershadaasi iyagoo sheegay inay ku guulaysteen.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa Axmed Derejo ayaa ka hadlay qalabka cusub ee dawlada hoose usoo iibisay dhismaha wadooyinka caasimadda,  waxaana uu sheegay  tijaabada warsahda kalaksharku ay muhiim u tahay dhismaha jidadka Hargeysa  waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Maanta runtii farxad weyn bay noo tahay in la tijaabiyey qalabkii oo uu si fiican oo qurux badan uu usoo bixi doono iyadoo run ahaantii uu qeyb weyn ka qaadan doono wadooyinka dalkoo dhan”

Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco)  ayaa sheegay inay ku guulaysteen tijaabada warshada isku dari doonta jayga iyo daamurka taasi oo loogu talo galay dhismaha wadooyinka Caasimadda Hargeysa , Maayirka ayaa ka dhawaajiyey in qalabkani yahay kii ugu fiicnaa ee abid soo mara dalka waxaana uu shacabka ugu baaqay inay soo dhaweeyeen horumarka dalka ka socda gaar ahaana laga wado caasimada, waxaana uu sidoo kale shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan qaadhanka iyo cashuurta ku waajibtay si loo helo wadooyin bilicsan oo caasimada laga hirgeliyo waxaana hadalkiisii ka mid ahaa sidan  “ Waxaan leeyahy shacbiyow gacantaadiiba hadhay anagu intii aanu dedaalnay waanu dedaalnay, laakiin wax soo saarku markuu bilaabmo wuxu u baahan yaahy lacag badan dadweyne qaadhaanka iyo cashuurta waa waajib inaad bixisaan” ayuu yidhi maayir solteco

Si Kastaba ha ahaatee wershadan ayaa hadii ay hirgasho waxa  wax badan ka bedeli doontaa Caasimadda Hargeysa oo ay gaadiidku ku qabaan wado xumo taasi, iyo inta badan wadooyina caasiamda maraa ay yihiin kuwo uu ka muuqdo bubur iyo dayac  xoogani marka laga reebo Jidka Wadnaha ee dhexmara suuqa kaasi oo isagu roog islamarkaana ay hirgelisay hay’adda wadooyinka Somaliland .

Sarkaal Ciidanka Qaranka Ahaa Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Duleedka Berbera Ka Dhacay

Berbera(Warsugan) Hal qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo shalay ka dhacay duleedka magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Ninka Geeriyooday Waa Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Qaranka kana mida Kamandawska Somaliland Saraakiishooda, waxaana lagu magacaabaa Cabdidheere.

Gaaadhigan shilka galay ayaa ahaa gaadiidka yar yar ee loo yaqaano dukhaanka ama VITZ-ta kaasi oo ay saarnaayeen dad ahaa 5 qof. Waxaana dhaawaca iyo maydka dadkani loola cararay cusbitaalka magaalada berbera halkaasi oo dadkii ku dhaawacmay shilkaasi baabuur xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Shilalka gaadiidka ee sababa dhimashada iyo dhaawaca ayaa ku badan Somaliland. booliska ayaa hore u sheegay in gaadiidka yaryar ee Dukhaanku yahay kuwa ugu shilka badan, sidoo kalena sameeya sharcin jabino badan oo dhinaca waddooyinka ah balse ma jiraan talaabooyin hirgalay oo boolisku ku yaraynayo shilalka gaadiidka,marka laga reebo go’aammo aan hirgalin.