telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 193aad ee Maanta ka soo baxay Hargeysa

Drs. Adna Aadan Oo Sheegtay In Dawlad La’aanta Soomaaliya Caqabad Ku Tahay Ictiraafka Somaliland

“ Waxaan xasuusin lahaa waddamada IGAD, Somaliland waxay jirtay IGAD oo aan jirin, Somalia oo aan jirin bay Somaliland jirtay. In caalamku caawiyo Somalia, qaybtii Talyaaniga ee xuduudaheeda lahayd way ku mahadsan yihiin laakiin….”, Drs Adna Adan

Hargeysa(Warsugan) Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland, Drs Adna Aadan Ismaaciil, ayaa dhalliishay Ururka waddamada bariga Africa ee IGAD oo ay tilmaantay inay indhaha ka lalinayaan xuquuqda Somaliland u leedahay Ictiraaf iyo taageero loo fidiyo doodeeda aqoonsi raadista. Waxay soo jeedisay in geed dheer iyo mid gaaban ba loo fuulo aqoonsi raadiska Somaliland, islamarkaana lala beegsado doodeeda maxakamaddaha caalamiga ah. waxay soo jeedisay in Somaliland si hoose u tashato islamarkaana meel dhigto qodobada ugu waaweyn ee aqoonsi raadiska, sidoo kalena la qoondeeyo dhaqaale lagu maalgaliyo aqoonsi raadiska.

Dr Adna waxay sheegtay inaanay doodi ka taagnayn xuduudaha Somaliland, islamarkaana aanay ahayn kuwo ay iska xariiqatay balse ay yihiin kuwo lagu gaadhay heshiisyo caalami ah oo dhexmaray Faransiis iyo Ingiriiska, Talyaaniga iyo Ingiriiska iyo Itoobiya iyo Ingiriiska, kuwaasi oo aan cidna bedeli Karin “ Waxaan xasuusin lahaa waddamada IGAD, Somaliland waxay jirtay IGAD oo aan jirin, Somalia oo aan jirin bay Somaliland jirtay. In caalamku caawiyo Somalia, qaybtii Talyaaniga ee xuduudaheeda lahayd way ku mahadsan yihiin laakiin, caawimada Soomaaliya la caawinayaa maaha in Soomaalilan loo sadqeeyo. Waa laba dal oo xor ah oo labaduba madaxbannaana markii ay ku heshiiyeen inay israacaan, in labadaba xuduudahoodii iyo rabitaanka umaddooda ee xalaasha ah loo raaco ayuu xaqu ahaa,”

Dr Adna waxay tilmaantay in Ururka IGAD ka hor imanayo xuduudaha Afrika ku degan tahay ee Somaliland na ku dhisan tahay“Waxaa nasiib darro ah, in Xubnaha IGAD oo ka mid ah Midawga Afrika oo dastuurkiisu tilmaamayo inaan la bedelin xuduudihii Isticmaarka, in haddana IGAD ku taliso in la bedelo, waa ayaan darro. Xuduudaha Somaliland cidna kamay qaadin ee waa xuduudaheedii xalaasha ahaa. Waxa horumarka iyo ammaanka Afrika haggaagi lahaa iyadoo tusaale laga qaato nabadda iyo horumarka Somaliland,” ayay tidhi Marwo Adna.

Waxa ay iftiimisay in Somaliland mushkilad kala kulantay dawlad la’aanta Somalia “Somaliland ayaan darro weyn baa haysata, gardarrada weyn waxa ka sii wayn ayaan darrada, dalalkii sideena is raacay waxay ahaayeen kuwo dawladdahooda iyo umaddoodu heshiis ku yihiin inay israacaan hadday heshiin waayaana kala tagaan oo midba halkiisii ku noqdo. Ayaan darrada Somaliland haysata waxa weeye 25-ka sanno ee ay goonida u taagnayd Somalia kamay dhalan dawlad ay la hadasho oo dadkeedu doorasho ku igmaday. Ayaan darrada kale waxa weeye in dalkii aynu israacnay ee Somalia u sii kala googo’ay dawladdo yaryar oo 8 ilaa 9 ah oo mid walba magaca uu doono la baxay. Waxa Somalia ka taliya dad la magacaabay, waxaa ka jirta dawlad shisheeye ilaaliyo, waxaa ka taliya dawlad aan xukumin madaxtooyada wax dhaafsiisan,” ayay tidhi marwo Adna.

Waxa ay sidoo kale tilmaantay arrimaha ay haboonaan lahayd in Ururka IGAD tixgaliyo “IGAD  waxaa ku fiicnaan lahayd inay caddaalladda iyo xaqa eegto, oo si maskaxi ku dheehan tahay qaddiyadda Somalia iyo Somaliland u eegto, waxay arki lahayd in xuduudaha xalaasha ah ee Somaliland, iyo dawladda doorashada ku dhalatay aqoonsigeedu wanaag uun u soo kordhinayo Somalia, wayse garan wayday, waxaa u fiicnaan lahayd IGAD inay taariikhda dib u raacdo way ka da wayn tahaye oo ay aqoonsadaan maadaama aan wanaag mooyee wax dhib ahi uga iman gobolkan Geeska Afrika,” ayay tidhi Marwo Adna

Dr Adna Aadan waxay sheegtay in Somaliland soo dhawayso horumar kasta oo Somalia samayso, taakulaysana dadkeeda jilicsan, balse ay nasiib darro tahay in ururka IGAD iyo Midawga Afrika oo Somaliland yimid, islamarkaana arkay horumarka, dawladnimada iyo dimuqraadiyadda ka hanaqaaday aaanay ku adkaysan inay taageeraan qaddiyadda Somaliland. waxay tilmaantay inay Somaliland doorashooyin ku guulaysatay balse Somalia oo dunidu taakulaynaysaa aanay awoodin doorasho ka dhacda, sidaasi darteedna aanay IGAD iyo Beesha Caalamku samayn daraasado soo bandhiga xaqiiqda, kuna dhiiran xaqa Somaliland u yeelatay aqoonsi.

 Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Ganafka Ku Dhuftay Guddi khilaafaadka Doorashooyinka Xallinaysa Oo Daladda SONSAF Dhawaan Magacowday

Hargeysa(Warsugan) Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa gaashaanka u daruuray guddi dhawaan ay magacowday dalladda ururada bulshada ee SONSAF, guddidaasi oo la sheegay inay ka shaqaynayso xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka soo socda. Guddida doorashada ayaa sheegtay inaanay guddidaasi sharci ku aasaasnayn, sidoo kalena SONSAF awood sharci u lahayn abuurista guddi hawlahaasi ka shaqayso.

 War qoraal ah oo ka soo baxay guddida doorashada waxaa lagu sheegay in guddidaasi ay warbaahinta ku arkeen yihiin kuwo aan go’aammadooda waxba ka jirin “Komishanka doorashooyinka qaranku wuxuu si cad u qeexayaa inaanay SONSAF lahayn awood sharciyadeed (Mandate) ay ku abuuri karto guddi xallisa khilaafaadka doorashooyinka. Cidda kaliya ee u igman xallinta khilaafaadka doorashooyinku una xilsaaran waa guddida doorashooyinka qaranka sida ku cad qodobka 14-aad farqaddiisa 7-aad ee xeerka doorashada (xeer lr 20/2001,” ayaa lagu yidhi warka Komishanku soo saaray.

Guddida doorashadu waxay shaacisay habka sharci ee loo raaco xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka “Khilaafaadka doorashadu waxay leedahay hab-raac iyo jaranjaro ay marto oo dhammaystiran taas oo xallintooda loo raaco, kana bilaamata goobta codbixinta, una gudubta xafiisyada heer degmo, heer gobol ilaa heer qaran oo ah guddida doorashada qaranka. Waxa uu habraacaasi ku dhammaadaa maxakamadda sare ee dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka Komishanka oo tilmaamay in habraacaasi ay caddaynayaan xeerarka doorashooyinka madaxtooyada, goleyaasha degaanka iyo kii wakiillada.

Guddidu waxay la yaab ku tilmaantay hawlaha SONSAF isu xilsaartay “Haddaba waxaa la yaab leh hay’ad aan wax awood ah ku lahayn khilaafaadka iyo cabashooyinka doorashada, islamarkaana aan lahayn xil dastuuri ah ama xeer u jideeyay ay magacowdo guddi aan xeer u jidayn, taas oo baalmarsan hannaanka xallinta khilaafaadka iyo cabashooyinka doorashooyinka. Guddida doorashooyinku waxay ka digayaan cawaaqib xumada ay yeelan karto abuurista iyo ku dhawaaqista guddi aan sharci ku dhisnayn, taas oo cawaaqib xumo dhaxalsiin karta habsami u socodka doorashooyinka, nabadgalyada, xasilloonida, kala dambeynta sharci iyo kalsoonida shacabku ku qabaan doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi qoraalka Komishanka.

Guddida ayaa hay’addaha dawliga ah ku wargalisay inaanay go’aammada guddida SONSAF ahayn kuwo ansax ah “Waxaanu hay’addaha xukumadda, sharci dejinta, garsoorka iyo dhammaan daneeyeyaasha la socodsiinaynaa in guddida ay samaysay SONSAF aanay awood sharci u lahayn hawshaas, islamarkaana baalmarsan yihiin habraaca xallinta khilaafka iyo cabashooyinka ka soo noqda doorashooyinka ee sharcigu jideeyay, sidaasi darteedna go’aan kasta oo ay soo saaraan yahay waxba kama jiraan,” ayay tidhi guddida doorashadu.

Ugu dambeyna guddida doorashadu waxay dalladda SONSAF ugu baaqday inay faraha kala baxdo shaqada iyo awoodaha Komishanka doorashooyinku uga masuulka yihiin qaranka, hase ahaatee wali wax war ahi kama soo bixin SONSAF.

 “Xornimada Somaliland Maaha Mid Inyar Go’aansatay Ee Waa Mid Loo Soo Halgamay, Waana Mid La Difaaci Doono..” Dr Sacad Cali Shire

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa si qoto dheer u faahfaahiyay sooyaalka Somaliland iyo horumarka ay hadda ku talaabsatay, kuwaasi oo xaq u siinaya Ictiraaf caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka. Waxa uu tilmaamay in Somaliland leedahay taariikh facweyn oo aan cidna dafiri Karin, islamarkaana loo baahan yahay in dunidu u dhego nuglaato dadaallada aqoonsi raadiska Somaliland.

“Somaliland waa waddan xor ah oo taariikh u gaara leh, oo dhaqankiisa leh, oo dawladnimadiisa leh, oo xuduudihiisa leh, waddan cusub maaha, waddan 1991 dhashay maaha, waa dal ka mid ahaa maxmiyaddii Ingiriiska muddo 73 sanno ah oo Maamka ku yaalla, markii uu xorriyadda qaatayna ahaa waddan xor ah oo dawlad leh, oo baarlamaan leh, oo ra’isal wasaare leh, oo laga aqoonsaday oo laga hambalyeeyay caalamka oo dhan, taas weeye taariikhda Somaliland,” ayuu yidhi wasiir Sacad.

Waxa uu intaasi raaciyay inaanu sharci ku dhisnayn israacii Somaliland iyo Soomaaliyada koonfureed “ Wuu jiray hammigii midnimada Soomaaliweyn 1960 laakiin, israacii Somaliland iyo Somalia uma dhicin si sharci ah, ilaa hadda ma jirto hal warqad oo ay kala saxeexdeen labadii dhinac ee midoobay. 30kii sanno ee Somaliland kamid ahayd waddankii la odhan jiray Somali Republic, markii dambena la inqilaabay ee Somalia la odhan jiray, dadka Somaliland dhibaato badan baa ka soo gaadhay, oo markii dambena u dhammaaday in laga xoreeyo dadka ciidankii dhibka ku hayay, markii dambena dadka Somaliland iyagoo isku dhan; madaxdhaqameed, siyaasi, waxgarad iyo dadweynaba waxay madaxbannaanidooda la soo noqdeen 1991, markay go’aankaas sameeyeen cidna wax kamay qaadin ee xaqoodii ayay caddeeyeen oo ku dhawaaqeen,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu sheegay in Somaliland go’aankeeda ku sii adkaysay aftidii 2001-dii oo lagu ayiday dastuurkii dhigayay madaxbannaanida Somaliland “Sidaan horeba u sheegay Somaliland 30-kii sanno dib u dhac badan bay la kulantay, 25-kan sanno ee ay gooni isu taagtayna horumar badan ayay gaadhay siyaasad ahaan, degenaanshaha, dhaqaalaha iyo adeega bulshada intaba. Iskuullada Somaliland waxaa maanta ku jira in ka badan laba boqol iyo konton kun oo arday, 1991 faro ku tiris ayay ahaayeen haddiiba ay jireen dugsiyo, waxaa maanta aynu leenahay inka badan 30 jaamacadood, 1991 waxaynu lahayn hal jaamacad, maanta dhakhaatiirteena waxaa ka shaqeeya in ka badan laba boqol, kuwaas oo inta badan ka soo baxay jaamacaddaha Somaliland, xagga siyaasadda 5 doorasho oo xor iyo xalaal ah ayay samaysay oo dunidu goob joog ka ahayd, waxayna horumarkaas ku gaadhay dadaal iyo isku tashi, horumarkaasna dib uga noqon mayso, waxayna xaq u leedahay in caalamku ixtiraamo oo Ictiraafo,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxbannaanida Somaliland tahay go’aan shacbi ee aanay ahayn mid dad gaari wataan “ Xornimada Somaliland maaha mid ay inyari go’aansatay, maaha mid cid marti looga yahay, waa mid la go’aansaday, waana mid la difaaci doono, Somaliland 25-kaas sanno waxay Geeska Africa ku soo kordhisay degenaansho, cid ka cabanaysaana ma jirto, aqoonsiga ay xaq u leedahay hadday heli lahaydna intaas in ka badan ayay ku soo kordhin lahayd gobolka iyo caalamkaba,” ayuu yidhi wasiirku.

Wuxuu duniga u diray baaq aqoonsi “ Ictiraaf la’aantu waxay ka dhigan tahay duudsiga xaqa dadka reer Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa waddamada gobolka ee IGAD, Midawga Africa, Qaramada midoobay, guud ahaan caalamka, ciddii jecel degenaanshaha iyo horumarka dawlad iyo dadba in la barbar istaago Somaliland, waayo Somaliland waxay tiir dhexaad ka tahay degenaanshaha gobolka iyo dunidaba,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirada Xukumaddu U Dirtay Daminta Colaadda Ceelafweyn Oo Bookhday Dadkii Dhaawacmay

Ceelafwayn (Warsugan) Waftigii ka socday Dawladda ee  nabadaynta u tegay Xaladda Colaadeed ee ka aloosantay mudooyinkii aynu soo dhaafnay deegaano hoosyimaada Degmadda Ceel af-wayn ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ay kormeer xaqiiqo raadisa ku soo mareen in ka badan toban deegaan oo ay wada degaan dadka walaalaha ah ee ay dhex martay Dirirta sababtay dhimasho iyo dhaawac mudo dhawr jeera soo noqotay.

Waftigan oo ay xubno ka yihiin Wasiiradda wasaaradaha Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi (Cadaani) Wasiirka Wasaaradda Dib-udejinta Cali siciid Raygal, oo ay weheliyaan Xubno salaadiin nabadona, maamulka Gobolka Sanaag Saraakiil Ciidamada kala duwan ah,  ayaa waxa ay kulamo is xaalwaraysiya la yeeshen dadwayanaha ku dhaqan deegaanada ay dirirtaasi saamaysay oo ay kamid yihiin Dogoble,Bacaha,Darara Wayne,God-waraabe,Dhabarmac, Dadkaasi oo u badnaa hooyooyin maato ah iyo reer guura ayaa sheegay in diritani ay mudo dhawr jeera soo labatay isla markaana ay xiligan la joogo u baahanyahiin  nabad.

Deegaanka Dogoble oo halbawle u ah Dirirta soo labatay mudo dhawr-jeera ayaa markii waftigu soo gaadhay waxa faahfaahin ka siiyay Gaashanle Sare Ismaaciil Cawaale Faarax (Doolal) oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka waxanu sheegay in Dirita ay sababto Ceelbiyood inta badan labada dhinac ku murmaan Cabitaankiisa waxanu yidhi sidan ” Ceelkani waa dogoble waa halkii uu ka dhacay dagaalku sokeeye ee uu ku dhintay raga badani Ceelkan hadii afar hijiin lagu rakibo isma dhimayaan biyihiisu halka ay aramidu ka kacdayna waa Ceelkaas” ayuu yidhi gaashaanle sare Doolaal

Dadka kusugan deegaanka Dogoble oo ay saamayn ku yeelatay dirirtu ayaa xaladooda uga waramay waftiga booqashada ku tegay dadkaasi oo u badnaa hooyooyin dayac badani ka muuqdo ayaa waxa ay ku dareen celiyeen sidan “Dogoble Colaad baa ka dhacday colaadaasi way saamaysay dad iyo duunyo toonna ma dhaafin abaar iyo colaad ayaa nawada heshay”, sidaasi waxtidhi hooyo kamida dadka tulada

nin magaciisa ku soo koobay Maxamed oo ah dadka ganacsatada Tuulada Dogoble ayaa Sheegay in hantibadani kaga klhsaaratay halkaasi “waxan ahay dadkii dhibaatadu kala kulantay ee hantidu kaga gubatay Labaatan milyan oo laan ah ayaa igaga gubtay Meheradii iyo Bugaag ay igu qornayeen lacago kumanaan dollar ah” ayuu yidhi Maxamed.

dadka kale ee deegaano ay kamid yihiin Macaha ayaa sheegay in ay ubaahanayihiin nabad balse xalada meeshu ay isu bedeshay mid coladeed oo xabad la isla horjoogo halka sidoo kalena ay colaadaasi saamayn ku yeelatay meelihii ay wax barashadu ka jirtay oo ay xidhmeen malcaamadihii iyo iskuuladiiba halka sidoo kalena dab, lasudhay guryo tirabadan oo dadkii laha faro madhan ka istaageen.

Eng Faysal Cali Waraabe Oo Beesha Caalamka Ku Eedeeyay Inaanay Daacad Ka ahayn Arrimaha Soomaaliya

Hargeysa(Warsugan) Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxda Somalia ugu baaqay inaanay wakhtigooda u badan ku lumin sidii Somaliland ay u soo xero galin lahaayeen balse ay wakhti ku bixiyaan xallinta arrimahooda kala daadsan. Waxa uu sidoo kale beesha caalamka ku eedeeyay kuwa aan daacad ka ahayn xal u helista Somalia iyo guud ahaan Soomaalida.

Eng Faysal wuxuu tilmaamay inaanu magaca Somalia iyo dastuurkeedu ahayn kuwii Somaliland qaybta ka ahayd xilligii la midaysnaa “ Jamhuuriyaddii Somaliland iyo Somalia wada sameeyeen lama odhan jirin magaca Somalia ee Somalia oo Soomaaliyadii Talyaniga (Italy-Somaliland), dastuurka odhanaya ha la ilaaliyo midnimada iyo xuduudahana uma arko mid Somaliland ku jirto ee waa Soomaaliyaddii Talyaaniga, sababtoo ah markii Somali Democratic Republic burburtay qolo walba magaceeda ayay qaadatay, inagu Somaliland baynu qaadanay iyaguna Somalia ayay qaateen, marka la leeyahay Somalia ma khusayso Somaliland,” ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu beesha caalamka iyo dalalka la dariska ah Somalia ku dhalliilay habka ay u wadaan xalinta mushkiladaha Somalia “Anagu waxaanu u aragnaa habkan loo wado arrimaha Somalia, inaanay ahayn hab laga yahay daacad in nabadi ka dhacdo Somalia,, maxaa yeelay Soomaalidu maaha qoomiyado kala jaadjaad ah, sida Itoobiya oo loo sameeyay Qoomiyado, mana aha in la yidhaa waxaa la samaynayaa dawlado yaryar oo qabaa’il ah oo ilaa haddana lagu guulaysan waayay, waxaanu u aragnaa inaan dan Soomaaliyeed la wadin ee dano kale laga leeyahay oo waddo kale u adeegaya,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Waxa uu intaasi raaciyay in dalalka la dariska ahi danahooda ka dhex wataan Somalia “Waxaanu u aragnaa inaanay IGAD daacad ka ahayn in Soomaali wax noqoto, ama Soomaaliland ha ahaato ama Soomaaliya ba oo markay fikireen ay la noqotay xal kala daadsanaanta Soomaalida oo mid bogsatay iyo mid bugta la isku xidhay si ay isula dhintaan. Sidaas darteed waxaanu madaxda Somalia u sheegaynaa inaan  waddamo shisheeye isu soo adeegsan oo aan Soomaaliya la kala qoqobin, dantoodana aanay ahayn in Gaalkacayo la qaybiyo, Kismaayo la qaybiyo, Hiiraan la qaybiyo. Danta Somalia waxay ku jirtaa inay iyagu gacmahooda wax ku samaystaan, sidii Somalilandba gacanteeda ugu samaysatay,” ayuu yidhi hoggaamiyaha Ucid.

Waxa uu intaasi raaciyay inaanay habboonayn in madaxda Somalia mudnaanta koobaad ka dhigtaan soo qabashada Somaliland “ Haddii madaxda Somalia mudnaan ka dhigteen sidii Somaliland loo soo qaban lahaa, suurto gal maaha ayaanu leenahay, Illaahay uun baa qaban kara Somaliland, wax Illaahay dhisay cidna ma qaban karto. Waxaanu u aragnaa 7-da nine e Somalia ka soo jeeda ee Madasha ku wada jiraa aanay masiirka Somaliland ka talin karrin, inay danahooda ka shaqaystaan baa fiican, haddii Somalia isa sarifto oo ama 5 ama 6 gobol oo qabiillo ah isku sheegto annaga Somalia waa noo Soomaaliya,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Ugu dambeyna wuxuu madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay in Somalia oo dhalasho ahaan iyo daris ahaan u xigta Somaliland ay doorashadeeda si dadban uga qayb qaataan si loogu soo saaro madax wanaagsan oo danaha Soomaalida iyo danta Somalia ka shaqaysa. Waxa uu sheegay in dalal shisheeye si dadban ugu lug leeyihiin doorashada Somalia sidaasi darteedna aanay wacnayn in Somaliland faraha ka laabato balse ay xallinta mushkiladda Somalia u tabaabushaysato.

Madaxadda Dhaqanka Ee Gobolka AWDAL Qaar Kamida Oo Taageeray Kala Qaadista Labadda Doorasho Ee Madaxatooyadda Iyo Barlamaanka.

Baki(Warsugan) Salaadiinta Cuqaasha iyo waxgaradka Degmadda Baki ee Gobolka AWDAL ayaa soo dhaweyay isla markaana tageeray kala qaadistii Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) uu go’aanka kaga gaadhay isla markaana uu ku kala qaaday labadda Doorasho ee Baarlamaanka Iyo Madaxtooyadda,

Cuqaasha iyo wax garadka Degmadaasi oo maaanta (Shalay) kulan ku qabsaday Gudriga Maamulka Degmada ayaa sheegay in ay Dala Culas ku tahay labadaasi doorasho hadii ay isasaar mar lawada qabto noqon lahayeen ugu horayntiina mid kamida Saladiinta Degmadda BAKI ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “hadaanun nahay madaxwadda dhaqanka ee Degmadda Baki waxa aanu tageersanahay Go’aankii Madaxwaynaha somaliland uu ku kala qaaday labada doorasho oo dalka culaysku keeni laha sidoo kalena uu ku soo hormariyay Doorashadda madaxtooyadda oo ka muhiimsan ta kale”

Caaqilku isga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in dib u dhigista Doorashadda ee Baarlamaanka ay dani ugu jirto Goboladda AWDAL iyo SOOL oo uu sheegay caaqilku in ay cabasho ka qabaan saami qayabsiga xubnaha Baarlamaanka waxanu yidhi markale ” dib u dhigista baarlamaanka waxa ay sigaara dani ugu jirta Goboladda Sool iyo Awdal oo tabashadii ay qabeen madaxwaynaha somaliland u gudbiyay Madaxwaynuhuna uu yidhi Gudi baanu usaarayna ee lagama gaadhsiin karo lixda bilood ee hadhay oo ahaa go’aam saliima oo aan ku amanayano isaga iyo cidii kula talisayba wanaanu tageersanahay ka madaxdhaqan ahaan boqolkiiba boqol”

waxa kale oo halkaasi iyana ka hadlay xubno kale oo soo dhaweeyay go’aanka labada doorasho lagu kala qaaday waxana ka mid ahaa hadaladoodii “Madaxwaynuhu wuu ku mahadsanayahay G’aankaasi uu qaatay sababto ah masuuliyiintii Xisbiyadda qaranka oo dhamays tiran ayaa loo dhiibay lana yidhi ka soo tala bixiya way ku hagaagi wayeen wax iyaguna sidaasi oo kale ahaa Madaxwaynayaashii hore, markaa go’aan geesinimo leh ayuu qaatay oo waxa uu yidhi Doorashadda ay cabashadu ka taaganatahay waa Golaha Baarlamaanka horena nin walba oo caqli leh way ugu muuqatay in aanay labada doorasho is qaadi karaynin saami qayabsi, dhaliilaha iyo labada doorasho ee is dhex socda in lakala qeexo ayaa wacan ee Madaxwayne waan kugu taageernay hadaan reer AWDAL nahay”

Guddoomiye xigeennada Baarlamaanka Oo ka Tala Bixiyay Hababka Somaliland Ictiraaf Ku Helayso

inaynu samaysanno ciidan adag oo soo celin adeeggii qaran oo ardayda la tababaro, islamarkaana gacan dagaal ugu diyaar garowno midna Ictiraaf raadin. Waa la inoo badheedhsan yahay, dawladdaha IGAD-na awalba wax kamaynu sugayn, G.K/xigeen Baashe M Faarax,

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiye xigeennada koobaad ee labada aqal Baarlamaan ayaa ka talo bixiyay sida Somaliland ku wajahayso Ictiraaf ay caalamka ka hesho, iyagoo ku taliyay in cudud ciidan la dhiso, sidoo kalena la dardar galiyo guddida Ictiraaf raadinta ee madaxweynaha Somaliland magacaabay, kuwaasi oo xilsaaran inay beesha caalamka ka dhaadhiciyaan qaddiyadda Somaliland.

Guddoomiye xigeenka Wakiillada, Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo jeediyay in Somaliland dhisato cudud ciidan oo ay kaga hor tagto colaad Somalia kaga timaada mustaqbalka “Maalin walba arrimahooda way ku kala kacayaan, maaha niman danteena wada, waxay doonayaan inaynu sidooda u noolaanno. Waxaan soo jeedin lahaa in Ictiraaf raadinta la wado oo la kordhiyo, inaynu samaysanno ciidan adag oo soo celin adeeggii qaran oo ardayda la tababaro, islamarkaana gacan dagaal ugu diyaar garowno midna Ictiraaf raadin. Waa la inoo badheedhsan yahay, dawladdaha IGAD-na awalba wax kamaynu sugayn, way ogyihiin in Somaliland madaxbannaan tahay, inaynu goleyaal qaran leenahay, calan iyo lacag leenahay waxay doonayaan inay Somaliland dumiyaan siday u dumiyeen Somalia,” ayuu yidhi guddoomiye Baashe.

Waxa uu soo jeediyay in la labanlaabo dadaallada Ictiraaf raadinta, islamarkaana aan lagu niyad jabin hagar daamada Somalia ku hayso Somaliland iyo dalalka caalamkaba “ Waa inaynu dadkeena midaynaa, inaga waxaa ina Ictiraafsan umaddeena, iyagana beesha caalamka ayaa Ictiraafsan laakiin, dadkoodii baa Ictiraafi la, markaa waa inaan is aamino oo kalsoonideedan dhisno oo is Ictiraafno, cududeenana dhisno,” ayuu yidhi guddoomiye Baashe.

Guddoomiye xigeenka guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa isna soo jeediyay in la iska dhaafo waxyaabaha ka soo baxa Somalia maadaama Somaliland tahay dal tashaday oo hawlihiisa qabsaday “Madaxweyne, waxaan soo jeedin lahaa inaynu iska dhaafno go’aammada ka soo baxa shirarka reer Xamarku qabsanayaan ama urur goboleedyadu u qabanayaan waayo inagu waxaynu nahay 25 jir, waana in la hawl galiyo guddida Ictiraaf raadinta oo hawshii loo igmaday ay qabtaan. Haddii lala hadlayo Qaramada Midoobay, Afrika, Carabta iyo caalamkaa kaleba ay guddidaasi la hadasho oo qaddiyadda gaadhsiiso. Waxaanu beesha caalamka, UN-ta, AU-da, EU-da iyo guud ahaan caalamka u soo jeedinaynaa inay gacan siiyaan aqoonsi raadiska Somaliland oo buuxisay dhammaan shuruudihii laga rabay dal madax bannaan. Inaguna waa inaan wixii hawl inaga qabyo ah dhammaystirano oo guddidu dunida u kala baxdo oo xafiisyo furato,” ayuu yidhi guddoomiye xigeenku.

Booliska Ceerigaabo Oo Xidh-xidhay Gaadiidka Bajaajta iyo Darawallada Oo Codsaday In Liisamada La Gaadhsiiyo.

Ceerigaabo (Warsugan) Ciidamadda Booliska iyo kuwa ilaalinta Nabadgalayadda Wadooyinka ee Magaladda Ceerigaabo ayaa si wada jira u qaaday olole lagu soo qabqabtay gaadiidka yaryar ee loyaqaano Bajaajta ama (Tigta) Hawlgalka   oo uu hogaaminyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag  ayaa masuuliyiinta Boolisku ku sheegeen mid lagagaga hortagaayo dhibaatooyin ay gadiidlaydaasi ku soo kordhiyeen Magaladda Cerrigaabo kaas oo beryihii u danbeeyay isasootaraayay.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka SANAAG Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, oo hawlgalka faahfaahin ka siiyay warbaahinta Gobolkaasi ayaa gaadiid layda Bajaajta ku tilmaamay nimco nusqaanteda leh oo ku soo korodhay Ceerigaabo waxanu intaasi raaciyay in gaadiidkaasi aanay wadanin dad masuuliyiinta iyo kuwa wata sharcigii wadooyinka ee gaadiidka isla markaana ay booliska iyo ciidamadda taraafikada uu xil ka saaranayahay sidii loga hortagilaha dhimadda ay ku soo kordhiyeen oo ay kamid tahay shilal inta badan ay sabanaan gaadiidlaydaasi yaryar ee Tigaha, waxanu isga oo amuurtaasi ka hadlaaya yidhi

 “Gobolka SANAAG siiba Magaladda Ceerigaabo laamiyo ayaan jiri jirin nimca waliba oo timaadana nusqaanteeda ayay leh, markii ay Magaladda Lamiyadii ku bateen waxa yimid Bajaajta taas oo dhaawicii ay dadka u gaysanaysay qaladkii  ay wada ka maraysay iyo sharci la’aanteediiba ay aad u bateen (shalay) Doraad, oo u danabaysay waxbay jiidheen maalin aan lanookeenin ashkatadeeda iyo inay wax jiidheena ma jirto arintaasi markii aanu araganayana waxa aan amar ku bixiyay in dhamaan la soo xidhxidho waxa Bajaaj joogta Magaladda ee Bilaa Sharciga ah, waxa ku jira qaar aan lanbarba lahayn, qaar ay wataan ciyaal qayaral masuul ah intooda badanna malahaba wax liisana sabataas ayaa lo qabqabtay waxanu marinayna sharciga oo waxa aanu doonayna in aya noqdaan qaar u hogaansan sharciga oo bilaydh leh oo Liisan leh oo dadka wata ay masuuliyad qaadi karayaan oo dhamaan oo fiya shuruucda wado marista”

Geesta kalena Darawaliinta wata Gaadiidlaydaasi Tigaha ayaa sheegay in ay ka maqan yihiin oo kaliya Liisanadii Darawaliinta isla markaasna aanay oolin goobihii Dawladda ee bixin laha darawaliintaas ayaa hadaladoodi ku bilabay sidan ” waxa nalagu haysta waa Liisan Gobolkana mayaalo waxa aanu ka codsanayna Dawladda mar hadii Gobolkii horumar noqday oo laamiyo yeeshay oo anu shaqo hellay in sharciga iyo Liisanka aanu u hogaansanahay naloo keeno, Wasaaradda hawlaha Guud waxa aanu ka codsanayna in la keeno Liisanada si aanu  xornimo ugu shaqaysano” sidaasi waxa ku tiraabay qaar ka mida darawaliinta gaadiidlayda la xidhxidhay.

 

720 total views, 1 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins