Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Saaka Ka Soo Baxay Hargeysa

0
482

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ku Jaahwareersan Heshiiska Militari Ee Somaliland La Gashay Imaaraadka Mudaneyaal Wakiillada Somaliland Ah Oo Digniin U Diray

Meeshaas(Somaliland)  Wax Ka Socda Lama Soconno, Sidaa Darteed, Ma Naqaanno Cid Aan Weydiiyo Ee Iga Daa Adeer,” Mudane Baarlamaanka Soomaaliya Ah

Hargeysa(Warsugan) Baarlamaanka Xukumadda Muqdisho ayaa ku jaahwareersan Heshiiska dhexmaray dawladdaha Somaliland iyo Imaaraadka ee ku saabsan Saldhig Militari oo Berbera Imaaraadku ku yeesho. Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa wada mooshin ay ku doonayaan in Xukumaddoodu fahansiiso heshiiska iyagoo saxaafadda u sheegay in aanay xog ka hayn in Soomaaliya ogolaatay heshiiska iyo Imaaraadka iyo Somaliland si madax bannaan u wada galeen, sidoo kale qaar baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah ayaa sheegay in aanay hawl u taalla ahayn

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay Telefishanka/ Idaacadda Goobjoog oo fadhigeedu yahay Muqdisho u sheegay in ay wadaan Mooshin lagu carqaladaynayo heshiiska Berbera, halka kuwo kale sheegeen inaanay arrimahaasi khusayn “Heshiisyada Berbera ee Imaaraadka iyo Somaliland, waa su’aal taagan, hadda xukuumad la weydiiyo ma jirto laakin waxaan wadnaa qorshe in xukuumadda soo socota ay heshiiskaan ka jawaabto,” ayuu yidhi mudane lagu magacaabo Daahir Aamiin Jeesow oo baarlamanka Soomaaliya ka tirsan.

Laakiin, qaar ka mid ah mudaneyaasha Soomaaliya ayaa sheegay in aanay shaqadooda ahayn faro gelinta heshiiska Berbera meeshaas(Somaliland)  wax ka socda lama soconno, sidaa darteed, ma naqaanno cid aan weydiiyo, ee iga daa adeer,” ayay Xildhibaannada qaar ugu jawaabeen warbaahinta, halka kuwo ay sheegeen in haddii Xukumadda Muqdisho heshiiskan u soo gudbiso uun ay wax ka odhan karaan “Anigu waajibkeyga ayaan sugaya, kaas oo ah in heshiiskaas ay xukuumaddu na hor keento, kadibna aan jawaab ka bixiyo, oo aan sheego waxa iiga aadan,” ayuu yidhi mid ka mid ah xildhibaannada Soomaaliya.

Xildhibaanno Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka taliyaan dhibaatooyinka horyaalla dawladdooda cusub, islamarkaana joojiyaan is yeel-yeelka ay ka muujinayaan dawladda Somaliland oo aanay metelin arrimaheedana u madax bannaan.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya iska dhigdhigayo waxaanay ahayn isagoo tusaale u soo qaatay Riwaayadda Qooto-qooto oo lagu metelo dad waxaanay ahayn sheeganaya “Waxaan u malaynaya Mooshinka Xamar waa mooshin qooto-qooto ah, waxaan leeyahay malaha quusan maysaane anagu waanu goosanay aynu kala ceeb la’aanno,” ayuu yidhi mudane Nacnac.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland baratay Soomaaliya, islamarkaana haddii ay keenan Soomaalida Kenya, kuwa Itoobiya Jabuuti aanay raaci doonin Somaliland “Dantiina garta oo dantayada noo daaya, dekedahayaga iyo madaarradayada waanu u madax bannaanahay oo anagaa ikhtiyaar u leh, cid allaale cid aanu u daba fadhiisanayna ma jirto, heshiiskaasi waa sharci oo labada gole baarlamaan baa ansixiyay markaa aynu kala ceeb la’aanno,” ayuu yidhi mudane Axmed Diiriye Nacnac.

Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee Wakiillada Xildhibaan Cumar Sanweyne ayaa sheegay in Somalia si khaldan u shaqaynayso “Amma aanu khaldanaano amma saxsanaano, dawladdan Somaliland anagaa leh oo u talina, Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxdooda Somaliland aflagaadaysaba waa Digahoote, Dighoote wuxuu ahaa nin waalan oo Isbaanish ah(Spanish) oo isu haystay inuu nin fiican yahay, Waran buu qaadan jiray oo subax walba bahalaha hawada wareega ayuu la soo dagaallami jiray, markaa cidlay la dagaallamayaan(Soomaaliya) waxaanu leenahay sidaanu idiin ixtiraamno idinkuna noo ixtiraama,” ayuu yidhi mudane Cumar Sanweyne

Wasiirka Madaxtooyada Oo Sheegay In Dawladda Somaliland Loo Soo Doorto Ay Wada Hadalka La Bilaabi Doonto Soomaaliya

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in xukumadda laga soo dhiso Muqdisho iyo Xukumadda loo doorto Somaliland dabayaaqada sanadkan ay dib u bilaabi doonaan wada hadalkii labada dhinac inta ka horaysana loo baahan yahay in Soomaaliya ixtiraamto danaha Somaliland. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay dalka Imaaraadka oo uu u joogo arrimaha Saldhiga Militari ee Berbera iyo heshiiskii DP World ee dhawaan dhammaystirmay.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay Somaliland iyo Soomaaliya midkoodna mudnaanta koobaad u ahayn wada hadalka maaddaama aan wali la soo dhisin dawladdda Muqdisho, halka Somaliland-na ay gali doonto doorasho “Arrimo badan oo ammaanka Mandaqadu ka mid yahay ayaanu iska kaashana, arrimaha wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya diyaar baanu u nahay,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Hasse ahaatee wuxuu sheegay in arrimo ka waaweyn wada hadalladu horyaallan labada dhinacba “Somaliland maanta doorashooyin bay u diyaar garoobaysa, iyaguna(Soomaaliya) mashaakil faro badan bay qabaan oo madaxweynaha cusub iyo dawladdiisa waayo culus oo badan baa horyaalla oo ay tahay inay  maanta iska xaliyaan, waxaan u arkayaa in aanay mudnaantu u ahayn wada hadalka Somaliland, sababtoo ah duruufo badan oo daakhili ah baa haya. Anaguna waxaynu nahay umad u xidhxidhan doorashooyin oo dabaysha doorashada ayaa ina haysa, dawladda cusub ee Somaliland ka dhalata waxa u horreeya ee mudnaanta u ah ayuu noqonaya wada hadalku,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay dawladda cusub ee Soomaaliya ixtiraamto heshiiskii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland galeen ee ku saabsan in aan la carqaladayn arrimaha horumarka iyo iskaashiga labada dal “Waxaan leeyahay ixtiraama heshiiskii labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaan jecelahay inaan farriintaa dheer dhegahooda ku tuuro madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, maamulkiisa iyo Ra’isal wasaaraha intaba,” ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Somaliland Oo Laga Helay Suuq Qadiimi Ah Oo Shan Kun Oo Sanno Ka Hor La Isticmaali Jiray

Berbera(Warsugan) Buur ku taalla duleedka magaalada Berbera ayaa laga helay goob qadiimi ah oo ay ka sii muuqdaan raadad muujinaya in ay ahayd goob la deganaa shan kun oo sanno ka hor. Buurta Gumburaha Taangiga Biyaha oo dhinaca koonfureed kaga beegan Berbera waxaa bookhday wefti wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiisku hoggaaminayo oo ay weheliyaan khubaro u dhalatay dalka Isbayn oo asaarta qadiimka ah ku takhasustay kuwaasi oo warbixin hordhac ah ku sheegay in goobtu tahay meel taariikhi ah.

Goobtan oo wasaaradda Dalxiiska Somaliland dhawaan ogaatay waxaa cilmi baadhis ka wada Khubarada Isbaanishka ah, waana Buur ay ka qodan yihiin god weyn oo leh meel laga galo, kaasi oo gudaha ka ah meel u muuqata hoy qolal iyo goobo bakhaarro ah leh, laguna arkayo weelkii ay dadkaasi isticmaali jireen. Goobta oo leh jaranjaro u samaysan sallaan oo lagaga soo baxayo ayaa sidoo kale leh goobihii iftiinka iyo laydhu ka soo gelaysay oo si farshaxan ah loo nashqadeeyay.

Agaasimaha wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in buurtan wasaaraddu dhawaan heshay, islamarkaaa khubarada baadhaysa sheegtay in goobtan qoomiyado kala dambeeyay u adeegsan jireen suuqyo laga adeegto iyo bakhaarro “Khubaradu waxay sheegayaan in godadka iyo agabka daadsani ka weyn yihiin shan kun oo sanno,” ayuu yidhi agaasimaha oo tilmaamay inay wasiirka cusub u tahay sharaf in shaqadiisii u horaysay noqoto goobo la helay.

Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Khadar Xaaji Yuusuf ayaa sharraxay warbixinta hordhaca ah ee khubaradu ka soo saartay goobta “Waxay nagu yidhaahdeen goob Suuq ah ayay ahayd oo Shiinaha, Eeshiya iyo qaarado kale looga iman jiray oo sida muuqata weelkii iyo maacuunkii oo burbursan, godadkii ay wax ku xarayn jireen iyo wayxaabo faro badan baad ku arkaysa, waana warbixin hordhac ah oo iyagaa jawaabta gabogabada bixin doona, wasaarad ahaana wixii qarsoona oo dhan inaanu soo saarno ayaanu ku dadaalayna,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa dhawaan sheegay in wasaaraddiisu u baahan tahay in miisaaniyadda loo kordhiyo si ay umadda taariikhdeeda u barto una samayso goobo dalxiis oo wax ku ool ah, taas oo marka dambe soo saari karta dhaqaale dalka u soo hayda.

Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda Oo Ka Hadlay Go’aankii Zaad iyo E-dahab Shilinka Loogu Bedelayay

Hargeysa(Warsugan) Wasiir kuxigeenka Maaliyadda mudane Cali Axmed Maxamed ayaa sheegay in duruufaha abaaraha iyo dhoofka adhiga oo joogsaday qayb ka yihiin sare u kaca doolarka, islamarkaana saamayn ku yeesheen go’aammadii xukumadda. Waxa uu sheegay in sidoo kale shirkaddaha Telesom iyo Somtel ee leh adeegyada ZAAD iyo E-Dahab ay go’aan la qaateen maaddaama farsamo ahaan uu socon waayay go’aankii hore.

Wasiir xigeenka oo shalay saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in go’aanka dib loogu celinayo golaha wasiirrada “Guddidii sixir bararka ee madaxweynuhu magacaabay hawsheedu si fiican bay u socota, waxa jira duruufo fara badan; abaaro iyo dhibaatooyin wakhtigan degaanku keenay,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Waxa uu sheegay in shirkaddaha Telesom iyo Somtel oo lagu soo rogay inay lacagta ka yar Boqol doollar u bedelaan Shililn Somaliland adeegyadooda E-dahab iyo Zaad ay go’aan fiican isla qaateen kaas oo u baahan in mar kale golaha wasiirradu ansixiyo “Waxay noqotay shirkaddaheena waaweyn ee Qaranka u hirgalay in aynaan dhibaatayn maaddaama lacagtii dalku ku jirto, waxaanu isla eegnay muddo kooban oo macquul ah inay hawsha ku qabtaan, kaas oo nidaamkooda iyo habsami u socodkooda shaqo raalli gelinaya Qarankana badbaadinaya ayaanu isla qaadanay laakiin, shacabka Somaliland waxaan u sheegaya hawshaasi in aanay hawsha wax kala go ahi ku jirin ee meel wacana marayso,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Sidoo kale shalay ayay guddida dhaqaalaha Wakiilladu kulan la qaadatay guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo wasiir xigeenka ganacsiga, waxaanay sheegeen in abaaraha iyo xoolaha oo aan dhoofin sababtay doollarka oo yaraada, kaas oo kor u qaadaya qiimaha lacagta qalaad.

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Hadley Hawlgal Ay Ku Soo Qabteen Eedeysanihii Dhaawacay Taliyihii Saldhiga Qudhac-dheer

Hargeysa (Warsugan)- Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa   shir jaraa’id oo uu xarunta taliska birmadka ku qabtay habeen hore , waxa uu ku sheegay in ciidanka Boolisku ay gacanta ku dhiigeen Gaashaanle Yuusuf Cismaan Cali (Daanyeero)  oo ka tirsan ciidanka laanta Socdaalka oo  habeenimadii 6-dii Bishan dhaawacay Taliyihii Saldhiga degmadda Maxamuud Haybe ee caasimada Hareysa,  Kabtan Cabdi Kayd Halac iyo askari ka tirsan saldhigaas.

Taliyuhu waxa uu xusay in eedaysane Yuusuf Daanyeero iyo laba wiil oo uu dhalay oo kula jiray falkaasi habeen hore 3:00  habeenimo ciidanka boolisku hawlgal ballaadhan  oo ay sameeyeen kaga soo qabteen guri ku yaalla magaalada Wajaalle ee gobolka Gabiley. Labadiisa wiil ee lala soo qabtay waxa  uu magacyadooda ku sheegay Taliyuhu in la yidhaahdo Cabdirashiid Yuusuf Cismaan iyo Cabdifataax Yuusuf Cismaan.

“Caawa (habeen hore) saacaddu waa 4:00 Habeenimo,  mahad oo dhammina Ilaahaybaa ay u sugnaatay, waxaa magaalada Hargeysa 6/3/2017 1:30-habeenimo, ka dhacay fal aad u fool xun, meesha loo yaqaanno kaalinta sideedaad, ayaa waxaa rasaas ka riday nin la yidhaaho Gaashaanle Yuusuf Cismaan Cali (Danyeero kana mida ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland.  ciidanka booliksu waa naftood hureyaal,waxaanay heegan u yihiin ilaalinta nabad-galiyada qaranka  iyo ilaalinta bulshada,markii rasaastaa la maqley waxaa si deg dega ugu soo baxay taliyihii degmada Maxamuud Haybe Kabtan Cabdi Keyd Halac, oo ah taliyihii saldhiga degmada Maxamuud Haybe ee  EX-Qudhac-dheer, goobtaas waxa  uu kula kulmay eedeysanaha koowaad rasaasna waa uu ku riday, rasaastaasina waxay dhaawacday taliyaha saldhiga iyo askari la socday.

 

Ciidaanka boolisku waxaywadeen , war-doon, xog-dheeraada iyo daba-gal, iyaga oo Ilaahayna talo saartay, iyada oo aan ilaa habeenkii falkaasi dhacay aan loo kala hadhin min dable ilaa wiilka imika ka soo baxay dhibooga, islamarkaana aan heegan galiyay ciidanka booliska Jamhuuriyada Somaliland, si aanay u baxsan ciddii falkaasi gashay. Markii aanu helay xogo dhaba oo ah ta had iyo goor ay ciidanka Booliska Somaliland ay ku go’aan qaataan. ciidanka Boolisku abaaro 2:00-habeenimo ay u baqooleen dhinaca galbeed ee gobolka Gabiley, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha aan kor ku soo xusay iyo laba wiil oo uu dhalay, kana mida dadkii falka ku gacan siinayay, lana kala yidhaaho Cabdirashiid Yuusuf Cismaan Cali iyo Cabdifataax Yuusuf Cismaan Cali, dhammaan saddexda eedeysanaba hada waxaa ay ku jiraan gacanta booliska,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku.

Taliyuhu wuxuu digniin u jeediyay cid kasta oo fal amniga wax u dhimaya isku dayda, waxaannu yidhi;“Waxaan halkan uga sheegayaa cid kasta oo isku dayda in fal amni darro ah  dalka ka rido dabadeedna ay si fudud u baxsato inaanay u suura-galaynin, bulshadana waxaan u soo jeedinaya in cidda xun ee fal amrni-darro gasha aanay gacan ku siinin arrintana cid kasta oo lug ku yeelata amase ay gasho waxaa la hor-geyn doonaa sharciga. eedaysanaha isaga laftiisa dhaawac fudud ayaa lugta kaga yaala, dhaawacuna waxa uu ka soo gaadhay markii arrintani dhacaysay, arrintani waala baadhayaa si degdega ayaana sharciga loo horgeyn doonaa.”

Taliye  Fadal, waxa uu si weyn ugu mahadceliyay ciidanka Booliska oo uu ku sifeeyay naftood hureyaal nabadgelyada dalkooda xasladay, waxaanu ammaanay dhammaan ciidankii booliska ee hawlgalkaas fuliyay laga bilaabo Taliye Ku-xigeenkiisa koowaad illaa askariga dablaha ah ee ka qaybgalay hawl-galka.

Taliye Fadal waxa uu mar labaad u mahadceliyay ciidankii hawlgalkaasi fuliyay oo uu ku sheegay naftood hureyaal qaran, sidoo kale  uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee dalka ka taagani ay tahay murranada dhulka.

Shirka jaraa’id ee Taliyaha ciidanka booliska, waxa goob-joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka koowaad sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), Hoggaannada, Taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska.

Ururka Musdanbeed Ee Abwaanniinta Somaliland Oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta Iyo Xaaladda Dalka

Hargeysa(Warsugan) Golaha Abwaannada Somaliland ayaa shalay soo saaray warsaxaafadeed ay ku taageerayaan sida macquulka ah ee looga gudbay muddo xileedka xukumadda ee dhammaanayay, islamarkaana guurtidu u kordhisay wakhti aan wax muran ah abuurin. Waxa ay ku soo bandhigeen dadaallo badan oo ay sameeyeen muddadii ay ku dhawaaqeen golaha.

Qoraalka Golaha abwaannada ayaa u dhignaa sidan:

Wax cusub ma aha, ee deeqaha Alle innagu mannaystay ayay ka mid tahay, odayaal samotalis ah iyo bulsho u dhego-nugul oo qaadata taladooda.

Bulsho meel taallana waxa laga fahmi karaa oo halbeeg u noqon kara bisaylkeeda ilbaxnimo iyo aqooneed xalka ay kula tacaalaan dabiibka ama furdaaminta xaaladaha kolba soo waajaha

Somaliland dhibaatooyin badan oo qallafsan oo la soo darsay waxay ku dabiibtay oo kaga bogsatay daawada kor ku xusan ee ah talo odayaal, wada tashi iyo isu tanaasul. Arrinka doorashada Madaxwaynaha Somaliland iyo khilaafkii ka yimi xilliga la qabanayo, eek u soo beegmay xilli ay abaaro ka jiraan waddanakana, kama ay duwanayn dhibaatooyinkaas bulshooyinka la soo darsa.

Annaga oo halkaa ka duulayna waxa aannu ku dhawaaqnay 10/01/2017 kulan saxaaafadeed aannu kaga hadalnay arrimahaas, kuna marti qaadnay in la isugu yimaaddo gole la gu wada tashado. Si aannu uga midha-dhalino arrinkaasna, waxa aannu la kulannay Guddiga Doorashooyinka Qaranka 12/01/2017.

15/01/2017 Waxa aanu isugu keennay Saddexda Musharrax Madaxwayne Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa halkaas oo la isla qaatay in wada hadal iyo is afgrad lagu dhammeeyo goorta doorashada, iyo in laga waantoobo hadallada xanafta leh ee la isu marinayo warbaahinta.

17/01/2017 waxaannu la kulannay Guddoomiye xigeenka Golaha guurtida oo isku xogwarasannay halka looga dhaqaaqayo arrinka;

19/01/2017 waxaannu la kulannay Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo isku xogwarasannay halka looga dhaqaaqayo arrinka; sidoo kale waxa aannu la kulannay wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Waxaannu la kulannay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo isku xogwarasannay, uguna hambalyaynay go’aankii wadatashiga qaran lagu gaadhay.

Ugu danbeyn waxa aannu la kulannay Guddoomiyaha Guurtida Somaliland, oo aannu kala dardaarannay in Golahani ku raaco taladii qaran ee la isku raacay ee ku saabsanayd arrimaha doorashooyinka. Isla Guddoomiyaha waxa aannu kula noqonnay taladii 5/3/2017.

Waxaannu dhammaan uga mahadnaqaynaa madaxdaa nagu qaabishay niyad wanaagga, ixtiraamka iyo is dhagaysiga, qaadataya talooyinkii aannu la wadaagnay. Waxa aannu Ilaahay ugu mahadnaqaynaa in isdirkaa aannu is dirnay uu fure u noqdo in talo qaran iyo isu tanaasul lagu gaadho go’aammo dhaxal gal ah oo sal u noqon kara sidii doorasho xor oo xalaal ahi uga qabsoonto waddanka iyada oo ummaddeennu kari karayso.

Haddaba:

Waxaannu Ilaahay ka baryaynaa in abaaraha iyo dhibaatoyinka kale ee dabiiciga ah innaga soo qaboojiyo oo roob caafimaad leh inna siiyo; dadkii ku caydhoobay abaartana uu kaalo u fidiyo;

Waxaanu xusuusinaynaa ummadda in culayska uu sicir baraku ku hayo bulshada wali taaganyahay, tahayna in qorshe joogto ah laga yeesho oo lagu talo galo;

Waxaannu xusuusinaynaa in abaartii dib loogu dhigay doorashadu ay bari iyo galbeed ba ka taagantahay wali, kana sii xumaatay intii hore. Sidaa darteed waxaannu kula dardaarmaynaa ummadda Somaliland, gudo iyo debed, dawlad iyo shicib, iyo cid walba, in la feejignaado oo dedaalka iyo kaalmada la sii wado.

 

Waxaannu kula dardaarmaynaa in laga hawl galo sidii maalintaa la go’aamiyey ay inoogu qabsoomi lahayd doorashadu, tahayna in imminka la bilaabo la qorsheeyo jidkii iyo tallaabooyinkii lagu gaadhi lahaa.

 

Ugu danbayn, maaddaama ay tahay maalintii 8 maarj ee Dumarka adduunka, waxa aannu u direynaa hambalyo dhammaan haweenka adduunka, gaar ahaan haweenka Somaliland, iyo waliba hablaha hal-abuurka ah.

Ururka Solja Oo Ku Baaqay In Shirkad Ciida Saylac Dhoofisa Sii Dayso Wariye U Xidhan

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa Ciidanka Booliiska iyo shirkadda Xukuumadda Somaliland siisay inay Ciida magaaladda saylac u Iib-geeyaan Jabuuti, inay sida ugu dhakhsaha badan Xorriyaddiisa ugu celiyaan Wariye Cali Xajar, oo maalintii saddexaad si sharci darro ah ugu xidhan saldhiga Saylac.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa xadhiga wariye Cali Xajar mid baal marsan sharciga Saxaafadda Somaliland oo awood u siinayaa wariyayaasha ka hawl-galaa inay wararka u raadsan karaan si madax banaan oo aan ka hor imanayn nidaamka war-doonista ee Xeerka Saxaafdadu jideeyey.

Ururka SOLJA, ma arko sabab sharci ah oo wariyahaasi u xidhan yahay muddada saddexda cisho ah, iyadoo illaa hadda Maxkamad la horkeenin, halka markii hore-na qabashadiisa loo maray Nidaam sharci daro ah.

Ururka SOLJA mar kale waxa uu ugu baaqayaa Ciidanka Booliiska inay Xorriyaddiiisa u soo celiyaan wariye Cali Xajar. Isla markaana u ogolaadaan inuu shaqadiisii uu ka hayey Telefishanka STAR dib u bilowdo.

Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland talaabooyinka ay qaaday labadii bilood ee sanadkan cusub inay yihiin kuwo kordhinaya xadhiga sharci darradda ah ee lagula kacayo Suxufiyiinta, halka labadii sano ee ka horeeyey ay Hoos u dhaceen.

Maxamud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

 

Ku Simaha Madaxweynaha Oo Hambalyo U Diray Haween Weynaha Somaliland 8-March Awgeed

Hargeysa(Warsugan)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa Haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba Haween-weynaha Adduunku u dabaal-deggayaan Maalinta 8da March, oo ah maalin Caalamiya loona aqoonsaday inay gaar u noqoto Haween weynaha adduunka. Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda 8da March awgeed, Haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo. Dhambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku sifeeyey haweenka laf-dhabar iyo Xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.  ALLAA MAHAD LEH, Xuseen Aadan Cige (Deyr),Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Ogaysiis Muhiim Ah La Soco Kana Soo Qaybgal Muwaadin Ciyaar Xiiso Leh oo Dhex Mari Doonta Xidigaha Geeska Iyo Saxaafadda Somaliland Oo 16/03/2017 kuna Beegan Khamiis Ka Dhici Doonta Garoonka Hargeysa Stadum