Akhri Wararka Wargeyska Warsugan Media Group ee maanta oo sabti ahayd

0
376

 

 

Muxuu Darnaa Kulan Dhexmaray Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Iyo Madax-dhaqeemeedka Beeshiisa?

 

 

“Waxaannu Iska Xogwarraysanay Xanaftii Ay Reebtay Doorashaddii Dalka Ka Dhacay….”

Hargeysa, 05 October 2019 (Warsugan)-Boorame, 05 October 2019 (Warsugan)-Madaxweynihii horre ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa kulan is-xogwaraysi iyo isu-duubni la qaatay Salaadiinta, Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Awdal.

Kulankan ayaa inta badan lagu soo qaaday siddii la isaga laab-xaadhi lahaa khilaafkii laga dhexlay doorashaddii dalka soo martay.

 

 

Kulankan iyo arrimihii lagaga waddahadlay waxa ka warbixiyey Madaxweynihii horre ee Somaliland Daahir Rayaale, oo isagu kulankan marti-qaadkiisa lahaa, waxaannu Salaadiinta gobolka ugu baaqay in loo midoob dalka iyo gobolka“Aad iyo aad baan idinku mahadnaqayaa Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgaradka kale, kulankan aan idinku yeedhay ka soo qayb-gashay. Kulankaas oo nuxurkiisu ahaa qurduufooyinkii ka dhacay doorashadda inaad ka midowdaan, dantiinna aad u noqotaan, sidda ugu wannaagsan dalka iyo ummadabaa inaad u maamushaan oo aydaan xisbiyadda ku dhexmilmin oo ninkastaabba cidda uu dooranayo, doorto.”Ayuu yidhi Daahir Rayaale, waxaannu hadalkiisii sii raaciyay “Annigu waxaan dhibsaday hadaladdii hawadda la isu-marinayay doorashaddii, oo waxaannu ka waddahadalay Salaadiinta iyo Waxgaradka.”

 

Sidoo kale, Daahir Rayaale, wuxuu Salaadiinta Iyo Cuqaasha ugu baaqay inay soo nooleeyaan Walaaltinimaddii iyo waddajirkii ummadda Somaliland “Waxaan rejaynayaa in Gobolkan Awdal iyo Hormoodkiisu siddii ay ahaan jireen ku soo noqoto, midnimadiisii iyo wallaalnimadiisii, wixii intaa ka dhimannaa aad mustaqbalka aad ka tashataan, danta Somaliland, danta goboladda galbeedka intabba inaad u midowdaan.”Sidaa ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin

 

 

“Boqor Buurmadoow, Raali Galinta Uu Ismaaciil Cumar Geelle Siiyay Waa Gef Aan Meesha Qaban…..” Suldaan Maxamed Cabdiqaadir

 

Hargeysa, 05 October 2019 (Warsugan)-Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa si adag uga hadlay sheegashadda Boqor Buurmadoow ee Suldaannimadda Faysal Cali Waraabe, waxaannu ku tilmaamay gef aan meesha qaban. Islamarkaanna wuxuu sheegay inuu Boqorku bixiyey Xaal aan meesha qaban.

 

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey Telefishinka Sahan, waxaannu sheegay in aannu Faysal samayn arrin xaal laga siiyo Madaxweynaha Jabuuti.

 

Suldaanka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi”Boqor Buur-Madoow anigu boqor uma Aqaano. Raaligelinta uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele u diraynaa, waa arrin Gef ah oo aan meesha qaban, sababto ah  Faysal Cali Waraabe aniga ayaa Suldaankiisa ah oo ma arkin qalad xaal aan ka siiyo Madaxweynaha Jabuuti. Faysal-na arrinta uu ka hadlay waa ku saxsan yahay oo shacabkiisa ayaa dareenka lala midaysan”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.

 

Sidoo kale, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, wuxuu sheegay inuu dadka uu boqor Cismaan Boqorka u yahay xaal ay ka bixiyaan hadalka boqorka ka soo yeedhay“Laakiin annigu waxaan leeyahay Boqor Cismaan dhaqankii baa ka maqan, oo dhaqanka ay Somaliland isugu timi ayaannu aqoonbaa, ninkuna haddii uu dhaqanka ka baxo oo uu eryo gef ah yidhaahdo dee lamma aaminni karro. Marka boqorku cidda uu boqorka u yahay waxaan leeyahay arrintaa Boqorka xaal ha ka bixiyaan.”Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir.

 

 

 

Wasiirka Deegaanka Oo Walaac Ka Muujisay Maxkamadaha Dalka, Farriinna U Dirtay Bulshadda

Hargeysa, 05 October 2019 (Warsugan)-Wasiirka Wasaaradda horrumarinta reer Miyiga, Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, ayaa maxkamaddaha dalka ku cannaantay ay siidayso shaqsiyaadda loo xukummo ka ganacsiga ugaadha. Islamarkaanna waxay walaac ka muujisay kantarooladda dalka laga soo gallo oo aan samayn baadhitaanno fiican oo la xidhiidha la xisaabtan baabuurta dalka soo galayaa.

 

 

 

 

Wasiir Shugri waxay siddaa ka sheegtay mar ay shalay la wareegay 12 Harimmo-cadd oo dad loogu soo qabtay ka ganacsigoodda.

 

Wasiirka oo arrimaha ka hadlay waxay tidhi“Waxaan immika la yaabbanahay, raga marka la soo qabto oo rag dirayska u sitaan soo qabaan, isla markiiba markay maxkamaddii ku dhacdo waa la siidaynayaa. Ragga maanta ganacsigan lagu soo qabtay waa raggii horreba xukunku ugu dhacay ee loo xidhay.”Ayay tidhi Wasiir Shugri waxayna intaa raacisay “Waxaannu bulshadda reer Somaliland u sheegaynaa in aydaan u naxariisan dadka ka ganacsanayaa xayaawaanka oo waxa laga keenayaa Lughaya, Cabdi-geeddi”

 

Sidoo kale, waxay walaac iyo calool xummo ku tilmaamtay in Kaantarooladda dalka laga soo galo si fudud loo soo daayo baabuurta soo gasha oo aannu jirin baadhitaan fiicanni “Marka kaantarooladda marayaan ee ay hoos u daadagayaan, haddii aan si wannaagsan loo baadhan oo boolisku baadhin oo meelaha aynnu xidhigga dhiganay aan aad loogu baadhin dee ma shaqaynayo.”Sidaa ayay tidhi Shugri

 

 

“Nabadda Somaliland Waxay Eersan Doonta Shirarka Jaraa’id…..”Sheekh Cabdiraxmaan Dheere

 

Hargeysa, 05 October (Warsugan)-Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo ka mid ah cullimadda Somaliland, ayaa sheegay in nabadda Somaliland eersanayo shirjaraa’iddo la qabto. Islamarkaanna shaqsiga dannaha gaarka lihii aannu salaad iyo wax alle cajabiya qabanayn.

 

 

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere wuxuu tilmaamay dadka gaarkood hadalka ku mushahar qaataan oo ay nabadda khal-khalgalin karraan.

 

 

Sheekh Cabdiraxmaan Dheerre wuxuu sidda ku sheegay khubaddii jimcaha oo uu ka galay masjidka Madiinna“Waa nin camalkiisubba hadal yahay, waxa laga yaabbaa in shan salaadood laga dul addimmo oo Hoteel buu fadhiyaa oo shir jaraaid buu ku jiraa, faadda dhiggi maayo oo alle cajabin maayo oo ummadu ka nabadgelimayso, adduun iyo aakhirro midnaa tabcan maayo.”ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Dheere.

 

 

Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxmaan Dheere wuxuu sheegay in qaarkood innoogu yimaadaan inay inna kala eryaan “Qaarkood waxa laga yaabba in ay innoogu yimaadeen inay mushahar innagu qaataan oo ay inna kala eryaan oo ninkan aad aamus leedahayba inuu masruufkiisu intan yahaybaa laga yaabbaa. Amaanku waa shay kaliya oo uu darreemi karro dad iyo duunyabba oo innaguna nabada-yar ee aynnu haysannaa waxay eersanaysaa hadal iyo shirjaraaiddo, waxay eersanayda dad gaar ah oo aan wadin danno ummadeed

 

 

 

Dawlad Deegaanka Soomaalidda Oo

Markii Ugu Horraysay Yeelanaysa Ciidamo Kamaandoos Ah  

 

 

Jigjiga, 05 October 2019 (Warsugan)-Dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya, ayaa markii u horaysay yeelanayaa Ciidan gaar ah oo loo tababarayo Kamaandoos, kuwaas oo ka hawlgalaya magaalada Jigjiga iyo meelaha dhibaatooyin gaar ahi ka jiraan.

 

 

Ciidankan ayaa tababarkoodu waxa uu ka socdaa Xerada Tababarada Ciidanka ee Garab case, waxayna qayb ka yihiin Ciidanka cusub ee Booliska gaarka kuwaas oo tababar uga socodo isla xeradan Garab case.

 

Ciidankan Kamaandoosta ah ee Degaanku yeelan doono oo tiradoodu gaarayso 250 ayaa markay tababarka dhammaystaan waxay ka hawlgali doonaan kolba meeshii looga baahdo oo u badnaan doonta magaalada.

 

Booliska gaarka ah iyo guud ahaan Ciidamada amniga ee degaanka ayaa waayadan dambe aad loo tayeeyay iyadoo tababaro garaadkooda iyo aqoontooda kor u qaadaya lasiiyay, sidoo kalena lagu soo kordhiyay hadda qaybtan gaarka ah ee Kamaandoosta oo la filayo markuu tababarkani dhawaan usoo dhammaado in ay wax badan ka badalayaan amniga magaalada Jigjiga.

 

Wasaaradda Caafimaadka Oo Deegaannadda Lughaya, Baki & Buuhoodle Ka Daahfurtay Barnaamijka Hooyadda Iyo Dhallaanka

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa, 05 October 2019 (Warsugan)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Liibaan Cismaan Yuusuf, ayaa daah-furay Barnaamijka hooyada iyo dhalaanka oo loogu magac-daray Shiinne, oo lagu soo kordhiyey Degmooyinka, Lughaya, Baki iyo Buuhoodle.

 

Ibbo-furka Barnaamijka Hooyadda iyo Dhallaanka, waxaa ka soo qayb-galay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxda hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin, xubno ka socday Bahda caafimaadka ee Gobolka Awdal.

Ugu horren munaasibadda lagu daahfuray barnaamijka Hooyadda Iyo Dhallaanka, waxa hadalo dardaaran iyo dhiirigelin ka jeediyey Agaasimaha Caafimaadka ee Waaxda Hooyadda iyo Dhallaanka.

 

Ugu horayna waxaa munaasibada hadalo ka jeediyay agaadisaha wasarada cafimadka waxda hooyada iyo dhalaanka oo ku dheeraday ahmiyada barnamijkani uleeyahay hooyada iyo dhalaanka iyo waliba waxa loogu tala galay barnaamijkan hooyada iyo dhalaanka oo ay ugu magac dareen shinne waxa uuna yidhi” Mashruucanni waxa uu ka mid yahay, mashruucii Shinne oo lagu daryeelo Hooyadda iyo Dhallaanka. Mashruucanni markii hore waxa uu ka bilaabmay Deeganno ka mida Somaliland, waxaanna Barnaamijka gacanta ku haysa oo fulinaysa Hay’adda HB oo la shaqaynaysa Wasaaradda Caafimaadka.”Ayuu yidhi Agaasimaha caafimaadka ee waaxda hooyada iyo dhallaanka.

 

Ibbo-xidhka Munaasibadda Hooyadda iyo Dhallaanka, waxaa soo xidhay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Cisman, wuxuunna carrabka ku adkeeyay inay Wasaaraddu soo dhawaynayso cidkasta oo ka shaqaynaysa horumarinta adeegyada caafimaadka iyo is-waafajinta shuruucda wasaaradda “Wasaarada Caafimaadka iyo Madaxweynaha Qarranka-baa waxa ka go’aan oo ay ahmiyada siinayaan siddii Bulshada Somaliland, meelkastooy joogaan-baa ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo aan qarash iyo culays badanni kaga bixin.Hay’addaha iyo dawladaha innaga taageernaa aad-baynnu ugu mahadnaqaynaa.”Ayuu yidhi Wasiir Liibaan Cismaan.

 

Si kastaba ha ahaatee Barnaamijkan oo loogu magacdaray shinne ayaa hore uga socday deegaanno ka mida dalka. Waxaanna haatan lagu soo kordhiyay deegaannada Lughaya, Baki iyo Buuhoodle.

 

 

Dawladda Soomaaliya Oo Diidday In Dib Loo Dhigo Dhegaysiga Dacwadda Badda Ee Kala Dhaxaysa Kenya

 

 

 

Hague, 05 October 2019 (Warsugan)- Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaanay marna aqbali doonin in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda Badda, kaddib markii ay dowladda Kenya codsatay muddo kale oo dhageysiga kiiska dib loo dhigo.

 

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahad Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdi dowladda Soomaaliya u dirtey maxkamadda ICJ ayaa sheegay in dowladdu ay aaminsan tahay maxkamada caalamiga ah si cadaalad ahna loogu garnoqo kiiska badda ee kala dhexeeya dalka Kenya.

 

 

“Dowladda Soomaaliya go’aankeedu waxa uu yahay inaanay aqbalayn wax ka badan 4ta November, kiiska maxkamada ayuu ku jiraa dowladda Kenyana waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa.”ayuu yidhi Ra’isal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

 

Wuxuu inta ku daray  in dowladda Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah, islamarkaana Kenya ay dhankeeda soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.

Doodda cusub ayaa timid markii maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICJ oo kiiska uu horyaal ay  u yeedhay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo maanta dhagaysatay wakiillada ka socday dalka Kenya iyo Soomaaliya waxaana laga sugayaa maxkamadda ICJ in ay go’aan ka gaadho xilliga la dhagaysanayo dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

 

 

 

Washintong: Haween Derbi-jiif Ah Oo Isu-bedeshay Fannaanad Caan Ah

 

Washintong, 05 October 2019 (Warsugan)-Sarkaal ka tirsan booliska Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, ayaa mar uu marayay wado ku taala Magaaladaas waxaa uu kula kulmay gabadh derbi jiif ah oo heeseysa, waxaannu go’aansaday inuu muuqaal kaga duubo telefoonkiisa, balse taas waxay badashay noolasha gabadha.

 

Askarigii ayaa markii uu duubay muuqaalka gabadha iyadoo heeseysa, waxaa uu soo dhigay barta ay booliska ku leeyihiin Twitter-ka, waxaan saacado gudahood daawatay malaayin qof oo ka helay codka gabadha, iyagoo ka damqaday xaaladda ay ku nooshahay gabadha.

 

Emily Zamourka ayaa muuqaalka laga duubay iyadoo ku heeseysa heestii Puccini’s ee ay qaaday fanaanada caanka ah ee O Mio Babbino Caro.

 

Codka hallaasiga ah ee 52 jirkan ee ay heesteeda qaaday gabadha aya soo jiitay quluubta dad badan, oo qaar badan oo ka mid ah ayaa Twitter-ka kaga hadlay arrintaas, iyagoo aad ula dhacsan codka gabadha ay ku luuqanayso.

 

Mid ka mid ah ayaa waxaa uu yidhi “codkeeda waa cajiib, waxaan u rajeynayaan nolol fiican, wuuna mahadsan yahay sarkaalkii booliska ahaa ee aqoonsaday codka hallaasiga ah ee gabadhan, baraha bulshadana dadka kula wadaagay!”

 

Hase-yeeshee qaar kamid ah isla dadkaas isticmala Twitter-ka ayaa su’aal geliyay in Zamourka ay tahay derbi jiif oo aan heysnin hoy, waxaana mid ka mid ah uu yidhi “Boorsada ay wadato, dharka ay xidhan tahay iyo sida timaheeda ay nadiif u yihiin marka la eego, waxay u muuqataa qof soo dhar iibsaday oo iska laafiyoonaya”

 

Dadka qaar ayaa sheegay inay hore u arkeen gabadhan, iyadoo derbiyada jiifta,waxaana mid ka mid ah uu yidhi “Horre ayaa u arkay gabadhan oo waxaan dhowr jeer ku arkay iyadoo baaskiil ku kaxanayso tareenka iyo iyadoo wadada ku quudinaysa shimbiro, waligayna kuma fikirin inay leedahay codkaas hallaasiga”.

Ms Zamourka oo la hadashay wargeyks told the Los Angeles Times in dalka Mareykanka ay timi iyadoo 24 sano jir ah, kana timid dalka Ruushka, halkaas oo ay sheegtay inay ku baratay sida loo garaaco turumbada iyo biyaanada heesaha.

 

Waa Kuma Janaraalka Muranka Badan Ka Dhaliyay Dalka Ciraaq

 

Baqdaad, 05 October 2019 (Warsugan)-Dalka Ciraaq waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeeday musuq maasuqa iyo shaqo la’aanta ka taagan dalkaas, waxaana rabshadahaas ku dhintay tiro dad ah halka dadka kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Dibadbaxyaasha waxay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah xukuumadda Ciraaq, waxay sidoo kale ka cadheysnaayeen in Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi in laga qaado xilkii taliyaha ciidammada la dagaalanka argagixisada kaas oo loo wareejiyay wasaaradda gaashaandhigga ee Ciraaq.

 

Go’aanka lama filaanka ah ee xilka looga qaaday janaraal Cabdul Wahaab wuxuu Ciraaq ka dhaliyay muran badan, waxaana waddooyinka magaalada Baqdaad buux dhaafiyay dadweyne ka cadheysnaa tallabadaas.

Sannadkii 1985-kii wuxuu ka qalin jebiyay kuliyadda ciidammada militariga ee Ciraaq.Wuxuu soo shaac baxay xilliggii dagaalka lagula jiray ururka la magac baxay dawladda Islaamka, wuxuu hoggaaminayay dagaalkii dib loogu qabsaday magaalada Mowsil kaddib muddo 9 bilood ah oo magaalada lagu hareereysnaa sannadkii 2017-kii.

 

Markii uu dhacay maamulkii gobolka Anbar ee dalka Ciraaq wuxuu Cabdul Wahaab hogaaminayay ciidammada la dagaalanka argagixisada iyo ciidamo gaar ah kuwaas oo xoreeyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan koonfurta magaalada caasimadda u ah gobolka Anbar ee Ramadi.Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi wuxuu afar jeer ku dhaawacmay dagaalladii ka dhanka ahaa ururka IS.

 

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Cadil Cabdul-Mahdi ayaa gaadhay go’aan deg deg ah ee uu ku baddalay Janaraal Cabdul Wahaab kaas oo ahaa taliyihii ciidammada la dagaalanka argagixisada.

Bayaan uu soo saaray janaraalkan ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaaraha uu telefoon kula soo hadlay markii uu xilka ka baddalay isla markaasna aannu u sheegin sababta.

 

Janaraal wuxuu ku tilmaamay go’aanka ra’iisul wasaaraha ceeb iyo ciqaab “Wax shaqo ah oo iiga bannaan malahaa wasaaradda gaashaandhigga, waxaan doorbidi in aan shaqo ka fadhiisi ku dhaqaaqo” ayuu yidhi Janaraal Cabdi Wahaab Al Saacidi.

 

Qaar kamid ah dadka dibadbaxa dhigayo ayaa ku anddacooday ‘in go’aanka xilka looga baddalay Janaraalka ay ka dambeeyeen gacmo shisheeye taas oo looga kala jeedo Iiraan.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Ciraaq, Khaalid Al-Cubeydi wuxuu sheegay in go’aanka xilka looga qaaday taliyihii ciidammada la dagaalanka argagixisada uu horseedi karo inay guulo gaari karaan kooxaha argagixisada iyo ururka la magic baxay Khilaafada Islaamka.

Waxay sidoo kale arrintani imaaneysa xilli ay sare u sii kaceyso xiisadda ka dhex taagan Mareykanka iyo Iiraan ee ku aadan harddanka gobolka.