Akhri Warsaxaafadeedka Soo Baxay Madaxtooyada Hada iyo Jawaab-Celin Ku socota Bulshada Caalamka, Arrinta Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland

0
557

Taariikh: – 18/09/2016
WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(WSN)Ujeedo: Jawaab-Celin Ku socota Bulshada Caalamka, Arrinta Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo go’aankii uu qaatay in uu dib u dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada, wuxuu ahaa go’aan uu si qoto dheer uga fikiray, sharci ah oo haysta taageerada bulshada isla markaana salka ku haya Distoorka Qaranka, duruufaha siyaasadeed iyo kuwa farsamo ee haatan ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.
2. Arrinta dib-u-dhigista doorashooyinka Golaha Wakiillada, Madaxweynaha JSL arrimaha uu ku go’aan qaatay waxa ka mid ahaa:
a. Ka dib markii uu daliishaday Qodobka 8-aad farqadiisa 1-aad iyo 2-aad; Qodobka 22-aad iyo Qodobka 90-aad ee Distoorka Qaranka,
b. Ka dib markii uu cuskaday qaraarkii ay Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee JSL ahi ka soo saartay doorashooyinkii Golaha Wakiillada ee 2005-tii, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee xilligaa hal mar oo keliya doorasho lagu galo, wixii ka dambeeyana saami-qaybsiga lagu salayn doono tiro-koob guud oo dalka laga qabto,
c. Ka dib markii uu gar-waaqsaday saluuga ka soo yeedhay bulshada ku nool Gobollada Awdal, Sool, Sanaag iyo Maroodijeex iyo cabashada ay muujiyeen Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee la xidhiidha saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee JSL,
d. Ka dib markii uu tix-raacay go’aankii ay wadajirka u soo saareen Axsaabta Qaranka ee ay Madaxweynaha kalsoonida buuxda ku siiyeen in uu go’aan ka gaadho arrinta Saam-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada JSL, ka dib markii ay saddexda xisbi ku adkaatay in ay talo midaysan iyo xal rasmi ah ka gaadhaan,
e. Ka dib markii uu yaqiinsaday muhimadda ay Qaranka u leeyihiin dedaalada loogu jiro nabadaynta iyo dib-u-heshiishiinta Qaran ee haatan ka socda Gobollada Sool iyo Sanaag,
f. Ka dib markii uu gar-waaqsaday baahida weyn ee loo qabo in ay dalka ka qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL ka wada qayb galaan,
g. Ka dib markii uu arkay in ay lagama maarmaan tahay in la helo waqti ku filan si arrimaha kor ku xusan loo dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo hab xigmad iyo xeeladba ku dhisan,
3. Muran kama taagna in Golaha Wakiilladu uu muddo dhaaf yahay,
4. Sidoo kale, waa arrin gar ah in ay muwaadiniintu helaan xuquuqdooda distooriga ah si ay ugu codayn karaan ciddii ay u doortaan inay iyaga u matalaan Golaha Wakiillada JSL,
5. Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah in Bulshada Caalamku ay si weyn u maal-galiyeen dhammaanba doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadyada ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo aanu ka mahad-celinayno abaalna ugu hayno Beesha Caalamka,
6. Hase ahaatee nuxurka iyo mucda arrintu maaha taa!! Arrintu waxay tahay: Ma waxaynu qabanaa doorasho muddaysan oo ay danaynayaan Bulshada Caalamku taas oo ku qabsoonta xilligii ay u qoondeeyeen? Mise waxaynu qabanaa doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL ka wada qayb galaan oo ku habboon wadciga, waayaha iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalkeena?
7. Mugdi kuma jiro dariiqa iyo sida aynu doonayno: Waxanu doonaynaa inaan qabano doorasho sax ah oo ku qabsoonta waqti iyo xaalad ku habboon!! Laakiin ma doonayno in aynu qabano doorasho sax ah oo la qabto xilli iyo xaalad aan ku haboonayn!!
8. Dabcan waqtiga doorashadu waa muhiim, laakiin marka loo eego qaabka iyo hannaanka ay doorshooyinku Somaliland uga qabsoomaan, waqtigu maaha ka ugu muhiimsan ee leh muhimadda koowaad.
9. Arrimaha Qaranka Somaliland mudnaanta koowaad u lihi waa nabadda iyo xasiloonida, midnimada iyo wada-jirka ummadda, kuwaas ayaa saldhig u ah inay qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL iska wada dhex arkaan.
10. Madaxweynaha Axmed Maxamed Silanyo waa Madaxweyne si xor ah ay u doorteen aqlabiyadda bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Go’aan kasta oo Madaxweynuhu gaadho iyo tallaabo wal oo uu qaado (ha adkaadeen ama ha fududaadeene) waxa saldhiga u ihi waa danaha Qaranka iyo maslaxadaha ummadda. Sidaa darteed, Madaxweynuhu isagoo ka duulaya sida ugu habboon ay danaha ummaddu ku aslaxayaan wuxuu go’aamiyey:
a. In aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu geli karin nidaamka Saami-qaybsiga Kuraasta Gobollada ee haatan jira,
b. In Doorashada Madaxweynennimada la qabto waqtigii loogu talo galay, 28 March 2017,
c. In dib loo dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyadoo la raacayo nidaamka iyo xeerarka u dhigan. Taasoo macnaheedu tahay in ugu horraan Madaxweynuhu qoraal Codsi ah u gudbiyo mudanayaasha Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan. Ansixinta kaddib, Madaxweynuhu qoraal u diri doona Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee JSL, kaddibna waxa loo gudbin doonaa mudanayaasha Golaha Guurtida si ay uga soo talo bixiyaan,
11. Bulshada Caalamku ha naga taageeraan ama yaanay naga taageerine, waxa naga go’an in Doorashada Madaxweynennimada iyo ta Golaha Wakiilladuba ay ku qabsoomaan xilliga loo muddeeyo, inkasta oo aanu weli naawilayno in Bulshada Caalamku ay gacan naga siin doonaan labada doorashaba.
12. Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee aanu dhaqanka u leenahay kaasoo ah wada-tashi, is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag iyo in aanu anagu leenahay go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu. Sida ay awalba yeeli jireen, waxaanu ku rajo weynahay in Bulshada Caalamaku ay arrimahayaga nagu tix-gelin doonaan.

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,

Xuseen Adan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL,

Date: – 18/09/2016
Press Release

A response to a written statement released by the UK government on behalf of the international community [US, UK, EU, UN, SWEDEN, and DENMARK] and the Somaliland Elections Donor Working Group.

Subject: Somaliland Parliamentary and Presidential Elections
1. The president made a carefully considered, legitimate, and widely supported decision based on political, constitutional and technical grounds.
2. The president decided to delay parliamentary elections after taking into consideration:
a. Part 1 and part 2 of Article 8, Article 22 and Article 90 of the constitution,
b. The decision of the Constitutional court of the Republic of Somaliland concerning the election of the House of Representatives in 2005, according to which the allocation was meant for only one election, and subsequent allocations would be based on census,
c. The concerns raised by Awdal, Sool, Sanaag and Maroodijeex regions as well as minorities and women about representation and allocation of seats in parliament,
d. The decision of the political parties to delegate to and abide by the resolution of the president on the issue concerning the election of the House of Representatives,
e. The reconciliation process under way in Sool and Sanaag regions
f. The need for inclusive, free and fair elections,
g. The time required to address the complex challenges surrounding each of the above,
3. It is true that parliament overstayed its term.
4. It is true that citizens should exercise their right to elect their representatives in parliament.
5. It is true that the international community invested heavily in all the elections held in Somaliland, which we recognize and appreciate
6. That is not the issue; the issue is whether we want to have an election fixed on a target date preferred by the international community or whether we want to have an election that fits our circumstances which is fair, inclusive and legitimate.
7. The choice is obvious: we want to have the right election at the right time, not the right election at the wrong time.
8. Time is an important factor but not the most important in elections in our context.
9. The most important factors are security, stability and unity based on fairness, and inclusive participation.
10. The people of Somaliland elected the president to represent them and make decisions on their behalf, including difficult ones and the president decided:
a. That we could not hold the next parliamentary election under the current seat allocation formula,
b. To hold the presidential election on time in March 2017,
c. To appoint a commission to work on a fairer and more equitable allocation formula,
d. To delay parliamentary elections in accordance with established legal procedure, which requires the President to send a Presidential Proposition to Parliament, which upon approval goes to the Constitutional Court and then to the House of Elders for consideration,
11. Presidential and Parliamentary elections will be held as planed with or without external assistance. But we do expect the International Community to lend its support to both.
12. Somaliland enjoys today peace and stability in a democratic political framework due to its consensus building tradition and ownership of its decisions which we hope the international community will continue to respect.

Hussein Adan Igeh (Deyr)
Presidential Spokesman,
Republic of Somaliland,