“Akhriso Maxaad Ka Ogtahay “Madaxweynaha South Korea Oo Xilkii Laga Xayuubiyay Kadib Musuqmaasuq Lagu Soo Eedeeyay

0
571

Madaxweynaha South Korea  ayaa maanta  jimcihii  golaha sare ee Baarlamaanku u qaadeen cod ganac taag ah ,  si looga  xayuubiyo  awooda , kadib markii lagu soo eedeeyay  awood maroorsi baahsan iyo musuqmaasuq

Mooshin kan ayaa waxa ansixiyay  234  xildhibaan  halka  ay diideen oo kaliya 56 , taasina macnaheedu tahay  in xataa  xildhibaanadii taageersanaa  xisbigeeda ay  u codeeyeen  in laga qaado xilka.

Hwang Kyo-ahn, oo ah  Raysal wasaaraha dalka ayaa si kumeel gaadh ah  u sii hayn doona  xilka madaxweyne.

Kumanaan dadwayne ahaa ayaamaalmihii u danbeyay mudahaarad ku samaynayay suuqyada magaalada iyaga oo dalbanayay  xilka qaadisteeda.