Akhriso Wararkii Maanta ee Wargeyska Madaxa banaan ee Warsugan iyo Cadadkisi 109aad

0
594

Siyaasiga Kaliya Ee Guddoomiye Cirro Kula Tartamaya Musharaxnimada Waddani Oo Tilmaamay Godoloolooyinka Xisbiga Ka Muuqda, Cirrana Ugu Baaqay Inuu Tanaasulo

 

Saluugaygu waliba maanta maalin uu ka xoog weyn yahay ma jiro waayo? Waxaan doonayaa in hoggaankayga siyaasadeed noqdo mid hufan

Hargysa(Warsugan) Siyaasiga Maxamed Xiri Guuleed oo ah musharaxa kaliya ee illaa hadda shaaciyay inuu jagada musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani kula tartamayo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka dayriyay hannaanka hoggaanka xisbigaasi wax u wado, isagoo ku dooday in talo la’aan iyo cunsuriyaddi ka dhex jirto xisbigaasi. Waxa kale oo uu guddoomiye Cirro ugu baaqay inuu uga tanaasulo musharaxnimada maadaama uu muddo dheer soo shaqaynayay.

Maxamed Xirsi Guuleed, waxa uu ahaa guddoomiyihii urur siyaasadeedkii Daljir eek u hadhay tartankii 2012-kii, waxaanu sheegay in isaga iyo ururkiisu cududooda ku biiriyeen xisbiga Waddani. Waxa uu sheegay inaanay Guddoomiye Cirro kala qoran wax heshiis ah, iyadoo la waydiiyay in caqabad ay ku noqon doonto musharaxnimadiisa golaha dhexe ee xisbigaasi oo aanu ka mid ahayn “Su’aashaas marka loo eego ninka Rajiimka ah, ama jecel muddi-muddi ku taagtu, wuu odhan karaa oo gole dhexe wuu ku wareegaalaysan karaa, xisbiga qaadhaan ma bixiyay-buu odhan karaa­­…. laakiin anigu ma qabo inay jiraan wax iska kay hortaagaya musharaxnimadayda maadaama aan ahay nin muwaadin ah, nin siyaasi ah oo aqoon yahan ah,” ayuu yidhi Siyaasi Maxamed.

Musharaxan xisbiga Waddani oo u waramayay telefishanka Bulsh waxa kale oo uu sheegay inaanu carqaladaynayn guddoomiye Cirro balse uu xaq u leeyahay musharaxnimadiisa “Waxa laga yaabaa in dad badani u qaataan inaan canka mudayo oo dirqiyayo, ma dirqiyayo ee waxani waa xisbi qaran, xeer buu leeyahay, ama wuxuu noqonayaa xisbi koox yari haysato oo ay la hadho oo qayrkii iyo qayr ku xigihiiba ay hoos mariso ama wuxuu noqonayaa xisbi bulka tuura oo bulshadoo dhan u furan, oo reer Somaliland oo dhan ka dhex muuqdo oo qof walba hankiisa iyo damaciisa uu gaadhsiisto,” ayuu yidhi Maxamed.

Maxamed Xirsi Guuleed waxa kale oo uu sheegay inuu saluug ka qabo miisaanka xisbiga Waddani oo uu rumaysan yahay inuu yahay mid cid gaar ahi isku koobtay “Dabcan, waxaa la yidhaa bal waxaas eeg, waxa ka sokeeyana eeg. Saluugaygu waliba maanta maalin uu ka xoog weyn yahay ma jiro waayo? Waxaan doonayaa in hoggaankayga siyaasadeed noqdo mid hufan oo raali galiya bulshada oo dhan. Anigu Waddani sidan si ka fiican oo ka casrisan baan u hoggaamin lahaa, waxaaban ku sii guulaysan lahaa iyadoon tartan ba la gaadhin,” ayuu yidhi Maxamed Xirsi.

Waxa uu intaasi raaciyay in cunsuriyad uu kala kulmay xisbiga Waddani “Anigu xisbiga Waddani waa bilaa talo ayaan qabaa oo talo la’aan baa haysa, cudurka ugu weyn ee hayaa waa bilaa talo. Anigu intaas aan imika musharaxa ahaa maalina la ima odhan Maxamedow maxaa jira maanta, bal noo kaalay, markaa waad arkaysaa in cunsuriyaddi jirto, cunsuriyad baa ku dhex jirta. Waxaan qabaa arrintaasna waxa samaynaya in khaas ah, waligeedna way dhacdaa xeer beegti meel fadhidaa wada ama way heshaa ama way seegtaa.”

Ugu dambeyn wuxuu guddoomiye Cirro ugu baaqay inuu uga tanaasulo musharaxnimada maadaama uu dawladdii Somalia safiir uga soo ahaa dalka weyn ee Ruushka, sidoo kalena dhawr iyo toban sanno guddoomiye baarlamaan ka ahaa Somaliland “Waan hubaa Cabdiraxmaan daal badan baa ku jira, aniguse Daray baan ahay, markaa saaxiibkay Cabdiraxmaan mar labaad baan leeyahay ii tanaasul, anigaa maanta cusub, anigaa xisbiga meel gaadhsiin kara, adna wax wanaagsan baad soo qabatay oo dhidibo fiican baad noo taagtaye,” ayuu yidhi Maxamed.

Murashaxa Jamaal Cali Xuseen Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Tilmaamay Astaan Lagaga Dayan Karo Nidaamka Dimuquraadiyadda iyo Fursad Siinta Cid Kasta Oo Damac Leh

 

Hargeysa (Warsugan) Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa go’amaadii ka soo baxay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ku tilmaamay mid ay xaq u leeyihiin, isla markaan soo dhaweeyey. Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sharci daro ku tilmaamay ololaha xisbiyada qaar ka dhex wadaan diiwaangelinta, isaga oo hoosta ka xariiqay gudoomiyaha KULMIYE.

 

Murashaxa Jamaal Cali Xuseen ayaa isaga oo arrintaas ka hadlay yidhi”Talaabo wanaagsan ayaan u arkaa guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadu waxay shaqadoodu tahay inay dimuquraadiyad ku soo dabaalaan xisbiyadii qaranka anagu dacwadii aanu u gudbinay waxay ahayd si qarankan aanay cid danbe oo nin danbe oo xisbi tuurta ku sitaa oo yidhaahda aniga ayaa leh aanay u dhicin ayaanu u gudbinay; tiina may hadhin ee waatii kolba xisbigii dad laga saarayey”

 

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey astaantii masuuliyiinta KULMIYE la galeen goobaha diiwaangelinta ayaa yidhi “Guddigan anshax marinta ee diiwaangelinta ee ku eegaysa xisbiyadu inay anshaxii loogu tala galay diiwaangelinta eegayaan inay u fiirsadaan xisbiyada kale, shalay “Daraad” waxaan arkayey gudoomiyaha KULMIYE oo astaantii la galay diiwaangelintii iyadda oo mabnuuc tahay, waxa wanaagsan in xisbiyada laftoodu ixtiraamaan ashaxa, anagu waanu ka soo baxaynaa”

 

Murashax Jamaal Cali Xuseen ayaa goobo kala duwan oo ay ka socotay diiwaangelintu soo kormeeray isla markaana la sheekaystay hawl-wadeenada diiwaangelinta ee goobaha uu maray, waxaanu sidaas ku sheegay mar uu u waramayey Weriye Waliid Cabdiraxmaan oo ka tirsan Horn Cable Tv. Jaamal Cali Xuseen oo ka hadlayey arrimo la xidhiidha nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorka uu ka qaatay madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa yidhi “Waan fahmi karaya inay dadku ka niyad jabsan yihiin dimuquraadiyadda iyo is-badel la’aanta dalka ka jirta oo aad moodid in siyaasiyiintii qaarkood wali umadii hortaagan yihiin, laakiin waxaa talaabo wanaagsan inoo qaaday madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo runtii isaga oo xaq u leh inuu markii labaad la doorto oo doorashadda ka qayb galo hadana ka tanaasulay oo doortay in dadka kale loo daayo waana qodob lagu bogaadin karo; inta badan Afrikaanka wali kursiga ayey ku dhagaan qaarkood ayaaba laga fujin kari waayaa intii xaqa ay u lahaayeen doonaya wali sii joogaan”

 

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay La Kulmay Xildhibaan Ka Socday Aqalka Sare ee Ruushka Oo Dalka Keenay Mucaawimo Raashin Ah

 

Mudane, Ziyad Sabsabi waxa kale oo uu ku xigeen u yahay gudoomiyaha guddida cilaaqaadka dibeda ee aqalka sare ee federaalka Ruush-ka

 

Hargeysa(Warsugan)Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed  Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Xalay, Mudane, Ziyad Sabsabi oo xubin ka ah aqalka sare ee xidhiidhka Ruush-ka, isla markaana ah ku xigeenka gudoomiyaha guddida cilaaqaadka dibeda ee aqalka sare ee federaalka Ruush-ka, oo dalka keenay deeq raashina oo uu kaga wakiil yahay jimciyada Axmed Qadiroof ee u qaabilsan dalka Jejniya (Chechnya) caawimooyinka dibeda.

Jimciyadda mucaawimooyinka dalka Jejniya  oo ka mida federaalka Ruush-ka ayaa waxa loogu magacdaray  Axmed Qadiroof oo ah madaxweynihii hore ee Jejniya , oo geeriyooday, haatana ay gudoomiye ka tahay jimciyadaasi Marwadiisi Eymaani Qadiroof, iyadoo dalkaasina uu hogaamiyo Ramadaan Qadiroof oo uu dhalay madaxweynaha hore, ayaa waxa Mudanahani dalka Somaliland soo gaadhsiyey mucaawimo raashina oo laxaadleh oo ay kaga qaybgelayaan gurmadii abaaraha Somaliland, jawaabna u ah baaqii abaaraha ee madaxweynuhu u gudbiyey beesha caalamka.

Madaxweynaha oo ugu horayn halka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey mudanahan ka tirsan aqalka odayaasha Ruushka, waxanu ka mahadceliyey inay ka soo qaybgalaan iyagoo ah dalka Jejniya  gurmadka abaaraha ee Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi Madaxweynuhu ”aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin mucaawimooyinka qiimaha leh ee aad kaga soo qaybgasheen abaaraha dalkayaga ka dhacay, uguna damqateen dadkayaga, waxanan rajaynayaa inay tani bilow wanaagsan u noqoto iyo sees adag xidhiidh dhex mara labada ummaddood ee labada dal”.

Madaxweynuhu waxa uu ka codsaday mudanaha martida ahaa inuu salaam ka gaadhsiiyo iyo mahadnaq gudoomiyaha jimciyadda Axmed Qadiroof iyo Madaxweynaha dalka Mudane Ramadaan Qadiroof. Isagoo shahaaddo sharaf hawlkarnimo, iyo muujin mahadnaq u gudbiyey marwo Eymani Qadiroof iyo hadyad ka kooban Khariirada Somaliland oo uu ku xardhan yahay calanka Somaliland iyo astaamo ka turjumaya qaranka Somaliland.

Dhiniciisa Mudane Ziyad Sabsabi wuxu sheegay inuu dalka yimid todobaadkii hore, lana kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland, oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka Diinta iyo Awqaafta, iyo wasiirka Duulista iyo Hawada, indhihiisana uu ku arkay dhibaatadii abaaruhu sababeen ee ku habsaday gobolada dalka qaarkood.

Wuxuu intaa raaciyey inuu warbixin ku celiyey dalkiisi, haatana uu dalka keenay mucaawimooyin raashina oo ka kooban 240 Tan oo isugu jira cuntooyin kala duwan, iyadoo ay jidka ku soo jiraan 80 tan oo kale oo raashin ah.

Xubnaha guddida heer qaran oo ay ka mid yihiin wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo ku xigeenka guddida, sheekh Xasan Cabdisalaan oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa sheegay in raashinkaasi hore ay qaybintiisu ilaa hadda ka socoto goobihii loogu talogalay.

Mudanaha Ruushka ahi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in markii markuu Ruushka ku noqday uu Somaliland ka warbixiyey, si gaarana ugala sheekaystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda ee Ruushka, una sheegay inuu jecel yahay in Somaliland lala bilaabo xidhiidh bulsho, dhaqan, iyo mid wax-wada qabsiba, kuna rajo weyn yahay in imika laga bilaabo uu xidhiidhka labada dal ee Ruushka iyo Somaliland uu noqdo mid joogto ah.

Gebegabadii xildhibaanka oo u mahadnaqaya madaxweynaha iyo dawladda Somalilandba waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne, waxa aanu nahay ummad walaalihiin ah oo farax iyo dhibaataba idinla qaybsanaya, waxanan aad kaaga mahadnaqayaa qaabilaadaadan aad caawa iqaabishay iyo soo dhawayntii iyo wada shaqayntii aanu wada yeelanay guddida abaaraha ee heer qaran ee uu gudoomiyaha u yahay madaxweyne ku xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)”.

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Arday Dhawaan Xukuumadda Somaliland Fasax Ka Qaatay Oo Dawladda Soomaaliya Shalay U Magacwday Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Maamulka Xasan Sheekh

Muqdisho  (Warsugan) Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan oo hore u ahaa Garyaqaanak guud ee qaranka Somaliland ayaa todobadkii la soo dhaafay warbaahitna u sheegay inuu iska casilay xilkii uu yahay, waxaanu durba ka soo dhex muuqday dawladda Soomaaaliya ee uu xasan Sheekh Maxamuud gadh-wadeenka ka yahay. Waxaana loo magacaabay gudoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya.

Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ka hor intii aanu ka tagin xilka uu hayey sheegay inuu wakhti u baahan si uu jaamacad u diyaariyo, isla markaana xafiiska masuul kale looga dhigay ku sime.

Xafladda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Maxakmadda sare ee dalka Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Somalia, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, wasiirka Cadaalada, wasiir-u-dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Nabad-sugidda.

Madaxweynaha Somalia oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda dhaarinta ayaa faray dhammaan hay’dahaha Dowladda Soomaaliya inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee maxakmadda sare.

“Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha Amaanka waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Maxkamadda sare. Waxaan Rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, Waxaan Guddoomiyaha cusub ku bogaadinayaa inuu wajaho Tabashooyinbka ay Shacabku ay Qabaan,” ayuu yidhi Xasan Sheekh oo ka hadlayey munaasibad loo qabtay dhaarta Dr Ibraahim Iidle

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa dhiiri-geliyay guddoomiyaha cusub, isagoo u ballan-qaaday in dhammaan Hay’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaa Hawlaha loo egmaday.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka,. Caydiid Cabdillaahi Xanaf, isagoo isla shalay xilkaas u magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia Uga Furmaya Waddanka Turkiga

Hargeysa(Warsugan) Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo xukumadda talada haysa ka soo noqday wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay inuu khalad u arko in Somaliland dawladnimo uga marti ahaato Somalia, maadaama Somaliland xornimada ka hor qaadatay sanadkii 1960-kii. Waxa ku dooday inay habboon tahay in la joojiyo wada hadalkaasi, wuxuuna khalad ku tilmaamay bilawgii wada hadalada iyo wakhtigan ay dib u furmayaanba. Wada hadallada ayaa la filayaa inay dib u furmaan kadib markii ay burbureen horraantii 2015-ka.

“Waxaan anigu u arkaa markii hore ee aynu galnay khalad bay ahayd, Waayo? Somalia wax inagaga xidhan ba ma jiro, inagaa dawladnimada ka hor helnay, dawladnimadii aynu helnay 26 June, inaynu cid marti uga ahaanaa waa khalad weyn oo xukumaddani gashay, ku noqoshadeeduna waa dambi labaad oo waxay ku tusaysaa inaynaan wax siyaasad ahba lahayn, sababtoo ah nin kaa liita oo kaaga dambeeyay helista dawladnimada waxaad ugu daba joogtaa, markaa markii horena khalad bay ahayd, imikana waa khaladka khaladkiisii, waa in laga baxo wada hadalka, Somalia waxba kuuma hayso, Illaahay baa wax kuu haya, waxaan leeyahay kursigii aynu 26 june helnay aynu doonano laakiin, wax Somalia kaaga xidhan ha ina dullaynin ayaan leeyahay,” ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.

Hadalka Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa imanaya iyadoo todobaadadii la soo dhaafay wasiirka arrimaha dibada, wasiirka madaxtooyada iyo safiirka imaaraadka ee Somaliland wada hadallo kula soo yeesheen Turkiga wefti ka socda Somalia, la iskuna afgartay in wada hadallada dib loo furo 31-da May. Kulamada waxaa lagu eegi doonaa wada hadalladii socday June, 2012 ilaa 2015 wixii qabsoomay iyo waxa qabyada ah, wallow aanay jirin wax ka hirgalay heshiisyo la gaadhay 7 kulan oo Somaliland iyo Somalia isku hor fadhiisteen.

Xukumadda Somaliland ayaa wada hadallada u aragta fursad muhiim ah oo Somaliland ku qancin karto Somalia sidii ay u citiraafi lahayd “waxaanu u aragnaa Arrin Muhiim ah (Wada Hadallada), Sababtoo ah waa madasha aynu ku kulanno innaga oo laba Waddan ah, waana arrin u dan ah Labadeenna waddanba inaynu si salmi ah ku xallino. Innaga ujeeddadeennu waa inaynu Dawladda Soomaaliya ku qancino inay tahay dantooda, teenna, ta gobolka inaynu Noqonno laba Waddan oo xor ah oo jaar ah, oo Ilaaqaad Wanaagsan leh.”ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire oo dhawaan saxaafadda la hadlayay.

Bangiga Caalamiga Ah Ee Premier Banka Oo Somaliland Adeegyo Cusub Ku Soo Kordhiyey

 

Hargeysa (Warsugan) Baanka caalamiga ah ee Premier Banka, qaybtiisa Somaliland ayaa wuxuu soo bandhigay adeeg casriga ah ee ATM, ee uu qofku lacagtiisa si yar oo aad fudud kula bixi karo meel walba oo uu joogo.

Munaasibadii lagu daah furayey adeegan oo shalay lagu qabtay Amasadoor Hotel ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Premier Bank, Agaasimaha Baanka, Masuuliyiin, Qurba joog iyo  marti sharaf, waxaana Munaasibadaas oo si weyn loo soo agaasimay  ugu  horeyn  ka hadlay Guddoomiyaha Premier Bank Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, waxaanu faah faahin ka bixiyey adeega ATM iyo faa’iidadu leeyahay, waxaanu sidoo kale sheegay in Baankoodu maalgalin iyo shaqo abuur dalka ku soo kordhin doono, isaga oo arimahan ka hadlayana wuxuu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Premier Bank waa Baan Islaami ah oo ka diiwaan gashan ruqsadna ka haysta Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Premier Bank waxa uu maanta (shalay), oo taariikhdu tahay 03/05/2016 si rasmiya ugu daah furay Bulshada reer Somaliland markii ugu horeeysay adeegyada Master Card iyo Visa, isaga oo keenay mishiinka lacagta lagula baxo ee loo yaqaano Automated Teller Machine “ATM” kaas oo la jaanqadaya siyaasadda baanka dhexe ee Somaliland, oo ku salaysan in la xoojiyo isticmaalka habab lacag bixineed, oo casri ah oo kaadhadhka caalamiga ahina ka mid yihiin.

Adeega nooca ahina waxa uu u sahli doonaa Qurba joogta ku nool dalka dibadiisa iyo socotadata ajaanibka ah inay si fudud u heli karaan lacagahooda ugu jira baananka caalamiga ah marka ay socdaal ku yimadaan Somaliland.”

Dr. Cabdiweli, wuxuu intaas raaciyay “Sidoo kale waxa uu door lixaad leh ka qaadan doonaa inay ardaydu iyagoo dalkooda jooga Jaamacaddo Caalami ah wax ka baran karaan, dadweynaha kalena ay si fudud ugu adeegan karaan suuqyada caalamiga ah ee Internetka”.

Guddoomiyaha Baanka Permier Bank ee Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi  Suufi Jibriil mar uu ka hadlaayey maalgalin ay sameeyn doonaan ayaa yidhi “Baanku waxa uu bixin doonaa maalgalin maaliyaddeed, oo ay ka faa’iidaysan doonaan dadweynaha, ganacsiyada yar yar kuwa waaweyn iyo hay’addaha kala duwan ee Somaliland ka hawgala, waxa uu sidoo kale hirgelin doonaa adeegyo casri ah oo kaalin lixaad leh ka qaadan doonaa shaqo abuurka, wax soo saarka kobca shaqo abuurka, wax soo saarka, koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan.

Adeega ATM-ka waxa hadda si toos ah looga heli karaa Amasadoor Hotel iyadoo maalmaha soo socda la hawl geli doono ATM-yo oo la dhigo doono goobo ay si fudu uga heli karaan dadweynuhu.

Premeir Bank waxa uu sii wadi doonaa dadaalkiisa uu dalka iyo dadka Somaliland ugu keenayo hanaan maaliyadeed oo casri ah, wax tarna u leh Bulshada”.

Dhanka kale waxa isna munaasibadaas ka hadlay Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Xasan Aadan, waxaanu sheegay in Baanka dhexe uu ruqsadii siiyey Baanka Premeir Banka, bishii kowaad ee sannadkan, waxaanu sheegay inuu ugu mahadnaqayo adeegyadan casriga ah ee uu soo kordhiyey, waxaanu tilmaamay in mar kasta Baanka dhexe ee Somaliland uu soo dhaweeynayo cid walba oo dalka horumar ku soo kordhinaysa,

Dhinaca kale Yaasiin Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo isagu ah muwaadin reer Somaliland ah qurba joog ah, dalka Kanadana degan, ayaa isagu iyadoo madashii la joogo wuxuu  kaadhkiisa ku tijaabiyey Mishankan, waxaanu si yar oo aad fudud kula baxay lacagtii uu u baahnaa.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Dhismaha iyo Cida Ku Guulaystay Qanadaraaska Aqalkii Somaliland Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu-taageeda Oo Dib Loo Yagleelayo

 

Burco (Warsugan) Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ayaa ka hadlay dhismaha aqalkii gooni isu-taaga Somaliland lagaga dhawaaqay oo dib loo dhisaayo iyo cida dhismihiisa ku guulaystay.

 

Gudoomiyaha oo la hadlaayey Wargeyska Warsugan ayaa yidhi “Dhismahaas waxaa loo galay tartan furan oo dhawr shirkadood ayaa u tartamay, waxaa ku guulaystay oo nasiib u heshay shirkadda dhismaha ee Najax Construction Company, ilaahay mahadii wax badan ayaa nooga qabsoomay waxaanan ku rajo waynahay inuu guul inoogu dhamaado dhismihiisu”

 

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ayaa intaas ku daray in dhawaan la furi doonaa qaadhan uruurinta dhismaha cid kasta oo ka qayb qaadanaysa, isaga oo xusay inay jiraan dad badan oo rajo ka muujiyey dib u yagleelka dhismahan, waxaanu yidhi  “Dhawaan ayaanu shaacin doonaa qaabka looga qayb qaadanayo, anaga oo og inay dad badan oo Somaliland u dhashay arrintaas ka soo dareen celiyeen, noona balan qaadeen inay garab istagayaan dhismahan”

 

Waa markii ugu horaysay ee taariikhda Somaliland dib loo dhiso xaruntii lagaga dhawaaqay dawladanimada iyadoo maanta laga joogo 25 sano ayaa rajo laga qabaa in cagaha loo taago muuqaalka xaruntaas oo haatan ah meel baaba’san.

 

Degaladda kala duwan ee bulshadu ku wada xidhiidho iyo mareegaha wararka ayaa ka hadlay dhismaha xaruntan, iyagoo dadweynuhu faafiyey maqaalo iyo warar lagu soo dhaweynayo.

 

Somaliland Oo Guud Ahaan Si Weyn Looga Xusay Xuska Dheelmintii Nabigeena (CSW) Al-Israa Wal Micraaj

 

Hargeysa(Warsugan) Guud ahaan Somaliland waxaa laga xusay  xuska qiimaha badan ee dheelmintii Nabigeenii suubanaa (CSW) munaasibado badan oo lagu qabtay gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa lagu weynaayey Xuskaasi, waxaana lagu soo bandhigay  Axaadiis iyo siirada Nabi Muxammed (CSW).

Munaasibado badan oo kala duwan ayaa waxaa lagu qabtay qaar kamida gobolada iyo degmooyinka dalkan kuwaas oo loogu dabaal degaayey xuska Laylatul Al-Israa Wal Micraaj oo ah habeenkii la dheelmiyey  Nabigeenii suubana (CWS) islamakranaa la geeyey samaawaadka halkaasi wixii lagu soo faray  ka mid ahayd Salaada,

Culimadii munaasibadahaasi ka hadashay ayaa tilmaantay qiimaha ay muslimiinta u leedahay xusaska noocan oo kale islamakraana tibaaxay in waynaysiiyo xuska habeenkan oo kale loona baahan yahay in laga wada qeyb qaato xuskaasi.

Dhanka kale waxaa ay culimadani baaq u direen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xukuumadiisa oo ay ugu baaqeen  inuu kasoo qeyb galo Xuska loo sameeyo munaasibadahan kuna booriyey inuu usoo diro masuuliiyiinta qaranka ee kow ka yihiin xubanaha Golaha Wasiirada, waxaana ay ka dhaawaajiyeen inaanay jirin cid madaxa oo kasoo qeyb gasha xusaska islaamigaa sida tan hada la xusaayo oo kale.

Culimo awdiinka Somaliland ayaa ayaa isku khilaafsan weynaynta waxaana ay qaarkood culimo awdiinka rumaysan yihiin inaanay wacnayn in lay waynaysiiyo Xuska Nabi Muxamamed (CSW) islamarkaana qaba inay gabi ahaanba ay  tahay  buun buunintaasi halka qaar kalena qabaan inay muhiim tahay in la waynaysiiyo.

Muwaadiniinta Turkiga Oo Fiise La’aan Ku Gali Doona Waddamada Yurub

Brussells(Warsugan) Golaha Midowga Yurub ayaa rasmiyan ku taliyay in muwaadiniinta Turkiga loo ogolaado inay fiisa ama dal-ku-gal la’aan ay galaan inta badan waddamada xubinta ka ah midowga Yurub. Arrintaasi ayaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo heshiis midowga Yurub uu horey ula galay Turkiga oo ku saabsan muhaajiriinta. Guddoomiye ku xigeenka golahani, Frans Timmermans, ayaa sheegay in Turkigu uu ku khasban yahay in uu shuruudo muhiim ah ka soo baxo, balse uu ku socda waddo wanaagsan oo arrintaasi horseedeysa.

Isbadalkaasi dhanka dal-ku-galka muwaadiniinta Turkiga ayaa la dhaqan gelin doonaa bisha July ee sanadkan, balse waxa ay arrintaasi u baahan tahay in uu ansixiyo baarlamaanka reer Yurub iyo in inta badan waddamada reer Yurub ay arrintaasi isla ogolaadaan. Arrintan ayaa u muuqata mid fursad siinaysa Turkiga oo muddo dheer xodxodanayay ka mid ahaanshaha Yurub.

Heshiiska  Turkiga iyo Yurub ayaa dhigaya in Turkiga uu la wareego muhaajiriinta Giriigga uga soo tallaabay dhanka badda . Golahani ayaa sidoo kale isbadal ku sameeyay nidaamka magangelyo siinta Yurub si loo yareeyo dhibaatada Giriigga iyo Talyaaniga ka haysata qulqulka muhaajiriinta.

Kenya oo sheegtay inay Lamaane Soomaali Ah Oo Doonayeen Inay Weeraro  Fuliyaan ay Xabsiga u  Taxaabay.

Nairobi(Warsugan)Booliiska Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay fashiliyeen Weerar araggaxiso oo lala damacsanaa in lagu qaado xarumo kuyaala dalkaasi, waxaana weerarkaasi lagu eedeeyay in ay abaabulayeen xubno katirsan Ururka ISIS. War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in xubno katirsan Kooxda ISIS ay qorseenayeen in magaalada Nairobi ka geesataan weerar lamid ah kii Al-Shabaab ku qaadeen xarunta ganacsi ee Westgate Mall halkaas oo lagu dilay dad aad u badan.

Waxaa kaloo lagu sheegay warka kasoo baxay booliiska dalka Kenya in kooxdan la fashiliyay ay qorshaynayeen inay weerar loo adeegsado sunta anthrax ay ka gaystaan gudaha Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Booliiska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin lagu eedeeyay in uu ka shaqeenayay in uu ardayda Kenya ka dhigo xagijriin uuna duufsado ardayda Jaamacadaha iyo Iskuulada wax ka barta kuna qal qaalinayay in ay ku biiraan Kooxo ku sugan Soomaaliya iyo Liibiya.

Ninkan Soomaaliga ah ee la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Cali oo ahaa arday barta daawada , waxaa sidoo kale ninkan lala xidhay xaaskiisa Nuseiba Mohammed Haji, iyo haweeney kale oo asxaab la ahayd oo lagu magacaabo Fatuma Mohammed Hanshi.

Booliiska ayaa ninkan ku eedeeyay in Shabakad xadhiidh la leh ay ka shaqeeneysay sida Dhalinyarada Kenya looga dhigi lahaa xagjiriin, waxa ayna ciidamada baadi goob ugu jiraan labo qof oo kale oo iyana la tuhunsan yahay in shabkadaasi xadhiidh la leeyihiin.

 

Shir Ay Yesheen Shaqaalaha Madaarka Cigaal iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawada oo lagaga hadlay Qodobo dhawra.

 

Hargaysa ( Warsugan) Shirkii Bisha dhamaadkeeda ay wada yeelan jireen Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Maamulka Madaarka Cigaal International Airport iyo Shaqaale weynaha Madaarkaasi, ayaa Shalay ka qabsoomay Madaarkaasi, waxaana diirada lagu saaray sidii si wanaagasan loogu soo dhaweynlaha oo ay ugaga soo dagi lahaayeen Madaarka Dadka Qurba jooga ee Xagaagan fasaxa ku imanaya Wadanka.

Waxaa kulankan ka fadlay Maamulaah Madaarka International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo shaqaalaha kula dardaarmay in si nidaamsan loo qaabilo Dadka imandoona Xagaaga, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa:-“waxa aynu galay bishii shanaad oo badhtamaheeda uu bilaabmo Xagaagu oo ay Qurbo jooga Reer Somaliland ama cidkasta oo danaynaysa Wadanka ay ku soo kuryo noqdaan, arintaas dadka qurbo jooga ah ee Wadankoodii ku soo guryo noqonaaya, laga yaaba dadbadan ayaan dib u soo noqon sidii ay wadanka uga dhoofeen, sida aad la wada socotaan Madaarku waa Muraayadii Wadanka, Shaqaale ahaan iyo Madaar ahaan, Wasaarad ahaan waxaa inala gudboon, in aynu Dadkaa ku soo dhaweyno, oo Dhamaan Hawlwadeenada kala duwan ee Madaarku ay ogaadaan, Dadkaasi Qiimaha ay inaga Mudan yihiin, isaga oo Maamule Maxamed hadlkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi,“waxaan Jecelahay arintaa xagaaga oo niyad waadica, oo Shaqo hufnaan ah, in aynu u muujino Dadkeenaa qurbaha ka imanaaya, ee doonaya Wadankooda in ay fasaxooda ku qaataan, Dadka Qurbo jooga ahna waxan leeyahay waxa aad ku soo guryo noqonaysaan Wadankiinii, waxaanu idiinla diyaar nahay in aanu idiin soo dhaweyno, si aan la idiinku soo dhawey Garoomada kale ee aduunka ee aad ka gooshtaan ama ka soo degtaan.”
Dayib Cismaan Caalin Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo kulankan ka soo qayab galaya ayaa shaqaalaha talooyin badan halkaasi uga soo jeediyey, sidoo kale waxa uu amaan u soo jeediyey Masuuliyiinta Wasaarada Duulista oo uu ku amaanay wax qabadka ay sameeyeen, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa:- “Ma arag Maalin uu Madaarku ka qurux badanyahay, oo ka tababar badan yahay, oo ka habaysan yahay, oo ka dhisme badan yahay, oo ka qalab badan yahay Shalay ka hor imay soo marin.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Sayid C/laahi Aadan ayaa shaqaalaha uga digay in ay dadka soo degayaasha ah soodhaweyan gaar ah u sameeyaan oo aan ahayn ta shaqada, maadaama Wasaarada Duulistu joojisay soo dhaweynihii Madaarka Gudahiisa, waxaana hadlkiisa ka mid ahaa:-“Waxaan doonayaa Shaqaale Weyanaha Madaarka in aan u sheego, inaga lafteenu in aynaan soo dhaweyanaha ka qaybqaadan maadaama aynu joojinay, waxaa laga yaabaa mid inaga mid ah in Walaalkii imanaayo, waxaa laga yaabaa, waxaa lagayabaa mid inaga mid ah in eedadii imanayso, waxa laga yaabaa in Qof aad meel uun qaraabo ka tihiin in uu Madaarka ka dhoofayo ama ka soo degaayo, qofka Shaqaalaha ah ee qof kayuuga u fududeeya ee shandada u qaada, ee Basboorka u qaada, ee kayuugiisii uu gali lahaa ee uu dadka kala mid ahaan lahaa dhaafiya, waa danbiile ama madax ha ahaado ama minjo ha ahaadee, waxaynu rabnaa Dadku in ay sinaadaan marka ay Madaarka soo galaan.”

Wasiirudawlaha Wasaarada Duulista Axmed Nuur Faahiye ayaa isana halkaasi ka sheegay in Wasaaradiisu ay Guul taagan tahay marka la barbar dhigo wakhtiyo hore, waxaanu yidhi:-“Runtii Madaarka iyo Wasaarada Duulistu ee J/S/L waxa ay soo martay wakhtiyo badan, marxalado adag, Shalay waxa ay maraysaa meel aad iyo aad loogu naaloon karo, oo Jamahuuriyad Somaliland ay ku faani karto, manta waxa ya joognaa Cigaal International Airport 2007 ayaan ka soo degay oo waxaan waayey shandadii aan sitay, lama xadin laakiin Xamaalin ayaa kala boobay oo la yaacay, Shalayna waxa aynu maraynaa halkaa guushu waxa ay ku xidhan tahay samir in aad samirto, iyo in aad Dalkaaga u shaqayso.”