telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Akhriso Wararkii Wargeyska Warsugan Media Group ee Maanta oo Axad ahayd

Siyaasi Cali Khaalif Oo Talo Siyaasadeed Uu Jeediye Xisbiyada Qaranka

 

 

“Somaliland Kama Duwan Arrimihii Ka Dhacay Dalalka Carabta Oo Waxa Ugu Waynaa Oo Ahayd Dhallinyarro Wax Baratay Oo Aan Shaqo Loo Hayn.”Siyaasi Cali Khaliif

 

Burco, Somaliland September 29, 2019 (Warsugan) – Siyaasi Cali Khaalif Galaydh,  ayaa ugu baaqay siyaasiyinta iyo asxaabta qaranka jamhuuriyada Somaliland in ay umadda ku hoogamiyan aragti hufan oo laa jaanqaada isbadelada siyaasadeed ka socda mandaqada Geeska Afrika.

 

 

Siyaasi Cali Khaalif Galaydh oo kamid ahaa marti sharafti lagu casuumay shirka golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani maalinti shalay ka qaabsoontay magalada Burco ee gobolka Togdheer. Khudbad uu siyaasi Cali Khaalif Galaydh ka jeediyee shirka golaha dhexe ayaa mahadnaaq balaadhan uu jeediye masuliyinta xisbiga Waddani, waxana hadalkisu uu dhigna sidan “Wakhtigan aynu joogno wax badan oo isbadel oo kacdoon ka socda geeska Afrika oo dhan, inta af Soomaaliga lagaga hadlo oo dhan.

 

 

Waxa aan qaaba oo aan la marin-hababi karayn in Somaliland door wayne ay ku leedahay horumarka, nabada iyo midnimada inta afsoomaaliga ku hadasha. Waxa aan qaaba in aan laga hadhi karaynin isbadelka iyo kacdoonka Geeska Afrika ka socda, waxaana mudan hawshu mamul iyo dowlad uun mahaa. Siyaasada karkarinteeda iyo qaaxideeda iyo aragti dheer oo laga sugayo; waxa leh xisbiyada.

 

 

Xisbiyada ayay tahay in ay waxan soo bislayan kana soo doodan oo tilmaamo ka soo bixiyan lolaanka siyaasadeed kuma eeka uun marka doorashada ay jirto. Xisbiga guulaysta, waka intan loo dhaqaqiin doorasho iyo tartan cida isku mashquulisa arrimaha umadda uu bahan tahay oo aad iyo aad looga doodo.”

 

 

Siyaasi Cali Khaalif Galaydh ayaa sidoo ka hadlay xalaadaha kala duwan ee dalka ku sugan yahay isago sii gaar ah uu tilmaamay dhinacyada amniga, waxana hadalkisu uu dhigna sidan “Arrinta ugu culus ee Somaliland maanta hortaalla, anniga aragtidaydda, waxa weeye arrinta dhallinyaradda iyo waxbarashadda dalkan taalla oo Somaliland kama duwan arrimihii ka dhacay dalalka carabta oo waxa ugu waynaa oo ahayd dhallinyarro wax baratay oo aan shaqo loo hayn.”

 

Dooda Iyo Falanqaynta Miisaaniyadda 2020-Ka  Ee Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dawladda Oo Maanta Si Rasmi Ah Xarunta Wasaaradda H. Maaliyadda Uga Bilaabantay

 

 

 

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyada oo ku guda jirta, raacaysa-na geedi socodka diyaarinta Miisaaniyadda 2020-ka ee Xeerka Maamulka Maaliyaddu, waxay si rasmi ah maanta u bilowdey wada xaajoodka iyo falanqeynta Miisaaniyadda 2020-ka ee  Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda.

 

 

Doodaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa waxa

gudoominayey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Cabdiqaadir Maxamuud Sheikh Muxumed (Dhagowayne), isla markaana uu ka qaybgalay doodaas Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Md Maxamed Cabdi Gurxan iyo masuuliyiin sarsare oo kala socday hay’adaha kala duwan dawladda.

Shirkan lagaga doodayey qaybinta miisaaniyad sanadeedka 2020-ka ee hay’adaha dawladda ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey, iyadoo laga duulayo meelaha mudnaanta wayn la siinayo miisaaniyadda 2020-ka.

 

 

Sidoo kale miisaaniyadan ayaa noqonaysa tii u horaysa ee nooceeda ah ee lagu diyaariyo Nidaamka Macluumaadka Maamulka Maaliyadeed ee Somaliland ee loo yaqaan (SLFMIS), iyadoo la sugayo xogaha maaliyadda qaranka, isla markaan lagu sargoynayo buuga miisaaniyadda ee 2020-ka oo ay ka muuqan doonaan baahiyaha iyo adeegyadda aas-aasiga ah.

 

 

Wada xaajoodkaas  iyo falanqeyntaas ayaa waxa aasaas looga dhigay qodobadda ku xusan Siyaasadda Miisaaniyadda 2020, ee ay sargooyeen Gudidda Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranku.

 

 

Miisaaniyadda 2020 oo salka ku haysa Tiirarka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2 ayaa waxa dhamaadka doodan oo socon doonta mudo laba todobaad ah loo gudbin doonaa Golaha Wasiiradda iyo Golaha Wakiiladda oo ka gudan doona waajibaadyadooda dastuuriga ah.

 

 

Sidoo kale Waxa xusid mudan, in wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ay diyaarisey Qorshe miisaaniyadeedka mudadda dhexe ee loo yaqaano Medium Term Fiscal framework ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano(MTFF), kaas oo lagu saadaalinayo dakhliga iyo kharashka saddexda sano ee soo socda, kuwaas oo dhawaan loo gudbin doono Golayaasha Wasiiradda iyo Wakiiladda.

 

 

Suldaan Taageero U Muujiyey Ururka

Midnimadda Somaliland Iyo Baaqna U Diray Ceel-afweyn

 

 

“Qurba-Joogu Ma Wadda Xumma, Dadka Qurbaha Jooga Waa Dadkii Dalkan Dhisay, Waa Dadkii Agoomaha Caawinayay….” Suldaan Maxamed Sul. Xasan

 

 

Hargeysa, 29 September 2019 (Warsugan)-Suldaan Maxamed Suldaan Xassan Barre oo ka mid ah salaadiinta ku dhaqan dalka Kanada , ayaa taageero u muujiyay ururka midnimadda Somaliland. Islamarkaanna wuxuu sheegay inuu ka mid yahay ururkan iyo urur kale oo lagu magacaabo Xoojinta Qarrannimadda Somaliland.

 

 

Suldaan wuxuu sheegay aannu maqal qurba-joog dhaqaale ku bixinaysaa siddii dab loogu shiddi lahaa jiritaanka Somaliland iyo midnimadda Ummadda, siddoo kalenna taageero u muujin doonno cidkasta oo wannaaga iyo walaalnimadda ka shaqaynaysaa.

 

Suldaanku wuxuu siddaa ku sheegay waraysi uu siiyey Telefishinka Horn Cable Tv, waxaannu yidhi isagoo ugu horrayn ka hadlayaa ururka midnimadda Somaliland “Runtii ururku magacaa uu sito ayay ka muuqataa, ururka midnimadda Somaliland marka haddii uu ururku ka hadlayo midnimo wannaagnaa isugu yimaadeen in dalkoodda kaga shaqeeyaan. Marka haddii uu ururku wannaag ka shaqeeynayo oo nabad ka shaqaynayo oo uu ka shaqaynayo isu-keennidda ummadda, dee waxaan filayaa in la taageero.”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Xasan.

 

Sidoo kale wuxuu Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre sheegay in qurba-joogtu wadda xumayn “Qurba-joogu ma wadda xumma, dadka qurbaha jooga waa dadkii dalkan dhisay, waa dadkii Agoomaha caawinayay , waa dadkii iskuuladda dhisay, waa dadkii dadkoodda halkan (Dibadda), waxa uga dirayay. Waa dad aynnu runtii wadda odhan karno way xun yihiin ma’ahaa. Qurba-joog baa  dhaqaale ku bixinayaa inuu dab-qarxo waligay maan maqal.Laakiin inta xummi way yartahay, intaanna waxaynnu leenahay ilaahay ka yaabbaa. Ururkan iyo midkalebaa odayaashiisa ayaan ka mid ahay oo waxa jira midkale oo la yidhaahdo Xoojinta Qarrannimadda Somaliland oo isaganna ka mid ahay oo intii kasta oo wannaag wadda-baa ka mid baan ahay.

 

Dhinaca kale, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan wuxuu farriin wanno iyo walaalnimo u jeediyey in la damiyey collaad soo noq-noqonaysaa ee ka jirta deegaanka“Waxaan aad iyo aad ugu ducaynayaa dadkaa Ceel-afweyn degan ee walaalaha ah ee isu-abtiga ah ee isu-inaabtiga ah ee isu-habarwadaagta ah in ilaahay dabkaa ka baqtiyo ayaan rejaynayaa.”Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre

 

 

Xisbiga Ucid Oo Daraasad Ka Sameeyey Gorgor Dad

Qaad Ah Oo Ku Soo Badanaya Deegaanadda Somaliland

 

“Shimbirkanni 24-Kii Saacadood Wuxuu U Baahan-Yahay Beer, Labba Kalyood Iyo Indho….”Cabdiqani Ibraahim Salaf

 

Hargeysa, 29 September 2019 (Warsugan)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCid, ayaa soo bandhigay daraasad uu ka sameeyey Gorgor dad qaad ah oo ku soo badanayaa deegaanadda Somaliland. Islamarkaanna waxay soo bandhigeen qaabka uu Gorgorku u noqdo dad qaad.

 

Xisbigu wuxuu daraasadiisa ku sheegay in Gorgorkanni ka soo tallaabay buuralayd Ameerika, sidoo kalenna marka uu siddan dad qaad u noqdo uu ku dhaco xannuun ku dhaca digaaga oo maskaxda ku keenna isbedel.

 

Cabdiqani Ibraahim Salaf oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UCid ayaa sheegay in daraasaddan in muddo ah waddeen, waxaannu sharraxay qaabka uu shimbirkanni kaga soo tallaabay Qaaradda Ameerika“Shimbirka sidda aannu xaqiijinay iyo daraasaddo farra-badan oo aannu ka samaynay. Waxa weeye Shimbirkanni, shimbir ka soo tallaabay qaaradaha adduunka, waxaannu inta badan ku noolyahay shimbirka intan awooda bani’aadamka uu ku weerari karro leh, buuralayda Ameerika meelo ka mid ah ayuu ku noolyahay. Waa Gorgor had iyo jeer wax culus qaadi karra, mararka qaarkood wuxuu ugaadhsadda oo uu qaataa Riyaha dibad-joogta ah ee ku nool buuraha Ameerika.”Ayuu yidhi Cabdiqani

 

Cabdiqani Ibraahim Salafka wuxuu sheegay in Shimbirkan uu soo waajahay xannuun ku dhaca digaaga oo bedelay maskaxdiisa “ Shimbirkan siddii caadiga ahaa ee uu u noolaa waxbaa ka bedelan, shimbirkan waa shimbir xannuun ku dhacay oo waxa ku dhacay xannuunka digaaga ku dhaca oo nidaamkii maskaxdiisu caaddiga u ahayd ayuu wax ka bedelayaa oo qaab waali ah oo kale ayuu u shaqaynayaa, marnaba isagoo bani’aadam quutal-darruuri ka dhigannaya lamma arag marka uu caadiga yahay, laakiin waa marka uu xannuunku ku dhaco.”Ayuu yidhi Cabdiqani.

 

Cabdiqani Ibraahim Salafka, wuxuu sheegay in dalka ku noolaan jireen noocyo kala duwan oo magacyo kale duwan lahaan jiray, balse kanni 24-kii saacadood uu doonayo inuu cunno beer iyo labba kalyood iyo indho “Innaga dalkeenna waxa ku noolaa Geel-toosiye, Baqaye, Gorgor intabba wuu ka wayn yahay shimbirkanni. Markan sidda la sheegay 24-kii saacadood wuxuu u baahan-yahay inuu mar cunno Beer iyo labba Kalyood iyo indho uu kala baxo ugaadhsigiisa, immikanna waakan ka dhigtay bani’aadam. Marka waxaan leeyahay xukuumaddu go’aankii looga baahnaa may qaadan oo waxay ahayd in wacyi-galin badan la sameeyo oo dadka ay xukuumaddu wacyi-gelin u samayso.  Sidoo kale waxay xukuumadda ahayd in ay tacsi gaadhsiiso , dadkii dadkoodda ku waayay masiibaddan.”Sidaa ayuu yidhi Cabdiqanni Ibraahim.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dubai Kula Kulmay Ganacsato Waa Weyn Oo Danaynaya Inay Maalgashadaan Somaliland Iyo Arrimaha Ay Ka Wadda Hadleen

 

 

Dubai-28-09-2019-()-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdillaahi Abusite welina ku sugan Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maalin-nimadii shalay ee jimcihii (27-09-2019) waxa Hotelka uu ka degan yahay Dubai ku soo booqday ganacsato waa weyn oo danaynaya inay maalgashadaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Kulankan Madaxweyne ku xigeenku uu la qaatay ganacsatada ku soo booqatay hotelka uu degan yahay ayaa ujeedkiisu daaranaa sidii ay qayb uga noqon lahayaeen horumarka balaadhan ee ka socda Dalka Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumairnta dhaqaalaha dhan walba la xidhiidha.

 

 

Waxaanay ganacsatadaasi u soo bandhigeen madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland inay danaynayaan inay maalgelin ku sameeyaan dhinaca Beeraha, Dalxiiska, wershadaha iyo inay ka sameeyaan gudaha dalka Hotello waa weyn oo casri ah, madaama ay Somaliland noqotay meel maanta caalamku isha ku hayo oo uu danaynayo una tartamayaan ganacsatada waa weyn iyo dawladdaha aduunku.

 

 

 

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmana Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ganacsatada uga mahadnaqay sida ay u danaynayaan Dalka Somaliland inay maalgelin ku sameeyaan ayaa ugu horayn ku marti-qaaday ganacsatadaasi inay dalka yimaadaan oo ay soo indho indheeyaan horumarka iyo dedaalada maalgelineed ee ka jira dalka Jmahuuriyadda Somaliland, soona arkaan xeebaha dalka gaar ahaan Marsada Berbera oo iyadu wakhtigan hoggaanka u haysa horumarka ka socda dalka, lehna garoon diyaaradeed oo hadda uun farta laga qaaday ahna ka Afrika ugu weyn wakhtigan, loona isticmaali karo nooc kasta oo diyaarado ah Afrika inteeda kalena looga faa’iidayn karo dhinaca ganacsiga kaarkooga.

 

 

Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday isfahan iyo xidhiidh wanaagsan oo dhexmara ganacsatadaa caalamiga ah iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

 

 

Waalidiin Cabasho Ka Muujiyey Madarasaddo Ardaydooda Ku Amray In Dirayska Laga Dhex Iibsaddo

Hargeysa, 29 September 2019 (Warsugan)-Qaar ka mid ah madarasadaha gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala caasimada Somaliland ee Hargeysa,  ayaa ardayda wax ka barata amar ku siiyay in dirayska aanay u doonan meheradaha ay ka soo iibsan jireen, isla markaana maamulka madarasadahaasi u keeneen dirayska oo waaraad ah loogu xardhayo astaanta madarasada oo ay iyagu ka iibinayaan.

 

 

Laba madarasadood oo ka mid ah kuwa ka hawlgala xaafadaha Ayax II iyo Sheekh Cumar ee degmada 31-ka May ayaa dhawaan ku wargaliyay ardayda wax ka barata in dirayska ay u keeneen kana iibinayaan ardayda halkii awal hore waalidiintu ardaydu meheradaha ay doonaan ka soo iibsan jireen.

 

 

Waalidiin fara-badan oo ka soo jeeda qoysaska danyarta u badan ee xaafadaha Faluuja iyo Sheekh Cumar ayaa cabasho ka muujiyay tallaabadaasi ay qaadeen maamulada madarasadahaasi. Islamarkaanna aanay awoodin dhaqaalaha iyo xujadda lagu xidhay ardaydooda ee ka iibsashadda dirayska.Sidoo kalenna waxay dhacdadan ku tilmaameen mid u gogol xaadhaysa darriiq macaash farra-badan iyo dhaqaale ururi ku raadinayaan madarasadahanni.

 

 

Cabdilaahi Yuusuf oo ka mid ah waalidiinta ardayda ee degan xaafada Ayax II (Faluuga) oo ka hadlay cabashada ku wajahan madarasadahan ayaa waxa uu yidhi “Horta xaafadahan Ayax II iyo Sheekh Cumar waxa u badan dadka degan qoysaska danyarta ah, marka maamulka madarasuhu ku wargalinayaan inay dirayskii iyagu ka iibinayaan halkii awal hore aanu ka soo iibsan jirnay qofba meesha uu doono.”

 

 

“Qaar baa agoon ah oo dad soo siinayay, qaar  ka soo iibsanaya huudhaydhka jaban halka qaarna meherado kale ka soo iibsan jireen. Hadaba madasadahan marka horeba anaga oo la tacaalaynay qiimaha waxbarashada ee ardayda ay ka qaadaan oo qaali ahaa hadana ay noogu dareen dirayskii inaanu iyaga ka iibsano, waxay tahay arrimahaasi kuwo aanan liqi karayn, waxaanay ku macneeyeen habdhaqan dhibaato iyo dhiig miirad ku ah dadka danyarta.Hore ayay ardaydan ka soo jeeda qoysaska danyarta ah uga taajireen wakhtigan xaadirka ahna waxay ku doonayaan dhaqaale iyo macaash farabadan oo maalin ku taajira.Xukuumada waxaanu ugu baaqayna in wax laga qabto xaaladan danyarta dhibaatada ku ah ee ay kula dhaqmayaan maamulka madarasadan dhiig miiradka ah”  Sidoo kale Axmed Aw Muxumed oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Aad baanu ula yaabnay markii ay ardayda aanu waalidiinta u nahay ay fariinta soo fareen horjoogayaasha madarasada xaafada Faluuga aanu deganahay in dirayskii oo waaraad ah ay keeneen  ardayda ka iibin doonaan meel kale aan laga soo iibsan karin. Talaabadaasina khasab ayay nagu noqotay oo amaah iyo caaqiibo waanu ka iibsanay laakiin awood uma lihin oo qoysas danyar ah ayaa u badan ardayda, sidaa darteed waxaanu wasaarada waxbarashada Somaliland u sheegayna in wax laga qabto madarasadahan kootada ku xidhay dirayskii ardayda ee dukaanka aanu doono ka soo iibsan jirnay.

 

 

Waxaanan ku macneeyay talaabooyinkan qaldan ee madarasadihii caruurtu wax ku baranayeen horjoogayaashii dhaqaale urursiga aan loo meel dayin go’aamiyay in danyarta shilinka u danbeeya ay ka qaadaan tixo gabay ka mid aha nin abwaan ahi tiriyay waxa uu yidhi.

 

Culimaynu lahayn carabkoodu tuf leeyahay

Culimaynu lahayn haday caawa ducayso

Caadil uu aqbalaayo

Waxa caawa na haysta culimo diinul fuluusa

Oo doolarka uun cidhbinaaya.

 

Dhinaca kale, waalidiinta ayaa xukuumada iyo masuuliyiinta wasaarada waxbarashada iyo sayniska ugu baaqay in si deg-dega ah wax looga qabto madarasadahan ardayda ku amray in dirayska aanay meel kale ka soo iibsanin ee ka madarasad ahaan iyagu ka iibin doonaan.

 

 

 

Nin Lix Bilood U Lugeynayay Moscow Si Uu U Afgambiyo Madaxweyne Putin

 

 

Waddanka Ruushka, mucaarad kasta oo dowladda kasoo horjeesta si xun ayuu u burburaa, sidaas darteed waxaa mucjiso noqotay in la arko hal nin oo hoggaamiye ruuxi ah oo loo oggolaaday inuu ku lugeeyo waddanka oo dhan muddo lix bilood ah.Alexander Gabyshev wuxuu doonayay inuu gaaro magaalada caasimadda ah ee Moscow, si uu fool-ka-fool uga hortago madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, laakiin waxaa hakiyay ciidamada booliska.

 

 

BBC-da ayaa ninkan la kulantay intii uu waddada ku sii jiray, ka hor inta aan la hor-istaagin.Gabyshev wuxuu isku qeexay nin ka adag sheydaanka iyo ficilladiisaba.Sida uu sheegay, wuxuu doonayaa inuu si khasab ah xilka uga qaado madaxweyne Putin, isagoo adeegsanaya hab nabadeed oo aannu dhiig ku daadanin”Nin awood dheeraad ah leh kaliya unbaa la dagaallami kara sheydaanka, laakiin ma jirto cid kale oo ka guuleysan karta, waxay doonaan ha noqdaan awood kastana ha heystaan, waayo cadowgu ma aha bani’aadan ee waa sheydaan, ninka awoodda Alle wata oo kaliya unbaana ka adkaan kara”, ayuu yiri Gabyshev.inuu lugeyn doono masaafe dhan 8,000km, oo guud ahaan dalka Ruushka ah, si uu u gaadho magaalada Moscow, halkaasoo uu ku yaallo xafiiska madaxweynaha.

Hase yeeshee ciidamada amaanka ayaa joojiyay markii uu lugeynayay ilaa 3,000km, oo u dhiganta 1,865 mayl.Waxaa noo suurtagashay inaan la hadalno inta aan la xirin ka hor.Isaga iyo shakhsiyaad kale oo soo raacayba waxay sheegayaan in howshoodu ay ku saleysan tahay hab nabadeed.”Hal arrin oo aan ogahay ayaan kuu sheegayaa, taasna waa in marka aan tagno Moscow ay magaalada oo dhan noqon doonto mid ay harqiyaan mowjado naxariis ah”, sidaas waxaa yidhi nin waayeel ah oo ka mid ah dadka la socda ninka loogu yeeray “Hoggaamiyaha ruuxiga ah.Ka dib markii uu muddo lix bilood ah lugeynayay, Gabyshev wuxuu noqday qof caan ah oo laga yaqaanno dalka iyo dibaddaba, waxaana lagu aqoonsaday inuu yahay nin isagoo kaligiis ah u istaagay inuu isbaddal ka sameeyo waddanka Ruushka.”Kaliya waxaan maqalnay in ninka sheydaamada ka adag uu u socdo inuu la kulmo Putin, si uu xilka uga qaado”, ayey tiri haweeney ka mid ah dadka shacabka ah ee mucjisada u arka ninkaas.ah shacabka ayaa u muujiyay taageero, waxayna BBC-da u sheegeen inay qabaan fikrad la mid ah tiisa”Marka laga hadlayo in meesha laga saaro Putin, isku aragti ayaan ka nahay.

 

 

Dhamaan kuwa xukunka haya waa in lag aero, waa waraabeyaal”, ayuu yiri nin la hadlay BBC-da.Dowladda Ruushka ayaa si isdabajoog ah u beenisa eedeymaha ay dadka mucaaradka ku ah u jeediyaan.Gabyshev iyo kooxdiisa yar waxay aaminsan yihiin fikrado adag oo la xiriira diinta masiixiga.Mas’uuliyiinta ayaa ninkan dib ugu celiyay magaaladii uu kasoo jeeday, waxaana la geeyay isbitaal lagu daweeyo dadka dhimirka la’, laakiin markii dambe waa laga saaray isbitaalka.Hadda wuxuu ka war sugayaa in lagu soo oogi doono dacwad dhinaca xagjirnimada ah iyo in kale.Mar uu goor dambe BBC-da kula hadlay khadka telefoonka ayuu sheegay in mudaharaadkisii uu aaminsan yahay inuu dad badan dhiirrigaliyay, uuna rajeynayo inuu isbaddal sabab u noqon doono.

 

 

Cilmi-baadhi Iftiimisay Masaasadihii Dadkii Horre Ilmaha Caannaha Ku Siin Jireen

 

Cadaymo cilmi baadhiseed ayaa lagu ogaaday in 3000 sano ka hor dadkii jiray ay caruurta masaasado caanaha xoolaha ku siin jireen.

 

 

Khubarada aasaarta qadiimka ah ayaa helay hadhaadiga dufan ku engegay weel dhoobo ka samaysan oo qadiim ah, taas oo cadayn dhif ah ka bixinaysa habkii caruurta loo quudin jiray cahdigii dhagaxa.

Nooca caanaha xoolaad ee la siin jiray lama cadday karo, waxay se u badan tahay in ay caano lo’aad iyo kuwo riyaad ahaayeen.

 

Waa caddayntii ugu horraysay ee toos ah oo muujinaysa sida ubadka waayadaa loo quudin jiray, ayay tidhi Dr Julie Dunne oo ka tirsan Jaamacadda Bristol, waxaanay intaa ku dartay in hab dhaqankaasi xoojin jiray taranta.

Qiyaastii 7,000 sanno ka hor cahdigii Neolithic-ga Yurub, hab nololeedka aadamuhu si wayn buu isku bedelay. Qadhaabsigii iyo ugaadsigiiba way dhamaadeen markii dadku beeraha barteen ee xawayaankiina carbsisteen ee dhaqashada barteen.

 

 

Aadanuhu wuxu bilaabay inuu xoolo ka maalo qiyaastii 6,000 sano ka hor, laakiiin wax badan lagama oga sida ay waayadaa ahayd cunnada ubadka ay siiyaan.

Caddaymo hore loo hayey ayaa muujinaya in ubadkii waayadaa hore dhalan jiray ay u badan tahay in marka ay naaska hooyada jaqaan lix bilood marka dambe loo bilaabi jiray in cunto loogu dhafo caanaha naaska, laakiin cunnadu nooca ay ahayd lama garanayo.

Caruurta caana lagu siinayey masaasadahaas aan la nadiifin karin ayaa waxay muujinaysaa in ay halis weyn caruurta u keeni karayeen.

 

Sian Halcrow oo ka tirsan jaamacadda Otago ee New Zealand oo ka hadlayey daraasaddaa lagu baahiyey majallada Nature, ayaa sheegay in loo baahan yahay daraasaad dheeraad ah oo lagu derso caanaha xoolaha iyo cuntada waayadaa caruurta la siin jiray.

 

 

Jimicsiga Oo La Ogaaday In Uu Ka Hor Tago Suuska Ku Dhaca Ilkaha

 

 

Caajisnimada ku dhacda ragga da’da dhexe ah, ayaa la ogaaday inay sababto suuska halista ah ee ku dhaca ilkaha, marka loo eego ragga firfircoon sida ay daboolka ka qaaday cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen koox ka tirsan Dugsiga Caafimaadka ee Honover Medical School ee dalka Jarmalka.

 

Cilmi-badhayaashu waxay ifiyeen in suuska dadkan casriga ah ku dhacaa uu la xidhiidho jimicsi la’aanta ragga da’doodu u dhaxayso 45 ilaa 65 jir, kuwaasoo badankoodu fadhiga ku shaqeeya.

 

Daraasadan oo laga qaaday 72 nin oo caafimaad qaba oo aan wax jimicsi amma ciyaaro ah ka qayb qaadan, kuwaasoo si joogto ah inta badan u fadhiista goobahooda xafiiska, waxaana soo baxday in suusku ku dhasho ilkahooda, kaasoo ku keena xannuun halis ah oo ilkaha ka daadiya, ciridkana xanuunjiya.

 

Daraasad hore ayaa sidoo kale ifisay dadka sida joogtada ah u jimicsada in ay noloshoodu tahay mid caafimaad ku waarta, taasoo 40% ay ka badbadaan cudurrada ku dhaca cirridka.

 

Dr. Nigel Carter oo ah madaxa Hay’adda Caafimaadka Ilkaha Ingiriiska (British Dental Health Foundation) ayaa cilmi-baadhistan u isticmaalay inuu dadka xasuusiyo faa’iidada caafimaadka afka.

 

“Dadku waa inay daryeelaan caafimaadka afkooda iyo ka jidhkoodaba, cilmi-baadhistana waxay ifisay dadka khatarta ugu jira inay cudurrada afka qadaan, waana inaad ilkahaaga ka shaqaysa, jimicsigana badsata,” ayuu yidhi Dr. Carter.

 

Washintong: Xukun Ku Dhacay Gabadh Maraykan Ah!

 

Xaakinka Gobolka Ohai ee Maraykanka ayaa xukun yaab leh ku riday gabadh 18 sano jirtay. Gabadhan oo lagu magacaabo Victoria ayaa lagu eedeeyay inay bixin weyday kirada Taxi ka qaaday magaalada Kalefland oo gadhsiiyay Pasnsevilai.  Xaakinka ayaa gabadhan ku riday inay lugayso 48 Km, oo ah masaafaddii ay Tax-ga kiraystay, Kaasi oo muddo hal saac ah socday.

 

Waxa kale oo xukunka ku jira in muddo saddex maalmood ah ay ka shaqayso arimaha bulshada, isla markaana ay siiso shirkadda taxiga leh $ 100 doller.

 

Xaakinka ayaa sheegay in markii hore uu doonayay inuu ku rido xadhiga bil laakiin uu haddana sidan ka doorbiday. Xaakinkan oo lagu magacaabo Mickel Seikonti Wuxu caan ku yahay xukuno dadka ka yaabiya.

 

 

La Wareegidda Shidaalka Faa’iido Mise Khasaaare?

 

 

Dawladi tallaabo kasta oo ay qaado iyada oo wanaag u ga dan leh, haddana waxa ay yeelataa waxa loo yaqaan “pros & cons” oo noqonaya in tallaabadaasi labo af leedahay. Af loo dan leeyahay oo ah in uu keensado faa’ido iyo mid kale oo faa’idada lafteeda ka dhasha oo khasaare ah.

Tallaabada noocan ah ayey shalay xukuumadda Somaliland qaadday. War ka soo baxay Xafiiska Maareeyaha Haamaha Shidaalka ayaa la gu sheegay “in laga bilaabo kowda bisha October ee soo socota ay iyadu dalka keeni doonto shidaalka, isla markaana ay shirkadaha shidaalka hadda keenaa ay iyada keliya ka sii qaadan doonaan”.

Tallaabadan dawladdu qaadday waa go’aan dhaqaale. Aragti ahaan falsafaddan dhaqaalayahanku waxa ay ugu yeedhaan “public ownership or nationalisation”. Marka ay sidaa tahay, aan ka eegno dhanka dhaqaalaha. Tusaale ahaan, in dawladdu suuqa ganacsiga wax ku yeelato maxaa faa’ido ugu jira dhaqaalaha waddanka, maxaa se khasaare ugu jira wakhtigan?

Faa’idada ugu weyn ee in dawladdu wax ku yeelato suuqa wax kala iibsiga iyo wax soo dejinta si ay waxtar dhaqaale ugu soo kordhin karto waddanka waxa kow ka ah; in la helo badeecad aad u ga jaban tii hore. Waxa kale oo iyana faa’ido weyn ah in haddii dawladdu suuqa wax ku yeelato wakhtiga adag aaney dawladnimadu liicin saameynteeda oo weynaata awgeed.

Aan tusaale u soo qaadanno ammuurta jabnaanta badeecada; Somaliland shidaalka ganacsigiisu (soo dejin iyo iibin) waxa uu gacanta ugu jiray ganacsato. Somaliland iyada oo bad leh, ayey haddana ahayd meesha ugu shidaalka qaalisan Bariga Afrika. Halka Itoobiya oo aan bad lahayn shidaal ka jaban kan Berbera ka soo dega ay dib u ga soo iibin jirtay Somaliland! Sababta ugu weyn ee sida tan ay u noqotay waa in dawladda Itoobiya ay gacanta shidaalka ku haysay.

Dhanka kale, in dawladdu shidaalka keligeed soo dejiso kelideedna sii iibiso muxuu khasaaraheedu noqon karaa ayaa iyana su’aal dhaqaale ah. Jawaabtu waa in aaney fududayn in dawladdu inta ay aayar la wareegto shidaalka ay si quman u wadi karto. In suuqa shidaalka ay dawladdu la wareegto waxay u baahan tahay cilmi shaqo oo sax ah.

Cilmi loo gu horraysiinayo ballanqaad qaran (national commitment) karti shaqo (level of enthusiasm), agab shaqo (infrastructure), maamul wanaag (proper governance framework) iyo isla xisaabtan joogto ah (sound accountability). Haddii intaa soo dhab ah dawladdu la iman karto ahlan wasahlan ayaan leenahay. Haddiise shaqadu karti darro noqon doonta iyo in saami-qaybsi miisaan loo ga dhigo way ka sii xumaan. Jimce wanaagsan.

Mohamed O. Hagi Mohamoud

 

Sagaal dagaal Oo Dunnida Ugu Samayn Badnaa Siddeed Muslimka Guulaystay

 

 

Waxaa yaab leh, sagaalkii dagaal ee dunida u gu saamaynta badnaa siddeed ka mid ah muslinka ayaa galay. Bal arag:

Waxa Qoray Ibraahin Hawd

Goobtii Badar oo ka dhacday dhulka maanta loo yaqaan Sacuudiga sannadkii 624 Miilaaddiga. Waxaa galay ilaa 950 nin oo Qureesh ah iyo 350 Muslin ah. Muslinka ayaa adkaaday, waana barbilowgii guulihii Islaamka iyo hirgalka Diinta Nebi Maxamed.

Goobtii Yarmuuk oo ka dhacday dhulka imika loo yaqaan Urdun sannadkii 636. Waxaa is ku helay ciidankii imbaradooriyadda Biisanda (Room) oo gaadhaya 100 kun ilaa 200 oo kun, iyo muslinka oo gaadhayay 25 kun ilaa 40 kun. Waxaa adkaaday muslinka, wax ayna barbilow u ahayd damaca imabaradooriyadeed ee Muslinka.

Goobtii Thaata Sawaarii oo Badda Dhexe badhtankeeda ka dhacday sannadkii 654. Waxaa is ku helay awooddii badda ee Imabaradooriyaddii Biisanda oo ahayd quwadda badda ee caalamka u gu sarraysa, oo wadata in ka badan 500 oo markab, iyo quwaddii badda ee Muslinka oo curdin ahayd. Waxaa ku adkaaday Muslinka, waxaana sidaa ku jabay qabkii iyo islaweynidii Masiixiga ee badaha.

Goobtii Tours ama Balaad Ashuhaddaa. Wax uu ka dhacay dalka Faransiiska sannadkii 732, waxaana is ku haleelay ilaa 25 kun oo Masiixi Faransiis ah iyo 20 kun oo ah muslinkii dawladda Umawiyada Andalus. Waxaa ku jabay muslinkii, waxaana halkaa ku joogsaday dhul ballaadhsigii Muslinka Galbeed. Waxaa la hubaa haddii Muslinku goobtaa ku guulaysan lahaayeen dunidu in ay maanta si kale u ekaan lahayd, waayo wax ay u badan tahay in Yurub oo dhami muslimi lahayd.

Goobtii Xaddiin. Wax ay ka dhacday dhulka Falastiin sannadkii 1187, waxaana is ku helay Macatableydii Masiixiga iyo Muslinkii Salaaxuduun Ayuubi. Muslinka ayaa ku adkaaday, sidaas bayna Quddus u gu soo noqotay gacanta Muslinka, duullaamadii Masiixiguna ku naafoobeen.

Goobtii Istanbuul oo dhacday 1453. Wax ay dhex martay ciidamadii Masiixiga Bisanda oo caasimaddooda difaacaya iyo duullaankii Cismaaniyiinta Turkiga oo dardar kulul lahaa. Waxaa adkaaday Cismaaniyiinta, sidaas bayna caasimaddii Yurub iyo Masiixigu Muslinka u gu gacangashay.

Goobtii Fiyeena oo dhacday sannadkii 1683. Imbaradooriyaddii Cismaaniyada oo wadata 150 kun oo askari ayaa doonaysay in ay qabsato caasimadda Usteeriya ee Fiyeena, taas oo ka mid ahayd kuwa Yurub u gu xoog badan. Goobtaa Muslinka ayaa ku jabay, sidaana waxaa ku joogsaday dhul ballaadhsigii dhanka Waqooyi ee Muslinka. Sideedaba halkaas bay ku soo afjarantay gacan sarrayntii Muslinka ee kunka sannadood soo socotay. Maalintaa haddii Cismaaniyiintu adkaan lahaayeen maanta dunidu si kale ayay u ekaan lahayd.

Goobtii Normandie oo ka dhacday xeebaha Faransiiska sannadkii 1944. Waxaa is ku haleelay ciidamadii Xulafada oo tiradoodu gaadhayso 150 kun oo askari iyo dhanka kale Jarmalka oo wata 50 kun oo askari. Xulafada ayaa ku adkaatay, waana barbilowgii jabka quwaddii Naziga ee dunida halista galisay Dagaalkii Labaad ee caalamka.

Wargeyska Warsugan Media Group

Hargeysa/Somaliland

183 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins