Akhristow ‘Googaa” ?

0
1417

Akhristow ‘Googaa” ?

hadaba si guud hadii loo eego noolaha naaslayda dhamaantii waxay ka simanyihiin marka ay dhashaan shayga u horeeya ee ay quutaan inuu yahay caanha Hoyadod.

Googaa macnahedu waa hab su’aaled dhaqankena ku jirayay oo loo adegsan jiray in halxidhaale la isugu gudbiyo.
marka qof hadalkiisa ku bilaabo “ Googaa,” waxa laga filan jiray inuu waydiimo soo wado. Intaa kadibna waxa loogu hadal celin jiray “Cigale”. Oo ay la socot jawaab looga celin jiray waydiimahisa, siday la noqoto qofka u jawaabaya.

aniguna sidoodi, bacda salaam akhritow maqaalka sheekadi koobani waa GOOGAA… ?
ee ku bilow hadalkaaga siday kula tahay jawaabtu CIGALE adigoo mahadsan……

GOOGAA… Xayawaanka waxa loo qaybiyaa, duur joog (wild animals )
iyo dad la joog ( domestic animals )
Duur joogta waxa kamida dugaaga dad iyo xoolaba halis ku ah waxana kamida .. Shabeelka, Marodiga iyo kuwa kale oo tiro badan, waxana ugu halis badan oo xataa lagu sheega inuu boqor u yahay Libaaxa.

dad la joogta oo loo yaqaan duunyo’ waxa kamida Geela, Lo’da iyo Adhiga, waxa intaa soo raaca kuwa dadkeeni hore u adegsan jiren gadid ahan, sida Fardaha, iyo dameeraha.
waliba waxa ugu mudnaa looguna jeclaa xoolaha la dhaqdo Geela, oo ahaaba midka guurka lagu kala gudooma wiilku gayaankiisa gabadha uu ka calmaday ka bixin jiray, oo dadkeeni hore Dahab meher ah, iyo doolar dhaban ah shaqo kumay lahayn ee waxa la is dhaafsan jiray boqol halad iyo baar qabkoodii.
waxa intaa soo raaca in geelu ahaaba midka magta lagu bixiyo oo malah maanta sii jirtaba.

hadaba si guud hadii loo eego noolaha naaslayda dhamaantii waxay ka simanyihiin marka ay dhashaan shayga u horeeya ee ay quutaan inuu yahay caanha Hoyadod.
oo ilaa inta ay ka gaadhayan ababka ( waqtiga ay cunto cuni karaan ) mid kastab cunto u gooniya ha yeeshee, waxa hubaal ah in marka hore laga simanyahay ku noolaanshaha Caanaha Hoyada.
waliba loogama baahna inuu xoogsi tago. Oo soo dhacsado nolol maalmeedkisa. Ee wuxuu sugaa inta hoyadii u keenayso daray ah oo markaasun ay u godlatay.

hadaba sidaas oo ay tahay marxaladdaa nololeed ee noolaha yari ku nool yahay ma oga waxa hoyadii ku nooshahay. Oo war iyo wacaal kama hayo in hayadii caano cabto, caws cunto, ama cad cunto.
markuu il iyo baal saaro wuu ku ordaa wuxuuna beegsadaa halka uu ka dhamayo caanaha hoyadi oo ah naasaha

malaha wan ku dheeraaday sharaxa ee aan usoo daadago maqaalkayga sheekadan googaa.
waa sida ay tahayba’e xoolaha lama raaciyo Nirgaha, oo ah Geela dhashoda, Waylaha oo ah lo’da iyo maqasha oo ah adhiga dhalankooda ah.
waxay inta badan joogan meel u dhaw xeradoda ama ardaaga reerka leh dunyadaasi. Waxayna ku sugaan waqtiga ay soo noqon doonan hooyoyinkod.
duurjoog iyo dadla jogna way ka simanyihin midaasi.
oo noolaha dibadgal ahi wuu qadhab tagaa isago ubadkisana uga sii taga meel uu ku ogyahay..

hadaba maalin aya waxa dhacday in libaax yar ( caga baruur ) oo aan wali ababin kalidina ah usoo dhaqaaqay meel ay joogaan, Nirgo, Waylo, iyo maqal.
geed ka ag dhawaa goobta ay joogeen ayuu iska hoos fadhiistay. Wuu daawaday isaa oo is waydiinaya waa maxay noolahani ?
wayo ? hooyadii iyo walaaladii cid aan ahayn muu arag mana maqal.
Waxa arkay oo u yimid Nirig kamida nirgihii meesha joogay oo arkayay Libaaxan yare e geedka hoo fadhiya kalidii, isna sidoo kalena la yaabana …..
geedkii aya la wada fadhiistay in cabaar ah waa la sheekaystay sheekadooda waxa ku jirtay caanaha ma cabtaa.?
Iyo Haa….adna ma cabtaa … ? iyo sidoo kale haa… Kadib waa la kala socday oo Libaaxii yara wuxu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid.
nirigiina sidoo kale goobtisii ayuu ku noqday. Laakiin wax balan ah lama kala qaadan. Ee is barasho iyo malaha ciyaar caruured arintoodu may dhaafin.
malintiibaana isugu horeysay isuguna danbaysay……. Oo Maxaa U sobobay in la isu soo xiisi waayo oo laisu soo noqon waayo…….waa yaab… BAL ADBA . …………

La Soco Qaybta labad ……………..

Mohamed Mohamud Ahmed. ( M,Arts )
Gabiley Somaliland.
E-mail. Maxamedarts1@gmail.com
Tel : + 252 63 4466498
Tel : + 252 65 9875050

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here