telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

AL-SHABAAB OO WEERAR QASAARO KALA DUWAN KA FULISAY GUDAHA DALKA KENYA

Nairobi (WARSUGANNEWS.COM)_Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegayaa in Xarakada Al-Shabaab ay sheegtay in dagaalyahano katirsan Kooxdooda oo ku sugan gudaha dalka Kenya ay weerar dhabo gal ah ku qaadeen ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo marayay deegaano katirsan gobolka xeebta.

Weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa ka dhacay Deegaan u dhow Mpeketoni, oo kuyaala Gobolka xeebta dalka Kenya, waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaaro kala duwan.

Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab , ayaa sheegay in dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weeraro dhabo gal ah ku qaadeen ciidamo katirsan booliiska Kenya ayna halkaasi ku dileen tiro kamid ah ciidamada Kenya.

Ururka Al Shabaab oo bartooda internet-ka ku sheegtay Mas’uuliyada Weerarkaasi ayaa tilmaamay in ay Dileen Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya islamarkaana ay ka qabsadeen Xoogaga Militariga Kenya 1 Gaari oo nooca Dagaalka.

Ilaa iyo hadaa ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowlada Kenya oo ku aadan in Weerarkaasi ka dhacay Laamuu looga Dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamadooda.
Al-Shabaab ayaa fadhiisimo waxa ay ku leeyihiin Keymaha Boni ee gobolka Xeebta dalka Kenya , waxa ayna dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha kenya ay marar kala duwan fuliyeen weeraro qasaaro uu kasoo gaadhay ciidamada amaanka Dalka Kenya

 

507 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins