telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

AL-SHABAAB OO WEERARTAY KOLONYO AY LA SOCDEEN CIIDAMADA KENYA IYO KHASAARAHA KA DHASHAY

Mandhera/Kenay (WARSUGANNEWS.COM)_Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar gaadmo oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya oo marayay duleedka degmada Mandera. Gudoomiyaha degmada Mandera Fredrick Shisia ayaa sheegay in kolonyada ciidamada ay ka soo baxeen magaalada Nairobi ayna ku sii jeedeen magaalada Mandera iyagoo weerarka uu ku ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Elwak iyo Lafey. Gudoomiyaha ayaa sheegay in halka uu weerarka gaadmada ka dhacay ay u dhowdahay xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ay hadana Al-Shabaab u suurta gashay inay ka soo talaabaan xadka ka hor inta aysan soo gaadhin ciidamo xoojin ah oo ku socday xuduuda.

516 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins