Amb Kaysar oo soo Xaqiijiyey Dadkii u dhashay Somaliland ee ka Badbaaday Doontii ku Qarraqantay Badweynta Mediterranneanka + Magacyada iyo Sawiro

0
452

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo soo Xaqiijiyey Dadkii u dhashay Somaliland ee ka Badbaaday Doontii ku Qarraqantay Badweynta Mediterranneanka

Athens(Warsugannews)Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland iyada oo ka duulaysa Masuuliyada ka saaran Muwaadiniinteeda meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin, isla markaasna gudanaysa Waajibka ka saaran Muwaadiniintii Somaliland u dhashay ee ay dhibaatadu ka soo gaadhay Doonidii kasoo baxday Dalka Masar ee ku Qarraqantay Badweynta Mediterranneanka, waxa ay Xukuumadu Dalka Giriiga u dirtay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed waxana uu la kulmay dadkii ka badbaaday Doonidaas oo tiradooda guud ay tahay 41 qof oo isugu jira Dad u dhashay Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya, Masar iyo Suudaan.
Xukuumada Somaliland waxay halkan ku Xaqiijinaysaa in Dadka Somaliland u dhashay ee Shilka Doonida ka badbaaday ay yihiin Sagaal qof oo kaliya oo kala ah:
No Magaca Magaca Hooyada
1 Cabdixakiim Xariir Cali Hooyadiina la yidhaa Hodan Xasan
2 Samatar Cilmi Cabdilaahi Hooyadiina la yidhaa Xamda Xuseen Cawaale
3 Muxiyadiin Xuseen Cali-waash Hooyadiina la yidhaa Hindisa Faarax
4 Cabdixakiim Abokor Diiriye Hooyadiina la yidhaa Xalwo Barre Xuseen
5 Khaalid Cumar Doodi Hooyadiina la yidhaa Nimco Xasan Yuusuf
6 Xamda Daahir Yuusuf Hooyadeedna la yidhaa Canab Caydiid
7 Najax Xuseen Maxamed Hooyadeedna la yidhaa Aamina Cabdi
8 Liibaan Khadar Jaamac (Shaani) Hooyadiina la yidhaa Shaadiya Haaruun
9 Axmed Farxaan Xasan Hooyadiina la yidhaa Safiya Cabdi Digaale

Sagaalkaas qof ee reer Somaliland ee doonida ka badbaaday way nabadqabaan, waxanay imika ku sugan yihiin Caasimada Dalka Giriiga ee Athens.
Waxa Doonidan ku dhintay dad aad u tiro badan oo Somaliland u dhashay iyo kuwo aan u dhalan oo aan magacyadooda si rasmi ah weli loo helin balse ay Xukuumadu dedaal weyn ugu jirto in la helo, kuna hawlan yahay Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo hada ku sugan Giriiga.
13012653_10208643721284313_4355252332406333966_n

13029680_10208643743684873_5843697194846754274_o

13041295_10208643681003306_2387396556014690336_o

13063292_10208643736444692_466566112232203543_o

13063448_10208643688363490_7685028063332524128_o

13076785_10208643708363990_5436267032987299019_n
Wa-Bilaahi Tawfiiq