Angel Di Maria oo dhaawac ku seegi kara kulanka Arsenal ee Champions League

0
396

waaxa qore yaasir yare

Wararka ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegaya in Angel Di Maria uu seegi karo kulanka kooxdiisu ay u safri doonto Arsenal Champions League.

Laacibka ayaa ku dhaawacmay kulan kooxdiisu ay caawa 2-0 uga adkaatay kooxda Nantes ee horyaalka faransiiska, wuxuuna ahaa dhaliyihii goolka hore ee kooxda PSG.

Laakiin Angel Di Maria ayaan nasiib u helin inuu dhamaysto qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii dhaawac dhanka muruqa ah uu uga baxay garoonka.