ANIGA IYO BOQORADII HAWEENKA Qoraa: Ibraahim Maxamed Kaahin( Ibraahim DHuxul)

0
960

ANIGA IYO BOQORADII HAWEENKA

Waa hilaad ku beegan, muddooyinkii aan aadka u yaraa, magaaladdu waa “Ceel-goonni” ama se gobolka “tog-dheer”
boqoradda haweenku, waxa aanu ku soo wadda kornay isku guri iyo weliba isku qol.
Boqorada haweenku waa shakhsiga qudhiya ee aan noloshayda ugu jecelahay, qaadirka I uumay ayaan ku dhaartee! haddii laygu odhan lahaa iyada iyo adiga, kiinee ayaad jeclaan lahayd inuu noolaado , midkiinna kalana la khaarajiyo, waxaan dooran lahaa aniga, waa mida aan ugu jecelahay dumarka dhamaantood.
Boqoraddan aan aadka u jecelahay, waa qofkii dunnida I keentay, waa shakhsiga iska leh mulkiyadaydda ilaahay sokadii. Ruuxaasi waa hooyadday qaali oo loogu yeedho “maama! Safiya Ibraahin Cabdi”
Mawluhu labada daroodba ha ciseeyo’e.
Waxaan aad u xasuusta berrigii aanu aadka u yar-yaryn, ayaa hooyadadday ama boqoradda i dhashay waxa ay naggu odhan jirtay marka ay ciidduu soo dhawaadaan, ee aanay weli dharkii ciidda noo iibin, “hooyo! Iska sugga diyaarad ayaa soo guuxaysee, hhh” iyadoo arinkaa nagu maaweelinaysa, markaasaa rabbi run ka dhigi jiray, oo maalmo yar kadib, dharkii ciidka naloogu iiibin jiray.

waxaa arinkii ka soo wareegay, dhowr iyo tobban sannadood, maanta boqoradda I dhashay, waxa ay ku nooshay burco, anna waxa aan ku noolahay hargaysa oo aan ka shaqaysto, waxna ka barto.
Markaa maalin dhawayd ayaan garaacay oo ciidkii soo dhawaa, ramaddaantiina ahayd maalintii 27aad, misaan ku idhi: “hooyo miyaanay diyaaradii soo guuxayn” kadib inta ay qosol u dhacday, ayay igu tidhi:“Hooyo berrigii waa yar-yaraydeen, ee iminka idinkaa xoog ah, oo shaqaysanaayee….hhhh”
macnaa iyadoo uga jeeda yaraantii ayay diyaaradu ahayd, ee iminka idinkaa booskeedii ku jira.

Hooyadday waa saaxiibka koobbaad ee noloshayda, walaahi waxaanu u sheekaysannaa sidii laba qof oo saaxiibo ah, markaanu isu nimaadno. Taasi waa dabciga iyo dareenkasan ee ay hooyadday igu soo korisay.
Waxaannan jecelahay inaan ka farxiyo, markasta iyo meelkastaba, weligayna ma diidin arin ay iga dalbatay samayntiisa.
Abbahay “Maxamed Kaahin” eebe godka ha u nuuree, waxa uu dhintay sanadkii 2002-dii.
Taasi waxa ay sababtay in boqorada I dhashay, ay tahay hooyadday iyo Aabbahay labaddaba.

Waxaan haddalkayga ku soo gunnaanadayaa, qayb kamid ah.
gabaygii hadraawi ee ahaa,” hooyooy la’aantaa “
“Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligay hoygaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon”
Qoraa: Ibraahim Maxamed Kaahin( Ibraahim DHuxul)
dribraahimm@gmail.com