“Anigu Qabyaaladda Ma Aaminsani, Haddaan U Arko Walaalkay Inaanu Waddanka Wadayna Waan Ka Leexanayaa,” Maxamed Biixi Yoonis

0
781

“Anigu Qabyaaladda Ma Aaminsani, Haddaan U Arko Walaalkay Inaanu Waddanka Wadayna Waan Ka Leexanayaa,” Maxamed Biixi Yoonis

Maxamed Biixi Oo U Jawaabay Muuse Biixi
Hargeysa(Warsugan) Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii hore ee arrimaha dibada xukumadda Kulmiye, haddana ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa ka jawaabay eedo uga yimid musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu sheegay inaanay dhalliil noqon Karin dad shaqaystay, kadib markii musharaxa Kulmiye sheegay in siyaasiyiintii xukumadda Kulmiye ka tagay ahaayeen kuwo hay’addo shisheeye iyo shirkaddo maxalli ah u shaqayn jiray ka hor xukumadda, sidaasi darteedna aanay Kulmiye ahayn.

Maxamed Biixi oo shalay u waramay telefishanka Horn Cable, waxa uu sheegay in Kulmiye uu kaga yimid afduub ku dhacay tartankii musharaxnimada, islamarkaana laga tallaabsaday dimuqraadiyadda laakiin, guddoomiye Cirro ay ku raaceen hannaan dimuqraadiyadeed iyo inuu miiska soo saaray in lala tartamo, islamarkaana uu kuraasta badh ka kacayo.

Geesta kalena Maxamed Biixi oo ay isku beel ka soo jeedaan Muuse Biixi, ayaa ku dooday inaanu marna reernimo ku taageeri doonin “Waxaan anigu aaminsanahay in Waddanku ka gudbo qabyaaladda iyo beelaha mana aaminsani. Haddii, walaalkay rumo oo ila dhashay aanan ku qanacsanayn inuu kii wadadi karayay yahay, waan ka leexanayaa, markaa qabyaaladda in dadka lagu kala doorto ma aaminsani,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Maxamed Biixi wuxuu sheegay in markii madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wasiirka aanu ku qanacsanayn, balse uu hammigiisu ahaa heer madaxweyne si uu aqoontiisa caalamka uga faa’iideeyo Jamhuuriyadda Somaliland.waxa uu dhalliilay habka hadda xukumaddu ula macaamisho beesha caalamka, isagoo duray mudaharaadkii bulshadu ku taageertay go’aankii Madaxweynaha Somaliland ku kala qaaday doorashada ee beesha caalamkana lagu dhalliilayay. Waxa uu sheegay in arrimo badan kaga xidhan yihiin Somaliland beesha caalamka, sidaas awgeedna la rabo in wixii laga tirsado si asluub leh loogu gudbiyo.

Ugu dambeyna wuxuu difaacay awooda siyaasiyiintii xukumadda Kulmiye ka baxay ku biirin karaan xisbiga ay galeen ee Kulmiye.Waxa uu ku dooday in la arki doono umadda oo ku soo qulqulaysa Waddani, islamarkaana awooddoodu muuqan doonto xilliga doorashada.Waxa uu sheegay in aasaaseyaashii Kulmiye oo Xuseen Axmed Caydiid ka mid yahay iyo guddoomiye xigeennadii wehelinayeen, sidaasna lagu xaqiiqsan karo awooddooda ay Kulmiye ku lahaayeen.

Xigasho Wargeyska Warsugan
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office