“Anigu Waxaan Qabaa Inaanu Ugu Haboonahay Inaanu Dalka Hogaamino Laakiin Siyaasiyiin Aan Waxba Wadi Karayn Baa Na Inqilaabay…”Boqor Buurmadow

0
493

“Anigu Waxaan Qabaa Inaanu Ugu Haboonahay Inaanu Dalka Hogaamino Laakiin Siyaasiyiin Aan Waxba Wadi Karayn Baa Na Inqilaabay…”Boqor Buurmadow

Hargeysa(Ramaas)August-31-2015- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland, ayaa afka ka dhawray loolanka u dhexeeya Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu labadoodaba u yahay madax dhaqameed.

Wasiir Xirsi iyo Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa muddooyinkii u dambeeyay la dareemay loolan ka dhex jiro oo ay ku kala jiidanayaan Beesha ay ka soo jeedaan, mid walbana u xusul duuban yahay sidii uu u noqon lahaa ka hela kalsoonida beesha, si ay ugu sahlanaato loolanka ay ugu jiraan hogaanka Xisbiga Kulmiye. Labada masuul oo aan wali hankooda caddayn ayaa la sheegay inay u ordayaan Musharax nimada amma guddoomiyaha Kulmiye.

Boqor Buurmadow oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa loolankaasi ku dooday inaanu war ka hayn “Labada nin ba Oday baan u ahay, odayga(Madaxweynaha) ayay la shaqeeyaan, Odayga ayay gacan yarihiisa yihiin, afka beesha midkoodna kuma hadlo, afka beesha dhaqanka oo anaga ah baa ku hadalna, wax khilaaf ah labadooda dhex yaalana anigu ma ogi, loolan madaxweynaha ay la shaqeeyaan ay loolamayaana ma ogi,” ayuu yidhi Boqor Buudmadow.

Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii loolankaasi jiray aanay u kala eexan doonin balse ay sixi doonaan “Haddii maanta iyaga dhib ka dhex jirtana, labaduba waa innamadayadii umana kala hiilin karno, anagayna noo taal inaanu saxno, mana ogi hadda wax khilaaf ah oo iyaga dhex yaala,” ayuu yidhi Boqorku.

Hogaaminta Dalka

Boqor Buurmadow, ayaa ku dooday inuu rumaysan yahay in hogaanka dhaqanku dalka hogaamiyo “Anigu waxaan qabaa in madaxda dhaqanku ugu haboon tahay inay dalka hogaamiso. Waxaanu qabnaa inaanu nahay rag dalka hore u hogaamin jiray oo ingiriis wax la qortay oo la inqilaabay oo innamo yaryar oo siyaasiyiin ah oo aan waxba wadi Karin inqilaabeen”, ayuu yidhi Boqorku.

Isagoo sii hadlaya waxa uu sheegay in madaxda dhaqanku yihiin kuwa ruuxiga ah ee bulshadu ixtiraamto”Waxaanu qabnaa inaanu nahay hogaanka ruuxiga ah ee talada wax ku leh ee bulshadu ixtiraamto laakiin, hadalka odhanaya siyaasadda ma soo gali karaan waa afka siyaasiga. Caalamkii wuu ilbaxay, dadkayagii waxay joogaan shanta qaaradood ee aduunka, geedkii miyiga ku hadhi maynee dadkayga ayaanu daba soconaa, teknoolajiyadda ayaanu la soconaa, horumarka ayaanu la soconaa,”ayuu yidhi Boqor Buurmadow

warsuganews

warsuganmedia@gail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here