Antonio Conte SHALAY iyo MAANTA

0
604

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa nin kale u muuqda marka lala bar-bardhigo markii uu kubbada ciyaari jiray sida ay daaha ka rogayaan sawiro la helay.

Sawir laga soo helay tababaraha reer Talyaani mar uu u ciyaarayay Juventus kal ciyaareedkii 1994/5 iyo 1995/6 ayaa muujinaya inuu lahaa bidaar si wayn u muuqata.

47-jirka ayaa markii uu ciyaaraha ka fariistay kaddib maray saddex qaliin oo tinta loogu abuurayo ka hor inta uusan ku soo biirin shaqada tababarka.

Conte ayaa u duulay magaalada Vancouver ee dalka Canada si uu bidaarta isaga soo qariyo kaddib labo jeer oo guul darreysatay uu ku maray dalkiisa hooyo ee Talyaaniga.

Yeelkeede, Chelsea ayaa iminka rajaynaysa in sidii uu Conte u xaliyay bidaartiisa oo kale uu u xaliyo dhibaatooyinka kooxda.