Aqoonyahan Cabdicasiis Siciid Saalax Oo ka Mida Dhalinyarada Somaliland ayaa Maanta shaacay ka qaaday in uu u sharaxan yahay xilka Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo

0
423

Aqoonyahan Cabdicasiis Siciid Saalax Oo ka Mida Dhalinyarada Somaliland ayaa Maanta shaacay ka qaaday in uu u sharaxan yahay xilka Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo.

Berbera(WSN)Cabdicasiis Oo Maanta saxaafada Kula hadlay magaalada Hargeysa Waxa uu sheegay in uu rabo sii amba qaadka hayaankii dheeraa ee ay Soo wadeen hogaankii isaga dambeeyay Dallada Sonyo, kuwaas oo meel Fiican Soo Gaadhsiiyay. Maantana laga sii amba qaadi karo.
“Maanta waxan raba in aan Dhalinyarada Iyo shacabka Somaliland u sheego in aan u taaganahay Xilka Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo waxanan balan qaadaya in aan halkii ka Sii wadi Doono dedaalkii dheeraa ee ay soo wadeen Madaxdii Kala duwanayd ee soo martay Dallada Sonyo. OO Soo gaadhsiiyay Meel Fiican, ana waxan gaadhsiin doonaa halka la beegsanaayo in dhalinyaradu gaadho isla markaana waxan diyaarinay qorshe dhamystiran iyo hanaan lagu horumarinaayo Dhalinyarada ” ayuu yidhi Cabdicasiis Siciid Saalax
Aqoonyahan Cabdicasiis Siciid Saalax ayaa mudo badan ku Soo dhex jiray ururada Dhalinyarada isago Madax ka Soo noqday ururka YOVENCO Oo ka Dhisan Gobolka Saaxil Iyo ururo kale Oo ka shaqeeya arrimaha Bulshada
Shirweynaha dallada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ayaa la filaya in uu Hargeysa ka Furmo 27 December iyada Oo ergooyinkuna ka iman doonaan Gobolada Dalka