Aqoonyahan Fallan-qayn Ku Sameeyay Heshiisyadda Xukuumaddu gasho Iyo Hadalladii Wasiir Maxamuud Xaashi

0
419

Hargeysa :-Aqoonyahan Mustafe Ismaaciil Cabdi oo ka mida Dhalinyaradda Caasimadda Hargaysa, waxa uu si qoto-dheer uga hadlay Heshiisyadda ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo gasho, kuwaasoo uu si toggan u tilmaamay faa;iiddooyinka dal ahaan innoogu jira, isagoo qaab hogo-tusaalayn ah u dul istaagay arrimmo muhiimad wayn u leh qarankan curdinka ah.
Aqoonyahan Mustafe Ismaaciil Cabdi oo qoraal uu ka soo saaray magaalada Hargeysa soo gaadhsiiyey Warbaahinta Hadhwanaagnews, ayaa waxa uu lafo-gur iyo fallan-qayn ku sameeyay Heshiisyadda ay Xukuumaddu gasho iyo Hadalladii uu Wasiir Maxamuud Xaashi ka jeeddiyay dalka Sucuudiga.
Qoraalkaas oo dhammaystiran waxa uu dhignaa sidan:-

“Somalidu waxay ku Maahmaahdaa Si xun wax u Sheeg sixirka darane” Maalin ba maalinta ka Dambeysa waxaad Baraha bulshadu ku kulanto Iyo warbaahinta qaar Ku arkaysaa war togan ama taban oon haddana sal iyo raad toona lahayn oo laga Sheegaayo Madaxda Dawlada iyo Xisbiyada qaranka Somaliland. Waxa u dambeysay xafladii ay ku martiqaadeen Jaaliyada Somaliland ee Dalka Sucuudigu Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Mudane Maxamud Xashi Cabdi oo halkaa u Joogay hawlo cibaado , markuu la hadlaayey jaaliyada hadalkiisa waxa ka mid ahaa isagoofarriin u diraaya Madaxda Dawlada Somaliya inay Ixtiraamaan heshiiskii labada Madaxweyne kala saxeexdeen, isagoo Wasiirku u jeedda heshiiskii dalka Djibouti ay ku kala saxeexdeen labadda Madaxweyne, ayaa waxa Ummadda loogu dhigay ama loogu turjumay heshiiskaasi inuu yahay mid ummadda laga qarinayo oo Dekadda Iyo Madaarka Berbera ku saabsan oo dawladda Soomaaliya inoo saxeexday.
Heshiiska labada wadan kala saxeexdeen waxa ka mid ahaa qodobadan:-

Madaxweyne Dawlada Federalka Somalia Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dawladda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay ku kulmeen Magaaladda Djibouti 21/12/2014. Waxay labada madaxweyne isla garteen:

1- In la dardar-geliyo wada hadalada labada dhinac,isla markaana wakhti lagu jaan-gooyo.
2- labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasiga ah ee masiiriga ah lagu dhiirado,lana fuliyo arrimihii hore loogu heshiiyay oo ah
: A)-In layska dhawro wixii wada hadalada carqalad gelin kara.
B)-Inaan la siyaasadeyn deeqaha aadaminimada iyo mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiirigeliyo
. C)-In la fuliyo heshiiskii hawadda iyadoo farsamo lagu salaynayo wixii lagu heshiiyay.
Wasiir Maxamuud Xaashi qodobka uu lahaa dawlada Somaliya ha ixtiraato waa Qodobka 2aad farqadiisa B)-Inaan la siyaasadeyn deeqaha aadaminimada iyo mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiirigeliyo.

heshiiskiina waa kii u dambeeyey ee labada Madaxweyne kala saxeexdaan majiro heshiis kaas ka dambeeyey, Somaliya heshiiskan way jabiyeen waxaanu ka shaqeyn waayey dhinacooda.Safarkii ugu horeeyey ee madaxweyne Farmaajo uu ku tago dalka Sucuudiga waxa uu kala hadlay in la joojiyo heshiika Dekada iyo saldhiga military ee dawlada Emerate ku la gashay dawlada jamhuuriyada Somaliland hadaba miyaanay kaaf iyo kala dheeri ahayn , dawladaha Somaliya ee diidan humarka iyo xidhiidhka caalamigaa ee u soo kordhaya qaranka Somaliland markasta inaynu inagu noqono kuwii sida dadban ugu adeegayey ee rumaysanayey boro gobaandhada iyo beenta ay faafinayaan, bulshadeena daacada ah ee caadifada iyo hubsiimo la,aantuna daraska la noqotay loogu turjumayaa waxa heshiiska wada saxeexay Madaxweynii hore ee Somaliya Iyo Madaxweynaheena Mudane Axmed Maxamed Maxamoud siilanyo Mana jirto sabab aynu dawlada Somaliya ula saxeexano Heshiiska Dekada Iyo Madaarka Berbera, goormay Somaliya noqotay dawladii EMARITE ee heshiiku aynu la galnay.

umada waxa lagu ma jaro habaabinayaa daacadnimdooda awgeed ma Oga inaynu heshiis la gali karno dawladaha aynu danaha la leenahay ee xidhiidhka dublomaasiyadeed iyo midka Ganacsiba kala xaajoon karno inaga oo aan haysan aqoonsi sida xidhiidhkan Somliland iyo Emirateka waxaana inoo ogal Qawaaniinta caalimigaa sida (“ De Jure” ) and (“De facto States “) kuwaas oo dhigaya in wadamada aan ictiraafka lahayn la sameysan karaan Xidhiidh Ganacsi , dhaqaale , Nabadgalyo, Maalgashi , Iyo mid Dublomaasiyadeedba dawladaha qaramada midoobay kuraasta Iyo calanka ku leh.
Qodobkani waa ka Ethiopia, Kenya, Emerite-ka iyo dawlado kalaba kula xidhiidhno qaarkoodna safaarado inoogu ogolaadeen , hadaba kireynta Dekada Iyo Madaarkuna waa talaabo xaga horumarka loo qaaday, dadkana yaan lagu baqo galin Xuutiga ayaa ina soo weerarayee Umad iyo dalkastaaba danahooda ayey raacaan oo ilaashadaana danteena aynu ilaashano, faa,iido badan baana inoogu jirta , waxaynu ka helaynaa shaqo abuur iyo inay lacag adag wadanka soo galiyaan waxay inoo sahlaysaa inynu shirkado kale iyo wadamo kale xidhiidho la sameysano oo aynu aduunka ku xidhano sida wadanka yar ee Djibouti ee 7da dawladood wada joogaan ,dawladba dawladbay soo eegatay .Waxaan Bulshada iyo Xisbiyada qarankaba u soo jeedin lahaa inaynu dhaqankeenan imika ee Diidmada iyo ku jiqsiidan siyaasada wax ka badalno oo wixii danta ,dalka,dadka,diinta iyo qarankaba faa,iido u leh la taageero oon laga hor imanin , wixii se sixid u baahan la tilmaamo .Waa inaynu ka waantownaa kana kornaa dacaayadahan raqiiskaa ee cadawgeena ka farxinaya maalin kasta.

Muwaadin dhaqankeenu waa Diinta Islamka waanay xarimtay in meel lagaga dhaco cirdiga iyo Sharafta qofka Muslimkaa umana banaana Madax Iyo mijo toona in laga Sheego waxaan cadayn loo haynin, bulshadeena Maanta waxa dhaqan Iyo siyaasad ka noqotay Inaynu faafino Beenta ,ribaynta,Wanjalaad Iyo si Xun wax u sheega . Wax yaabaaha ugu weyn ee dhiirigaliyaan waxa kamida xisbiyada qaranka oo looga baahan yahay Barnaamij Siyaasadeed bisil oo lagu taageero inay bulshada ka iibiyaan dadka ku xidhan ee afkaartooda kala taageerana ka waaniyaan wixii dawladnimadeena , qaranimada iyo dadnimadeenaba wax u dhimaya
Mustafa Ismail Abdi
(IR& Diplomacy MA Candidate)